oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
lool Jinniga ugu weyn shaalowaa la yiraa jamasha manyo ku jiraa
-
Wasaaradda Caafimaadka oo deeq Dawo ah gaarsiisay qaar ka mid ah Cisbitaallada dalka Wasaaradda Caafimaadka Xukumadda KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta deeq Dawo ah gaarsiisay Cisbitaaladda ka howlgala magaalada Muqdisho iyo Gobolada ee dalka. Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Dr. Aadan xaaji Ibraahin Daa’uud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradaasi ayaa sheegay in wasaaradda Caafimaadku ay deeq Dawo ah oo ka timid dalka isutagga Imaaradda Carabta ay gaarsiisay Cisbitaallada ka howlgala magaalada Muqdisho, iyo Gobollada Gedo, Galgaduud iyo Mudug. Wasiirka ayaa tilmaamay in dowadaasi ay u kala qorsheeyeen sida ay cisbitaaladu u kala baahi badanyihiin, si loo *****lo baahdida Dawo ee Cisbitaaladaasi. Dawadani ay wasaaraddu gaarsiisay Cisbitaaladaasi ayaa ah mid ay baahi weyn u qabaan ummadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, iyadoo arintani ay qeyb ka tahay dadaaladda ay wasaarddu ku dooneeyso in ay dib ugu soo nooleeyso adeegyadii caafimaadka ee dalka.
-
Madaxweyne Shariif oo u balanqaaday Ciidamada Dowladda inay heli doonaan darajooyin Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo shalay kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Saraakiisha Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan aagaga dagaalka ayaa waxaa uu ku ammaanay dadaalka ay ugu jiraan difaacida dalka. Kulanka ayuu sheegay Madaxweynaha inuu isaga si gaar ah u dalbaday, si ay fadhi isku arkaan, maadaama intii uu booqanayay aagaga dagaalka ay deg deg ku aheyd, isla markaana aanu fursad u helin inuu kulamo la qaato saraakiisha. "Kulankan anigaa si gaar ah u dalbaday, maadaama markii aan isku arkeynay aagaga dagaalka uu socdaalkeena ahaa mid deg deg ah"ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo khudbad xasaasi ah ka jeediyay kulanka. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay waxa ka dhiman Ciidamada Dowladda iyo saraakiishooda inay ku kordhiyaan, isagoo soo qaatay sida lagama maarmaan u tahay in la dhameystiro qaab dhismeedka Ciidamada xooga dalka. "In la dar dar geliyo, maamulka ciidamadana la hagaajiyo, markaa guuleysatiin darajada koree u soconee, marka waxaa la idinka doonayaa inaad ka soo baxdaan waajibaadkiina oo aadan gadaal u soo socon, waxa idinka dhiman in la idinku kordhiyo diyaar ayaa u ahay"ayuu yiri Madaxweynaha. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka uu bur buray markii ay bur bureen Ciidamadii xooga, isagoo sheegay in dal kasta uu Ciidan bad baadiyo, waxaana uu soo qaatay Ciidamadii dalalka Tunisia iyo Masar oo uu sheegay in dalkooda bad baadiyeen, waxaana uu ugu baaqay Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Dowladda inay dhameystiraan howsha dib u dhiska Ciidamada. Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale xusay in Dowladda ay u taagan tahay dib u dhisida Ciidamada iyo tayeyntooda, isagoo ku wargeliyay in askari walba iyo sarkaal kasta uu heli doono darajooyin. "Waxaa la idinka rabaa inaad horay u socotaan, waxaa laga yaabaa inaad qaarkiin dooneysaa darajooyin, xilligan ayay guusha dhow dahay, ciidan soo jabaya gadaal u socda darajo lama siin karo, ciidan guuleysanaya ayaa darajo la siin karaa, xilligeeda waa la joogaa, waxaa la idinka rabaa inaad horay u socotiin"ayuu yiri Madaxweyne Shariif. Waxaa uu ka hadlay dagaalada ka socda Gobolada, isagoo tilmaamay inay meel wanaagsan marayaan, isagoo ka dalbaday Ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM inay xoojiyaan howl galada Muqdisho, oo aanay gadaal u fiirin kuwa Gobolada oo uu tilmaamay inay soo socdaan. Maalmihii u dambeeyay ayaa Madaxweynaha waxaa uu kormeero ku tagayay jiidaha dagaalka iyo fariisimaha Ciidamada Dowladda ku leeyihiin aagaga, waxaana dad badan ay rumeysan yihiin in booqashooyinka Madaxweynaha ay saldhig u aheyd sidii uu u dhiira gelin lahaa Ciidamada Dowladda KMG.
-
Bannaanbax lagu taageeray dilkii Usaama Bin Laden iyo guulaha DKMG ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho Arbaco, May 04, 2011 (HOL) – Bannaanbax ay ka qaybgaleen boqlaal qof oo lagu taageerayay dilkii loo gaystay Usaama Bin Laden ayaa maanta ka dhacay barxadda ex-fiyoore ee magaalada Muqdisho, banaanbaxayaasha ayaa waxay sidoo kale ku muujiyeen dibadbaxooda sida ay u taageersan yihiin horumarka ay ciidamada DKMG ah ka sameeyeen dagaalladii ugu dambeeyay ee ka kala dhacay gobolka Gedo iyo magaalada Muqdisho. Dadweynaha dibadbaxa ka qaybgalayay ayaa waxay ugu baaqeen beesha caalamka inay gacan ka geystaan sidii muddo ku filan loo siin lahaa xukuumadda KMG ah si ay u dhamaystirato howlaha ku saabsan amniga, lana tixgeliyo codsigeeda ah in dib loo dhigo doorashada muddo hal sano ah. Mas’uuliyiintii dadweynaha hortooda ka hadlay waxaa ka mid ahaa guddoomiyaha ururada bulshada rayidka Muxyadiin Xasan Afrax isagoo halkaa ka aqriyay bayaan kasoo baxay bannaan-baxayaasha. Bayaanka ayaa wuxuu u qornaa sidan: 1- Waxay ururrada bulshada rayidka ah ee isugu soo baxay banaanbaxan ay si weyn u soo dhaweenayaan dilkii Usaama Bin Laden iyagoo u arka inuu khatar ku ahaa ammaanka iyo nabadda Soomaaliya, waxayna dowladda Maraykanka ugu hambalyeynayaan guushaas iyo bulshada kale ee caalamka ee gacanta ku siisay. 2- Bulshada Rayidka Soomaaliyeed waxay ka codsanayaan dowladda Maraykanka iyo caalamka intiisa kale khaasatan dowladaha ciidamadooda joogaan Soomaaliya inay taageero ciidan, mid siyaasadeed iyo mid dhaqaale siiyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya si ay uga takhalusto ama u ciribtirto Al-shabaab, ajaanibta la socda iyo gogaamiyahooda si dalku amni iyo nabad u helo. 3- In xukuumadda lagu taageero dadaalka ay ugu jirto nabadaynta magaalada Muqdisho iyo gobolada kale ee dalka, isla markaasna la siiyo waqti ku fillan oo ay howlaheeda shaqo ku dhamaystirato, lana tixgeliyo codsigeeda ah dib-u-dhigidda doorashada halka sanno ah. 4- In la joojiyo dacaayadaha abuuri kara kala fogaansho iyo qalalaase siyaasadeed isla markaana kala dhantaali karta abaabulka ciidan ee ku wajahan Al-Shabaab meel kasta oo ay Soomaaliya ka joogaan.
-
^^ loool was asking me the same question where is Bashiir when u need him
-
Amin Amir makes fun of Sh. Hotel for the 3rd time in a week
oba hiloowlow replied to The Zack's topic in Politics
The Zack;716757 wrote: Oba, claims, claims, claims. Do you have hard evidence to back up your claims that the few kilometres are more populous than the rest of the town? Amir might make not so funny jokes but he doesn't lie. Xamar waligaa ma aadan tagin hadaad tiri in Shangani,xamarweyne,xamar jab jab,waabeeri,wadajir dharkeynley inta badan Hodan , h/wadaag, Boondheere, Wardhiigleey, Shibis c/casiis aad tiraahdid waa few Kms. degmooyinka ay heystaan dowladda waa kuwa ugu camiran sxb cidda doontid weydii, Kaaraan,Yaaqshiid,Huriwaa iyo dayniile dad farakutiris ayaa ku haray, ama dhanka dowladda ay so aadeen, Ceelasha Biyaha, dhanka galgalato ama dhanka Caliyaale.. sababto meelaha ay shabaabku joogan waa war zone.. -
Amin Amir makes fun of Sh. Hotel for the 3rd time in a week
oba hiloowlow replied to The Zack's topic in Politics
looooooooooooooooool Zack if thats true then how come the TGF area has more population than the Shabaab one in xamar? Shacabka sow ma qixi laheyn? Instead they got free schools, amaankii oo la sugay,meel ay ku ganacsadaan, dadka abaaraha ilaa iyo sh/hoose,baay & Bakool, Sh/dhexe ay kaso qaxayeen dowladda ay uu imaanayen sida ay uu helaan deeq... Waxkasta waa heleen marka Tarzan,Shariif and Farmaajo will leave as heroes.. -
Azania Steps up Security After Bin Laden Killing....
oba hiloowlow replied to Bashiir's topic in Politics
Lool bashiir aka faranacab Do u still Do rap in ********** Horta? :D keep it up. Ps. Narnia dont exist keep on dreaming yaa faranacab -
Girls, what turns u off when it comes to a somali brother?
oba hiloowlow replied to Shankaroon's topic in General
^^ lol naah iney la socdaan ilama ah,, ilaahay haso hanuuniyo the sis. -
Girls, what turns u off when it comes to a somali brother?
oba hiloowlow replied to Shankaroon's topic in General
^^haha gabartanaa Aaliyyah lool waxaasi ma jiraan dee qurba la jooga ilbax cml aa lo noqday lol -
Azania Steps up Security After Bin Laden Killing....
oba hiloowlow replied to Bashiir's topic in Politics
loooool dee adeer narnia doesn't exist im just sayin, no need to name callings come on how old are u? -
Azania Steps up Security After Bin Laden Killing....
oba hiloowlow replied to Bashiir's topic in Politics
^^ adeer narnia dont exist when will u understand... -
Girls, what turns u off when it comes to a somali brother?
oba hiloowlow replied to Shankaroon's topic in General
loool seriously brain damaged waaye but she is kinda funny -
Azania Steps up Security After Bin Laden Killing....
oba hiloowlow replied to Bashiir's topic in Politics
lol@ Thread.................................. -
Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeybgalay Munaasabad lagula wareegayay Iskuul loogu magac daray Marxuum Waayeel+Sawiro Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ayaa maanta ka qeybgalay munaasabad ay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare kula wareegeysay Iskool loogu magacdaraty Allaaha u naxariistee Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Mudane Axmed Cabdillaahi Waayeel kaas oo oo laga hirgeliyay xaafadda Jaziira oo ku taala Duleedka Degmda Wadajir ee Gobolka Banaadir. Munaasabadan ay maanta Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Soomaliya kula wareegeysay Dugsi cusub oo lagu magacaabo Dugsiga hoose iyo Dhexe ee Waayeel islamarkaasna lagu qabtay xarunta Dugsigaasi ee Jaziira ayaa waxaa ka soo qeybgalay Ra’iisul Wasaare Farmaajo, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare Dr. C/nuur Sh. Maxamed, Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada Muuse Faarax Xeyd, Afheyeenka Xukuumadda ahna la taliyaha R/wasaaraha ee xagga Warfafinta Eng. C/raxmaan Yariisow iyo saraakiil ka socotay AMISOM. Ugu horreyntii ayaa waxaa munaasabadda hadal ka jeedisay Caasho Cumar Axmed oo ka mid ah dadkii gacanta ku hayay Dugsigaasi oo ay wax ku bartaan Caruurta ay dhaleen Ciidamada Xoogga dalka Soomalaiya ayaa faahfaahin ka bixisay marxaladihii uu so maray dugsiga, iyadoo tilmaantay in Dugsigaasi ay markii hore aas aaseen Ciidamada AMISOM Bishii Ramadaan ee sanadkii hore islmarkasana ay maanta farxad u tahay inay ku wareejiyaan Dowladda Soomalaiya. Sidoo kale, Wasiirka Wasaaradda Waxbarshada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Soomalaiya Dr C/nuur Sh. Maxamed oo hadal ka jeediyay xaflada ayaa sheegay inay fursad qaali ah tahay inay dowladda la wareegto dugsigaasi waxa uuna sidoo kale shaaciyay inay jiraan dugsiyo kale oo ay Dowladda gacanta ku hayso uuna ka mid yahay dugsi isna loogu magac daray Dugsiga Prof. Ibraahim Xasan Caddow Wasiirkii hore ee Hiddaha iyo Tacliinta Sare kaas oo ka mid ahaa dadkii naftooda ku waayay Qaraxii Hotelka Shaamow 3-dii December sanadkii 2009-ka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada FKMG ah Mudane Maxamed Cabdilaahi Maxamed Farmaajo oo jeediyay Khudbaddii ugu dambeysay ee Munaasabadda ayaa sheegay in dugsigani uu yahay dugsigii labaad ee ay la wareegto Dowladda, waxa uuna xusay R/wasaaruhu inay arintaasi qeyb ka tahay dadaallaad lagu soo celinayo adeegyada Bulshada Soomalaiyeed. R/wasaraha Soomalaiya iyo Xubnihii la socday ayaa soo kormeeray dhammaan qeybha kala duwan ee fasallada ,si ay ugu kuurgalaan xaalaadda waxbarasho ee Dugsiga, waxa uuna R/wasaare Farmaajo mid mid u salaamay caruurtii wax ka baraneysay Dugsiga hoose iyo Dhexe ee Waaayeel kuwaas oo ay dhaleen Ciidamada Xoogga dalka Soomalaiyeed. Dhowaan ayeey aheyd markii ay dowladda Xukuumadu si rasmi ah ula wareegtay Dugsiga Hoose iyo Dhexe ee Maxamuud Mire kaas oo ay ballaan qaaday Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta sare inay si lacag la’aan ah wax uga baran doonaan ardayda Soomaliyeed.
-
Girls, what turns u off when it comes to a somali brother?
oba hiloowlow replied to Shankaroon's topic in General
Lool -
^^ waxaasi ma jiraan, Doolow crew iyo azania wax la dhaho meesha ma joogaan, Ciidanka xooga dalka Soomaliyeed oo dalkoodi xoreynaayo waaye adeer.
-
Shir Jabhadda ONLF ay ku yeelatay Magaalada Nairobi oo ku dhamaaday buuq iyo gacan ka hadal Axad, May 01, 2011 (HOL) – Kulan uu soo qabanqaabisay garabka jabahadda ONLF ee heeshiiska la gashay dowladda Itoobiya oo loogu talogalay in jaaliyadda kasoo-jeeda ismaamulka Soomaalida-Itoobiya ee ku nool dalka Kenya looguna talogalay in loogu sharraxo heshiiskii sannadkii hore ay la galeen Itoobiya ayaa ku dhamaaday buuq iyo gacan-ka-hadal. Shirkan oo ka dhacay hotel Andoulus ee xaafadda Islii (Eastleigh) ee Nairobi ayaa waxaa ka qaygalay boqolaal dhallinyaro iyo waxgarad ah oo ay ku jireen ganacsato iyo oday-dhaqameed ayaa waxaa khudbado ka jeediyay guddoomiyaha jabhadda ONLF ee heshiiska la gashay Itoobiya Inj. Saalixudiin Xaaji Macow iyo gudoomiyaha jabhadda Somali-galbeed Sheekh Ibraahim Maxamed Xuseen oo iyaduna heshiis la gashay Itoobiya. Mas'uuliyiinta ONLF iyo WSLF ayaa shirka ka jeediyay hadallo ay jaaliyadda ku nool Kenya ay uga gadayaan heshiisyada ay la galeen Itoobiya sannadkii hore, balse shirka ayaa kusoo xiray buuqa iyo gacan ka hadal aanay cidna khasaare kasoo gaarin. Buuqa shirka ka dhashay ayaa yimid kaddib markii mas'uuliyiinta shirka ka hadlay ay su'aalo weydiiyeen dad taageersan garabka jabhadda xoreynta Soomaali-galbeed ee ONLF ee weli dagaalka kula jirta dowladda Itoobiya. Illaa afar qof ayaa la sheegay in booliiska Kenya ay xireen, kuwaasoo lala xiriiriyay inay abaabuleen rabshadda ka dhacday halka uu shirku ka dhacay. Jabhadda ONLF ayaa laba garab u kala jabtay sannadkii hore kaddib markii koox ka mid ah jabahaddaas ay heshiis nabadeed la saxiixdeen dowladda Itoobiya, iyadoo mas'uuliyiinta garabkan ay sheegeen inuu yahay mid lagu soo afjarayo dagaallada muddada dheer ka socda deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.
-
^^ waxay dhaanta maan ku iri jaa habarteey habarteey aala bilaawa mii
-
^^ in conclusion Somalidiid waaye lool tool toolka naga dhaaf niyow
-
mashallah warkan run ay uu egtahay !!
-
Wararka ka imaanaaya magaaladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo ayaa waxay sheegayaan in maanta Fu’aad Shongolle lagu dillay dagaalo xoog leh oo ka dhacay magaaladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo. Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Dowladda Kmg ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil ayaa wuxuu shaaca uu ka qaaday in dagaalo xoog leh oo maanta ka dhacay magaaladda Garbahaarey ee Gobolka Gedo ay ku dilleen saraakiil sar sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo uu kamid yahay Fu’aad Shongolle. Gudoomiyaha ayaa wuxuu sheegay in meydka Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf ay gacanta ku hayaan, ayna saacadaha soo socda u soo bandhigi doonaan qeybaha kala duwan ee warbaahinta, isagoo intaasi ku daray in tani ay tahay guul balaaran oo u soo hooyatay Ummada Soomaaliyeed. Mudane Kaliil ayaa wuxuu tibaaxay in dagaaladii maanta ay ku dilleen saraakiil ajaaniib ah oo qaarkood u dhalatay dalka Kenya, isla-markaana wuxuu tibaaxay in sarkaal sare oo ay dilleen ay hayaan aqoonsigiisa, isagoo intaasi ku daray in’ay gacanta ku dhigeen baasaboorada saraakiishii ay dilleen. Sidoo kale wuxuu sheegay in dagaaladdii maanta ka dhacay magaaladda Garbahaarey ay ku dilleen ciidamo kale oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab, kuwaa oo uu sheegay in meydadkooda ay caawa ka uruurinayaan xaafadaha kala duwan ee ku yaalla magaaladda Garbahaarey. Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Gedo ee Maamulka Dowladda Kmg ee Soomaaliya Maxamed Cabdi Kaliil oo caawa ku sugan magaaladda Garbahaarey ayaa wuxuu qeexay in uu dul taagan yahay meydka Sheekh Fu’aad Maxamed Khalaf ayna beri u soo bandhigi doonaan bahda saxaafadda. Si kastaba ha-ahaatee haddii dilka Sheekh Fu’aad Shongolle uu soo shaac baxo ayaa waxay khasaaro culus u tahay Xarakada Al Shabaab iyo Ururka Al Qaacida oo maanta sida la-sheegay laga dillay hogaamiyii kala haggi jiray.
-
Popular Contributors