oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Dagaalo culus oo saaka barqadii ka qarxay Degmada Dhoobley ee ku dhow xuduuda Kenya ayaa waxaa gacan ku heynta degmadaas kula wareegay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Raaskambooni ee uu hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe. Sida ay sheegayaan wararka dagaalka ayaa ka duwanaa dagaaladii hore, iyadoo dagaalka maanta ahaa mid culus oo aan waxba la islula harin, waxaana markii hore uu ku bilowday madaafiic duqeyn ah, kadibna dagaal dhanka lugta ay dhowr jiho kaga qaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Raaskambooni. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamada Shabaab dagaalka uga baxeen dhanka wada Qooqaani iyo Banka-Jiira, waxaana xaalada wali degmada ay tahay mid aan fadhin. Dagaalka ayaa socday muddo afar saacadood oo xiriir ah, waxaana Afhayeen u hadlay Ciidamada Dowladda oo la yiraahdo G/lle Muxumed Faarax Dahir uu sheegay in degmada ay dhowr jiho la wareegeen abaarihii afarta barqanimo la wareegeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in dagaalada ay ka qeyb qaadanayeen Diyaarado Helicoptero ah iyo Taangiyo la rumeysan yahay inay Ciidamada Kenya ku taageerayaan kuwa Dowladda oo maalmihii u dambeeyay ku fashilmay inay qabsadaan degmada Dhoobley. Sidoo kale Afhayeen u hadlay Ururka Raaskambooni oo la yiraahdo Cabdi Kaafi Faarax ayaa isna sheegay in dagaalka ay ka wada qeyb qaateen iyaga iyo Ciidamada Dowladda, isla markaana ay dhowr jiho ka weerareen Shabaab. Waxaa uu sheegtay in Hub fudud ay ku qabsadeen dagaalka, halka tiro uusan cadeyn oo dagaalyahano Shabaab dagaalka uga dileen, inkastoo aanu sheegin qasaare dhankiisa ka soo gaaray. Dhaawacyada ilaa 14-ruux oo labada dhinac ee dagaalka ku qaaday Dhoobley ayaa loo qaaday dhanka Liboyo Kenya, oo ah meelihii ay ka duulaan tageen Ciidamada Dowladda oo dhinaca Kenya ah. Al-Shabaab ayaa la wareegay degmada Dhoobley sanadkii 2009-kii Bishii October, kadib markii dagaal uga saareen Ciidamadii Axmed Madoobe, waxaana tan iyo mudadaas soconayay abaabul ciidan ay Kenya ku lug laheyd, kaas oo qorshihiisa ahaa deegaanada Jubooyinka, waxaana qorshahaas hada u muuqdaa mid bilow ah. Degmada Dhoobley waa degmo Istiraatiijiyad dagaal, mid dhaqaale iyo isu socod u ah deegaanada Jubooyinka, iyadoo gacan ku heynta degmadaas ay muhiimad gaar ah u tahay dhanka Kismaayo oo cida heysata ay u fududahay inay kaga duulaan qaado. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
  2. okey waa la noqon karaa cidu ma diidan balse yaa ku baneeyay inaad ruux islaama gaaleeysiisid? Marka labaad, hadalkan miyuu is burinayaa hadaad indho cadaalad ku fiirisiin? http://radiomuqdisho.net/news/images/stories/barnaamijyo/warbixin_shongole.wma Halkaan ka dhageyso hadaladiisa isburinaaya
  3. Fu'aad Maxamed Khalaf oo loo yaqaano Fu'aad Shongole ayaa hadal uusan ku kala reebin Soomaalida markan si guud ugu gaaleysiiyay, kadib markii uu ku tilmaamay in Soomaalida yihiin Gaalo iyo Mushrikiin. Inkastoo hadalkiisan ahaa mid koobnaa, qeybna ka ahaa Kutub uu ka aqriyo maalin kasta Masaajid ku yaala Suuqa Bakaaraha ayuu si aan kala har aheyn Soomaalida ugu xukmiyay Gaalnimo. "Alle Soomaali Gaalnimo badana, Masaajidada ayay ka buuxaan iyagoo Mushrikiin ah, Markee siyaaranayaan hey'adaha qaranka ama Beesha Caalamka ee ay u qeeshanayaan aaway Raxmaanka"ayuu si kooban u yiri Fu'aad Shongole oo hadalkiisa markan u muuqday mid aan leex leexad aheyn. Ina Shongole ayaa marar badan hadalo is burinaya ku hadlay, iyadoo hadaladii dhowaan ka soo yeeray ay ka mid aheyn inaan Qof Muslim Gaalnimo lagu xukmin, ha yeeshee markan ayuu si aan kala soocidba laheyn ayuu Soomaali oo idil Gaalnimo iyo Mushrikiin ugu kala qeybiyay. Waxaa uu soo qaatay marka dhibaato ay dhacdo inay gar gaar weydiistaan waxa uu ugu yeeray Beesha Caalamka iyo Hey'adaha qaranka, hase ahaatee marka taas laga soo gudbo Soomaalida ayaa ah kuwo inta badan isu gar gaara, kaalmana is gaarsiiya. Lama oga hadalkan micnaha uu xambaarsanaa, hase ahaatee Mr Shongole ayaa sidan oo kale u fatwooda, oo Masaajidada ka sheega hadalo uusan marna ka fiirsan, waxaana hadalkan imaanayaa xilli todobaad ka hor uu hadal uu ka jeediyay Ceelasha Biyaha uu ku tilmaamay Qaniimada inay ka mid tahay Iimaanka, hada ka horna 20$ ka soo gaartay markii la bur buriyay qabuurihii Talyaaniga, markii lafahooda laga iibiyay Talyaaniga ay uu Qaniimo ahaan u helay Labaatankaas Doolar, isla markaana uu muddo biilanayay, isagoo hadalkiisa u muuqday sida uu dadka ugu qaldayay inay boobaan Hantida ay u yaqaanaan Qaniimada.
  4. Fu’aad Max’ed khalaf Shangole oo ka mid ah horjoogyaasha kooxda Al-Shabaab ayaa hadal uu jeediyay waxaa uu si aan kala harlahayn ugu gaalnimo xukmiyay dadwaynaha Soomaaliyeed ee muslimiinta ah Shangole ayaa si aan ka leex leexad lahayn u sheegay in dadka Soomaaliyeed ay ka buuxaan masaajidda iyagoo kufaar iyo mushrikiin ah, ayna akhrinayaan Qur’aanka iyagoo sida uu yiri gaalo ah. Mar uu qeexayay waxa uu u daliishanayo gaalaysiinta muslimiinta Soomaaliyeed ee ku mashquulsan cibaadada Allaah ayaa soo qaatay in ay u yeertaan oo ay taakulayn ka codsadaaan hay’daha Qaranka iyo mujtamaca caalamka xilli ay dalka ka jiraan dhibaatooyin ay qayb wayn ku leedahay kooxdiisu. “Alla Soomaalidu gaalnimo badanaa, masaajidda ayey kawada buuxaan iyagoo mushrikiin ah oo ku faar ah diinta ayey kawada baxeen” ayuu yiri horjooge Fu’aad Shangole. Hadalkaan waxaa uu qayb ka ahaa kitaab uu Fu’aad Shangole u akhriyo dhalinta ka tirsan shabaab oo ay ugu sheegaan in lagu barayo shareecada Islaamka laakiin waxa ay bartaan ayaa ah gaalaysiintaan wadareed iyo waxyaabo la mid ah si loogu qanciyo dhalinyarada marin habawsan in ay xalaalaystaan dhiigga dadka Soomaaliyeed ee muslimiinta ah Layaab badan hadalkaani kuma noqonayo dhalinyarada ka tirsan kooxda Khawaarijta Al-Shabaab laakiin waxaa uu tilmaan cad siinayaa dad badan oo laga yaabo in ay rumaysanyihiin in laga badbadinayo marka ay maqlaan culumada Soomaaliyeed iyo kuwa islaamka oo dhahaya Al-Shabaab waxay ku sifawday khawaarij oo ah kooxaha u talaxtagga sidaan oo kale, Nebi Muxamaedna (NNK) ha ahaatee oo ka dardaar warriyay kooxaha nuucaan oo kala ah islaamkuna u yaqaano Khawaarij Gaalaysiinta Al-Shabaab kuma ekka afka ee laakiin waa mid ficil ahaan u fuliso kooxda oo rumaysay hadalada nuucaan oo kale ah ee ay muslimiinta ku xukumaan gaalnimo ka dibna waxay banaysteen dhiiga dadka Soomaaliyeed oo wixii xilligii uu ku fiday fikirkaas tagfiiriga ah ay si bahalnimo ah wadar iyo waaxidba ugu laayeen dad aan ilaa hadda la ogayn tiradooda rasmiga ah oo ka kooban qaybaha bulshada oo dhan.
  5. Wafdi balaaran oo labada Gole ee dowladda ka tirsan ayaa gaaray magaalada Balad xaawo ee Gobolka Gedo si ay halkaasi kulamo ula qaataan saraakiisha ciidamada qalabka sida Soomaaliya ee ku sugan magaaladaasi. Wafdigaan gaaray magaalada balad xaawo ayaa waxaa hogaaminaya Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo lacagta ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xuseen Cabdi Xalane, Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Gaadiidka, Cirka iyo Dhulka ee Xukuumadda Soomaaliya Mudane C/rashiid Xaaji Deerow, Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashaandhiga Mudane C/rashiid Max’ed Xidig, xildhibaano, iyo saraakiil, waxaana u jeedada socdaalkooda uu la xiriiiraa sidii ay ugu kuur geli lahaayeen xaaladaha ammaan goobihii ay ciidamada dowladdu la wareegeen. C/rashiid Max’ed Xidig oo ah Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaashandhigga ee Xukuumadda Soomaaliya oo ka mid ah wafdigaasi Balad Xaawo maanta gaaray ayaa radio muqdhiso u sheegay in haatan ay ku howlan yihiin kulamo ay la qaadanayaan saraakiisha ciidamada dowladda, isagoo intaa ku daray in wixii kulamadaasi ka soo baxa ay shacabka Soomaaliyeed u soo gudbin doonaan. Booqashada wafdigaan ayaa ku soo aadaysa xilli dhawaan ay ciidamada dowladda Soomaaliya la wareegeen degmooyin dhowr ah oo ka tirsan Gobolka Gedo.
  6. Ilmihii ayaaba fahmay shabaab waxey yihiin lol
  7. Mashruuc waaye Mahiga iyo dad ay so dirsadeen International community ayaa qasooya dalka
  8. waa la iska dhicihooyaye balse nin xunoo Sakiin la yiraahdo aa na hortaagan
  9. Suufi iyo Bun ii cambuulo maxaa iska galay diin iyo dhaqan ayaad isku qaldooysa Al-maskiin.
  10. Al shabaab dhibaato xoogan ay ku wadaan Dadka uu dhashay min Mudug ilaa iyo Kismaayo, cunaqabateyn, Gaaleeysiin, gaajo iyo nayacb,,, xaasidsanaa Zybeyra indhashareera..
  11. Dhalinyaro ka tirsan Xarakada Al-Shabaab ayaa saaka ku xiray saldhiga degmada Kaaraan Ragg Odayaal ah oo ku Buneysanayay mid ka mid ah Xaafadaha degmada Kaaraan, iyagoo horay looga soo qaaday Kurbintii Bunka iyo saliida ku jirtay iyo Weel kale oo ay horrtaalay xilligii ay bunka u fadhiyeen. Inta badan Soomaalida ayaa dhaqan iyo soo jireen u ah inay Buneystaan maalmaha Jimcaha oo kale iyo maalmaha kale, inkastoo tallaabada saaka Shabaab ahaa mid dadka deegaanka aad ula yaabeen. Goobjooge diiday in la xigto magaciisa ayaa u sheegay Shabakada Jowhar.com in Odayaasha ay gaarayeen ilaa shan oday oo barxada guri ku dhowaa Saldhiga ay ku Buneysanayeen, hase ahaatee Ciidamo roondeynayay oo wadada marayay ay ku soo leaden carafta Bunka sidaasna ay guriga gudaha ugu soo galeen. Waxaa uu sheegay in markii dhalinyaradu u soo galeen Odayaasha ay durba ku yiraahdeen erayo ay ka mid ahaayeen “Ma waxaad wadaan Asraar iyo khuraafaad” waxaana markii dambe odayaasha ku amreen inay ka soo kacaan salli ay ku fadhiyeen, deetana inta qoriga afkiisa lagu jeediyay lagu amray inay hor-socdaan. Ragga Odayaasha buneysanayay ayaa muddo saacado ah lagu xerin qol ka mid ah qolalka Saldhiga uu ka kooban yahay ee lagu xabiso dadka dambiilayaasha, iyadoo banaanka hore ee saldhiga la dhigay Kurbintii Bunka ku jirtay iyo saxan-weyn oo waxa ay u taqaan Soomaalida Cambuulo ku jirtay. Ma jirin amar si toos u soo shaac baxay oo lagu mamnuucay Bunka, hase ahaatee mar sii horeysay degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa laga mamnuucay Bunka iibintiisa iyo in dadka ay buneystaan, taasoo markii dambe goobaha ganacsiga bilaabeen in si qarsoodi u iibiyaan, meelaha uu ka muuqanayana laga dajiyo.
  12. General Duke;707721 wrote: Gandi is a real joker; he is easily the funniest person ever. He not only brought a clan together in a hotel room in Kenya. Then he convinced them to make him President of Gedo and the two Juba’s. Then he out did everyone and came up with a brand new name, Mzania, was that not he name of a Nomad in SOL? Anywho, good luck to the man who went from a well respected Professor to a Barre Hiiraale wannabe. Duke dee ninka PHD shahaada uu heystaa daa nooh looooooooool
  13. ^^ Heesta waa hees wadani oo cajiib ah oo runta ka hadlaaya i wish that dadka is heysto ay dhageysan lahaayeen oo ku baraarugaan oo la heshiiyo... Xusuuso Xusuuso Jabkii la maray, wallee waa run... Allahayow Umadda heshiisii oo arladdeena nabad inooga dhig!..