oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Baladxaawo: (Sh. M. Network) Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegtay inay ku wajahantahay degmooyinka Garbahaareey, Baardheere iyo guud ahaan gobolada Juubooyinka oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Mujaahidinita Al Shabaab. Afhayeenka Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo Axmed Max’uud Cabdi Carab oo la hadlayay Idaacadda Shabelle ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda ay ku wajahanyihiin gobolada Jubooyinka oo ay ka taliyaan Al Shabaab. Afhayeenka ayaa waxaa uu tilmaamay inay wadaan qorshooyin dagaal oo ku wajahan Al Shabaab Islamarrkaana haatan ay meel wanaagsan marayaan, waxaana uu intaasi ku daray in goordhow ay la wareegayaan degmooyinka Garbahaareey iyo Baardheere iyo guud ahaan gobolada Jubooyinka, waxaana uu sheegay in ciidamada dowladda ay diyaar u yihiin dagaal ka dhan ah Xarakada Al Shabaab. Ciidamadaani ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceel-waaq ayaa dhowaan waxaa ay tababaro kusoo qaateen degaanka Siyeeloow oo ka tirsan dalka Kenya, waxaana dagaal ay la galeen Xarakada Al Shabaab u suuro gashay inay kala wareegaan gacnta ku haynta degmada Ceel-waaq ee gobolka Gedo. Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
  2. Dagaalo ayaa waabarigii saaka ka dhacay deegaanada Waqooyiga Muqdisho oo mudooyinkii u dambeeyay ay dagaalada xoogaa ka yaraadeen, inkastoo dagaalada xoogooda u badnaayeen deegaanada Koofureed sida Hodan, Howlwadaag iyo Dayniile. Dagaalada ayaa dhacay abaarihii salaadii subax kadib, iyadoo aagagas laga maqlayay hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan qoryaha boobayaasha iyo kuwa madaafiicda. Ciidamo ka tirsan Al-Shabaab ayaa weeraro kula soo jermaaday aagaga degmada C/casiis kaga sugnaayeen Ciidamada Dowladda oo wehliya kuwa AMISOM, iyadoo dagaalkaas ay socdeen muddo tobanaan daqiiqo ah. Sarkaal u hadlay Ciidamada Dowladda ayaa sheegay in dagaalka ay soo qaadeen, Shabaab, ayna ku qabteen ilaa lix ruux oo uu tilmaamay inay ahaayeen caruur da'yar ah oo la soo qalday sida uu yiri. Sarkaalkan oo magaciisa ku sheegay Maxamed Axmed ayaa sheegay in saacadaha soo socda ay warbaahinta u soo bandhigi doonaan dhalinyaradaas oo ay ka qabteen Xaruntii taraafikada Fisha Bra iyo Howlaha Guud. Dagaalkii saaka ayaa ahaa mid koobnaa oo qeyb ka ah dagaalada looga bartay Caasimada Muqdisho inay dhacaan xilliyada waabariga, iyadoo shalay aheyd dagaalo saacado badan socday ay ka dhaceen qeybo ka mid ah degmada Hodan. Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha dagaalkii saaka, hase ahatee goobaha dagaalada ka dhaceen ee Waqooyiga ayaa ah kuwo markii hore ka barakaceen dadkii ku dhaqnaa, inkastoo mararka qaar ay dhacdo madaafiicda iyo rasaasta hawbowga ay gaarto goobaha dadka rayidka u badan yihiin ee deriska la ah degmooyinka lagu dagaalamayo.
  3. Dowladda kmg ee Soomaaliya oo dagaalo xoogan ka wado Gobolada Koonfureed ee dalka Soomaaliya ayaa waxay shaaca ka qaaday inay u soo tafa-xeedatay dagalao culus oo ay Shabaab uga saareyso gobolada ay gacanta ku heyso. Afhayeenka ciidamadda dowladda Soomaaliya ee ku sugan degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo Axmed Maxamuud Cabdi “Axmed Carab” ayaa wuxuu warbaahinta uu u sheegay in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay doonayaan inay cagta mariyaan xoogaga Xarakada Al Shabaab. Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay inay kusii socdaan Baardheere, Garbahaareey, Jubbada Hoose iyo Jubbada Dhexe, oo uu sheegay inay ku nool yihiin ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isagoo intaasi ku daray in Shabaab uu dhibaato ba’an ku haayo shacabka Soomaaliyeed, waa sida uu hadalka u dhigay’e. “Waxaan kusii soconaa deegaanada Baardheere, Garbahaareey iyo labada Jubba, waxaana meeshaasi ku sugan waa Shabaab, waxaanu dooneynaa inaanu ka saarno, waayo Shabaab dhibaato buu ku haayaa shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Axmed Carab. Sidoo kale wuxuu sheegay in waqtigii Xarakada Al Shabaab uu dhamaaday, isla-markaana sida ugu macquulsan ay dalka ula wareegi doonto dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed, waa sida uu hadalka u dhigay’e. Si kastaba ha-ahaatee dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inaysan marnaba joojin doonin dagaalada culus oo ay kula jirto Xarakada Al Shabaab, ilaa bay tiri aanu Shabaab ku sameyno hub ka dhigis.
  4. somalimemo.net is reporting the Ethiopians were kicked out by Alshabaab and Local ANSAAR clan allied with the mujahideen. The clan which hosts alshaab's Khalid Bin Walid command in Central Somalia joined the war in Dhuusamareeb and kicked out the Habashs invaders. Kooxda shabaab waxeey ku Shahiida Masaakiinta iyo Muslimka Hadday itoobiyaan Arkaana weyShiraacdaan
  5. Nin amiir aan ahaa waxaan ahay amiirka ku jiray dabka ilaa hotel weheliye,shaqaallaha,Adan cadde iyo Sayidka intaas ninkii aad ramadanka ka seexan weyseen aan ahaa looooool belo ku aragtay
  6. Koleey anigu waxaan aaminsanahay iney shabaab yihiin ileen dad la marin habaabin karo meeshaas ma jooge..
  7. Dad aan Xamar waxba ka ogeen hala murmin. Shacabkii waxay u qaxeen dawlada dhinaceeda sidaad sheegtey, AS daraadeed ayaana looga cararay, laakiin marabaan iney ka hadlaan taas. These water boys waxay u qaadaan biyaha ayey waayeen beryahan, ee ha is wareerin Lool kuwaan wixii dantooda kasii maayane waagu mardhow ayuu ku baryi doonaa..
  8. Shacabka in lalaayo guul kuma helaysid ogoow. Sharafta dhacday ku dheh Sharifka, nin dadkiis saas loo leynayoon ka hadleen. mida kale ayagaaba ilaaliye markaa su'aal la isweydiyo meesha ma taalo. Adeer Shacabka Dayniile iyo Yaaqshid degenaa 2007dii sey uu qaxeen waaye.........................
  9. Fiicnaan laheydaa hadeey qasiidooyinkaan carabiga dadka loo fasiri lahaayeen ama Af-Soomaali u badali lahaayeen. People would understand mowliid better. Oday mowliidka akhriya waligaa ma ku dhahday adeer inaan bartaa rabaayee ii akhri kitaabka mowliidka micnihiisana ii fasir? Waa runtaa sxb waa in af soomali lo fasiraa waliba qasiidooyin soomalia la alifo.
  10. Dalki Norway ayaa waxaa sanadkii labaad si heer sare ah looga xusay xuska Mowliidka ee dhalashadii Nabigeenna Muxammad (NNKH). Xuskan ayaa ka dhacay magaalada Notoden ee gobolka Telemark, waxaana kasoo qeyb galay mashaa`ikh waa-weyn oo caan ah, kuwaas oo laga xusi karo Sheekh Muuse Cadde, Sheekh C/raxmaan Sh. Muxiyaddin Celi, Sh. Xassan Sh. Maxamed (Gacan-gaab) iyo Sh. C/rixiin Wadaad Yare . Waxaa xuskan la isaga kala yimid wadamada Ingriiska, Holland, Swedan, Denmark iyo gobolada dalka Norway, waxaana ay dadku kor u dhaafayeen khiyaastii 15o qof. Goobta xafladda ayaa waxaa lagu soo bandhigay quraan akhris, dikri, bun iyo cambuulo iyo waliba qado caalami ah. " frameborder="0" allowfullscreen>
  11. Well said GD, The time has come oo Soomalia dowladd dhexe yeelan laheyd..
  12. Dagaalo culus ayaa waxay goor dhaw ay ka qarxeen qeybo kamid gobolka Bakool, iyadoo uu u dhaxeeyo ciidamadda dowaldda Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab oo deegaanadaasi gacanta ku heysa. Dagaalada ayaa waxay ka soconayaan deegaanka Yurkub ee gobolka Bakool, isla-markaana dagaalada ayaa yimid kadib markii ay soo qaadeen ciidamadda dowladda kmg ee Soomaaliya, oo garab ka helaaya ciidamadda Ahlu Sunnah Wal Jameeca. Dagaaladaan ayaa waxaa leesku adeegsanayaan noocyada kala duwan ee hubka, iyadoo hugunka sawaxanka madaafiicda cul culus laga maqlaayo inta badan deegaanka Yurkub ee gobolka Bakool. Gudoomiyaha gobolka Bakool ee dowladda kmg ee Soomaaliya Maxamed Macalin oo warbaahinta la-hadlay ayaa sheegay in dagaaladu ay si xoogan ku soconayaan, isla-markaana ay qaadeen ciidamadda xukuumadda kmg ee Soomaaliya oo ay ka dhinac dagaalamaan buu yiri ciidamadda Mujaahidiinta ee Al Sunnah Wal Jameeca. Wuxuu gudoomiyaha uu sheegay in dagaalada ay yihiin sidii ay u bilowdeen, isagoo intaasi ku daray in Xarakada Al Shabaab ay ka saari doonaan guud ahaan gobolka Bakool saacadaha soo socda, waa sida uu hadalka u dhigay’e. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI idmo.
  13. wyre;700261 wrote: Maxaa keenay dad dhanoo dagaal ku jira oo taliyeyaasha u weyn ah in halmar la casilo iyadoo dagaal adagi socdo? ma is weydiisen su'aashaas? Dad daacad mahan.. Fiqhi iyo Farmaajo ayaa codsaday in la casilo, dad howsha daacad uu ah ayaa la keenayaa meesha
  14. Inalilahi waa ina ileyhi Raajicun Ilaahay ha uu naxariisto Sheekh Cumar Faaruuq
  15. Boqolka maalmood ay qabsatay xukuumadda Farmaajo maxaa uga qabsoomay Maanta (07.03.2011) waxay ku egtahay 100-kii maalmood ee xukuumadda KMG ay qabsatay in ay wax uga qabaneyso arrimo badan, kaddib markii dhamaadkii sanadkii hore ay baarlamaanka hor tagtay. Halkaan waxaan ku soo gudbineynaa qeyb ka mid ah waxyaabihii u qabsoomay xukuumadda. Caddaaladda. Sidoo kale xukumadda ayaa horumar ka sameysay dhinaca caddaalada oo markii ugu horeysay xukuno qisaas ah lagu fuliyay ilaa dhowr askari oo horay u dilay askar kale iyo dad rayid ah, halka xukunno badan oo madani ah ay dhaceen, taas oo ka mid ah horumarka ay sameysay dowladdu. Tallaabadan ayaa yareysay isku dhacyo ciidamada Dowladda ku dhex mari jiray dowladda mar haddi ay xaqiiqsadeen in aan la ogolaaneynin in umadda la xasuuqo ama Fitno la abuuro. Rag hubeysan oo lagu eedeeyay in ay rasaas ku fureen dad dhigayay dibad bax nabadeed ayey xukuumaddu balan qaaday in cadaaladda la hor geynayo, ayadoo xabsiga ku heysa dadkaasi, .waxayna xukuumaddu Caafimaad dalka dibediisa ah u qaadday qaar kamid ah dadkii ku dhawacmay falkaasi iyo shilal kale oo magaallada ka dhacay. Dib-u-heshiisiinta. Xukuumadda KMg ah ayaa wafdi heer wasiir ah oo uu hoggaaminayay R/lwasare ku xigenka ahna wasiirka qorsheynta Dr. C/wali Maxamed Cali u dirtay gobolka Mudug oo ay ka jireen colaado u dhaxeeyay Beelo walaalo ah, waxayna ku guuleysteen in ay heshiis dhex dhigaan maleshiyo beledyo dagaalkoodu sababay dhimashada in ka badan 40 ruux. Xukuumadda ayaa albaada u furtay mucaaradka, waxayna wadahadal la galaan maleeshiyada Al-shabab inkastoo ay ku gacan seyreen Dagaal Oogayaasha waaweyn haddana waxaa fursadaasi ka faa’iideystay in ka badan 70 dhalinyaro ah oo ka tirsanaa kooxdaasi, kuwaasoo ay xukuumaddu soo marisay safka dowladda, dhinaca cafimaadka ayaa lagu guuleystay in dib loo furo cusbitalka Martini oo si toos ah uga shaqeeya daryeelka ciidamada qalabka sida ee Soomaliya halka horay loo geyn jiray goobo si gaar ah loo leeyahay. Dhaqaalaha. Intii lagu guda jiray 100-ka maalmood ayay xukuumaddu dejisay Miisaaniyad Sanadeed uu dalku leeyahay taas oo keentay in Ciidamada qalabka sida ee Soomaliya iyo dhamaan shaqaalaha rayidka ah ee dowladduba ay bil weliba joogto u helaan xuquuqdooda si loo dardar geliyo howlaha qaranka. Sidoo kale Xukuumaddu waxay hagaajin ku sameysay Maamulka Hay’adaha ku shaqada leh dhaqaalaha, waxaa la magacaabay Agaasime Guud oo cusub oo Wasaaradda Maaliyaddu ay yeelatay, sidoo kale waxaa la hagaajiyay dhamaan hoggaanka Ilaha dhaqaalaha, sida Dekadda Muqdisho, Garoonka diyaaradaha iyo Bangiga Dhexe. Tallaabooyinkaan waxay dhaliyeen in uu kor u kaco dhaqaalaha ka soo xarooda Ilaha dhaqaalaha ee dalka oo Afar laab kor aaday sida uu sheegay wasiirka warfaafintu. Dhinaca Bani’aadamnimada. Abaaro baahsan oo ku dhuftay dalka, oo dhalisay in ay dad badani dhintaan, xukuumadda KMG ayaa dadaal dheer u gashay sidii wax looga qaban lahaa, R/wasaare Farmajoayaa magacaabay guddi ka kooban 15 xubnood oo gargaar gaarsiiyay dadka tabaaleysan. Sidoo kale Xukuumaddu waxay baaq u dirtay beesha Caalamka, Qaramada Midoobay, Dowladaha Carabta iyo shacabka Soomaaliyeed, kaas oo lagu caawinayo dadka ay abaaruhu ay ku heystaan gudaha dalka, arrintaas waxaa ka jawaabay dalalka Qaar oo gargaar keenay, halka kuwo kale la sugayo. Ammaanka. Xukuumaddu waxay waqti gelisay hagaajinta Ciidamada Qalabka sida ee dalka, waxaa tababar loo furay Ciidamo, gudaha iyo dibadda dalka, waxaa la hagaajiyay maamulka ciidamada, waxaana la magacaabay saraakiil noqota hoggaanka ciidamada, ayadoo la saxay Liiska Ciidanka. Waxaa meesha laga saaray kooxihii ammaan darrada ka waday magaalada Muqdisho, ayadoo la uruuriyay Askartii Dowladda ee waddooyinka lagu arki jiray, taasna ammaanka magaalada ayay wax ka bedeshay. Ciidamada Dowladda ayaa fashiliyay dhowr isku day oo ay maleeshiyaadka Shabaab ku qarxin lahaayeen goobo muhiim ah iyo xarumo ay ku badnaayeen dad shacab ah, waxaana la soo qabtay dhagar qabayaal badan oo ku howlanaa falal ammaanka lid ku ah. Ciidamada Dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM, waxay magaallada Muqdisho ka fuliyeen howl gallo ka dhan ah maleeshiyaadka Shabaab, waxayna la wareegeen goobo ay horay maleeshiyaadku ugu sugnaayeen, waxaa ka mid ah xarunta wasaaradda Gaashaandhigga iyo goobo kale oo ka mid ah waddada Warshadaha. Sidaa si la mid ah, Ciidamadu waxay howl gallo ka sameeyeen gobollada dalka, waxay la wareegeen Degmada Beledxaawo, Luuq, Ceel Waaq iyo deegaano kale oo ka tirsan gobolka Gedo. Sidoo kale waxay howl gallo noocaan oo kale ah ka sameeyeen gobollada Hiiraan iyo Galguduud, waxayna la wareegeen deegaano ay maleeshiyaadku ku sugnaayeen oo ay hadda si nabad ah ay ku maamulayaan Ciidamada Dowladda. Arrimaha dibadda. Xukuumaddan waxay ku guuleysatay in ay caalamka ka hesho Taageero Diblomaasiyadeed, waxayna muujisay xiriir wanaagsan oo lagu qanci karo, ayadoo ka qeyb gashay shirar caalami ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, ayadoo hor dhigtay caalamka Qorshayaal cad cad oo ku wajahan howlaheeda, kuwaas oo lagu qancay. Waxaa lagu guuleystay in Jaaliydaha Soomaaliyeed ee dibadda ku nool laga dhaadhiciyo in ay taageeraan dowladda KMG, kuwaas oo dhaqaale u uruuriyay dowladda kaddib markii ay ku qanceen wax qabadkeeda, dowladdu waxay ka qeyb gashay shir ay abaabuleen jaaliyadaha Soomaaliyeed oo ka dhacay Finland kaas oo looga hadlay xaaladda dalka. Beesha Caalamka ayaa isku raacday in la taageero Dowladda Soomaaliya oo loo aqoonsaday in ay dagaal kula jirto Argagixiso caalami ah, waxayna Dowladdu guddoontay Taageero ay u fidiyeen dowlado dhowr ah oo ku saabsan dhinacyada ammaanka iyo Bani’aadamnimada. Dowladda Soomaaliya ayaa ku guuleysatay in ay Jaamacadda Carabta ka dhaadhiciso in Dalka Liibiya laga daadgureeyo dadka Soomaaliyeed eek u dhibaateysan, taas oo ay aqbashay Jaamacadda Carabtu, waxaana dadkaas la geynayaa dalka Suudaan si ay uga badbaadaan Qalalaasaha ka taagan Liibiya. Sidoo kale Jaamacadda Carabta ayaa Tababar siisay Dimlomaasiyiin Soomaaliyeed oo shahaado Caalami ah ka qaatay magaallada Muqdisho Siminaar loogu qabtay, kuwo kalena waa la sugayaa. Warfaafinta. Xukuumadda KMG ayaa ku guuleysatay in dib loo soo celiyo wargeyskii Dalka, oo muddo aan soo bixin, kaas oo laga qeybiyo Dalka Kenya iyo Soomaaliya, ayadoo qorshaha dhow uu yahay in la gaarsiiyo Jabuuti, Minnesota (USA) iyo Dubai. Xukuumadda KMG ayaa todobaadkaan gudahiisa (Jimcaha) hawada soo gelin doonta TV-ga Qaranka Soomaaliyeed, waxaa la diyaariyay hadda Stuudiyihiisa iyo waliba qalabkii uu ku shaqeyn lahaa, ayadoo tababarro la siiyay shaqaalihii ka shaqeyn lahaa. Waxaa qabyo ah oo gacanta lagu hayaa, Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA, Madbacaddii Qaranka, Tiyaatarkii Qaranka iyo Hagaajinta Fanka iyo Fannaanka (Hobollada Waaberi). Xukuumaddu waxay ku guuleysatay in ay mushaar siiso Fanaaniinta Waaberi. Waxaa sidoo kale la sameeyay Gaadiid lagu xiray cod baahiye kaas oo ka qeyb qaadanaya wacyigelinta Bulshada iyo Ciidamada. Xukuumadda KMG ayaa ku guuleysatay in la howl geliyo furaha Internet-ka ee .SO (dot SO), waxaana la sameeyay E-mailo ay leedahay dowladda Soomaaliya oo ku dhamaada .gov.so, ayadoo wasaarad kasta loo sameeyay Cinwaanadaasi. Furaha Internetka waxaa ka jiray madmadoow badan, dhawaana waxaa la filayaa in dhammaan dadku ay isticmaalaan. Waxbarashada. Xukuumadda KMG ayaa dalka keentay Minxootin badan oo waxbarasho, waxaana la wadaa in Ardayda Soomaaliyeed looga faa’iideeyo fursadahaas oo u sahlaya in dalka dibaddiisa ay wax ku bartaan ayadoo si caddaalad ah loo maamulayo. Xukuumaddu waxay xalisay Caqabado heystay Ardayda Soomaaliyeed ee wax ku barata dalka Pakistaan, waxaana halkaa booqday Wasiirka Waxbarashada, Hidaha iyo tacliinta sare oo dowladda Pakistan kala hadlay arrintaas oo hadda meel wanaagsan mareysa. Xukuumaddu waxay Agab waxbarasho siisay Dugsiyo ku yaalla magaalada Muqdisho, kuwaas oo loo qeybiyay arday waxbaraneysa iyo maamullada Iskuullada. Caafimaadka. Xukuumadda KMG ayaa 100-kii maalin ee la soo dhaafay ku guuleysatay hergelinta adeegyo badan oo caafimaad, waxaa dib loo howl geliyay Isbitaalo uu ka mid yahay Martiini, waxaa Daawo la guddoonsiiyay Isbitaallada Magaalada Muqdisho, ayadoo dalka dibaddiisa loo qaaday dad badan oo Ciidan iyo shacab isugu jira. Xukuumaddu waxay markii ugu horreysay soo iibsatay Qalab caafimaad oo iminka wax loogu qabto dad, ayadoo arrintaasi ay kaalin mug leh ka qaadatay adeegga caafimaad ee magaalada Muqdisho. Sidoo kale xukuumaddu waxay xarumo caafimaad ka furtay Furumaha dagaalka ee ay ciidamadu ku sugan yihiin, si loogu gargaaro Askarta iyo dadka ay dagaalladu waxyeeleeyaan, taas oo aan dhicin muddooyinkii la soo dhaafay.