oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Nice Dhaanto, sahra dheerey adaan suuqa ka raadiya
  2. Al shabaab wax tari maayan dowladda dhaqdhaq ay wadaa oo halmar 6 gobol dagaalka loogu bilaabi doona shabaabka iney isku gurmadaan ayaa la diidan yahay... tan kale gurmada ay baydhabo kaso direen ma odayasha iyo caruurta la qafaasha??
  3. XX, Al shabaab maxey cid pressure saaraan iyagaba 3 Degmooyin ee Muqdisho ka taliyo halkey dowladda gacanta ku heyso 7 degmo. Dhinaca kalena Beledxaawo,ceelwaaq iyo Luuq wali dowladda iyo culama'udiinka Ahlu Sunnah Wal Jameeca ayaa heysto..
  4. Kadib markii Xarakada Al Shabaab ay dhawr cisho kahor bilaa dagaal kula wareegtay deegaanka Diif ee degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose ayay dhawr saacadood kahor iska soo baxday. Ciidamadda Xararakada Al Shabaab ayaa gawaarida dagaalka iyagoo ku hubeysan iskaga soo baxay deegaanka Diif ee degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose, kadib markii sida la-sheegay ay deegaankaasi kusoo wajahan yihiin ciidamo xoogan oo dowladda taabacsan. Wararka ayaa waxay sheegayaan in dhawr saacadood ay maamul la’aan ka jirto deegaanka Diif ee degmada Dhoobleey, waxaase la-filaayaa in saacadaha soo socda ay soo gaaraan ciidamo xoogan oo dowladda taabacsan, kuwaa oo iminka ku sugan xaduuda ay Somaliya la-wadaagto dalka Kenya. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadda dowladda ee ku sugan Xuduudaha ay hogaaminayaan saraakiil sar sare oo kasoo jeeda gobolada Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose, isla-markaana saraakiishaasi ayaa waxaa qaarkood la-sheegay inay kasoo shaqeeyeen dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Allaha u naxariistee Jaalle Maxamed Siyaad Barre. Si kastaba ha-ahaatee ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee maanta iskaga soo baxay deegaanka Diif ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay u soo dhaqaaqeen dhinaca degmada Dhoobleey ee gobolka Jubbada Hoose. Wixii kusoo kordha kala soco wararkayna dambe, haddii uu RABI Idmo.
  5. Lool dowladd ma iska imaahee waa lo halgamaa ee dhalinyarooy hurdada ka kaca
  6. lool maadey, duqoowdada waa random cid ay matalaan ma jirto lol almiino dadka oo la yaqaan ee miisanka culus leh maxaa uu afduuban weeyseen wax ay ahaan laheed
  7. Hogaamiyihii hore Kooxdii bur burtay ee Xisbul Islaam Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Alshabaab ayaa markii u horeysay qiray in Shabaabka ay dagaal geliyeen caruur yar yar. Xasan Dahir ayaa sheegay in caruurta ay yihiin kuwo kaliya ee rasaasta ku ridaya cadawga, ayna diin u dagaalamayaan sida uu hadalka u dhigay. "Dhalinyarada iyo caruurta ayaa ah kuwo diinta u dagaalamaya, ee cadawga si isku mid ah dagaalka iyo xabada kala hor taagan"ayuu yiri Xasan Dahir Aweys. Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Caasimada Soomaaliya ayaa waxaa ku dhintay caruur aan qaan-gaarin, kuwaasoo ay dagaal geliyeen Shabaab, markii ay ku qal qaaliyeen in dagaalada jihaadka ka qeyb galaan. Hey'adaha Xuquuqda Insaanka ayaa ku eedeeya dhinacyada isku haya siyaasada Soomaaliya inay si qasab ku dagaal geliyaan caruurta aan qaan-gaarin, isla markaana ay askareeyaan.
  8. Haha!!!! Ar maadeey kuwaas yeey matalaan?? Beesha dad miisaan leh ay qabaan oo la kasaayo caado qaadayashaan xey yihiin yeyse matalaan abow??????
  9. ^^ Adeer Culimadda bal ha uu gefin ee arintaas sii fiican uu so ogaaw intaadan dambaabin.. By the way congrats to Gobolka Cowl, That's where i come from :cool:
  10. Shan ka tirsam Maleeshiyaadka Khawaarijta Shabaab ayaa ku geeroyootay Qarax ka dhashay gaari ay ku diyaarinayeen walxaha Qarxa kaas oo habeenkii xalay ka dhacay deegaanka Laanta buuro ee Gobolka Shabeelaha hoose. Sida ay muujinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaankaro waxaa abaarihii Sideedii fiidnimo ee habeenkii xalay uu Qarax xoogani ka dhacay deegaanka Laanta buuro ee Gobolka Shabeelaha hoose, kaas oo sida la xaqiijiyay ka dhashay gaari ay Khawaarijta Shabaab ku diyaarinayeen walxaha Qarxa, si ay ugu dhibaateeyaan Shacabka Soomaaliyeed. Qaraxaasi ayaa waxaa ku geeriyooday Shantii qofood ee diyaarineysay kuwaas oo Afar ka mid ah ay Soomaali ahaayeen halka midka kalena uu ahaa ajnabi u dhashay dalka Suuriya, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo lagu kalsoonaankaro. Magacyada Khawaarijta ku geeriyootay Qaraxaasi oo uu Radio Muqdisho helay ayaa waxa ay kala yihiin, Abuu Yuusuf Almujaahid oo ahaa Ajnabi u dhashay dalka Suuriya oo isagu kooxda Khawaarijta u qaabilsanaa farsameynta Qaraxyada lagu waxyeeleeyo shacabka Soomaaliyeed, C/shakuur Aweys Yuusuf, Maxamed wali Jareere, Maxamed Aadan Yariisoow iyo Kuusoow Cabdiyoow. Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta Shabaab ayaa hore ugu nafwaayay Qaraxyo dhagar ah oo ay u maleegayeen ummada Soomaaliyeed, kuwaas oo ku qarxay intii ay ku gudajireen diyaarinta Qaraxyadaasi, waxaana xusid mudan in Qaraxyada ismiidaaminta ah ee kooxdaasi khawaarijta ah ay la eegtaan goobaha uu shacabku ku badanyahay taas oo muujineysa sida ay Khawaarijtu u baneeysteen daadidinta dhiiga shacabka Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan..
  11. Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah saraakiisha sar sare ee Xarakada Al Shabaab ayaa wuxuu ka hadlay dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho iyo khasaaraha kasoo gaaray. Sheekh Xasan Daahir ayaa wuxuu sheegay in dagaaladii cuslaa ee ugu dambeeyay ee ka dhacay magaaladda Muqdisho uu khasaaro kasoo gaaray dhinaca Xarakada Al Shabaab, isla-markaana wuxuu sheegay in dagaaladaasi ay ahaayeen kuwo gaadmo ah. Sheekha ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay Jidka Warshadaha ee magaaladda Muqdisho ay ahaayeen dagaalo culus oo gaadmo leh, isagoo qeexay in dagaaladaasi looga dillay dhawr saraakiil oo qaali ka ahayd dhinaca Xarakada Al Shabaab. “Dagaaladii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, saraakiil wanaagsan baan ku weynay, gaar ahaan saraakiisha waxay nooga dhimatay dagaaladii cuslaa ee ka dhacay Wasaaradii hore ee Gaanshaandhiga” ayuu yiri Sheekh Aweys. Sidoo kale wuxuu sheegay marba haddii ay dagaalo dhacaan in la-filanaayo dhimasho iyo dhaawac intaba, balse wuxuu sheegay in ciidamadda iyo saraakiisha Xarakada Al Shabaab ay ku dhimanayaan Wado Xaq ah, waa sida uu hadalka u dhigay’e. Sheekh Xasan Daahir ayaa wuxuu booriyay ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isagoo ugu baaqay inay sii wadaan dagaalada culus oo ay kula jiraan dowladda Soomaaliya iyo ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom. Waa markii ugu horeysay oo ay Xarakada Al Shabaab qirato in saraakiil wanaagsan ay uga dhinteen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jidka Warshadaha ee magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.
  12. Yeah but isbitalka hadda dhow ayeey Dowladdu dayactireen.
  13. JB, looooooooooooooooool :D kan heesaya heesta farhia Fiska