oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Sheikh Xassan Dahir: 'Dagaallada waan wedeynaa inta AMISOM joogto!!.
oba hiloowlow replied to Maaddeey's topic in Politics
^^ Yeah waa runtaa Fuad shongole ilmahiisa sweden ay ku dhasheen hadana Malaysiya ay joogaan.... Cali maxaa xuseen ciyaalkiisa Nairobi ay joogan.. Kaba ku dukade iyagana ciyaalkiisa Egypt aan ku ogaa.. ilmo islaameedna aaqiro ay uu diraayaan, balo idin aragto -
War fiican waaye Guuul, Next Baardheere ,bay & Bakool, Iyo Jubboyinka...
-
^^^Nebi Muxammad sallalahu calayhi wa sallam wuxuu ahaa Nebiga ugu fadliga badnaa sababta lo xusaayo waa taasi... Dadka diidan Mowliidka, ayaaba la yaabanahay... I agree with Naxar waxkasta bidco yaan layska dhihin...
-
Shariif oo kala eryay taliyaasha ciidamada fashil dartiis!!
oba hiloowlow replied to Maaddeey's topic in Politics
^^ And Ceelwaaq -
War deg deg: Shabaab oo goor dhow lagala wareegay Beledxaawo
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Dowladda Soomaaliya oo la-wareegtay gacan ku heynta degmada Luuq Dowladda kmg ee Soomaaliya ayaa xaqiijisay gacan ku heynta degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo ay kala wareegtay maamulka Xarakada Al Shabaab ee gobolada koonfureed. Ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda Ahlu Sunnah Wal Jameeca ayaa waxay si buuxda ay ula wareegeen degmada Luuq ee gobolka Gedo, kadib markii ay degmada kasoo kala galleen dhawr jihood. Maamulkii Xarakada Al Shabaab ee degmada Luuq ayaa si nabad gelyo leh degmada uga baxay, iyadoo aysan dhicin wax dagaalo ah amaba wax rasaas ah oo ay laba dhinac dhinac isku rideen. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadda dowladda iyo kuwa Ahlu Sunnah ay maanta la-wareegeen guud ahaan gacan ku heynta degmada Luuq ee gobolka Gedo, iyadoo saraakiisha dowladdu ay sheegeen inay sii soocn doonaan. Xildhibaan Maxamuud Sayid Aadan oo kamid ah xubnaha baarlamaanka ee dowladda Somaliya oo warbaahinta la-hadlay ayaa tibaaxay inay xaqiijiyeen gacan ku heynta degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo intaasi ku daray inaysan dhicin wax dagaalo ah. Sidoo kale wuxuu sheegay inay sii socon doonaan oo ay gacanta ku wada dhigi doonaan guud ahaan gobolada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, isla-markaana wuxuu sheegay in uu jabay waxa uu ugu yeeray Cadowga Ummada Soomaaliyeed. Dhinaca kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab oo ku aadan, sababaha ay uga baxday degmada Luuq ee gobolka Gedo, hase ahaatee saacadaha soo socda ayaa waxaa la-fillaayaa in’ay ka hadli doonto. Wixii warar ah ee kusoo kordha xaaladda degmada Luuq ee gobolka Gedo kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI idmo. -
LOL waa sheekadii maxkamadaha 2006,
-
Jacaylbaro;700006 wrote: aaar anba cid i waraysataan waayaye markaan intaa leekaa baan mid jeclaaday ,,, :D
-
Xiisado dagaal oo ka taagan Luuq iyo Garbahaareey
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Waxaa caawa aad u kacsan xaaladdad degmada Luuq ee gobolka Gedo, taasoo ka dambeysay kadib markii ay duulaano saf balaaran leh ay kusoo yihiin ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda Dhaq dhaqaaqa ee Ahlu Sunnah. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadda dowaldda Soomaaliya iyo ciidamadda Ahlu Sunnah ay weeraro qorsheysan kusoo yihiin degmada Luuq ee gobolka Gedo, isla-markaana qorshaha dowladda ayaa wuxuu yahay sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd degmada Luuq. Wararka qaar ayaa sheegaaya in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay kaabiga u saaran yihiin degmada Luuq ee gobolka Banaadir, sida uu Shabakadda Dhacdo.com uu u sheegay Axmed Maxamuud Aadan oo kamid ah dadka ku dhaqan degmada Luuq ee gobolka Gedo. Axmed Maxamuud ayaa inoo sheegay in’ay caawa aad u kacsan tahay xaaladda degmada Luuq ee gobolka Gedo, isagoo intaasi ku daray in shacabka ay bilaabeen barakac baahsan oo ay ka wadaan qeybaha kala duwan ee degmadaasi. Sidoo kale wuxuu inoo sheegay in ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay caawa daafacyo adag ay ka qoteen degmada Luuq, isla-markaana waxay doonayaan buu yiri in’ay daafacdaan gacan ku heynta degmada, isagoo intaasi ku daray in saacad kasta la-fillan karaayo dagaalo aad u culus. Dhanka kale majirto wax war ah oo kasoo kala baxay dowladda Soomaaliya, Ahlu Sunnah iyo Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee Raa’isal Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in dagaalada ay sii socon doonaan, ilaa buu yiri aanu Shabaab shacabka oo kale ka dhigno. Iskusoo wada-duuboo xaaladda kacsan ee ka jirta degmada Luuq ee gobolka Gedo iyo duulaanada qorsheysan ay dowladdu kusoo tahay goobaha uu ka arrimiyo Shabaabka ayaa imaaneysa xilli in badan ay dowladdu sheegtay in Shabaabku loo-yaabi doono. www.dhacdo.com -
Wararka naga soo gaaro degmada Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maleeshiyo ka tirsan Al Shabaab ay maanta boobeen hoyga Imaamka Beelaha Mudulood uu ku yaalay Tuulada Cadaan-Gaabey oo ka tirsan Cadale. Imaam Maxamuud Imaam Cumar ayaa waxa la sheegay in gurigiisa laga qaatay wixi hanti ah oo taalay iyadoo la handaday caruurtiisa iyo qaar ka mid ah ehaldiisa oo ku sugnaa guriga, halka wararka qaar ay sheegayaan in laga watay halkaasi rag ku jiray guriga. Sida ay wararka ay sheegayaan Shabaab waxay halkaasi ka qaateen matooro iyo 3 baabuur oo laba ay yihiin Cabdi Bile, iyo sidoo kale qoryo nooca loo yaqaan Ak47 iyo alaabo kale oo ay qoyska isticmaalayeen. Imaam Maxamuud oo ah nin si weyn loogaga qadariyo koonfurta ayaa Jimcihi inkaaray Xarakada Al-Shabaab isaga oo ku baaqay in Dowladda KMG ay dalka ka saarto, isagoo ku eedeeyay inay dhibaato ku wado dalka iyo dadka Soomaaliyed. Habaarka Imaamka ayaa Shabaab si weyn uga caroodeen, iyadoo taasi bedelkeed ay maanta dhashay inay wixii hanti ka boobaan Hoyga uu ku lahaa deegaanka Cadaan-gaabey ee Gobolka Shabellaha Dhexe.
-
Xiisado dagaal oo ka taagan Luuq iyo Garbahaareey
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Inshallah Kheyr ayaa la maqli doona -
hadii la heley gobonimada lixaadka leh hadii la heley laydh caafimaadiyo doog waxa lumay oo liicay oo la waayay waa nacabkii bisheebaan ku ladnay bisheen liibaanay bishee baan libtii haleelnay 26 kii juun ku ladnay 1 luulyo liibaanay 21 oktober libtii haleelnay hadii la heley dadkoo wada lilaahiya hadii la heley tawrada loo riyaaqay waxa lumay oo liicay oo la waayay waa nacabkii bisheebaan ku ladnay bisheen liibaanay bishee baan libtii haleelnay 26 kii juun ku ladnay 1 luulyo liibaanay 21 oktober libtii haleelnay hadii la heley kuwa u lagdamay dhulka hadii la heley kuwaan cadow u loogahayn waxa lumay oo liicay oo la waayay waa nacabkii bisheebaan ku ladnay bisheen liibaanay bishee baan libtii haleelnay 26 kii juun ku ladnay 1 luulyo liibaanay 21 oktober libtii haleelnay
-
Murugoodayee aniga la murugoodayee Soomaalida is dileyso lagu maadsanaya la murugoodayee Ma xumeeye dalkeygi maxa heley dadkiisi diinti macaaneyd ma laga maarmayee Mowlow Ilaahow isku soo macee Mowlow Ilaahow maslaxa weyn u keenee Mowlow Ilaahow muraadkeyga yeelee Ma maleyninee aniga maka maleyninee lama walaala iney kala maqnaadan maka meleyninee Muran waa dhaca masiibo waa timaada mala sii xusuustee Mowla laga gala Mowlow Ilaahow isku soo macee Mowlow Ilaahow maslaxa weyn u keenee Mowlow Ilaahow muraadkeyga yeelee
-
Ta odayaasha ah, sxb again its empty accusations, waayo adigu wax cadayn ah uma haysid oo odayaashaas laftirkooda. Anigu waxaan wax ku xukumayaa waxay indhahaygu arkaan. Odayaashana khayr baan ku tuhmayaa, haday u malaynayaan inay Al-shabaab ummadooda halagayaan maynan soo raaci lahayn, dhimashaa uga fiican, markaa they know what the are doin Suspicions kulaha Anaaba kasaaye qaarkood, nabadoonada caanka ee beesheyda waaye.
-
^^^As u know Sheikh cumar Faaruq and Sh shariif cabdinuur fatwo ka dhan shabaab ayka so saaren in Mecka 2 years ago.................................
-
laakiin aniga bal cadayn ii keen al shabaab oo isku qarxiyey arday soomaali ah? Qaraxii Shaamow remember?? Ninkii is qarxiyay Denmark ayuu ka yimid... Evidence badan aa taal lama so koobi karo.. Tan kale Odayasha aad arkeysid waa odayashii laga qafaalanayay Degmada Jawhar waana lagu xumeeyna maadama ay diiden iney keenan Ciidamo beeshooda.
-
Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo caawa ku hoyanaya Villa Baydhabo Iyo dhaqdhaqyo oo caawa ka soconaaya gobolo farabadan..
-
Byeeeee Shabaaaab
-
http://blip.tv/file/4844108/" frameborder="0" allowfullscreen> Wiil yar oo Jacayl Haayo
-
War deg deg: Shabaab oo goor dhow lagala wareegay Beledxaawo
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Haa jiirow waa runtaada, ee bal aan jihaadka ka qeybgalno oo shacabka wax la qixiyo, wax la dilo iyo wax la dhaawaco aan ka dhigno wixii fayow neh aan gaaleysiino, saasey dani inooga jirtaaye. -
War deg deg: Shabaab oo goor dhow lagala wareegay Beledxaawo
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
polanyi,Adeer calaacaalka naga yaree bo -
War deg deg: Shabaab oo goor dhow lagala wareegay Beledxaawo
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ Correction Ciidanka xooga dalka iyo ciidamada culima'udiinka Ahlu Sunnah Wal jameeca ayaa qabsaday Beled xaawo hadana waxey uu jeesteen Luuq,Garbahareey iyo Ceel Waaq...
-
Popular Contributors