oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
This video made my day! Still can't stop laughing!
oba hiloowlow replied to Ismahaan's topic in General
hahaha dym tan maanakoobiyo ay uu baahan tahay -
Kadib kulan maanta ay ku yeesheen Magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa waxay isky raaceen in xilligan aanay suura gal aheyn in dalka lagu qabto Doorasho, iyagoo sii adkeeyay go'aankoodii ahaa in muddo hal sano ah Hey'adaha Dowlada ugu dareen. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo oo shir gudoominayay shirka Golaha Wasiirada ayaa looga hadlay qodobo dhowr ah oo ku wajahnaa marxalad kala guurka iyo xaalada dalka uu ku jira sida ammaanka, siyaasada iyo arrimaha bani'aadanimada ee Abaaraha. La Taliyaha Ra'iisul Wasaaraha ahna Afhayeenka Xukuumada Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa saxaafada ugu warbixiyay kulanka go'aanada ka soo baxay, iyadoo kadib qeybaha saxaafada ay heshay nuqul ka mid ah go'aanadii Golaha Wasiirada shirkooda ka soo saareen. Hadaba War saxaafadeedka oo soo gaaray Xafiiskeena Muqdisho ayaa u qornaa sidan:- Golaha Wasiiraddu: 1. Markii ay tixgeliyeen xaaladda nabadgelyo xumo ee waddanku ku sugan yahay; 2. Markii ay tixgeliyeen guulaha iyo horumarka ay dowladdu ka gaartay dagaalka lagula jiro kooxaha Khawaarijta; 3. Markii ay garwaaqsadeen horumarka laga sameeyey amniga, siyaasadda, dhaqaalaha, xaquuqda shaqaalaha iyo ciidamada, iyo baahida loo qabo in la joogteeyo, lana dhameystiro. 4. Markii ay tixgeliyeen duruufta adag ee dalku ku jiro: abaaro ba’an, barakac baahsan, dagaal dhimasho iyo dhaawac maalin walba sababaya, jabka ku dhacay Al-Shabaab & Al-Qaacida iyo sida ay u kala daadsan yihiin; 5. Markii ay tixgeliyeen go’aanada iyo baaqyada ka soo baxaya dowladaha ciidamadoodu dalka joogaan, qaar ka mid ah beesha caalamka iyo shacabka soomaaliyeed. 6. Markii ay tixgeliyeen go’aankii ay horay u gaareen Golaha Wasiiraddu ee ahaa in dib loo dhigo waqtiga doorashooyinka Madaxda Dawladda muddo hal sano ah si aan loo wiiqin horumarka Amni ee ka socda qaybo kala duwan oo dalka ka mid ah loona dhamaystiro hawlaha ka dhiman xilliga kala guurka; 7. Makii ay arkeen taageerada loo dhamaa ee ay Dawladaha Bariga Afrika Madaxdoodu la garab istaageen go’aankii Xukuumadda ee ku aadanaa in doorashooyinka Madaxda Dawladda dib loo dhigo muddo hal sano ah; Golaha Wasiiradu: Waxey go’aamiyeen in xaaladda waddanka uu ku jiro aaney suurtogal aheyn in doorasho la qabto waqtigan; 2. Wuxuu sii adkeeyey go’aankiisii ahaa in doorashooyinka dib loo dhigo muddo hal sano ah ilaa iyo August 2012, si ay ugu suuragasho in la dhamaystiro hawlaha amni iyo siyaasadeed ee socda; In Xukuumadda ay sii wado wadatashiyada ay la bilowday baarlamaanka ee ku aadan qorshayaasha xukuumaddu u diyaarineyso dhameystirka howlaha qabyada ah ee uu Axdiga FKMG ah na farayo, si loo abuuro aragti mideysan ee ku aadan mustaqbalka soomaaliya. Ugu danbeyntii Golahu waxuu ugu baaqayaa shacabka soomaaliyeed, iyo beesha caalamka inay taageero buuxdo nagu siiyaan meelmarinta iyo hirgelinta go’aankan.
-
Photographer's girlfriend pays loving tribute to her 'Timinator'
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in General
gooni;714046 wrote: abu hilowlow waxaan islahaa dadka ilbaxnimadu la tagtay kuma jirtid!! ma waxaad ku talin lahayd dadku xor ha noqdo:D ka waran haddaan diidno inaan ka istaagno nalka cas oo gawaarida loogu tala galay markay wadada socoto? sow xor ma tihid maku socon karnaa? hadaad taas yeeshay ha diidin tii alle, tan kale masayrku aadanaha oo dhan waa ku jiraa mar laga reebo inta doofaarka cunta Dee iyada ay uu taala, free desire ayeey bani aadumku heystaan, qaar diintooda ay ku adagyihiin qaarna waa unbelieving, anigu kaliya waxaan dhahay waxey doonto ha sameeyso iyada ay uu taala. tan kale tii alle inaan diiday miyaan dhahay? -
Photographer's girlfriend pays loving tribute to her 'Timinator'
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in General
Idil ayaa dooratay jidkaas its up to her, ama cadaan ha doorato ama chineese. Dadka caaynaya waxaan uu arkaa dad maseyrsan, let it be dadyahow. Chimera rageedi baa tahay bro -
^^^Lol sxb, naah sxb actually dad dariskey ahaa waaye,... I heard Sheikh qardaawi fatwo inuu kaso saaray musasalka run miyaa?
-
bilan;713601 wrote: Guys it not only Somali ladies who like this series, it was also translated into Arabic, I read once a man in Algeria divorced his wife because she fell in love with the lead actor. Bilan anaaba aqaan dad Soomaali isku furay musasalkaasi, kedib markey ninka actor-ka jeclaatay................
-
Somalina;713686 wrote: Muqdisho Mashallah Caadi maahan degmada Dayniile waaye meeshaan.
-
Somalina;713683 wrote: :D
-
Anwar bro warkaan mala hubaa?? Wasaarada Arimaha gudaha iyo guriga Maama khadiijo ma gaareen Ciidamada?
-
Azania captures Al-shabaab team leader in Dhoobley
oba hiloowlow replied to Mooge's topic in Politics
^^Wixii dan uu ah shacabka soomaliyeed waanu taageera sxb. -
^^ lol what a schmuck
-
Azania captures Al-shabaab team leader in Dhoobley
oba hiloowlow replied to Mooge's topic in Politics
^^ Ma hoostaagan? markaas waa fiican yihiin, waxaan uu moodaye sida kuwaan ahlu sunnada sheegta (galgaduud) iyo Dooxada Shabelle oo ka garab dagaalama dowladda balse ka mid aheyn.. -
Islamic Republic of Iran to send troops to Somalia!!
oba hiloowlow replied to Liqaye's topic in Politics
I'm already imagining how salaad cali jeele is whipping himself and chanting Shia songs (Shirib and guurow Style.) and poetry and waving the Shia flags with the picture of Imam Husein rathilahu canhu. hahahah looooool Xaaji walahi waa iga qoslisay :D -
Shabaab oo qoday qabriga Aabaha iyo Ayeyada m/weyne Shariif
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Acuudi bilaahi reer aakhireedka xataa waka fakan waayen shabaab -
Shabaab oo qoday qabriga Aabaha iyo Ayeyada m/weyne Shariif
oba hiloowlow posted a topic in Politics
Kooxda al-shabaab ayaa bur-burisay qubuuro ay ku duugan yihiin tiro culimo Soomaaliyeed oo ay ku jiraan qabriyada madaxweynaha Soomaaliya Aabihis iyo Ayeyadiis. Qeybta loogu yeero la dagaalanka bidcada ee al-shabaab ayaa dhulka dhigay qubuuro ku yiilay degmada Mahaday oo ay ku duugan yihiin tiro culimada Suufiyada loo yaqaan . Dad ku sugan degmada Buurdheere ayaa sheegay in maleeshiyo ka tirsan al-shabaab ay bur buiriyeen qubuuradaas ay ku duugan yihiin Sheekh Axmed Sheekh Maxamuud, iyo hooyada sheekh Maxamuud Sheekh Muuse, sidoo kale qabriyada sheekh Maxamuud Sheekh Ibrahim iyo sheekh Axmed Geellee ayaa iyana dhulka la dhigay. Lama sheegi karo in al-shabaab ku eekaadeen oo kaliya bur-burinta dhismooyinka dhagaxa ah ee qabuurayaashaasi iyo in ay lafaha qubuuraha ku jira soo bixiyeen, sida horayba u dhacday oo ay ku sameeyeen qubuuro ay ku duugnaayeen culim caan ah . Ma ahan markii ugu horeysay oo al-shabaab qubuuro bur buriyaan iyaga oo ku doodaya in shareecada islaamka hareer marsan yihiin. Burburintan ayaa waxaa ay kaga duwan tahay kuwii hore in ay ku aasnaayeen Aabaha iyo Ayeyda madaxweyne Shariif Sh. Axmed. -
Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa maanta la wareegay fariisima cusub oo Khawaarijta Al-Shabaab ay ku lahaayeen gobalka Geddo kadib howlgal saakay ciidamada dowladda ay ka sameeyeen deegaan qiyaastii 50 Kilimitir u jirta deegaanka Gusaar ee gobalka Geddo. Wararka naga soo gaaraya deegaanka guusaar ayaa tilmamaya in halkaasi uu ka dhacay dagaal aad u qaraar oo dhex maray ciidamada dowladda iyo kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabab, ayadoo ciidamada qalabka sida ay halkaasi qasaaro xoogan ku gaarsiiyeen meleeshiyaadka khawaarijta ah ee Al-Shabaab, waxaana sidoo kale lagala wareegay gadiid dagaal sida uu inoo xaqiijiyay Maxa’ed Ibraahim oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan goobta ay ciidamadu la wareegeen. Dagaalka ka dhacay duleedka deganka guusaar ayaa waxa uu qayb ka yahay howl gallada ay ciidamada qalabka sida ee Soomaalia ka wadaan deegaano badan oo ka mid ah gobollada dalka si ay ugu sifeeyaan kooxda khawaarijta ah ee Al-Shabaab Waxaa isasoo taraya qasaaraha ay maleeshiyada Al-Shabaab kala kulamayaan ciimadda dowladda oo si aad ah ugu diyaar garoobay sidii khawaarijta iyo ajaanibtooda looga dul qaadi lahaa dhibaatooyinka ay shacabka Somaliyeed ku hayaan. Dagaalkii maanta ka dhacay deegaanka gusaar meel ku dhawaad 50km u jirta ayaa imanaya xilli isla deegaankaasi gusaar ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda Soomaaliya kuwaasi oo meesha ka saaray Kooxda khawaarijta Al-Shabaab.
-
Azania captures Al-shabaab team leader in Dhoobley
oba hiloowlow replied to Mooge's topic in Politics
Kuwaan azania waa iska sheeganayaan lee Ciidamada Dowladda KMG waaye waxa howlgallada wado iyo Raaskambooni. -
Islamic Republic of Iran to send troops to Somalia!!
oba hiloowlow replied to Liqaye's topic in Politics
lool Radiomuqdisho ayaa sheegi lahayd hadey jirto. -
Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta la wareegay fariisimo dhowr ah oo ay horey ugu sugnaayeen maleeshiyaadka kooxda Khawaarijta Al-Shabaab kadib howlgalo ay saakay ciidamadu ka fuliyeen qaybo ka mid ah degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir. Dagaalkan oo bilawday aroortii hore ee saakay ayey ciidamada dowladda Soomaaliya u suurtagashay in ay la wareegaan deegaano dhowr ah oo degmada boondheere ka tirsan kuwaasi oo kala ah masaajidka Xaaji Yabarow, iskoolkii Wiil Waal, agagaarka wasaaradii hore ee Arrimaha gudaha iyo kuwa kale oo ay Shabaabku isaga kacarareen kadib markii ciidamada Qaranka ay jilbaha u aasteen maleeshiyadka kooxda Khawaarjita Al-Shabaab. Taliyaha guutada 1-aad aagga barri ee ciidamada Dowladda Gaashaanle Sare Max’ed Max’uud Saneey oo Radio Muqdisho la hadlayey ayaa shaaciyey in ciidamada dowladdu ay horrumar ka soo hooyeen howlgalkii saakay ay ka fuliyeen qaybo ka mid ah degmada Boondheere, halkaasi oo uu tilmaamay in ay jab xoogan u geysteen maleeshiyada kooxda Al-Shabaab. G/sare Max’ed Max’uud Saneey ayaa hoosta ka xariiqay in dhanka ciidamada dowladda ay dagaalkaasi uga dhaawacmeen ilaa iyo sadax askari, halka uu xusay in maleeshiyadka kooxda Khawaarijt Al-shabaab dagaalkaasi looga dilay 7- ruux, kuwaasi oo uu sheegay in ay meydkooda yaalaan goobihii lagu dagaalamay. “Waan sii wadi doonaa howlgallada lagu ciribtirayo kooxaha khawaarijta Al-Shabaab ee dhibaatada ku haya shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku daray.
-
Popular Contributors