oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Shiikh Xassan Shiikh Cabdi Maxamed (Shiikh Xassan Qoryoley) ayaa ku dhintay magaalada Nayrobi ee dalka Kenya waxaana la soo warinayaa in saaka lagu aasi doono magaalo xeebeedka Mombasa. Shiikha Xasan Qoryooley ayaa waxa uu ka mid ahaa madaxda ugu sareysa ee Ururka Ahlusunnah Waljameeca waxa uuna la socday Kolonyo baabuur oo labo maalin ka hor ciidamada Alshabaab ay u galeen meel ku dhow deegaanka Garbahaarey kadib markii uu Shiikha ka soo ruqaansaday magaalada Luuq. Shiikha ayaa sida la sheegayo waxa uu ku dhaawacmay qarax Miino oo la la eegtay baabuurka uu saarnaa waxaana durbadiiba dhawaciisa la geeyey magaalada Beledxaabo halkaas oo looga sii duuliyey magaalada Nayrobi ee dalka Kenya. Shiikh Xasan Qoryoley ayaa ahaa Hogaanka sare ee ururka Ahlusunah ee Koonfurta Soomaaliya isla markaana waxa uu Shiikha hormuud ka ahaa abuubulada looga soo horjeedo ciidamada Shabaabka oo mudooyinkaan luminayo deegaano badan oo ay gacanta ku hayeen. Weerarkaan gaadmada ah, ee lagu beegsaday Kolonyadii Shiikh Xasan Qoryooley siday ayaa yimid kadib markii ciidamada Shabaabka ay ku guuldareysteen isku daygii ay ku doonayeen in ay dib ugu qabsadaan magaalada Garbahaarey taas oo si xoogan looga itaal roonaaday. Weerarada noocaan ah ayaa waxa ay ka qeyb yihiin qudada dagaal oo ay iclaamiyeen Xarakada Alshabaab kaas oo uu afhayeenkooda Abuu Muscab uu ku dhawaaqay kadib markii looga adkaatay dagaal faraha looga gubtay ay la galeen ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlusunah ee Gobolka Gedo.
  2. ^^LST Cowl maamul goboleed,dowladd goboleed etc wax shaqo kuma laha waa gobol caadi like Sh/hoose for example.. Waxan maamul goboledyada waa nonsense like Azania,waax iyo waadi, mareegstate,hiiraan state.. Warbixin buuxdo hadaad dooneysid videoga aan kor ku post gareeyay daawo.
  3. Zack, whats your source? Leezu, Mudug,Galgaduud and Sh/dhexe ayuu gobolka xuduud la leeyahay. Complicated, waa gobol caadiya state,maamul goboleed, dowladd shaqo kuma leh.
  4. ^^^Alla sheegasho badanaa, the soldiers may be from your subclan but they aint part of ur delusional state..
  5. Azania Narnia Lasgna whats the difference
  6. ^^ lool that so called state doesn't exist dee,
  7. Leezu and Che Cowl is not a state its a region like Sh/dhexe, Baay etc. There is no intentions to build a state as well.
  8. ^^^come on adeer thats Raaskambooni crew and the TFG,, dont see any Narnia because it dont even exist
  9. Cowl waa gobol maha maamul goboleed.
  10. Zack , Tarzan waa reer Jawiil, mudug uu ku dhashay mahane far kama so gasho dhuusamareeb hobyo,
  11. Liqaaye ninkaan jowhar iyo Balcad inuusan waligiisa tagin ayaa cad ee shib ka dheh bo..
  12. The Zack;716834 wrote: Liqaye, Gaalka dil gartiisa sii ma maqashay? Are you denying the fact that the locals in Xamar (the people who owned the city before it was taken over by Oba's cousins who happen to belong to the outskirs of Xamar and not to Xamar itself) have been abused and harrased in Xamar for very long time? Aggaaaa! waar isku xishoow Gobolka Banaadir qof iga xigtaa maleh xataa juffo iyo iskaba daaye laf hoose ahaan ayaan xataa uu leeyahay meesha ee yur aan ku leeyahay waxaad xamar ka kaseysid maleh,,
  13. Wyre lool Jiini shaaloowe dhageyso hehe niikadaba ii dilay
  14. Bilan waan arkaayay wey heesaayeen and stuff,, laakin sababta iyo wixii ka dambeyso aanan ogeyn, dhulka waxaan uu maleynaa iney tahay dhul aan dhisneyn oo malaha dadka so qaxay la dejiyay walahi allahu aclam. Legitimate mahan waxaan ula jeeda dhulka Soomali ayaa lahaa Talyaani ayaana siiyay, koley waa dad dembi badan laga galay oo runtii muqdisho waxey uu degi la'dahay waa cuqabadii laga galay dadyowgaasi waagi 92kii aan xasuusta sidii lo galaayay ama waa la dilaayay ama gabdhahooda ayaa laga xadaaye oo miyiga fog la geynaaye, runtii 91dii marku dagaalkii biloowday diyaarad ay so direen Yemen oo lagu daabulaaye qaarna Mombasa ay dooni ka raaceen, marka inta badan qowmiyadda dalka mar horey ka tageen..
  15. Bilan,it's not legatime anaa ku dhahooyo waa sida arinka *******ya oo dhulkii soomaalidu la siiyay Ethiopia, micnaheedu maha inaan uu diidooyo, hadii dowladdaha kale ay ogolaadeen, dowladda hada jirtona waa iney ogolaadan laakin ilama aha iney uu ogoleyn wax kale ayaa jirto oo anaga ogeyn.. Hadey rabaan iney baxaan 91dii ay bixi lahaayen markii diyaaradaha lagu daabulaaye...
  16. Evidenceku waxaa weeye ina adeer degmooyinka ay dowladdu gacanta ku haayaan waa nabad dagaal kama socoto like Xamarweyne,wadajir,dharkeynley,waabeeri, shingaani iyo xamarjabjab, dagaalku meeshu uu ka socdo waa hodan iyo h/wadaag oo laga wada qaxay waagi oday cabdullahi, Boondheere, Dayniile,shibis,C/casiis, Yaaqshiid waa sidii loogu qaxay 2007-2009, Kaaraan as well cidu ma joogto, marka meel ay dagaal ka socoto sidee lagu degenaana waa pure logic adeer. Anigu arintaasi eeh cad cadka lagu qixinaayo ma maqal, dhul ay sheeganayaan iney leeyahiin uun ba arkay oo italy siiyeen, legatime lama dhihi karo, anyways yaa yiri in reer hobyood meesha la dejinooyo kuwii lahaayana laga saarooya cadeey boo? Mise sheekadii rere abtigey lagu xaman jiray ayaa shegoosa lee