oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
War deg deg: Shabaab oo goor dhow lagala wareegay Beledxaawo
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Kudos to the Somali National Army Forces.... Yes indeed -
War deg deg: Shabaab oo goor dhow lagala wareegay Beledxaawo
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Wasiirada Gaashaandhigga, Arrimaha iyo warfaafinta oo ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyey ee Muqdisho iyo la wareegidii gacan ku heynta B/xaawo 05.03.2011--------Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud X. Fiqi, Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane Cabdishakuur Sheekh Xasan Faarax iyo Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane C/kariim Xasan Jaamac ayaa saaka shir jaraa’id warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho iyagoo faah faahin ka bixiyay dagaalkii ay dowladdu kula wareegtay gacan ku heynta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo iyo sidoo kale dagaalada ka soconaya qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho. Ra’iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga ayaa xaqiijiayay in dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliya ay saaka si toos ah ula wareegtay gacan ku heynta magaalada Beledxaawo ee gobolka Gedo halkaasoo todobaadyadii ugu dambeeyey ay ka soconayeen dagaalo u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa kooxda khawaarijta Shabaab “Ciidamada xooga dalku waxay saaka si rasmi ah ula wareegeen gacan ku heynta degmada Beledxaawo, dibna ugama laaban doonaan shacabka degaanadaasina waxaan ugu baaqeynaa inay taageeraan ciidamada dowladda” ayuu yiri Mr. Fiqi. Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Amniga Qaranka oo isna xaqiijiayay la wareegida magaaladan Istaraatiijiga ah ayaa sheegay in ay sida ugu dhaqsaha badan ugu sameyn doonto dowladdu maamul si loo xakameeyo amniga kala dambeynta iyo sharciga degmadasai “Dowladdu waxay ku talo jirtaa inay si deg deg ah maamul ugu dhisto gobolkaasi si loo helo amni iyo kala dambeyn” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Guduhu. Wasiirka Warfaafinta Boostada iyo Isgaarsiinta oo isna ka hadlay shirkan jaraa’id ayaa sheegay in saaka ay dagaalo xoogani ka dhaceen nawaaxiga Wasaaradii hore ee Gaashaandhigga kadib markii ay weeraro soo qaadeen kooxda khawaraajta ee Shabaab isagoo tilmaamay inay u adeegsadeen weerarkooda gaadiid Qaraxyo sida oo ay wadaan niman naftooda haligay (Is Qarxiyay), wuxuuna tilmaamay in aysan wax qasaaro ah ka soo gaarin ciidamada dowladda iyo kuwa kaabaya ee AMISOM ayna bartilmaameedkooda ku fashilmeen. “Ciidamadu wey ka feejignaayeen falalkaasi guracan ee is qarxinta ah sababtoo ah kooxdan waa caadadooda in marka laga itaal roonaado ay qaraxyo soo abaabulaan oo ay shacabka cadaadiyaan, waxaana idiin xaqiijinayaa in labo gaari oo ay ka soo buuxiyeen Miinooyin iyo walxaha qarxa ay ku guuldareysteen inay ku waxyeeleeyaan ciidamada dowladda saldhigyadooda ku yaala nawaaxiga Gaashaandhigga” ayuu yiri wasiirka oo xusay in qaraxyada kadib ay dagaalo naf la caari ah soo qaadeen, taasoo ciidamada dowladdu u babac dhigeen. Sidoo kale, wuxuu sheegay wasiirku in ciidanka dowladdu ay saaka horay ugu durgeen degaanka dayniile iyo aagag cusub oo dhanka Wasaaradii gaashaandhigga ah, isagoo tilmaamay in arrintani ay ka dambeyso baaqa ka soo baxaya bulshada rayidka, odayaasha dhaqanka, salaadiinta, culimada, haweenka iyo dhalinyarada ee ay ku dalbanayaan in dowladdu sii labo jibaarto howlgalada ay nabada ku soo celineyso. Dhanka kale, wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay fal ay saaka khawaarijta Shabaabku dadweynaha u shaqo taga suuqa Bakaaraha kaga hor istaageen inay galaan suuqa kadib markii kumanaan shacab ah oo ka galayay suuqa Bakaaro dhanka wadada Sayidka ay jidgooyo u dhigeen dibna uga celiyeen, taasoo uu sheegay in dowladdu isku dayeyso inay shacabka u furto waddooyin kale oo ay horay u xanibtay koodan -
War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda iyo kuwa CUlumaa'udiinka Ahlusuna ay daqiiqado ka hor la wareegeen degmada Beledxaawo oo saaka dagaalo culus ay ka qarxeen, kadib markii dhowr jiho ay degmadaas ka weerareen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Culumaa'udiinka Ahlusuna. Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa jira saameyn xoog leh oo labada dhinacba ka soo gaaray dagaalka, waxaana la sheegayaa inay jirto dhimashada ilaa tobaneeyo ruux oo labada dhinacba ah. Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka hada la isagala baxay degmada oo Shababka ay u muuqdaan kuwo ka sii baxaya, waxaana saaka lagu arkay degmada Ciidamo aad u fara badan oo ka duwan kuwii maalmihii hore weerarada fashilmay ku soo qaaday. Saraakiil ka tirsan Ciidamada Dowladda iyo Xildhibaan ayaa ku sugan degmada, iyadoo mar aan isku daynay inaan xiriir la sameyno ay inoo sheegeen in dib saxaafada ugu warbixin doonaan, ilaa dagaalka ay ka soo afjaraan, iyagoo sheegay hada howl galkooda uu gabo gabo u marayo. Warar qaar ayaa sheegaya in dagaalka saaka ay dhinaca lugta ay kaga soo biireen Ciidamo Itoobiyaan ah oo xalay ka soo dhaqaaqay deegaanka Doolow, kuwaasoo dagaaladii maalmihii la soo dhaafay ay dhanka Madaafiicda iyo saadka Ciidamada ay kaga qeyb qaadanayeen. Inkastoo maalmihii la soo dhaafay Shabaab ay aad ugu fara adkaadeen gacan ku heynta degmada Beledxaawo, ayaa hadana saaka waxaa muuqata in awood ka xoog badan ay soo galeen degmada, kuwaasoo dhowr jiho ka soo galay, iyadoo ciidamada ay yihiin kuwii ugu faraha badnaa oo labada dhinacba isugu jira Soomaali iyo Itoobiyaan. Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Ahlusuna aya dagaaladii maalmihii la soo dhaafay aanay ugu suura gelin inay la wareegaan degmada Beledxaawo,kadib markii iska caabino iyo difaac xoog leh ay kala kulmeen Shabaab la soco wixii ku soo kordha daqiiqad kasta.
-
^^ Well Said bro
-
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Habaaray Al-Shabaab
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ Okey brother sorry. -
Maaddeey;699545 wrote: ^^Maxaa iga ogtahay Bilaneey! Oba, Qaraabo beel Ramadaantii waa la guuleystay, aaway kii lahaa Abu Mansuur aa dhaawacmay, waxaasoo kale ha noola imaanin sxb!. Haye ii waaad sheekada madaxtoyada iyo airportka ma qabsadeen Mujaahidiintu?
-
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Habaaray Al-Shabaab
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ Igaarkaan caliyaale ku washtee xow ahaa waaba yaabye maraxyahow geber reer caliyaale ku diida uu maleyhaayaa -
Maaddeey;699536 wrote: Read: Arreey, waa gacan galnay biriga LOL, Riya ku jirto ninyahow Jabkii ramadaanka lee ay noqohee oo 2000 oo reer Bay iyo bakool ku nafwaayeen, war badbaadi qaraabada ninyahow
-
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Habaaray Al-Shabaab
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
-
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Habaaray Al-Shabaab
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ Correction Imaamka beesha ****, -
Abow abow Ciyaalkaan waala xasuuqi doonaye war waalidkooda mee?
-
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Habaaray Al-Shabaab
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ Isku xishoow waryaa, Oday Soomaliyed oo aad lo qadariyo ayaad maanta uu geftey. -
Alshabaab Leader Amiir Abu subeyr sends a message to Burundi.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Maaddeey;699389 wrote: Oba, runta iska sheeg ma Soomaali la soo tababaray baa Shabaab 10'ka gobol ay heystaan ka burinaayo? Nacam, Adigana runta iska sheeg howlgalkii warshadaha kawaran?? -
Alshabaab Leader Amiir Abu subeyr sends a message to Burundi.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
looooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool XX, 2009kii Maxey uu imaaden Culimadda Musaalaxada Muqdisho,gude iyo dibedba? sow in la xaliyo maheyn oo Al shabaab iyo dowladda la hesiiiyo oo waliba Xassan dahir walaalkii Axmed dahir uu ingiriiska ka yimid, sow shabaabku ma diidin oo ma dhihino Murtadiin ba tihiin, sharuud eh Amisom ha baxaan kedib waan heshiineyna mala imaaden? mise ???? Waliba Qorshihii 100ka maalmod kuma jirino in kow wadahadal la isku dayo miney socon weyde, Guluf dagaal ayaa lagu qaada??? Hadaba ciidamo la dagaasho shabaab wey jiraane ee ma ogsoonido in sheikh shariif step 1 ka bilaabay 2000 ciidamo ayuu heystay from the start in january 2009 alxamdulilahi maanta ciidamada xooga dalka 17 000 ayeey gaaraayan marka you can see that the process uu wali socdo guulaha la gaaray waad aragtay howlgallki markii la qaadayey walibana kaasi dagaalka runta ma aheyn. -
Alshabaab Leader Amiir Abu subeyr sends a message to Burundi.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
What im sayin is who are you to say that it is entitled to defend the country from AMISOM when u guys even couldn't defend ur people from a discusting porn director.. Sheikh shariif was willing to compromise with Al shabaab since he became president, marka the only solution is to kick out the khawarijis from Somalia.. Who said that Amisom will back up the government forever, the TFG is training thousands of soldiers in Uganda and Djibouti marka amisom will not be in somalia forever, it's just a short-term measure... -
It looks like the officers is his body guards...
-
Alshabaab Leader Amiir Abu subeyr sends a message to Burundi.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaaji xunjuf iyo Ina jaad, Al shabaab ina ka hadashiin inaad iska dhaaftiin ayaa roon since u couldn't even defend ur country from a dirty porn director, The worst thing is that u sent him home without ciqaab and you' guys are disscussing about Amisom..... -
Alshabaab Leader Amiir Abu subeyr sends a message to Burundi.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Xaaji Xunjuf;699336 wrote: Oba saaxibow isn't Marka peaceful isn't baraawe peaceful isn't baydhabo and jawhar peaceful and kismayo and afmadow are also peaceful come on man give credit where it's due. U crazy walahi, Inaad Jawhar iyo aadid walle waaku fiicneyd waagu waa kugu baryi laheyd.................. -
Alshabaab Leader Amiir Abu subeyr sends a message to Burundi.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Amiir Godane he is doing just what all these politicians want which is peace and stability Yeah right ..................................................................................... -
Imaam Maxamuud Imaam Cumar oo Habaaray Al-Shabaab
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
http://jowhar.com/news.php?readmore=264 -
Imaamka Beelaha **** Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa habaaray Xarakada Al-Shabaab, isagoo si kulul u weeraray hab dhaqankooda ku aadan siyaasada dalka, wuxuuna ku tilmaamay kuwo aan soo marin taariikhda Soomaaliya. "Walax la arag iyo walax la maqal waaye Shabaab, 90-jirna ka weyn, wixii ka hooseeya, marka nimankaas dhibaatada dalka ay ku dhigeen waligeed nama soo marin"ayuu si kulul u yiri Imaam Maxamuud. Imaamka ayaa sheegay in waligiis uusan wax ka sheegin Shabaab, balse ay hada damqisay dhibaatada ay dalka ku hayaan, sida uu hadalka u dhigay. "Aniga waligee wax kama sheegin nimankaas, laakiin sida muuqata dalka iyo dadka waa baabi'iyeen, waxan leeyahay Ilaahey godkii ay ka soo baxeen haku celiyo"ayuu sii raaciyay Imaam Maxamuud Imaam Cumar. Imaamka ayaa si weyn looga qadariyaa bulshada soomaliyed dhexdeeda, iyadoo waayihii hore uu dhexda u xeran jiray xalinta colaado beeleedyadii dalka ka jira, isagoo ka qeyb qaatay nabadeyn dhowr jeer loo dhex dhigay beelo walaalo ah. Laakiin Imaamka ayaa horay baaq nabadeed u diray dhinacyada ka soo horjeeda Dowladda, kuwaasoo aan dheg jalaq u siin, hase ahaatee hadalkan kulul ee ka soo yeeray ayaa u muuqda mid ka dambeeyay markii dhowr jeer uu baaqyo u jeediyay Kooxaha Dowladda ka soo horjeeda oo ay ku gacan seyreen.
-
Tankale qurbo joog ma xalin karaan dhibaatada heysataa Somalia, bal gudaha ha imaadan kow..
-
^^^walaalkay wax badan in lays waydiiyo waaye aniga kuma degdegin su'aalo badan ayaan is weydiiye, Madaxweyne shariif Agoosto ay uu dhamaaheesa, kuwaana xisbi uu halgami doono madaxtinimada ay uu egyihiin, Ya dooranaaya? Ileen waxaanu ognahay xataa Barlaamanka ineysan ictirafsaneyn, tan labaad agoosto hadii ragaan la doorto Amisom way baxeeysa aan is leeyahay maadama ay aad uuga so horjeedan, marka Amisom mugeey baxdo Amaanka yaa sugaaya ileen waxa waa process dheer inciidamoxoogan la tababaro waa long-term,, Hargeysa iney caasimada noqoto ma suurtagala ileen ninka proffesor hebelow Samatar ayaa rabo arinkaas oo markasta ku hadlaa.. Ileen Shariif waad ogeydeen shalay, 4.5 ma rabin, Barlamaan 550 mp:s ma rabin, waxaasi dhan international community ayaa ku rakaateynaye, hadii kuwaan Hiil qaran ku guuleystaan doorashada waxaa xaqiiqa ah iney halkii ragga kale ee ka horeeye ay mari doonan ileen they are depended by the international community..
-
Ha la yaabina igaarka Laas caanood wixii ka hooseya dhan Xamar uu mooda lol
-
Popular Contributors