oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Shirka UN-ka waxaan ka qeyb gali karnaa haddii dalka lagu qabto annaguna aan wadno” Ninka waa rageedi viva farmaajo, adiga iyo xx shame on you waa fashilateen
-
R/wasaaraha: “Shirka UN-ka waxaan ka qeyb gali karnaa haddii dalka lagu qabto annaguna aan wadno” Xukuumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegtay in shirka ay qabanqaabisay Q.Midoobay ay uga qeyb gelikarto oo kaliya in lagu qabto gudaha Soomaaliya isla markaana ay garwadeen ka noqoto Dowladda, maadaama looga hadlayo aayaha dalka Soomaaliya. R/wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo wareeysi gaar siiyay T.V.-ga Qaranka Soomaaliyeed ayaa ku celiyay in Dowladdu aaneey ka qeybgelidoonin shirka la sheegay in lagu qabanayo magaalada Nairoobi ee dalka Kenya. “Annagu Mowqifkeennu wuu cadyahay kamana qeybgaleyno shirkaasi, waayo Dowladdu waxa ay ku mashquushantahay gudashada howlaha loo igmaday, diyaarna uma nihin in siyaasad iyo howlo cusub nalaku mashquuliyo, mana dooneyno in aan ka qeybgallo shir aynaan garaneynin waxa uu ku dhamaandoono, inkastoo la sheegay in uu wadatashi yahay, haddii Soomaali la isu keenayo dowladda ayaa isu keeneeysa, sidoo kale haddii gudaha dalka lagu qabanayo shir Dowladdu garwadeen ka tahay waa wax manaagsan, Soomaalidana iyadaa isfahmi karta, waayo shirarkii farahabadnaa ee lagu qabtay dalka dibadiisa waxba kama iman”ayuu yiri R/wasaare Farmaajo. Dowladda Soomaaliya ayaa hore ugu gacanseyrtay shirka ay Q/Midoobay soo qabanqaabisay ee la sheegay in dhawaan lagu qabandoono dalka Kenya, iyadoo qeybaha Bulshaduna ay muujinayaan sida ay dowladda ugu taageersanyihiin go’aanka ay ku diiday ka geybgalka shirkaasi.
-
R/wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Mudane Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta u ambaxay magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib casuumaad uu ka helay dhigiisa dalkaasi Kenya Raila Odinga. R/wasaare Max’ed C/laahi farmaajo ayaa wafdiga uu hogaaminayo waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidanka Xooga dalka Sareeyo Guuto C/qaadir Cali Diini iyo saraakiil kale oo ka tirsan xafiiskiisa, waxaana garoonka diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cadde ku sii sagootiyey mas’uuliyiin isugu jirta labada Gole ee dowladda, saraakiisha Ciidamada Qalabka sida iyo madax kale oo dowladda ka tirsan. Mudane Max’ed C/laahi Max’ed Farmaajo oo ka hor intaa aanu ka ambabixin garoonka diyaaradaha waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu martiqaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka Kenya Raila Odinga 1-dii bishaan, waxaana uu R/wasaaruhu xusay in uu kala hadli doono madaxda dalkaasi sidii loo xoojin lahaa xiriirka diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labada dal. R/wasaare Max’ed C/laahi ayaa shaaca ka qaaday in kulanka uu la yeelano R/wasaaraha dalka Kenya ay sidoo kale isla soo hadal qaadi doonaan xoojinta iyo iskaashiga xagga amaanka, isagoo intaa ku deray in kulankooda uu qaadan doono hal maalin. R/wasaaraha oo mar la waydiiyey in haddii saraakiil ka tirsan Q/midoobay ay ku soo hadal qaadaan in uu ka qayb galo shirka ay Q/midoobay soo qaban qaabisay ee dalkaasi ka dhacaya ayaa ku jawaabay in Xukuumadda Soomaaliya ay horey arrinkaasi go’aan uga gaartay in aysan ka qayb galeynin shirka, isagoo intaa ku daray in haddii la rabo xalka kaliya ee ay shirkaasi ka qayb gali karaan ay tahay in lagu qabto gudaha Soomaaliya ayna maamusho dowladda
-
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shuruud ku xiray shirka wada tashiga ee Nairobi ka qeyb gelkiisa, isagoo sheegay in iyaga mowqifkooda uu cad yahay, sidii ay go'aanka uga qaateen dhowaan. Isagoo la hadlayay Telefishinka qaranka oo dhowaan hawada soo galay ayuu Ra'iisul Wasaaraha waxaa uu cadeeyay in Dowladda KMG ay diyaar u tahay in shirkaas ka qeyb galo, hadii loo soo raro meel ka mid ah gudaha Soomaaliya, isla markaana ay garwadeen ka noqoto. "Anaga mowqifkeena waa cad yahay, shirkaas waxaan ka qeyb galeynaa, hadii gudaha dalka loo soo raro, garwadeena ay ka noqoto Dowladda"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo si aan leex leexad laheyn. Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in muhiimad ay tahay in dalabkooda la tixgeliyo, maadaama shirar horay dibada lagu soo qabtay aan waxba ka soo naasacadaan, isagoo xusay in dhinacyada wada hadlaya ay yihiin Soomaali, isku af iyo isku diin ah sida uu hadalka u dhigay. "Anaga shirkaas waxa ka soo bixi kara ma aanan ogin, hadii shirka aan anagu garwadeen ka noqono, waxaan ognahay wixii ka soo baxaya"ayuu sii raaciyay Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ku taliyay in Soomaaliya aayaheeda tahay in shirku ahaado mid dalka gudihiisa lagu qabto. Mr Farmaajo ayaa muujiyay in wali mowqifka Xukuumadiisa ka qaadatay shirkaas uu wali taagan yahay, kadib markii shalay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Amp. Mahiga uu ku celiyay in shirka uu dhacayo bishan. Dhinacyada Soomaalida ayaa qaarkood muujiyay sida ay u xiiseynayaan ka qeyb galka shirkaas, gaar ahaan Maamulada curdunka ah oo durba taageeray inay ka qeyb galayaan, waxaana hadalo ka soo kala yeeray Kooxda Ahlusuna ee fadhigeeda yahay Dhuusa Mareeb iyo Maamulka kale ee ku xeyndaaban Koofurta Galkacyo ee Galmudug ay labaduba sheegeen inay ka qeyb galayaan shirkaas
-
Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in muhiimad ay tahay in dalabkooda la tixgeliyo, maadaama shirar horay dibada lagu soo qabtay aan waxba ka soo naasacadaan, isagoo xusay in dhinacyada wada hadlaya ay yihiin Soomaali, isku af iyo isku diin ah sida uu hadalka u dhigay. JB maa asaa ogolaaday?
-
Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shuruud ku xiray shirka wada tashiga ee Nairobi ka qeyb gelkiisa, isagoo sheegay in iyaga mowqifkooda uu cad yahay, sidii ay go'aanka uga qaateen dhowaan. Isagoo la hadlayay Telefishinka qaranka oo dhowaan hawada soo galay ayuu Ra'iisul Wasaaraha waxaa uu cadeeyay in Dowladda KMG ay diyaar u tahay in shirkaas ka qeyb galo, hadii loo soo raro meel ka mid ah gudaha Soomaaliya, isla markaana ay garwadeen ka noqoto. "Anaga mowqifkeena waa cad yahay, shirkaas waxaan ka qeyb galeynaa, hadii gudaha dalka loo soo raro, garwadeena ay ka noqoto Dowladda"ayuu yiri Ra'iisul Wasaare Farmaajo si aan leex leexad laheyn. Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa sheegay in muhiimad ay tahay in dalabkooda la tixgeliyo, maadaama shirar horay dibada lagu soo qabtay aan waxba ka soo naasacadaan, isagoo xusay in dhinacyada wada hadlaya ay yihiin Soomaali, isku af iyo isku diin ah sida uu hadalka u dhigay. "Anaga shirkaas waxa ka soo bixi kara ma aanan ogin, hadii shirka aan anagu garwadeen ka noqono, waxaan ognahay wixii ka soo baxaya"ayuu sii raaciyay Ra'iisul Wasaare Farmaajo oo ku taliyay in Soomaaliya aayaheeda tahay in shirku ahaado mid dalka gudihiisa lagu qabto. Mr Farmaajo ayaa muujiyay in wali mowqifka Xukuumadiisa ka qaadatay shirkaas uu wali taagan yahay, kadib markii shalay Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Amp. Mahiga uu ku celiyay in shirka uu dhacayo bishan. Dhinacyada Soomaalida ayaa qaarkood muujiyay sida ay u xiiseynayaan ka qeyb galka shirkaas, gaar ahaan Maamulada curdunka ah oo durba taageeray inay ka qeyb galayaan, waxaana hadalo ka soo kala yeeray Kooxda Ahlusuna ee fadhigeeda yahay Dhuusa Mareeb iyo Maamulka kale ee ku xeyndaaban Koofurta Galkacyo ee Galmudug ay labaduba sheegeen inay ka qeyb galayaan shirkaas
-
Breaking News: Brutal Killing in Garowe, Town is Tense
oba hiloowlow replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Ilaahay ha uu naxaariisto dhamaan dadkii shaqaaqadan foolxumada badan ku nafwaayay -
^^ yeah markaasey da'yar qiyaamo uu diraayan iyago leh jannaad galeeysaan
-
war they havent payed a penny to the TFG, aaway ballanqaadyadii??
-
^^ lool waa say iyaga sheegteen waa ,Ciidanka xooga Soomaaliyeed
-
Prof. Gandi First Elected President of Azania State of Somalia
oba hiloowlow replied to Kamaavi's topic in Politics
London2010;708901 wrote: Azania is a nice name. The name of the country should be changed to Azania. lol -
-
hebel waa sameeye ee aniga inaan sameeyo waaye ay sheekadan uu egtahay
-
Fu’aad Shangole:“Alla Soomaalidu gaalnimo badanaa”!!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
loool kana sheekadu keenay arka acuudi bilahi -
Hade sheekada fahma shir soomaliyeed hadii la qabanaayo Somalia ha ka dhacdo.. Tan kale JB UN-ka only pay mushaarka Amisom, marka farmaajo wuxuu dareemay wuxu iney tahay mashruuc hadba meel loogu shiraaya oo ujeedada kaliya tahay shaqaallaha un-ka ay lacag helaan barnamijyadaan oo meeshey uu socoto la garaneynin..
-
Somaliland Professional Photography images Dawasho wacan
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in General
Mashallah -
GUUL culus bashiirow Afmadow maka war heeysa caawa
-
hahahahaha loool Abow axmed oo af bbc ku hadlaaya
-
Fu’aad Shangole:“Alla Soomaalidu gaalnimo badanaa”!!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Sheekada, dadka qaarkood ineysan la socon aan uu maleynaayaa, doodu kuma saabsana in muslimka uu gaaloobi karo ee wuxuu ku saabsan yahay gaaleeysiinta uu dadka muslimka ku haayo dambiile Shongole, Al-muslimow waxaan rabaa inaan ku weydiiyo yaa uu baneeye ina shongole inuu gaaleeysiiyo dad muslim ahi? Mise Amisom oo dalka la keena diinta loogu baxayaa ? -
Fu’aad Shangole:“Alla Soomaalidu gaalnimo badanaa”!!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ Aniga kuma dhihin muslimka always stay muslim ee waala gaalobi karaa but who are we to judge other people? Qofkii gaalooba, Allah SWT ayaa og siduu ka yeelaayo, Anaga waxba nagama qalin.. Arinta shongole sii fiican uu dhageyso, sanad kahor wuxu yiri, xildhibaanada waa gaalo, Madaxweynaha waa gaal,prime ministerka waa gaal, wixii dowladda uu shaqeeya oo idil waa gaal, xaasaskana waa ka furan yihiin, hadii ay kun jeer ashahaataan waa gaalo. 2 bilood kahor neh kulaha dadka oo la gaaleeysiiyo oo mu'min ah asago dilay ay la mid yahay. Carabka ka ilaaliya,hebel murtad ayaan uu maleynaaya carabkiina ka ilaaliya. Dhiiga laguma degdego sow hadalada ma is burinayaan?? -
Ciidamada dowlada ayaa qarka u saran in ay la wareegaan deegaan Afmadow kadib markii ay cagta mariyeen maleeshiyaad Khawaarijta ka haray oo ku sugnaa degmada Dhoobley. Saraakiil ku sugan deegaanka Doobley oo Radio Muqdisho u waramay ayaa sheegay in ay 1.5Km wax ka yar u jiraan deegaanka afmadow, kadibna ay qorsheynayaan in ay gebi ahaanba gacanta ku wada dhigaan kobollada Jubooyinka. Dhanka kale sarkaalkan u hadlay ciidamda ayaa sheegay in ay magaalada Dhoobley ku dhex arkeen dhaawac fara badan oo ay maleeshiyadu ka carartay, kaas oo ay sababeen duqeymo ay maalmihii la soo dhaafay ciidamada dowlada ku beegsanayeen dhufeysyo ay khawaarijtu ku laheed daafaha Doobleey. Lama oga khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray maleeshiyada, balse saacada soo socda ayaa la kala ogaan doonaa haduu eebe idmo.
-
Fu’aad Shangole:“Alla Soomaalidu gaalnimo badanaa”!!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^war ninyahow been badanidaa
-
Popular Contributors