oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Dhacdooyin aan horey looga baran magaaladda Galkacyo ayaa waxay xalay ka dhacday xaafadda Gorsoor ee Waqooyiga magaaladda Galkacyo, oo uu gacanta ku haayo Maamul Goboleedka Puntland. Kooxo indhaha soo duubtay ayaa waxay xalay fiidkii ay weerar kedis ah kusoo qaadeen dad ku cibaadeysanaayay Masaajidka Saalaxudiin ee xaafadda Garsoor ee magaaladda Galkacyo, isla-markaana waxay halkaasi ay ku dilleen afar ruux, halka in ka badan toban kalana ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Dadkii dhaawacmay iyo kuwii dhintayba ayaa waxaa xalay fiidkii laga daad gureeyay Masaajidka Saalaxudiin ee xaafadda Garsoor ee magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, isla-markaana dhacdadaan ayay ka naxeyn inta badan shacabka reer Galkacyo. Sidoo kale saakadii hore ayay Masaajid kale weerar kaloo kedis ah ay kusoo qaadeen kooxo indhaha soo duubtay, waxayna halkaasi ay ku dilleen tiro dad ah, halka in kaloo fara-badan ay soo gaareen dhaawacyo kala duwan. Dhacdadaan ayay sidoo kale la anfariireen shacabka ku dhaqan magaaladda Galkacyo, taasoo ka dambeysay in magaaladda Galkacyo ay saakay noqoto mid madow miiran ah, iyadoo ay ilbaabada u xiran yihiin guud ahaan dhaq dhaqaaqii ganacsi ee ka jiray Waqooyiga magaaladda Galkacyo. Dhinaca kale majirto wax war ah oo kasoo baxay Maamul Goboleedka Puntland, lamana oga waxa ay uga jawaabi doonaan ficilaadaani foosha xun leh ee ay ku kaceen kuwo lid ah horumar iyo kala dambeen. Majirto koox sheegatay dhacdooyinkaani lagu kala qaaday Masaajido ku yaalla magaaladda Galkacyo ee Gobolka Mudug, hase ahaatee inta badan dadka reer Galkacyo ayaa waxay rumeysan yihiin in’ay ka dambeyso Xarakada Al Shabaab.
-
Dagaal is-gaad-gaad ah oo looga shakisan-yahay inuu salka ku hayo dagaal-Diimeed ayaa ka qarxay Magaalada Gaalkacyo,waxaana dagaalkan lagu tuhun-san-yahay inuu u dhexeeyo taageerayaasha Al-Itixaad iyo Kooxda Timaweynta ee hoos-timaada Suufiyadda,balse Reer Gaalkacyooka u yaqaaniin (Heema) Kooxahan oo is-gaad-gaadkoosu bilowbay bilooyinkii la soo dhaafay,ayaa hadda dagaalkoodu soo gaaray Masaajidyadda ay kala maamulaan,waxaana dagaalkan hadda loo bixiyay (Car-Duko)maadaama qofka la dilayo xili uu sujuud-san-yahay oo Ilaahay uu hor-taagan-yahay. Hadaba kadib markii maanta Gaalkacyo lagu dilay Agaasimihii Awqaafta Diinta ee Puntland oo isagu ahaa Sheekh ka mid ah Culimadda Timaweynta ama Heemada loo yaqaan ee Xertii Allaha u naxariistee Sheekh Cabdulaahi Baardheere,ayaa waxaa caawa maqrabkii weerar habkii Maafiyada oo kale Malayshiyo hubaysan oo aan weli haybtooda lagaran balse loo maleynayo inay yihiin Xerta Heemada ama Timaweynta,weerar lasoo maleegay la beegsadeen salaadii Makhrib gudaha Masjidka Salaaxu-diin oo kamid ah masaajidyada ay gacanta ku hayaan Kooxda Al-Itixaad,waxaana kooxdan oo aanan weli tiradooda la xaqiijin ay halkaas ku fureen Rasaas keentay dhimasho & Dhaawac badan oo ku dhacday dadkii ku jiray Masjidka markii ay gudaha u galeen. Wararku waxay sheegayaan in Malayshiyadani ay Masjidka galeen dabadeedna ay damiyeen guud ahaanba korontadii masaajidka oo ka dhigtay inuu Iftiinku lumo,waxaana ay wararku sheegayaan in deminta Layrka kadib ay Rasaas ooda uga qaadeen dad badan oo kusugnaa Masaajidka oo ay ku jireen Wadaado & odayaal caan ka ah magaalada Gaalkacyo,waxaana halkaas ka dhacay khasaaro badan oo aanan weli la xaqiijin inta ay tiradeedu le'egtahay. Agaasimaha Isbitaalka guud ee gobolka Mudug Cabdiraxmaan Maxamuud Jaamac (Xumbul-Xaambul) ayaa APL goordhaweyd u xaqiijiyey In Isbitaalka la geeyey dhaawaca Lix Ruux & Dhimashada Sadex kale oo dhamaantood wax ku noqday weerarkii masjidu-Salaaxu Diin,waxaana uu Agaasimuhu intaas kudaray in Dhaawacyada loo keenay ay qaarkood halis yihiin,isagoo sheegey in dadka dhintay & kuwa dhaawacmayba qaarkood ay yihiin kuwo la garanayo. Warar Shacabkamedia ku kalsoontahay ayaa sheegaya in ay khasaaraha halkaas ka dhacday intaas ka badantahay,waxaana ay wararku intaas ku darayaan in dhaawaca wax ku noqday weerarkii Masaajidka uu ku dhowyahay Tobon Ruux,waxaase uu weerarkani imaanayaa xili ay Gaalkacyo saacadihii lasoo dhaafay aad u qasantahay islamarkaasna ay jiraan xaalado culus oo magaalada kajira kadib markii maanta Qarax balaaran lagu dilay agaasimihii Waaxda arimaha diinta ee Puntland.
-
Ciidamo cusub oo dhowaan yimid Magaalada Jowhar ayaa saaka raaf aan kala sooc laheyn ka wada Magaalada Jowhar ee Caasimada Gobolka Shabellaha Dhexe, iyadoo uu hakad ku yimid dhaq dhaqaaqii guud ee magaalada. Sida ay sheegayaan wararka raafkan oo aan la ogeyn ujeedadiisa ayaa Ciidamo ku labisan dareys cagaaran ay saaka ku qamaameen dadweynaha magaalada, oo isugu jiray haween iyo ragg, kuwaasoo qaarkood jidadka lagu qabtay. Wararka ayaa sheegaya in raafkan uu saameeyay Ardaydii iskuulaadka oo intii wadada ay ku jireen la qab qabtay, waxaana isa soo taraya dadka sida aadka ah loogu qabanayo raafka ay wadaan Ciidamada Shabaab. Xiriiro kala duwan oo aanu la sameynay magaalada ayaa waxaa sheegayaan in xataa Gaadiidka dad la istaajinayay dadka saaran laga dajinayay, waxaana jahwareer uu ka jiraa ganacsiga magaalada sida ay ku soo waramayaan dadka deegaanka. Ciidamada saaka ku soo qamaamay magaalada oo ah kuwo dhowaan ka yimid Gobolada ay maamulaan Shabaab ayaan la ogeyn ujeedka ay damacsan yihiin, inkastoo maalmihii u dambeeyay xaalada magaalada iska aheyd mid caadi ah, dadkana aan caburin sidaa u muuqda aanay la kulmeyn, bacdamaa Magaalada ay ku yaraayeen Ciidamadii iyo xubnihii mas'uuliyiinta oo ka maqnaa. Lama oga waxa dadka loo xir xirayo inuu la xiriiro arrimo dhaqaale iyo in kale, hase ahaatee Shabaab ayaa dhowaan ku soo rogay Magaalada lacago qidmo ah oo ay ka qaadayeen dadka degan Guryihii Dowladii hore, sida Guryihii ku yaalay Xaafadaha Bagaashka iyo Snai oo dadka bil walba lacag 10-Doolar ijaar ahaan loogu qaadayay.
-
Banaan bax ballaaran ayaa ka soconaya agagaarka garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo dadweyne fara badan oo isugu jira haween iyo caruur ay isku xireen wadada KM4 ilaa Garoonka, kuwaasoo ka soo horjeeda Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan oo saacadaha soo socda Muqdisho ku soo fool leh. Sida ay sheegayaan wararka banaan baxayaasha ayaa la sheegay inay ku qeylinayaan halku dhigyo ka dhan ah shirkii Nairobi, waxaana uu u muuqdaa banaan abaabulan oo Shariif iyo wafdigiisa ka qeyb galay shirkii wada tashiga lagu diidan yahay. Lama oga ilaa iyo hada cida soo qaban qaabisa banaan baxay, hase ahaatee waxaa ka dhex muuqday arday fara badan oo ku labisneyd dareyska Iskuulaadka ee Unifomka loo yaqaano, iyadoo banaan baxan uu yahay mid ka hor imaanaya mid jimcihii ka dhacay Boondheere, kaas oo iska hor imaad dhimasho iyo dhaawac ka dhashay. Wararka qaar ayaa sheegaya in banaan baxan uu yahay mid lid ku ah siyaasada Shariif Xasan ee ku wajahan qodobadii ka soo baxay shirkii wada tashiga ee Qaramada Midoobey soo abaabushay, kaasoo sida qorshuhu yahay doonayo inuu ka gado Baarlamaanka. Ilaa iyo hada lama soo sheegin wax rabshado ah ama caqabado ku yimid dadkii banaan baxayay, hase ahaatee wadada isku xirta garoonka diyaaradaha iyo KM4 ayaa lagu arakaya Ciidamo fara badan oo u muuqda kuwo ammaanka sugaya. Dhinaca kale waxaa iyana ka soconeysa gudaha garoonka diyaaradaha Muqdisho qaban qaabo ballaaran oo lagu soo dhoweynayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan, iyadoo Xildhibaano iyo dadweyne fara badan la sheegay in gudaha garoonka ku sugan yihiin. Warar qaar ayaa sheegaya inuu jiray qaban qaabo banaan bax ah oo shalay ka socotay Muqdisho, kaasoo ujeedkiisa ahaa in lagu soo dhoweeyo Shariif Xasan, waxaana banaan baxa hada socda ee looga soo horjeeda yahay mid laga hor dhacay oo lid ku ah soo dhoweyntiisa.
-
JB atleast sidii hore wey dhaaman, 3 games left as Norf said.
-
Its Mogadishu : peace conference date announced..
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
^^ woord -
Elders Urge Al Shabaab to Join to Reconciliation Process
oba hiloowlow replied to Liqaye's topic in Politics
^^^hahaha Bilan adaaba war heyside odayga ma guri xaaraan uu degan yahay? -
sittin here with a cup of coffe El classico aan sugi la'ahay. Viva los marengues!
-
^^ lol ninyahow xaal aa laga rabaa, hadaa waa in walaasha igu dartid saas kaliya aa ku kala bixi karnaa, ee tolka so raadi beritan ballameyna. Ilaahay amarkiis!
-
loool at faroole ''wax lacag haka welwelin waa buuxna'' what a pirate :D
-
Liqaye bro qaarkood xataa 11 years ay xildhibaano ahaayen.
-
Xaaji Xunjuf;712362 wrote: Half of Mogadisho fled to Kenya and live there when Somalia had a government Mogadisho was around 2 Million No way they are 3 Million right now, Unless Reer Mogadisho siida digaaga ay u dhaleen the past two decades lool waala qaxay 91dii, but waala so galay as well, bay iyo bakool ayaa laga yimid because of the drough, sh/dhexe ilaa iyo mudug ayaa laga imaada, ileen reer guuraga markasta dad ay uu diraan magaalada sey uu shaqeeyaan, muqdishana waa meshii suuqa laheyd walina leh.
-
Nin cadaana oo sheegay in Hargeisa lagu cunsuradeeyo
oba hiloowlow replied to Wiil Cusub's topic in General
Nimcaan -
^^^war magaca Ahlu sunnah waa lagu qarabanooya kuwaan guriceel,caabudwaaq etc jooga waa dad xukun doon ee ilaahay shartooda ha inaga mootiyo.
-
Somalina;712236 wrote: Dude is lost. Little under half a million alone are in Ceelasha biyaha. Jubbooyinka kulahaa. lol yeah ma xasuusata xamar markan tagaayay hada dhow, Suuqa xoolaha waaba yaabeysaa sida ay uu camiran tahay oo dhanka shabaab, sidoo kale dhanka dowladda Xamarweyne, ceelasha iskaba dhaaf waaba magaalo hoteelo, isbitaal privatyo waxkasta waaka helee. Saalaxow stockholm anaa degan, centerka ma tagino magaalada sida meesha NK oo shopping mall iyo gamla stan meel la yiraahdo iyo thats nothing compared to afar irdood iyo.
-
^^^hahahaha dee al-maskiinow hay fashilin hee ballanta isku ogeen aaway see cml
-
lool Duke madaxweyne inuu faroole rabo inuu noqda ani waa ogahay adi waa ogtahay and the rest of SOL, why would he endorse 2yrs extension without nothing back ? haduu imaamka saas yahay amisom looma baahnadeene ciidan ayuu ka keeni lahaa PL oo shabaab inaan ka xoreyno daalka ayuu naga caawin lahaaye.
-
Popular Contributors