oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. ^^ shacabka arkooyo ninkaan, ilaahayna waa ujeeda muga ma liibanaayo,, lool oday cabdullahi meequ raadihaaye kursigaas baas 27 sano amey ka badan tahay xataa
  2. ^^ Inaa lilahi xaaji daacad mey ka tahay,?? Waxaasi waa habaar ,sakiin waa kaliye isutaliye suu rabo lee socoheeyso Geedi neh waa doqon, dadka muslimka ee Muqdisho waad ogeyd sow uu xasuuqay gaar ahaan reer abtigeey
  3. loool @Zack, first maamul goboleed maha, waa gobol uu dhiganta for example Banaadir,,, dowladda ayaana magacaabeyso maamulka gobolka, ee xildoon mahaa sida maamulada qaar,, Gobolka Banaadir ayaa lagu dhawaaqay gobolka cusub ee Cowl wax ceebase maha ileen waa Gurigoodiye,, Kenyaati iyo shaqo kuma laho thats the difference with ur Azania.
  4. Inalilaahi waa inna ileyhi raajicuun, Ilaahey ha uu naxariisto Imaamka.
  5. Allaha u naxariistee waxaa galabta magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku geeriyooday Imaam Maxamuud Imaam Cumar.Danjiraha Soomaaliya u fadhiya waddanka Kenya Maxamed Cali Nuur “Ameeriko” ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay geerida Imaamka oo uu tilmaamay in isagoo xanuunsanaya caafimaad ahaan loo geeyay dalka Kenya. Innaa Lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.
  6. NGONGE;718705 wrote: Zack, before the advent of greater Azania you too were barking, saaxib. Why suddenly turn on your old comrades warya? :D
  7. '' Wadankeygu,wadankeygu waa banaadir, Waamo iyo Gedo weeye wadankeygu, wadankeygu waa bakool, Merca iyo Beledweyn wadankaygu, wadankaygu Jowhar weeye, Mudug iyo galgaduud wadankaygu, Wadankaygu waa Boosaaso, Badhan iyo Ceerigaabo wadankaygu, wadankaygu waa Taleex,laaska,waa buuhoodle, wadankaygu waa booraameiyo burco weeye wadankaygu, wadankeyga waa hargeysa,berberiyo zeylac weeye wadankaygu,wadankeyga waa cadaado Garoowiyo, waa goldogob wadankaygu, wadankaygu gaalkacyiyo Hobyo weeye wadankaygu, wadankeygi waa mid qudha'' Dym viva Saado Ali and Viva Somalia
  8. looooool ar dadku waalana qaarkood damiirtoodi mee
  9. Naah sakiin ayaa baxaaya, keep on dreaming dadow.
  10. ^^ Dym Berisamaadka xamar ma joogi jirinaa hadaad dadkan so tiriyay fahmi weysaan waa ragii alifay badanaa heesaha ay qaadi jireen fanaaniinta culus ee banaadiriga like Axmed Shariif Killer and Zulfa, Cid iyago kali waligiina arki meysaan waa wareey,xasuus dheer aan galay lol.
  11. (Warbixi Dheer) Iyadoo weli uu jiro khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan,ayaa hadana labada Dhinac maalmahaan wadaan Kulamada ay la yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku aadan sida loo wajahayo waqtiga kala guurka ee Dowladda Federaalka oo bilooyin ka harsan yihiin Labada Shariif ayaa mid weliba wuxuu ku dadaalayaa sidii u heli lahaa Taageerada Xildhibaano farabadan haddii ay timaado Doorashada Madaxweyninimada , inkastoo Madaxweyne Shiikh Shariif uu sheegey in waqtigaan aan la qaban Karin wax doorasho madaama uu dalka haatan uu ku jiro Xaalad Dagaal , wuxuuna isaga iyo Raiisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ay sheegeen in Hayadaha Dowladda ay sii shaqeeyaan ilaa Bisha Ogoosto ee Sananadka Dambe Gudoomiyaha Baarlamaanka oo maalmahaan kulamo kula yeelanayey Gurigiisa Xildhibaanada Baarlamaanka kaasoo looga hadlayey sidii loo qaban lahaa Doorashadii Mdaxweynaha Soomaaliya ayaa waxaa uu doraad kulan la qaatey Guddigii Doorashada oo sheegey in ay diyaariyeen Kaararkii Doorashada ee Xildhibaanada, waxayna Guddiga ay sheegeen in ay meel wanaagsan u mareyso Howlahii Doorashada , iyagoo sheegey in doorashadaas ay dhici doonto Inta ka horeeysa Bisha Ogoosto Gudoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan Shiikh Aadan oo lagu tiriyo nin Maalqabeen inta uusan ku soo biirin siyaasada uu ahaa nin Ganacsade ah oo si weyn looga yaqaan Gobolada Bay iyo Bakool ayaa kulamada uu la yeelanayey Xildhibaanada waxaa u sii dheer in kuwa sida aadka u taageersan doonayana in Madaxweyne ka noqdo dalka ayaa waxaa lanoo Xaqiijiyey in midkiiba la siiiyey Gaari kuwa raaxada ah Mid ka mid Xildhibaanada Baarlamaanka oo ka mid ahaa xildhibaanada la siiyey Gawaarida isagoo faraxsana aan la kulaney ayaa naga codsadey in aan Magaciisa la sheegin wuxuuna noo xaqiijiyey in Xildhibaanada Baarlamaanka ee Taageersan Gudoomiyaha Baarlamaanka Gawaaridaas la siiyey “Weligey Maskaxdeyda ma soo gelin Gaari Layla Calawi ayaa lagu siinayaa” ayuu yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka oo maanta aan kula kulmey isagoo wata Gaarigaas oo intaa raaciyey “ Gaariga Gudoomiyaha wuxuu noo siiyey in uu kor u qaado Sharafta Xildhibaanada Baarlamaanka oo maalmahaan ay ka muuqatey Daruufo Dhaqaale wuxuu nagu yiri Gudoomiyaha Xildhibaankaan aan isa soo qurxin oo aan si wanaagsan u soo labisan kaasi ma dhihi karno waa xildhibaan waayo Xildhibaanku waxaa looga baahan yahay in uu ka dhex muuqdo Bulshada Dhexdeeda waa in aan u ekaanaa Xildhibaanada Adduunka sida ay u labistaan “ Waxaan weydiiyey gaariga sow laguuma siin in Codka siiso Gudoomiyaha Baarlamaanka haddii ay Doorasho timaado wuxuu ku jawaabey”iyadoo taasi meesha ay ku jirto haddana Gudoomiyaha waa runtiis in aan ka soocnaano Bulshada inteeda kale oo xildhibaanku uu noqdo xildhibaan mar kasta taagan oo xiran Suudkiisa Xildhibaan kale oo isna la siiyey gaari noociisu yahay NOHA ayaa isna waxaan weydiiney sida uu u arko Gaariga quruxda badan ee la siiyey wuxuuna yiri” aad baan u soo dhaweynayaa Gawaaridaan nala siiyey waana mid farax gelineysa Xildhibaanada Baarlamaanka waayo waxaa arkeysaa xildhibaan Saaran Gawaarida Dadweynaha ama waxaa arkeysaa Xildhibaan Cagta maalaya oo u lugeynaya Xarunta Baarlamaanka marka waxaan u arkaa arintaa mid kor u qaadeysa Niyada Xildhibaanada Baarlamaanka magacii doono halagu bixiyee “ Xildhibaanada oo Gawaarida laga siinayey Garaashyo ku yaal lambar afar ayaa waxaa qaarkod la sheegey in markiiba ay galeen Dugsiyada lagu barto Gawaarida waxayna noo sheegeen in ay haystaan Balan qaadyo haddi uu Gudoomiyaha Baarlamaanka uu ku soo baxo tartanka Madaxtinimada Soomaaliya iyagoo sheegey in ay heli doonaan wax ka sii wanaagsan Gawaarida la siiyey sidoo kale qaar kale ayaa noo sheegey in Gudoomiyaha Baarlamaanka markii loo doortey Xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka uu bilaabey in Xildhibaanada isaga taageersan uu ka bixinayey Qarashka Hoteeladda, taasina waxay ku tusineysaa In Gudoomiyaha Baarlamaanka uu hore ugu Diyaargaroobey in Madaxweyne uu ka noqdo Dalka Tartanka u dhaxeeya Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka ayaa waxaa fursad wanaagsan u tahay Xildhibaanada Baarlamaanka oo waayadaan aan qaadan wax Mushaar wuxuuna yiri Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka “ Anagu waxaan Faaiido helnaa markii ay is qabsadaan Madaxda Sare ee Dowladda iyadoo taasi ay jirto kuma sii jirto marka ay timaado tartan Doorasho Madaxweyne waayo waxaan helnaa Dhaqaale fara badan Midowga Yurub ayaa dhawaan shaaca ka qaadey in ay joojinayaan Kharashka ay siiyaan Dowladda Federaalka haddii aan la qaban Doorashadii Madaxweynaha Soomaaliya inta aan la gaarin Bisha Ogoosto taasoo ay si weyn u soo dhaweeyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada Taageersan hadaba la arkii doonee halka ay ku biyo shubato is haysiga u dhaxeeya labada Shariif iyo Ciida Madaxweyne ka noqoto Dalka Soomaaliya
  12. ^^ waad la jirtaaye sii fiican xataa adeer..
  13. ^^ How can u support Both Azania and the Raaskambooni crew? Lol dagaalka uun ayeey heshiis ku yihiin,, already waa isku dhaceen saas ayaa lagu hakiyay howlgalladii Dhoobleey lee ay qabsadeen and already there is a beef.. Soomali iyo xukun jacayl maxaa kala heysta?
  14. Xaaji Xunjuf;718124 wrote: All the song composers Poets are From Somaliland thus Koonfurians want to claim some of the best song Composers that's why they are saying war magaca wax naga siya oo Yidhaha Wa Soomaali ku fahmay Really i thought Abwaan Aweys Geedow,Abwaan Macow ow diinle abtow, Abwaan cali cismaan daroog ,Abwaan C/qaadir Nuuraani, Abwaan Sahal macalin,Abwaan Qaasim Hilowle and many more where ''Konfurians'' maybe im wrong..;)
  15. @blessed,looooooool adi neh niikada la yaabtay ana waxaan la yaabay why he is singin about this jinni called shaaloowee. Showqi, jinni jinniga ugu weeyn jinni shaaloowe, shaaloowaa la yiraa, caaadi maha abaa..
  16. ^^ Shariif sakiin dowladnimo ma rabo mashruuca UN-ka ayuu rabaa inuu ka lacageysto.
  17. lool well done Mr president! Halahaas celinta waxba ma ahaa, godka Jilacoow in la geeyey aheyd.
  18. wixii aan ka digi jiray ma so shaac bixino,,,,