oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
^^ The TFG controlls: Boondheere,Shingaani,xamar jabjab,Waaberi, Dharkeynley,Wadajir,H/wadaag, almost degmadda hodan oo dhan (except Blacksea & Baar Ubax) and Xamarweyne. Shared districts: Wardhiigleey,c/casiis,Shibis and Dayniile. Shabaab controlls: Kaaraan,Huriwaa,Yaaqshiid -
^^ of course its slowly shabaabka cadow ka mariidsan ayaa jiro like Sakiin and his warlords friends dagaalkey hakinooyaan.
-
Shacabka Soomaaliyeed '' Xukumadda Sanad haa loogu kordhiyo''
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Zack actually Webka Jowhar.com waxaa leh nin kaso jeeda Magaalada Ceelbuur lolz.. Nina Inshallah waalaga saara barbaarta wareersan! -
Dowladda Somaliya oo wacad ku martay inay gacanta ku dhigi doonto degmada Shibis, ayna cagta marin doonto Shabaab Kadib markii dowlada Soomaaliya ay gacanta ku dhigtay inta badan degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa qorsheyneysaa weeraro balaaran oo ay ku qabsato degmada Shibis ee Gobolka Banaadir. Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay ciidamo u qorsheysay inay gallaan aagaga uu Shabaab uu ku lee-yahay degmada Shibis ee Gobolka Banaadir, isla-markaana qorshaha dowladda ayaa wuxuu yahay sidii ay gacanta ugu dhigi laheyd guud ahaan caasimadda, kahor bisha Augusto oo la-sheegay in’ay ku beegan tahay waqitigii ay dhici laheyd Xukuumadda Soomaaliya. C/qaadir Muxudiin Cabdulle oo kamid saraakiisha sar sare dowladda ee aagga degmada Boondheere ee Gobolka Banaadir ayaa wuxuu sheegay, in dowladda Somaliya ay qorsheysay weeraro balaaran oo ay ku qaado Shabaabka ku sugan degmada Shibis ee Gobolka Banaadir. Sarkaalkaan oo wareysi gaar ah siiyay mid kamid ah warbaahinta ka hawl-gasha magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in guutada uu madaxda u yahay lagu amray inay isu diyaariyaan dagaalo ka dhan ah Shabaabka ku sugan degmada Shibis. Damaca dowladda ee degmada Shibis ayaa wuxuu ku sifeeyay in uu qeyb ka yahay raafka lagu haayo buu yiri kooxda Khawaariijta ah ee Shabaab, isagoo qeexay in Shabaab ay dhibaato ba’an ku heyso guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin wuxuu sheegay inay soo afjari doonaan, dhibaatada Shabaab ee uu ku haayo buu yiri shacabka Soomaaliyeed. Sidoo kale wuxuu ku goodiyay askari kastaa oo Shabaab ah haddii ay gacanta ku dhigaan inay soo taaggi doonaan Maxkamad, isagoo ciidamadda kale ee Shabaab ku sheegay inay ku dhabar-goyn doonaan, dagaalada xoogga leh ee ay ku qaadayaan. Dhanka kale Abaan Duulaha Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed General Cabdi Kariin Yuusuf Aadan “Dhaga Badan” ayaa wuxuu sheegay inay dhawaan soo afjari doonaan, dagaalada xoogga leh ee ay kula jiraan waxa uu ugu yeeray Khawaariijta. Si kastaba ha-ahaatee dowladda midnimada qaran ee Soomaaliya ayaa waxaa la-dhihi karaa waxay ku fir fircoon tahay dagaalada xoogga leh ee ay ku heyso Shabaabka ka arrimiya qeybo kamid ah magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho
-
Shacabka Soomaaliyeed '' Xukumadda Sanad haa loogu kordhiyo''
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ lol dee Uganda dan ba ugu jirto muddo kordhinta, -
Shacabka Soomaaliyeed '' Xukumadda Sanad haa loogu kordhiyo''
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
^^ Indeed, it aint looking good for poor Faroole and Sakiin -
loool JB qisaadaan adey kugu dhacdee waxba inoo camirin
-
Hehehehe Rampage Tell ur Amiir iney sawiro kaso qaadan goobaha lagala wareegay aight do that for me Ps. Those pictures are old aight
-
Shacabka Soomaaliyeed '' Xukumadda Sanad haa loogu kordhiyo''
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
lool magaca website-ka lee ma galoosa naah Jowhar waa ku kaalsoonahay they are dhexdhexaad not like Dayniile,waagacusub.. Looool @ Clan thing.. -
R/wasaare Farmaajo oo xarigga ka jaray wadada Afisioni oo dib loo hagaajiyay R/wasaaraha Soomaaliya ayaa maanta xarigga ka jaray wadada isku xirta Ceelgaab ilaa Afisione, taas oo maamulka G/Banaadir uu dib u dayactir ku sameeyay. Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimaya islamarkaana maanta ka dhacday wadada dheer ee isku xirta Ceelgaab ilaa iyo Afisyooni ayaa waxaa ka soo qeeyb galay mas’uuliyiin ka socoto Dowladda oo ay ka mid ahaayeen R/wasaaraha Soomaaliya Mudane Maxamad C/llaahi Farmaajo, Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamuud Axmed Nuur Tarsan saraakiil iyo marti sharaf kale. R/wasaare Maxamad C/llaahi Farmaajo oo marki uu soo gaaray goobta ay ka socotay munaasabadda ayaa waxa uu mid mid u gacan qaaday shacabki ka soo qeeyb galay munaasabda iyo haween ku labisnaa Calanka Soomaaliya. Intaasi kadib Mudane Maxamad C/llahi Maxamad Farmaajo waxa uu xarigga ka jaray wadada isku xirto Umulotoriyo Ceel gaab ilaa iyo Afisyooni halkaa uu dhawaan maamulka gobalka Banadir dayactir ku sameeyaay, kana qaaday bacaadkii xiray wadadaasi. Intii ay socotay munaasabadda ayuu R/wasaare Farmaajo waxa uu shahaado Sharaf gudoonsiiyay guddoomiyeyaasha degmooyinka Xamar jajab iyo Waabari. Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Mudane Maxamuud Axmad nuur Tarsan oo ka hadlay munaasabada maanta xariga looga jarayay wadadaasi uu maamulka Gobalka Banaadir ku guuleeystay in uu ka qaaday bacaadkii faraha badnaa ee xiray wadaasi. Waxa uuna shgeegay gudoomiyuhu in uu ku faraxasan yahay in R/wasaaraha uu soo dhaxgalo shacabka islamarkaana ay muuqato shacabka sida uu u rabo dowladnimada. Sidoo kale R/wasaare Farmaajo ayaa haalkasi ka hadlay waxa uuna ugu horeeyn u mahad ciliyay guddoomiyaha gobalka Banaadir oo muujiyay hoowlkarnimo islamarkaan qeeyb weeyn ka qaatay amniga iyo hooyooyinkii ka qeeybqaatay nadaafadda. Mudane maxamd Cabdullaahi Farmaajo oo hadalkiisa sii wato ayaa sheegay in ay sii wadi doonaan howlaha lugu nadiifinayo waddooyinka magaalada Muqdisho islamarkaan ay dib u soo celidoonaan adeegyadii Bulshadii Bulshada. Maamulka G/Banaadir ayaa hore ugu guuleystay dib u dayactirka inta badan waddooyinka muhiimka ah ee magaalada Muqdisho, iyadoo arintaasi ay soo dhaweeyeen bulshada G/banaadir.
-
Xoog-waran xasaasi ah oo ay soo uruuriyeen wariyasha jowhar.com ee ku saabsan Madaxweyne Shariif kuna adaan hadii maanta ay dhacdo doorasho lama filaan ah. Wariyaasha ka howlgala website jowhar.com oo su'aalo weydiyey dad badan oo somaliyeed kuna dhaqan dalka iyo diibadaba su'aasha ah sidee u aragta rajada Madaxweyne shariif in dib logu doorto markaale xafiiska? Inta badan ayay ku jawaabeen in Madaxweyne shariif yahay nin caqli gal ah lana aminikaro kuna socdo wado aad u wanaagsaan iyo horumar dhinaac walbo ah haday ahaan lahayn xag dhaqale iyo xag ciidanba. Su'aasha labaad aya aheyd maxey tahay dhaliisha madaxweynaha laga qabo? inta badan ayaa dadkii la weydiiyey ay ku tilmameen nin dadka iska amina oo aan u fiirsan oo balanta aamina. Su'aasha sadaxaad aya aheyd sidee u aragtaan xurgufta dhextaalo Madaxweyne shariif iyo shariif Xasan? Dadka intisa badan ayaa isku raacay in Madaxweyne shariif eeday ereygi afkiisa ka soo yeeray ee ahaa Nin la aamino hadii uu jiro waa Shariif Xasan. Su'aasha afaraad aya aheyd sidee u aragtaan hadii maanta dorasho la qabto yaa ku guleysan karo kursiga madaxweynaha? Dadka intiisa badan aya waxey isku raceen in Madaxweyne shariif la dhacsan yahiin sida habsimada wanaagsan leh ee ay dowladiisa u wado dib u soo celinta kala dambeynta uu dalka lahaa iyo hab wanaaga uu ku socda dagaalka looga soo horjeedo kuwa dowlada ka soo horjeedo. Su'aasha shanaad sidee u aragtaan Xukumada Ra'isalwasaare farmaajo ee jirta mudada gaaban ? Dadka inta badan ayaa isku racay in dowlad jirto mudada gaaban hadana leh karti aad u wanagsan soona celisay sharaftii iyo sumcadii ummada somaliyeed ay laheyd
-
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Taliska AMISOM oo war saxaafadeed buuxa ka soo saaray dagaalada, sheegeyna in Boondheere xaqiijiyeen War saxaafadeed ka soo baxay Taliska Ciidamada AMISOM ayaa looga hadlay dagaaladii cuslaa ee shalay ka dhacay qeybo ka mid ah Muqdisho, iyagoo ku xaqiijiyay in si buuxda ula wareegeen degmada Boondheere. Qoraal saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in degmo muhiim aheyd ay kula wareegeen, kaidb howl gal si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib markii shalay weerar ku qaadeen Xarakada Al-Shabaab. AMISOM ayaa sheegtay in labo maalmood ka hor ay xaqiijiyeen degmada Hodan, oo Ciidamada Brundi ay ka wadaan dagaalka, kadib markii ay ka nadiifiyeen Kooxaha ka soo horjeeda dhanka koofureed ee Wadada Wadnaha. Sidoo kale degmada Boondheere oo ilaa 1-KM u jirtay Xarunta Madaxtooyada ayay ku sheegeen in guud ahaan ka saareen Shabaab, gaar ahaan howl galkaas oo ay ka qeyb galeen Ciidamada ka socda Uganda. "Kooxaha Xagjiriinta, waxaa hada ka saarnay degmada iyo dhismayaal muhiim ahaa, sida Wasaaradii Arrimaha Gudaha Safaaradii Talyaaniga, Safaaradii Suuriya, Xaruntii Idaacada Somaliweyn, Isgoyska Maana-Booliyo"ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay AMISOM. Sidoo kale waxaa qoraalka lagu sheegay in Meydka nin looga shakiyay inuu ahaa dagaalyahan ajnabi u dhashay Pakistan ayaa la sheegay inuu yaalo agagaarka degmada Shibis oo deris la ah Boondheere, halkaasoo la tilmaamay inay u sii carareen Shabaab iyo waqooyiga Jidka Wadnaha. Waxaa kaloo qoraalka lagu xusay in Xag-jiriinta ay hada maamulaan oo kaliya degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Heliwaa iyo Dayniile, balse degmooyinka Shibis iyo C/casiis ay isku heystaan. Taliyaha Howl gelinta Ciidamada Uganda Colonel Paul Lokech ayaa sheegay in AMISOM ay sii wadi doonto taageerada ay siineyso Dowladda KMG ah ee Soomaaliya, isla markaana ay sii wadaan howl galada maalin walba si ay u xaqiijiyaan ammaanka Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharcom@hotmail.com jowharcom@gmail.com -
Maxkamadda ciidamada Dowladda KMG ah oo saakay dil ku filyay askari horay dil ugu geystay askari kale Sabti, June 04, 2011 (HOL) – Maxkamada ciidamada DKMG ah ayaa saakay dil ku fulisay askari lagu magacaabi jiray Cabdi C/llaahi Dhuxul oo horay dil ugu geystay askari kale oo ka tirsan ciidamada dowladda, sida uu goobta askariga lagu toogtay ka sheegay guddoomiyaha maxkamadda ciidamada G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab). Askariga dilka lagu fuliyay ayaa waxaa la xukumay bishii Afaraad ee sannadkan, waxaana lagu toogtay faraaraha dugsiga tababarka ee ciidanka booliiska iyadoo goobta ay ku sugnaayeen saraakiisha ciidamada iyo mas'uuliyiin kale oo dowaldda ka tirsan. "Saakay maxkamada ciidamadu waxay toogatay dable Cabdi C/llaahi Dhuxul oo 19-kii bishii afaraad ee sannadkan dilay dable C/risaaq Maxamed Cali," ayuu yiri G/sare Xasan Muun-gaab u sheegay saxaafadda markii ay toogashadu dhacday kaddib. Guddoomiyaha maxkamaddu wuxuu sheegay in dilkan uu qayb ka yahay howlgalo ay maxkamada ciidamada DKMG ah uga hortagayso askarta falal dambiyeedyada ka geysanaya Muqdisho, isagoo xusay inay askar kale oo dilal ku xukuman dhawaan lagu fulin doono xukunka lagu riday. Sidoo kale, guddoomuhu wuxuu uga digay askar dowladda inay falal dambiyeedyo ay ka mid yihiin dil u geystaan dadka shacabka iyo askarta kale ee ay la shaqeysa isagoo sheegay in askari walba oo dambi sharciga la marsiin doono. Mas'uuliiintii goobta ku sugnaa oo saxaafadda la hadlay ayaa iyaguna sheegay in askari walba oo dil geysta la dili doono, waxayna uga mahadceliyaan maxkamadda ciidamada tallaabooyinka ay sharciga ku horkeenayso askarta ku dhaca falal dambiyeedyada. Ma ahan markii ugu horeysay oo ay maxkamada ciidamada qalabka sida ay xukuno dil ah ku fuliso askar lagu eedeeyay inay dilal u geysteen askar kale iyo dad shacab, balse horaantii sanadkan ayay dhowr jeer fuliyeen toogashada askar lagu xukumay dil. Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online maxuseen@hiiraan.com Muqdisho, Soomaaliya
-
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
^^ adeer dont underestimate awooda ciidanka xooga dalka -
Breaking News: Yemen Presiden Salah injured in a mortar attack
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in General
che lool dadko dhan saas mahan off course badankooda waa dad wareersan oo naxeynin dhaqan aad uu xun ay leeyahiin.. -
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Mooge c'mon dee Kaalinta Ciidamada xooga dalka soomaliyeed ma dafiree? haye Dhoobleey,ceel waaq,garbahareey luuq etc ma Amisom ayaa qabsatay? -
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
beautiful Pictures! -
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Sawiridii ugu danbeeyse ee waqooyiga Muqdisho http://radiomuqdisho.net/sawirradi-ugu-dambeeyay-maanta/ Banaanbaaxa lagu taageerayo Ciidamada Xooga Dalka http://radiomuqdisho.net/banaan-bax-maanta-lagu-taageerayay-ciidanka-xooga-dalkasawirro/ -
Breaking News: Yemen Presiden Salah injured in a mortar attack
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in General
Duke, Yeah.. London 2010, carab waa cawaan runtii ninkaan ayaa meesha isku haayo arag balaayadii dhici doonta.. -
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
^^ Ciidamada Dowladda ayaa qabsaday Isgoysyada Siinaay, Afarta Jardiino, Maana-Booliyo ilaa Jubba Adeer waa arki doonta maalmaha so socda shabaab is weak maanta, shacabka soomaliyeed ayaa taagersan Dowladda. -
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Zack markaad degmooyinka iyo xaafadaha Xamar baratid ayaan wada hadli doona kahor dood ba inooma furna deegaano dhan nin roadblocks ku tilmaamaya tahay. -
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa saaka horumar ka sameeyay dagaalo ay ku qaadeen aagaga Waqooyi, iyagoo kula wareegay fariisimo istiraatiiji ah, halkaas oo horay ugu sugnaayeen Xarakada Alshabaab. Sida ay sheegayaan wararka Taangiyada Ciidamada AMISOM ayaa gaaray Xaafadaha Shibis iyo Boondheere oo dagaal kulul saaka ka dhaceen, iyadoo haatan dagaalo goos goos ah ay socdaan. Madaafiicda BM-ka oo laga tuurayay Dekeda Muqdisho ayaa ku dhacayay goobo fog fog, oo ka tirsan degmada Yaaqshiid, waxaana dagaalka uu markan uu si rasmi ugu dhowaaday Suuqa labaad ee ugu weyn Muqdisho ee Suuq Bacaad, inkastoo bilihii la soo dhaafay uu dhaq dhaqaaqiisa ahaa mid yaraa. Ciidamada Dowladda ayaa wali isku ballaarinaya Jidka Wadnaha, iyadoo haatan qabsaday inta u dhaxeysa Isgoyska Afarta Jardiino iyo Isgoyska Jubba, oo Hotelkii Jubba ay fariisin ku leeyihiin Ciidamada AMISOM. Istiraatiijiyada dagaal ayaa ah mid u muuqata qorshe ay ku doonayaan inay ku xaqiijiyaan Wadada Wadnaha, iyagoo doonaya inay isku xiraan wadadaas halbowlaha u ah qeybo badan oo degmooyinka Muqdisho ka mid ah ee Waqooyi iyo Koofur. Meelaha Ciidamada joogaan ayaa waxaa ka mid ah Hotelkii Rooyal oo u dhow Isgoyska Afarta Jardiino, iyo Tabeelaha Jaceylka, waxaana wali Ciidamada aysan gudaha u gelin degmada Shibis, iyadoo halkaas wali rasaas ay kaga soo dhaceyso. Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa sidoo kale dhanka degmada C/casiis wali u tallaabin, waxaa kaloo Ciidamada ay hada abaabul ka wadaan halka la yiraahdo KM0 ama nawaaxiga Baar Fiat oo ay doonayaan inay uga sii gudbaan xarumo kale oo ay ka mid yihiin Xaruntii Gaadiidka Booliska, Gurigii Habar Khadiiji ilaa Hotelkii Global. Abaanduulaha Ciidamada xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan oo aagaga dagaal ee deegaanada waqooyi ku sugan ayaa sheegay in Ciidamada xooga dalka uu horumarkooda yahay mid is-daba joog ah, isla markaana ay wali wadaan qorshayaal kale. Warbaahinta ku hadasha Afka Dowladda ayaa laga sii deynayaa heeso wadani oo guubaabo iyo dhiira gelin isugu jirta, waxaana Idaacada qudheeda ay ku jirtaa xaalad -
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Mashallah -
Ciidamada XDS oo si buuxda ula wareegay degmada Boondheere
oba hiloowlow replied to ANWAR's topic in Politics
Taliska Ciidamada Milateriga Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixiyay dagaalo saaka ay kula wareegeen fariisimo muhiim ahaa oo ku yaala deegaanada Waqooyiga Muqdisho, iyagoo ka dhawaajiyay in dagaalada ay sii soconayaan ilaa Muqdisho laga saaro Xarakada Al-Shabaab. Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa sheegay in Ciidamada ay saaka qaadeen howl gal ballaaran, isagoo u mahad celiyay Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM. "Ilaah baa mahad is ka leh, waxaan u mahad celineynaa Ciidamada AMISOM oo kaalin ka qaatay howl galkan, waxay saaka Ciidamada xooga dalka ay la wareegeen baro ama rugo muhiim ahaa oo ay ka mid tahay Arrimaha Gudaha, Safaaradii Talyaaniga, agagaarka Johon Carlo, Maana Booliyo, Afarta Jardiino, ilaa Siinaay"ayuu yiri Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka C/kariin Dhega-Badan. Sidoo kale Dhega-Badan ayaa u mahad celiyay saraakiisha Ciidamada Dowladda ee dagaalka waqooyiga Muqdisho saaka lagu qaaday hogaamineysay, waxaana uu ka dhawaajiyay in dagaalada ay sii socon doonaan. Dhinaca kale Xaafadaha degmada Boondheere ayaa waxaa ka muuqanayay raadadka ay ku reebeen dagaalada, iyo fadhiisimo dhufeysyo ahaa, oo dhulka hoostiis ay ka qodeen Al-Shabaab, iyadoo la arkayay dadweyne fara badan oo ku qul qulayay, kuwaasoo calanka Soomaaliya watay. Meelo ay ka mid tahay Xarunta degmada Boondheere ayaa waxaa gaaray dadweyne fara badan waxaana dadkaas uu dareenkooda ahaa mid kacsanaa, iyagoo Ciidamada Dowladda u geynayay sahay isugu jirtay raashin fudud iyo biyo, waxaana dadkaas u badnaayeen dadweynihii ka qaxay xaafadaha degmada Boondheere oo haatan Ciidamada si buuxda u qabsadeen. Si kastaba ha ahaatee dagaalkii saaka ka dhacay deegaanada waqooyi ayaa waxaa uu horu dhac u yahay qorshe ay Dowladda KMG ku dooneyso inay kula wareegto deegaanadaas, halkaas oo bartamihii sanadkii 2009-kii ay la wareegeen Xarakada Al-Shabaab, markii guluf xoogan ay ku soo qaadeen.
-
Popular Contributors