oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
kubada cagta diinta islaamka maxeey ka qabtaa?
oba hiloowlow replied to Nabad_dadaye's topic in General
^^ :D -
H/wadaag waala xoreeye, nice, next step waa Blacksea and Baar Ubax oo ka hartay Degmada Hodan and Wardhiigleey Dhanka Cali kamiin and Warshadaha..
-
Wararka ka imaanaaya magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan in xaalad cakiran ay ka taagan tahay magaaladda Baladweyne, taasoo salka ku heysa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo u dhaxeeya dhinacyada isu haaya Gobolka Hiiraan. Ciidamo ka amar-qaata Maamulka Dooxada Shabelle ayaa waxay soo dhoobteen duleedka magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, iyagoo qorsheynaaya in weeraro culus ay kusoo qaadaan Shabaabka ku sugan gudaha magaaladda Baladweyne. Ciidamadda Dooxada Shabelle oo ku hubeysan qeybaha kala duwan ee hubka ayaa waxay sheegeen in saacadaha soo socda lagu kala bixi doono, gacan ku heynta magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, isla-markaana waxay sheegeen in Shabaab uusan itaal laheyn. Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ee ku sugan magaaladda Baladweyne ayaa waxay daafacyo waaweyn ay kaga jiraan wadooyinka waaweyn ee soo galla magaaladda Baladweyne, iyadoo saraakiisha Shabaab ee Baladweyne ay sheegeen, inay iska caabin doonaan weerarada Maamulka Dooxada Shabelle. Wararka ayaa waxay sheegayaan in Maamulka Dooxada Shabelle uu hellay saanado hub ah, oo ay ugu yaboohday dowladda Itoobiya, isla-markaana waxaa lagu wadaa in hubkaasi ay kula dagaalamaan Xarakada Al Shabaab, oo ay ugu yeereen koox argagaxiso ah. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in Maamulka Dooxada Shabelle ay soo gaareen ciidamo cusub, oo tababaro kala duwan loogu soo gaba-gabeeyay gudaha dalka Itoobiya, kuwaa oo ay dowladda Itoobiya ugu talla gashay, inay dagaalo culus la-gallaan Shabaab. Sidoo kale majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinacyada isu haaya gacan ku heynta magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan, hase ahaatee saacada soo socda ayaa waxaa dhici kareysa, in xaalada dhaq dhaqaaqyada ciidan ay ka kala hadlaan. Dhanka kale shacabka ku dhaqan duleedka magaaladda Baladweyne ee Gobolka Hiiraan ayaa waxay warbaahinta ay u sheegeen, in dhaq dhaqaaqyo ciidan oo xoog leh ay ka jiiraan deegaanada Tuulo Hiiraan iyo Ilko Cado, waxayna soo sheegayaan in labada dhinaca ay qarka isu saaran yihiin. Si kastaba ha-ahaatee deegaanada ay gacanta ku heyso Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa xilliyadii ugu dambeysay hareereeyay dagaalo qaraar, lamana oga waxa ay kusoo idlaanaan natiijada deegaanada ay ku sugan tahay Xarakada Al Shabaab
-
Rasaas ayaa laga maqlaayaa aagaga Hodan iyo Howlwadaag oo maalmahaan dagaalo ka jiray iyadoo la soo xaqiijanayo in ciidamada Dowlada iyo kuwa AMISOM ay weli ku sugan yihiin wadada Wadnaha. Ciidamada ayaan weli u gelin suuqa wallow dhinaca suuqa lagaga soo ridayo xabado teel teel ah Tangiga AMISOM ayaa weli taagan isgoyska Howlwadaag oo ku jeeda suuqa Bakaaraha iyadoo la ogyahay in ciidamada Alshabaab ay gudaha suuqa ka dhiganayaan gabaad. Dhinaca kale ayaa ciidamada Dowlada waxa ay sheeganayaan in ay la wareegeen Xaafadaha Afrikan Village iyo guryihii Bankaariyada halkaas oo ay kala wareegeen ciidamada Alshabaab oo ku sugnaa maalmihii la soo dhaafay. Xaaladaha aagaga dagaalka ayaa ah kuwa mar kasta isbadalo laga soo warinayo iyadoo guulaha ay gaarayaan ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ay yihiin kuwa is daba yaal oo mar kasta ay ku sii siqayaan fadhiisamada ciidamada Alshabaab Kala Soco Jowhar.com Wararka Dagaalada Muqdishu mar kasta
-
Ciidamada Dowladda ayaa maata la wareegay fariisimo hor leh oo ka tirsan degmada Hodon ee gobolka Banaadir. Abaanduulaha ciidanka XDS oo saxaafadda shir jaraa]id ugu qabtay agagaarka Xaafadda African Village ee degmada Hodon ayaa sheegay in ciidamadu ay maanta horumar ka sameeyeen agga Hodon, wuxuuna tilmaamay in dagaalo shalay galab illaa maanta ka dhacayay halkaasi ay ciidamada u sahleen in ay kula wareegaan xaafaddan iyo goobo kale oo ka xiga dhinaca suuqa Bakaaraha. Generaal Dhegobadan ayaa tilmaamay in dhinaca kale ay ciidamadu ay ku sugan yihiin Waddada Wadnaha, ayadoo maleeshiyaadku ay rasaas ka soo ridayaan qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha, wuxuuna ku eedeeyay in ay doonayaan in ay baabi’iyaan hantida umadda Soomaaliyeed. Ciidamada Qaranka ayuu Abaanduuluhu ku boorriyay in ay xil iska saaraan badbaadinta hantida ay leeyihiin ganacsatada Soomaaliyeed ee suuq Bakaaraha dhex taalla, wuxuuna sheegay in dowladda aysan ka go’neyn in lagu dhex dagaalamo suuqa waqtigaan. Maleeshiyaadka Shabaab ayuu sheegay Generaal Dhegobadan in ay gubayaan Lugaha Gaadiidka, kuwaas oo uu sheegay in ay ku baneysanayaan Hantida dadka oo ay doonayaan in suuqa uu deb ka kaco kaddibna ay bililiqeystaan. Bahda saxaafadda ayaa lagu soo warejiyay goobo badan oo ka mid ah degmada Hodon oo ay ciidamada Dowladdu ku sugan yihiin sida Tarabuunka, Warshadda Caanaha, African Village, Xero Ruush, Warshadda Tolmada iyo xarumo kale.
-
Afrax Cali Afrax oo ka mid ah saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan dagmada Hodan ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ay ciidamada qalabka sida ay hormar ka gaareen howl gallo ay ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan islamarkaana ay ciidamada la wareegeen xaafadda African Village iyo goobo kale oo badan. Arrintaan ayaa ka dambeysay kaddib dagaallo soconayay shalay illa xalay oo u dhaxeeyay ciidamada Dowladda iyo maleeshiyaadka Khawaarijta Shabaab,waxa uu hoosta ka xariiqay in aynan jirin wax qasaaro ah oo soo gaaray ciidamada dowladda halka Shabaab ay ka dileen maleeshiyo badan oo ay wali meydadkooda yaalaan halka laga saaray Khawaarijta. Afrax Cali Afrax ayaa sheegay in saakay ay deggan tyihiin goobaha ay dagallada ka dhaceen oo ay ciidamadu ka wadaan baaritaano lagu xaqiijinayo. Ciidamda ayaa maalmihii la soo dhaafay guul ka gaaray howl gallo ka dhacay magaalada Muqdisho, kuwaas oo Khawaarijta Shabaab looga saaray goobo muhiim ah sida waddada Wadnaha iyo qeybo ka mid ah waddada Warshadaha
-
Ciidamada Dowladda ayaa maanta gudaha u galay qeybo ka mid ah suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho kaddib howl gallo subaxnimadii hore ee saakay ka bilaabeen degmooyinka Hodon iyo Howl wadaag ee magaalda Muqdisho. Isgoysyada Howl-wadaag iyo Aadan Cadde ayay Ciidamadu la wareegeen subaxnimadii hore, ayadoo dagaal uu ka dhacay halkaasi. Kaddib maleeshiyaadka Khawaarijtu waxay isaga carareen goobaha dagaalka, ayadoo ciidamadu ay sii wateen howl gallada. Dad ku sugan Suuqa Mubaarak oo ka tirsan Baarakaha ayaa Radio Muqdisho u sheegay in ciidamada Dowladdu ay galeen qeybo ka mid ah suuqa Bakaaraha sida halka lagu iibiyo Galleyda, waddada Shirkadaha iyo qeybo ka mid ah Suuqa qudaaarta. Taliyaha Guutada Madaxtooyada ayaa saacaddu markii ay yihiin siddeeda subaxnimo u xaqiijiyay Radio Muqdisho in ciidamadu ay la wareegeen Isgoysyada Howl wadaag iyo Aadan Cadde halka ay shalay maleeshiyaadka ka qabsadeen Isgosyka Bakaaraha, dhammaan goobahani waxay ka tirsan yihiin waddada Wadnaha. Dad goob joogayaal ayaa Radio Muqdisho u sheegay in maleeshiyaadku ay subaxdii hore ka dagaallamayeen suuqa Bakaaraha dhaxdiisa hase yeeshee ay hadda Rasaas ka soo ridayaan Baar Ubax iyo meelo u dhow suuqana aysan hadda uusan dagaal xooggan ka socon. Koox wariyeyaal ah oo ka tirsan saxaafadda magaalada ayaa ku sugan imminka Furumaha dagaalka, wixii warbixin ahna waan idiin soo gudbin doonnaa Hadduu Alle Idmo.
-
kubada cagta diinta islaamka maxeey ka qabtaa?
oba hiloowlow replied to Nabad_dadaye's topic in General
^^ kani waaba shabaab -
^^ lool sxb sii fiican ugu noqo wixii lagu yidhi
-
^^ haa waa fikirkeyga balse xili colaaded ayaa lagu jiraa in xilal iyo lagu mashquulo maha
-
Doorasho ma habboona dee xiligaan
-
^^ Jacpher good points u made there, ishaad ka riday wallee
-
lool Jiirow su'aashaas jawaab uma baahno
-
loooooool
-
Popular Contributors