oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. damn Kuwaan dowladda taabacsan somalia halheys ay ka dhigteen somali jadiid ay noqohee kulaha 24 7
  2. ^^ Shiekh Sharif ha nolaado Somaaliya ha is raacdo!!! ^^ :D is this familiar? :confused:
  3. Mayaani;726051 wrote: Good point, labadoodu waa isma dhaanta iyo dhasheed kuwa tageerayana waxay ku tageerayaan waa la yaqaana "Qabiil iyo qurun". lool @ qabiil, sxb meeshaan qabiil ma taal waa siyaasad lee
  4. Mayaani;726032 wrote: Shiekh Sharif ha nolaado Somaaliya ha is raacdo!!! aaaaamiiiiiin
  5. Caydiid: Xadka Somalia iyo Ethiopia waa la tirtirayaa" 2 Jan 2, 2007 - 3:47:00 PM Xuseen Maxamed Caydiid oo ah wasiirka arrimaha gudaha isla markaana ah ra�isul wasare ku-xigeenka dowladda FKMG ah ee Somalia ayaa sheegay in dowladda KMG ah ay sameyn doonto qorshe lagu mideynayo dalalka Ethiopia iyo Somalia, iyadoo la tirtiri doono xuduudaha labada dal la iskuna furi doono. Xuseen Caydiid oo maanta xarunta Villa Somalia ee madaxtooyadii hore ee Maxamed Siyaad Barre kula hadlayey hogaamiye dhaqameedyo beelo kala duwan ayuu ka sheegay in dalka Ethiopia xudud dheer la leedahay dalka Somalia isla markaana ay yihiin dad walaalo ah oo isku siyaasad ah, loona baahan yahay in la mideeyo labada dal, isagoo tilmaamay in la isku furi doono dalalka Ethiopia iyo Somalia, wuxuna intaa raciyay in ay yeelan doonaan hal Basabor oo kaliya. Xuseen Caydiid, waxaa uu yiri: "2 milyan oo qaxootiga dibada uga maqan Somalia boqolkii 60 ka mid ah waxa ay joogaan Ethiopia, basaboorka Ethiopia ayay qaataan, dhulka Ethiopia ayay ah ku nool yihiin, dibaday ku aadaan, way ka soo laabtaan, xoolo dhaqatada waa galaan, waa ka soo laabtaan, haye xudduud laba kun oo kilomitir ayaa isla leenahay, xudduudaas in aan baabi'nan rabnaa xitaa, maxaa yeelay walaalaan nahay wax noo dhaxeeya ma jirto, hal basaboor, hal ciidan, security iyo hal dhaqaale in aan suubsanaan rabnaa." Dhinaca kale Xuseen Caydiid ayaa ku eedeyay Gudoomiyaha Baarlamaanka DF Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu in ka badan Saddex Milyan oo Doolar uu kasoo qaatay Midowga Yurub, taasoo uu ku sheegay in loogu soo dhiibay Ummada Somaliyed iyo DF. Hadlka ka soo yeeray Xusen Caydiid ayaa ka careysiiyay dad badan oo ku dhaqan magaalada Muqdisho isla markaana kor u qaadey shakika laga qabo dowlada Ethiopia oo ciidamo aad u baaxad weyn u soo dirtey Somalia. Waxaa iska kaashadey: Cali Muxayadiin Cali, Cabdi Fatax Axmad, GO
  6. ^^ Yaa isku dayay inuu gado badda ma Sheikh shariif mise Shariif Sakiin and C/shakuur?..
  7. war yeey waxba ha inoo xayesiin maqaarsaar uu ahaa general Gabre iyo 50 000 kiisa ciidan ayaa meesha heystay do u remember kaartadii uu cabdullahi shekh xassan ku qariyay koofidiisa oo soomalia oo la kala qeybiiyay oo Ethiopia hoos imaaneyso iyo hadalkii caanka aheyd from hussein aidid '' walaalo ayaan nahay xuduuda laysku furaa etc'' c'mon duke
  8. Adeer yeey waxba ha inoo faaniin 50 000 ethiopian ayuu watay plus heerkaas uu gaaray waxaa gaarsiiyay Geedi, ma asaa habeen ku baryi kara lahaa.. Nacnacda naga daa oo ah in yeey madaxweyne uu ahaa shiet ha ii so xasuusin yaaqey murugo lee, i remember mar cousin-key la xiray oo lagu eedeeye inuu ahaa muqaawamadda waxaa xiray kii darwiish miyaa la dhihi jiray oo reer leicester ahaa anyways i had to pay 5000 dollars to bail him out, and u tellin me in dowladd ahaayeen kuwaas. Do u remember xasuuqi Masjidka hidaayo oo wadaada tabliiqa lagu gowracay by the ethiopian soldiers? Do u remember Masjidkii cali kamiin oo ay ku saxaroodeen the ethiopian soldiers waliba ay quraanka kariimka intey jeexjeexeen iskaga tiray saxarada? Do u remember gabartaan masakiinta oo ay kufsadeen ciidamada ethiopianka in march 2007? Ceeb yaa Duke saan is dhaan yaaqe
  9. Faroole and sakiin waa far iyo faraanti ma ogid, saakiin ayaa ku saasoboyo in Raysulwasaaraha ama Madaxweynaha noqon doono nin reer PL.
  10. The Zack;725878 wrote: Unless you are deaf and blind, you would've known that "_Puntland" has indeed walked away from the TFG and that had 0 effect. Not sure what has changed. Go walk away... :D
  11. ^^ de awoowe calm down u seem pretty angry, dee adeer waxaa haboon in go'aan mideysan lagu gaaro shirka taasi waaye muhiimada mahan wakhti kordhintaani, ileen gacmo wada jir bey wax ku gooyaan. Tan kale sharciga wuxuu dhigaaya in barlamaanka iyo xukumadda August ay wada dhacaayaan, marka xiligaana dagaal ayaa lagu jiraa oo goobo badan ayaa cadowga laga qabsaday waxaana qabaa so dhisitaanka barlaamaanka iyo xukumadda cusub dib ay uu dhigee howlgallada ay wadaan Ciidamada xooga dalka.
  12. Ilaahay ha uu naxariisto dhamaan cidii ku waxyeelowday falalkaas naxdinta leh.
  13. ^^ Koleey shirka waxaa kaso qeybgalaaya ergooyin kasocdo PL and Galmudug and possibly Ximan & xeeb, iyo shacabka soomaliyeed, marka shirkaas wixii kaso baxo ayaa la taageeraya hadii laisku raaco in doorasho la qabto waa la qabanaaya hadii la isku raaco sanad in lo kordhiyo hayadaha dowliga waa in la taageeraa. Marka Soomaalida ha wadahadasho oo danta shacabka ha lisku raaco. That's my opinion though.
  14. Awoowe duke shir baa June lagu qabanaaya Muqdisho halkaasi ayaa lagu wada hadli doona ee fagaaraha is keena.
  15. A_Khadar maxaa uu maleeysay neh 20sano ayeey dagaal ka socotaa..Dowladda dhankan KPP iyo African Village iyo Aagaas ayeey joogeen beryahaan hadda saa lo sheegoyo Al baraka iyo dhismaha circolo (shiirkoole) officiaale ay la waregeen.. MMA intee laga daawada neh SNT ma ii so ogaan kartaa hadii mowjadda Hotbird laga daawan karo.
  16. Kool_Kat;725652 wrote: Oba, waxaan waa ka dareen! Not only are they overflowing us with nac-nac iyo cantarabaqash about clan enclave, day-in and day-out, maba xishoodaan qaarkood...Waa marti aan xadkooda aqoon! Yeah tani laakin waa nacnac wey dhaaftay qof weyn wuxuu ku hadlo mahan tanoo kale.
  17. waxaan Inoo suuro gahshay maanta inaan tagno goobaha ay la wareegeen Ciidamada xooga dalka Soomaaleed Sida Shiir kole Al baraka waxayna kusii jeedaan ciidamadda Black Seaa, baar Ubax iyo Dhamaan Suuqa bakaaro
  18. Dagaal culus oo saaka ilaa duhurkii ka dhacayay qeybo ka mid ah degmada Hodan, iyadoo goobo hor leh ay dagaalada saaka ku fideen oo Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ay u dhaqaaqeen, iyagoo saldhigyo ku yaal aagga Shirkoole ay la wareegeen. Gulufkan dagaal oo saaka ahaa kii ugu ballaarnaa ayaa waxaa ka qeyb qaatay Guutooyinka 4aad iyo 3aad ee Ciidamada Xooga dalka, kaasoo ay kala hogaaminayeen Col. Goobaanle iyo Cagey, iyadoo Ciidamada saaka ay ku sii siqeen Wadooyinka Warshadaha iyo Sodonka. Dagaalka saaka waxaa uu daba socday mid ballaaran oo xalay Shabaab soo qaadeen, ayaa Ciidamada Dowladda waxay kula wareegeen Xaruntii Shiirkole, Guryihii Saraakiisha iyo saraakiil xigeenada iyo Xeradii Tolmada iyo Harqaanka. Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa sheegay in fariisimihii ugu weynaa Shabaab ee aagga Shirkoole ay ka saareen, isla markaana haatan wixii ka dambeeyay ay horay u sii socon doonaan. Sidoo kale Saraakiisha Dowladda ayaa sheegay inay ka dajiyeen Xarunta Shiirkole Calanka Al-Shabaab halkaas u surnaa, iyagoo tilmaamay inay ka carareen calankooda, waxaana ay sheegeen inay ku badaleen Calanka Buluuga ee Jamhuuriyada Soomaaliya ee Xidigta shanta gees ku leh dhexda. Dagaalkii saaka ayaa sababay qasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac, iyadoo Madaafiic kala duwan ay ku hoobteen jidka Warshadaha qeybo ku dhirirsan oo dad rayid ah ay ku waxyeeloobeen. Ciidamada Dowladda ayaa wali wada tallaabooyin ay isku sii fidinayaan qeybo hor leh oo ka mid ah degmada Magaalada Muqdisho, iyadoo istiraatiijiyada haatan muuqata ay tahay mid Suuqa Bakaaraha lagu go'doominayo.
  19. Dagaalo xoog leh ayaa waxay maanta ay ka dhaceen magaalada Muqdisho, iyadoo ay daba-socdeen dagaalo kaloo xalay gil gilay gees ka gees magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, waxayna dagaaladu u dhaxeeyeen dhinacyada isu haaya gacan ku heynta magaaladda Muqdisho. Dagaalada ayaa waxaa maanta soo qaaday ciidamadda dowladda Soomaaliya oo garab ka helaaya ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, isla-markaana waxay dagaaladu ay ka fureen dhawr aagag ah, taasoo ka dambeysay in Shabaab dagaalada lagu jahwareeriyo, Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa waxay duullaano saf balaaran leh ay ka qaadeen degmooyinka Hodan, Hawl Wadaag iyo Wardhiigleey, iyadoo dagaaladu xoogoodu ay ka dhaceen degmada Hodan ee Gobolka Banaadir. Hugunka sawaxanka madaafiicda cul culus ayaa waxay maanta ay si weyn ay u ruxeyn Xaruuntii Shirkoole Officiale ee degmada Hodan, isla-markaana Ciidamadda Xoogga Somaliyeed oo garabsanaaya ciidamadda Amisom ayaa waxay ciidamadda Xarakada Al Shabaab ay ka saareen dhufeyso badan oo uu Shabaab ku lahaa hareeraha Shirkoole Officiale. Wararka ayaa waxay sheegayaan in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay aagag badan oo ku yaalla degmooyinka Hodan iyo Hawl Wadaag ay maanta ka saareen calanka astaanta u ah Xarakada Al Shabaab, isla-markaana waxay aagagaasi oo idil ay saareen calanka Jamhuriyada Somaliya. Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta ay fuulleen bero dhaadheer oo ay ka lulanaayeen calanka Xarakada Al Shabaab, iyagoo si geesinimo leh uga soo dejiyay calanka Shabaab, uguna badalay calanka Jamhuuriyada Soomaaliya. Wararka ayaa waxay intaasi ku darayaan in ciidamadda dowladda Soomaaliya ay guud ahaan ku sugan yihiin aagagii ay maanta kala wareegeen ciidamadda Xarakada Al Shabaab, iyadoo qorshaha dowladda uu yahay, sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd guud ahaan magaaladda Muqdisho. Sidoo kale dagaalada maanta hareereeyay magaaladda Muqdisho ayaa waxay geysteen khasaarooyin xoog leh oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kooxihii dagaalamay iyo shacabka ku dhibaateysan dacalada caasimadda Soomaaliya, isla-markaana warar horu-dhac ah oo khasaaraha dagaalada laga helaayo ay sheegayaan, in dagaaladu ay ku dhinteen in ka badan 12 ruux oo u badan dhinacyadii dagaalamay, halka dhaawacyaduna ay intaasi ka badan yihiin. Dhanka kale Dowladda Soomaaliya iyo Xarakada Al Shabaab ayaa siyaabooyin kala duwan uga hadlay dagaalada qaraar ee maanta gil gilay magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxay kala sheegteen guulo balaaran. Si kastaba ha-ahaatee dagaalada culus ee maanta ruxay magaaladda Muqdisho ayaa waxaa la-dhihi karaa waa kuwo ay guulo balaaran ka gaartay dowladda Soomaaliya oo garab balaaran ka helleysa ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom.