oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Wasaradda Haweenka iyo daryeelka Qoyska ee Xukuumadda soomaaliya ayaa maanta deeq raashin ah oo kasoo gaaray Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan u qeybisay 200 Qoys oo ku nool degmooyinka Gobolka Banaadir. Deeqdaan raashinka oo ay hay’adda Bisha cas ee dalka Iiraan usoo marsiisay shacbiga Soomaaliyeed Wasaaradda Haweenka iyo daryeelka qoyska ayaa waxa ay ahayd 60 tan taa oo ka kooban Bur, Bariis iyo Sonkor iyadoo isla maanta ay Wasaaraddu ku wareejisay qeybtii ugu horreysay 200 Qoys oo ku nool qaybo ka mid ah degmooyinka Gobolkan banaadir. Munaasabadii lagu qeybinayay deeqdaasi raashinka ah ayaa waxa ugu horreyntii ka hadashay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo daryeelka Qoyska Marwo Maryam Qaasim Axmed. “Raashikaan waxaa qaybintiisa gacan naga siiyay Ururuka haweenka Qaranka Soomaaliyee, waxaana aad ugu rajo weynahay in wixii deeq ah oo na soo gaara aan si caddaalad ah ugu qaybin doono bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Sidoo kale waxaa munasaabadaas hadal ka jeedisay guddoomiye kuxigeenka Ururka haweenak Qaranka Canab Xasan Cilmi ayaa sheegtay inay ururkooda uu u fududeyn doono waxka oo wasaaraddu soo gaarsiiya u qaybinta shacabka Soomaaliyeed, waxaana deeqdaasai maanta lagu qaybiyey xafiiska Ururka Haweenka Qaranka halkaasi oo la isugu keenay 200, qoys oo ku nool qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Banaadir. Ugu dambeyntii waxaa halkaasi hadalo mahad celin u badan ka jeedisay mid ka mid ah dadkii maanta deeqdaasi raashinka ah loo qaybiyey, iyadoo ugu baaqday wadamada kale islmaamka ah in ay gar gaar la soo gaaran shacabka Soomaaliyeed ee ay abaarta iyo colaadugu saameeyeen.
  2. ^^ Inuu suit cusub heysto markasta iyo 5stars hotel inuu deggan yahay ma ogide, diintana waxey ka qabto in la dambaabo waad ogtahaye nin yahow
  3. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo howl qaran ugu maqan dalka dibaddiisa ayaa waxaa uu gaaray Caasimadda dalka Burundi ee Bujumbura. Madaxweynaha ayaa waxaa Eeraboorka ku soo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Dalka Burundi Mudane Terence Sinunguruza iyo Taliyaha Ciidamda Burundi Jeneral Maj. Niyombare Godefroid iyo shacab fara badan oo reer Burundi ah iyadoo ay soo bandhigeen cayaaraha hiddaha iyo Dhaqanka. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa waxaa safarkiisa ku wehliyay Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane Cabdikareem Xassan Jamac iyo wasiirka dhalinyarada, isboortiska,, shaqada iyo shaqaalaha Mudane Cabdinuur Macalin Maxamed. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed ayaa kadib waxaa uu la kulmay Madaxweynaha Dalka Burundi Mudane Pierre Nkurunziza kulanka ayaa ahaa mid ay iska wareeysteen labada Madaxweyne iyaga oo ka hadlay dhibaatadda ka taagan Soomaliya iyo sidii Walaalaha Burundi ay ugu qeyb qaadan lahayeen. Madaxweynaha ayaa goobta uu kulanka ka dhacayay waxaa ku soo dhaweeyey kumanaan shacab reer Burundi. Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sidoo kale kala qeyb qaatay shacabka iskool la dhisayay. Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya qudbad kooban uu kula hadlay Shacabka reer Burundi ayuu ugu mahad celiyay taagerada buuxda ay la garab taagan yihiin walaalahooda Afrikaanka ah. Kadibna waxaa uu ka hadlay xaalada lagu sugayo nabada ee ka socoto gobolo badan ee dalka Soomaaliya iyo sidii loo soo gabo gabeeyn lahaay Alshabaab/ AlQaceeda iyo kuwa ay marin habaabiyeen. Malik Abdalla Agaasimaha Warfaafinta Xafiiska Madaxweynaha Muqdishu, Somalia Mabdalla@presidncy.gov.so
  4. Maamulka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca ee Goholada dhexe ayaa maanta si rasmi ah u shaaciyey inaysan ka qayb geli doonin shirka Nairobi, iyagoo ku tilmaamay in shirkaasi uu yahay mid lagu mijo xaabinayo jiritanka Umadda Soomaaliya. Guddoomiyaha Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca Macalin Max’uud Sheekh Xasan oo warfidiyeenka kula hadlayey deegaanak xeraale ee ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa xusay in sababaha aysan shirkaasi uga qayb galeynin ay ka tahay, in aysan la soconin ajandaha shirka, waxaana uu intaa ku daray in ay go’aan ku gaareen in asyan ka qaybgelin shirkaasi uu garwadeenka ka yahay Augustine Mahiga ergeyga Xoghayaha Guud ee Q/midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya. Macalin Max’uud Sheekh Xasan ayaa dhanka kale ugu baaqay mas’uuliyiinta Culumaa’udiinka Ahlusunna waljamaaca in 14-ka bishaan ay kulan isugu yimaadan oo looga hadli doono arrimo kala duwan oo maamulkooda quseeya kaasi oo uu tilmaamay in lagu qaban doono magaalada Dhuuso Mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud. Go’aaankan ay maanta Culumaa’udiinka Ahlusuna Waljamaaca ay ku qaadaceen ka qayb galka shirka Nairobio ayaa imaanaya xilli qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ay ka istaageen mowqifkii Xukuumadda KMG Soomaaliya ay ka qaadatay shirkaasi ee ku saabsan in aysan ka qayb geli doonin
  5. PL, ASWJ, TFG tagi maayaane afar xabo ******** gubtay like Muuse sudi, Salad jeelle and Sakiin ayaa baxaaya
  6. ^^ Ximan iyo xeeb waa maamul jira adeer oo rabitaan shacab ku yimid ;););)
  7. Maamulka Ximin iyo Xeeb oo kamid ah maamul goboleedyada ka jira gudaha dalka Soomaaliya ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in'uusan ka qeyb gelli doonin shirka hal cisho kadib ka furmi doona magaaladda Nairobi ee dalka Kenya. Cusmaan Maxamed Cali oo ah la-taliyaha madaxweynaha Ximin iyo Xeeb war saxaafadeed uu soo saaray ayaa waxaa lagu sheegay in Maamulka Ximin iyo Xeeb uusan marnaba ka qeyb gelli doonin shirka hal cisho kadib lagu wado in uu ka furmo magaaladda Nairobi. La-taliyaha ayaa wuxuu sheegay in Maamulka Ximin iyo Xeeb uusan diyaar u yihiin ka qeyb gellida shirkaasi oo uu si weyn u cambaareeyay, isagoo intaasi ku daray wax kasta oo dhaca inaysan ka qeyb gelli doonin. Sidoo kale wuxuu tibaaxay inaysan wax casuumaad ah ka hellin Qaramada Midoobe, oo ku aadan shirka ka furman raba magaaladda Nairobi ee dalka Kenya, isla-markaana wuuxu sheegay inay taasi u faraxsan yihiin. Dhinaca kale wuxuu sheegay in Wakiilka Qaramada Midoobe u Qaabilsan Arrimaha Dalka Soomaaliya Dr Augustine Mahiga in'ay u gudbiyeen waraaqo diidmo ah, oo ay ku diidayaan shirka magaaldda Nairobi ka furman doona. Si kastaba ha-ahaatee waxaa isa soo tareysa maamulada sida weyn leh uga soo horjeeda shirka hal cisho kadib la-fillaayo in uu ka furmo magaaladda Nairobi ee dalka
  8. Maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa qaadacay ka qeybgalka shirka Q/Midoobay ay sheegtay in ay ku qabaneeyso magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib kulan ay mas’uuliyiinta maamulkaasi ku yeesheen Degmada Cadaado ee Gobolka Galgaduud. Cismaan Maxamed Cali oo ah la taliyaha Madaxweynaha maamulkaasi ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maamulkooda uusan ka qeyngeli doonin Shirka Q/Midoobay ku qabaneyso Nairobi, wuxuuna intaa ku daray in maamulka Ximan iyo Xeeb uu kulankaasi u arko mid lagu majaxaabinayo ummada Soomaaliyeed. “Maamulka Ximan iyo Xeeb waxa uuu taageerayaa mowqifka Dowladda ee ku aadan Shirka Nairobi, sidaasi darteed kama qeybgaleeyno Shirkaasi, oo ah mid lagu jahawareerinayo ummada Soomaaliyeed”ayuu yiri Cismaan Maxamed Cali. Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa hore u qaadacday ka qeybgalka Shirkaasi, hadalka ka soo yeeray maamulkanna waxa uu kaabaya go’aanka Dowladda ay kaga soo horjeesatay in ay ka qeybgasho Shirkaasi.
  9. kulan lagu taageerayo howlgallada isadaba joogga ah ee ay ciidamada Qaranku ka wadaan dalka iyo go’aankii Xukuumadda Soomaaliya ay ka qaadatay ka qeybgalka shirka Qaramada Midoobey ee Nairobi ayaa maanta lagu qabtay magaalada Muqdisho kulankaan oo ay soo qaban qaabiyeen qaar ka mid ah mas’uuliin ka tirsan labada Gole ee dowladda, odoyaal dhaqameed iyo waxgaradka ka soo jeeda beelaha wada degga deegaanada Jubooyinka iyo Gedo oo looga hadlayey arrimo ay ka mid ahaayeen maamul gobolleed dhawaan lagaga dhawaaqay Nairobi ayaa si kulul uga soo horjeestay talaabadaasi. Dood dheer kadib ayaa xubnahasi kulanka isugu yimid waxa ay ka soo horjeesteen maamul Gobolleedkasi dhawaantan lagaga dhawaaqay dalka Kenya, iyagoo arrinkaasi ku tilmaamay in ay tahay mid la doonayo in shacabka halkaasi wada dega lagu marin habaabiyo. Warsaxaadeed ay shirkooda kaga soo saareen ayaa lagu sheeegay in maamul Gobolleed oo aysan dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha quseeya aysan ka warqabin in aysan taageeri doonin. Sidoo kale waxa ay taageereen howlgaladii dhawaan ay ciidamada qalanbka-sida ee Soomaaliya ay kula wareegeen degmooyin ka tirsan Gobollada Gedo iyo Jubada Hooses, waxayna hay’adaha samafalka ugu baaqeen in gar gaar beni aadanimo oo deg deg ah la gaarsiiyo dadka ku nool degmooyinka ay ciidamada Qaranku ka sifeeyeen Khawaarijta Al-Shabaab.
  10. A_Khadar;710194 wrote: ^^ Is that you, the middle man? Mukhalaska... Loool who knows sxbow
  11. Mashallah magaalo bilicsan waaye
  12. Mashallah shariffudiin caadi mahan ilaahay kheyr ha siiyo, mucjiso waaye mashallah
  13. @Abokor, Ninyahow isku dirka iska daa aniga iyo Zack dad walaalan nahay
  14. ^^ Yeah sxb waxaa fiican in danta shacabka laga shaqeeyo sidaas ayaa horumar lagu gaari karaa, waxaana haboon in shirka labaad uu ka dhaco gudaha dalka ,Ciidamada Azaniana aysan noqon ciidan qabiil oo ay noqdaan ciidan Qaran Soomaaliyeed..
  15. ^^ Minority-ga aan ku sheegaayo mahan aniga waa dadka 0.5 lagu sheego hadda ma ii kastay kuwaas aan uu doodaaye ninyahow ee adiga iyo bilan aa wax kale iska dhaadhiciyay.. Gobolka Banaadir waxa ka tirsan 16ka degmooyin ee Xamar ku taala marka waala dhihi karaa, Xamar dadka cad cad maleh kaliyaa Waxaa leh dadka ''Bantu'' lagu tilmaamo iyo reer adoogeey waa leysla leeyahay,, lol dadka cad cad aaba la dhihi kara hadda dhow ay yimaaden anyways, anigu hadaan talada heysaan lahaa 2daas waaba siin lahaa guddoomiyinamada iyo ku xigeenkaba maadama madaxweynaha uu reerkeen yahay run ahaantii.. Haa sheekadi aan uu arkay waayo dadkaas beeraleyda mucaarid ay yihiin maanta BBC ka dhageysanaayey Azhari oo ka hadlaayay... Maamul goboleed wuxuu ku imaan karaa rabitaan shacab marka hadii runtii ay dadkaas beeraleyda ay dhihi lahaayen maamulkaas waan rabnaa oo xubin sare ka naqdaan wax dhiba uma arko, balse sheekadan waxey uu egtahay Maamulgoboleed ay fikradiisa keenen dad siyaasiyiin... Ps. Ninyahow waan is muranay meeshii meel xun ay gaartee bal cafis iyo musamax.
  16. ^^ Haa hade fahan dee sheekada aabahey ayaa ka yimid Jilib dadka deggan jubbooyinka waala kasaaya aan ku iri oo aan ula jeeda beeraleyda, acuudi bilahi misinterpretation badanaa ninka,, Banaadir hal qabiil leh ma jirto waa gobol leysla leeyahay la soco taas anigana waligey ma dhihin kaligey aan leeyahay..
  17. Indeed maxaa ooga gidhiish ah ceeliyaale iyo caliyaale iyo caanihiisa hakasoo shaqeyaan inteysan dad kale la talin. @ Zack,Caliyaale kulaha war ilaa jilib waa minikeyga, tan kale H'da aad ku waalatee aniga dadka uu hiilinooyo maahan ee cuqdada iska dhaaf habarqabe dadkaan difoosada uu ahay waa beeraleyda ''Minority'' lagu tilmaamo, markaasa liigu habar wacday yaab yaabkiisa sheekada kismaayo ay gaartay oonba ka hadlin dadku wareersanaa iyagu
  18. Ciidamada Xooga dalka soomaliyeed yaa kamaavi ,,, Narnia madaxweynaheeda wuxuuba ka so bixi waayay howshii uu ka haayay Dowladda muxuu taraa beeraleyda jubbooyinka?
  19. ^^ Xaan uu heysan waaye tabar ciidanka xooga dalka maxey ii qabanooyaan , Askarta xoreynaysa jubooyinka Xalane ayaa mushaar siiyey not Ethiopia, and not Kenya. Ethiopia iska xoreeya, AS waa Soomaali :D