oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Xogta Ninkii la socday Fasuul Cabdalla oo Radio Muqdisho Helay.Xog-hoose. Maalmihii ugu dambeeyay waxaa jiray hadal haynta dilkii ninkii Madaxda uga ahaa Al-qaacidda Bariga Africa oo lagu magacaabi jray fasuul Cabdalle, Waxaana la xaqijiyay in mid ka mid ah labada nin ee ciidadma Dolwadu Khaarijiyeen uu ahaa, Waxaase jiray Nin kale oo ku dhintay Howlgalkaas. Hadaba ninkaas ayaan u kuurgalnay sidii aan u helilahayn Cidda uu yahay iyo waxa uu uqaabisanaa Al-qaacidda, Ninkaan waxaa Magacisia rasmiga ah la yiraahdaa Muuse Xuseen ,Wuxuuna ku dhashay dalka Kenya magaaalda Wajeer, Wuxuuna ahaa nin muhiim u ahaa Holwlgalada Al-qaacidda ee dalalka bariga Africa, Waxaana looga yaqiinay Gudah Shabaab iyo al-qaacidda Magaca C/llaahi Dheere. C/llaahi Dheere wuxuu ka go’naa lug, Wuxuuna uga go’ay dagaaladii maxkamadaha ay la galeen Cabdi qaybdiid sanadkii 2006. kaddib wuxuu u baqoolay dhanka Kenya, Wuxuuna joogay Magaalada Nirobi halkaas ayuuna ka waday abaabulka howlaha Shabaab iyo al-qaacidda,waxaana jiray in marar badan ay qabteen Ciidamda Biliska kenya balse damiin lagu sii daayay laguna amray in uusan ka bixi karin Kenya sida aan ku helnay Xog hoose oo uu Radio Muqdisho helay, Musue wxuu ahaa nin ay aad isugu dhaw yihiin Fasuul cabdalla wuxuuna ahaa xilligii uu dhimanaaye Daralka Fasuul, Wuxuuna qayb wayn ku lahaa Kooxdii gaysatay qaraxii kambala ee sanadki Hore. Muuse Sidoo kale waxa uu ka soo baxsaday Dalka kenya Fep 2011, xilli la qabtay rag muhiim ah oo ka mid ahaa shabakaddii fulisay Qaraxii Kambala. C.llaahi Dheere waxa uu ahaa Nin dhallin yaro ah o fir fircoon, wuxuuna haa nin gacan ku dhiigle oo lagu tuhansanaa dilka dad badan. Muuse Xuseen waxaa la soo baxsaday Walaashiis oo lagu magacaabo Zam xam oo ay xagga Hooyo walaalo ka yihiin aabaheedna uu yahay Kenyaati aan ahayn Soomaalida Kenya iyo nin qabay gabadhaas oo Booran ah. Muuse waxaa lagu yaqiinay Shirqoolada iyo ismaahinta oo uu xariif wayn ku ahaa, Muuse Hooyadiis iyo Aabihiis way geeriyoodeen xilli uu ahaa nin yar, Wuxuuna sidoo kale xiriir lalahaa Wadaadka shabaabka iyo Al-qaacidada u bixiya fatwada Ee lagu magacaabo Xassaan oo deggan Magaalada Nirobi, Muuse oo shabaab u Yaqaaniin C/llaahi Dheere ma lahayn Aqoon lagu tilmaamo ama shahaadooyin balse maskaxdiisa aya lasheegay in uu ahaa nin farsamada iyo xiriirada ku fiican, Wuxuuna masuul ka ahaa Xiriirka Shabakadaha Al-qaacidda ee Soomaliya iyo Guud ahaan Bariga Africa,
  2. War Saxaafadeed 034/2011 Dowladda Soomaaliya oo Cadeysay Dhimasadii Fazul Cabdalla.(Muqdisho, 12 Juun, 2011) – Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay Arbacadii tagtay ee taariikhdu ahayd 8-da June 2011, xilli habeen ah dileen Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii ururka Argagixisada ah ee Alqaacidda u qaabilsanaa Bariga Afrika. Dilka Fazul Cabdalla waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgoye, ka dib markii ay ciidammada dowladdu bar- koontorool ku joojiyeen gaari 4WD ah oo ay saarnaayeen labo nin oo midkood ajnabi ahaa.Markii Ciidammada dowladdu joojiyeen waxay nimankii isku dayeen in ay dagaallamaan, waxaase u awood sheegtay ciidamada qalabka sida oo ku guuleystay in ay dilaan labada nin. Ka dib markii laamaha ku shaqada leh ay baaritaan ku sameeyeen ninkan ajnabiga ah, lagana qaaday dhecaanka DNA ee lagu ogaado haybta qofka, waxaa la xaqiijiyay in uu yahay Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii Alqaacidda ee Bariga Afrika. Documentiyada laga helay Fazul Cabdalla waxay muujinayaan in uu 19-kii March ee sanadkan uu ka soo safray dalka South Afrika uuna maalinkii xigay ee 20-kii March dal-kugal rasmi ah ku yimid magaalada Darasalaam ee xarunta Tanzanina, isagoo ka dibna safar dhulka ama badda ah ku soo galay Soomaaliya. Fazul Cabdalla waxa uu adeegsanayay Baasaboor South Afrikaan ah. Waxaana ka muuqatay dariiqii uu uu soo maray. Ninkan waxaa sidoo kale laga helay Sawirro iyo Documentiyo ay ka mid yihiin warqad uu ku saxiixan yahay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hor-joogayaasha Alshabaab, taas oo la qoray 03/05/2011, maalin ka dib dilkii Osama Bin Laden. Ciidammada Sooma-jeestayaasha ah ee dilay ninkan argagixisada ah, waxay tusaale cad u yihiin feejignaanta iyo kartida ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ciribtirka argagixisada caalamiga ah ee gabbaadka ka dhiganaya dalkeenna, dhibaatada joogtada ahna ku haya dalka, dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka. Dowladda Soomaaliya waxay abaal marin u qalanta howsha ay Qaranka u qabteen siin doontaa askartii dishay dhagar qabe Fazul Cabdalla oo khatar ku ahaa Caalamka oo dhan. Dhamaad.
  3. Ciidammada Xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa waxay Arbacadii tagtay ee taariikhdu ahayd 8-da June 2011, xilli habeen ah dileen Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii ururka Argagixisada ah ee Alqaacidda u qaabilsanaa Bariga Afrika. Dilka Fazul Cabdalla waxa uu ka dhacay agagaarka Ex-Control Afgoye, ka dib markii ay ciidammada dowladdu bar- koontorool ku joojiyeen gaari 4WD ah oo ay saarnaayeen labo nin oo midkood ajnabi ahaa. Markii Ciidammada dowladdu joojiyeen waxay nimankii isku dayeen in ay dagaallamaan, waxaase u awood sheegtay ciidamada qalabka sida oo ku guuleystay in ay dilaan labada nin. Ka dib markii laamaha ku shaqada leh ay baaritaan ku sameeyeen ninkan ajnabiga ah, lagana qaaday dhecaanka DNA ee lagu ogaado haybta qofka, waxaa la xaqiijiyay in uu yahay Fazul Cabdalla oo ahaa hoggaamiyihii Alqaacidda ee Bariga Afrika. Documentiyada laga helay Fazul Cabdalla waxay muujinayaan in uu 19-kii March ee sanadkan uu ka soo safray dalka South Afrika uuna maalinkii xigay ee 20-kii March dal-kugal rasmi ah ku yimid magaalada Darasalaam ee xarunta Tanzanina, isagoo ka dibna safar dhulka ama badda ah ku soo galay Soomaaliya. Fazul Cabdalla waxa uu adeegsanayay Baasaboor South Afrikaan ah. Waxaana ka muuqatay dariiqii uu uu soo maray. Ninkan waxaa sidoo kale laga helay Sawirro iyo Documentiyo ay ka mid yihiin warqad uu ku saxiixan yahay Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah hor-joogayaasha Alshabaab, taas oo la qoray 03/05/2011, maalin ka dib dilkii Osama Bin Laden. Ciidammada Sooma-jeestayaasha ah ee dilay ninkan argagixisada ah, waxay tusaale cad u yihiin feejignaanta iyo kartida ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed iyo sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin ciribtirka argagixisada caalamiga ah ee gabbaadka ka dhiganaya dalkeenna, dhibaatada joogtada ahna ku haya dalka, dadka Soomaaliyeed iyo diinta Islaamka. Dowladda Soomaaliya waxay abaal marin u qalanta howsha ay Qaranka u qabteen siin doontaa askartii dilay dhagar qabe Fazul Cabdalla oo khatar ku ahaa Caalamka oo dhan
  4. looooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool omg :D
  5. ^^ maalayacniga intaad iska dhaaftid orod wax qabso nolosha ka dhacde..
  6. lool beryahaan dhan faniinto dhan waa wada wadaniyiin..
  7. waa kuwii xctrl Afgooye lagu dilayu ku mid ahaa saa la sheegooyo
  8. off course dee qof mariid dheesha yaqaan aa ku habboon.
  9. Nin meesha ka taqlusi karo sakiin iyo sheikh hotel ayaa lo baahan yahay oo howsha wadi karo.
  10. Madaxweyne Shariif iyo Farmaajo oo kasoo bixi la’ Garoonka Aadan Cadde, xilli kumaakun oo ruux ay dhooban yihiin Waxaa saacad kahor Garoonka Dayuuraha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho kasoo deggay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya, oo ka yimid magaalada Kampala ee dalka Uganda. Madaxweynaha Dowladda Kmg ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxay soo gaareen magaaladda Muqdisho ah ee Muqdisho, iyadoo ay iminka labadooduba ay ku xiyiran yihiin Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho. Wadada weyn ee gasha Garoonkada Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho ayaa waxaa iminka dhooban kumaakun oo ruux, iyadoo wadooyinku ay yihiin goobo ay soo buux-dhaafinayaan shacabka reer Muqdisho. Shacabka reer Muqdisho oo maanta banaanbaxyo waaweyn ka sameynaaya magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxay dhooban yihiin wadada Maka Al Mukarama, iyo wadada dheer ee aadda Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho. Shacabka ayaa waxay kor u lulayaan sawirada Raa’isal Wasaare Farmaajo, isla-markaana waxay ku dhawaaqayaan ereyo ammaan ah oo ay ku ammaanaayaan Mudane Farmaajo, halka Madaxweyne Shariif ay wax ka sheegayaan. Reer Muqdisho ayaa waxay maanta ay calanka ululayaan Raa’isal Wasaare Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”, isla-markaana waxay shacabka ay ugu baaqayaan inuusan dalka ku dhaafin, waxa ay ugu yeereen Cadowga Ummada Soomaaliyeed, oo ay ula jeedaan labada Shariif. Sidoo kale shacabka qaarkood ayaa waxay wataan Dhag-xaan, Budad iyo Birar, waxayna maanta ay suurta gelliyeen in’aysan gawaari ka dhaqaaqin xeendaabka ay gacanta ku heyso dowladda Soomaaliya. Si kastaba ha-ahaatee Madaxweynaha Dowladda Kmg ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo” ayaa waxay iminka ku xaniban yihiin Garoonka Dayuuradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, shacabka oo aad u dhooban wadooyinka awadeed.
  11. Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha oo soo degay iyo Kumanaan ruux hor-tuban albaabka Garoonka Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo ayaa daqiiqado ka hor ka soo degay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, xilli in ka badan lix saacadood oo xiriir ah ay ka soconayaan Magaalada banaan baxyo waa weyn oo ay ka qeyb galayaan kumanaan ruux oo shacab ah. Sida ay sheegayaan wararka Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaan wali garoonka ka soo bixin, waxaana diyaarada ay ka soo dajisay goor dhow, sidoo kale kumanaan ruux oo dibad baxayaal ah ayaa taagan banaanka hore ee garoonka, kuwaas oo erayo ka dhan ah Madaxweynaha iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Wararka ayaa intaa ku daraya in gudaha Garoonka Diyaaradaha Muqdisho ay ku jiraan qaar ka mid ah Wasiirada Xukuumada oo ka qeyb qaadanaya soo dhoweyna Madaxweyne Shariif iyo Ra'iisul Wasaare Farmaajo. Mid ka mid ah dadka ka qeyb galaya banaan baxa ayaa sheegay in aanay banaanka hore ee garoonka ka tageyn, isla markaana ay u diidayaan Madaxweynaha inuu ka soo baxo Garoonka, ilaa go'aankooda laga meel mariyo. Banaan baxayaasha ayaa dalbanaya in Ra'iisul wasaaraha ka laabto is casilaada uu go'aansaday, kadib markii xalay lagu heshiiyay Magaalada Kampala, lagana soo saaray qodobo ah in Dowladda hal sano loogu daray, dibna loo dhigay doorashada, sidoo kale waxaa ku xusneyd in Ra'iisul wasaaraha uu muddo sodon cisho isku casilo. Kumanaanka ruux ee maanta dibad baxayay ayaa hakiyay dhaq dhaqaaqa guud ee magaalada, waxaana dadka ay dhagxaan la dhacayeen gawaarida, sidoo kale taayaro ayay gubeen, dadkan ayaa ilaa iyo hada ah kuwo wadooyinka fadhiya, iyagoo doonaya in la meel mariyo go'aankooda ah in Ra'iisul wasaaraha sii joogo, iyadoo eedeymo iyo hadalo kulul kala dul dhacayay Labada Shariif. Ilaa iyo hada Madaxweynaha iyo Ra'iisul Wasaaraha ayaan banaanka u soo bixin, ammaanka Garoonka ayaa si weyn loo adkeeyay, Ciidamada AMISOM iyo kuwa Booliska ayaa heegan buuxa ku jira, sidoo kale dadka hor dhooban Garoonka ayaa fadhiya laamiga oo ay adag tahay inay baneeyaan, gaadiidka AMISOM uu soo maro.
  12. ^ Yeah nasiib xumo walahi in ilaahay la baryaa waaye saan xaal ma ahee.
  13. ^^ Showqi abaa minoow aqoontaas haaysan lahaa saas ma ahaaden nooh waaba iska dareemi kartaa, ninka dugsi dhexe lee kaso baxay, kedibna jaad uu ku ganacsan jiray..
  14. Zack lool yeah Dowladda ayaa iska leh waliba wasaarada Warfaafinta
  15. Radiomuqdisho koleey wey leedahay inuu is casilay laakin ma garanaayo dhacdo.com iyo shabeelle ayaa shaki igu abuuray
  16. Dadow warkaan maxaa ka jira?: Raa’isal Wasaare Farmaajo oo sheegay wax kasta oo dhaca inuusan iscasili doonin , dhacdo.com iyo Shabelle ayaa faafiyay
  17. Waxaa weli magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ka soconaaya banaanbaxyo culus, iyadoo ay banaanbaxyadu qeyb maldahan ka yihiin ciidamadda dowladda Soomaaliya oo maanta lagu arkay dabeecad nooc kala ah. Banaanbaxayaasha ayaa waxay kor u lulayaan sawirada Raa’isal Wasaaraha Soomaaliya Maxamed C/Laahi “Farmaajo”, iyadoo ay banaanbaxyadu u dhan yihiin qeybaha kala duwan ee bulshada rayid, caruur, ciroole, rag iyo dumarba. Kacdoonka maanta ka soconaaya magaaladda Muqdisho ayaa wuxuu dad badani uu ku noqday layaab, kadib markii sida aad sawiradaba ku arkeysaan la-arkaayay, shacabka qaarkood oo sawirada Farmaajo dul saaraaya gawaarida ay wataan ciidamadda dowladda Soomaaliya. Kacdoonka maanta hareereeyay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa looga soo horjeedaa labada Shariif iyo go’aankii kasoo baxay magaaladda Kampala ee dalka Uganda, iyadoo ay shacabku muujiyeen sida ay u doonayaan Raa’isal Wasaare Farmaajo. Wariya-yaasha Shabakadda Dhacdo.com ee magaaladda Muqdisho ayaa waxay iminka ay ku kala sugan yihiin goobaha ay banaan-baxyadu ka soconayaan, iyadoo shacabka reer Muqdisho ay maanta u tahay maalin aad u weyn, oo ay ku muujinayaan dareenkeedu. Wariya-yaasheena ayaa waxay ku soo waramayaan in xaaladda magaaladda Muqdisho ay maanta tahay mid Allow sahal ah, isla-markaana waxay soo sheegayaan in laga cabsi qabo in dhibaatooyin ay ka dhacaan magaaladda. Warar hoose ayaa sheegaaya in Xarakada Al Shabaab ay qorsheyneyso inay ka faa’ideysato kacdoonka shacabka, iyadoo laga cabsi qabo inay qaraxyo waaweyn ka geysato xeendaabka dowladda oo maanta Allow sahal ah. Sidoo kale shacabka ku dhaqan magaaladda Muqdisho ayaa waxay ku dhawaaqayaan ereyo ka dhan ah Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, halka ereyo ammaan ahna ay u jeedinayaan Raa’isal Wasaare Maxamed C/Laahi Maxamed “Farmaajo”. Si kastaba ha-ahaatee xaaladda magaaladda Muqdisho ayaa waxay maanta tahay mid ay hareereeyeen uuro iyo qiiq xoog leh, iyadoo hawada magaaladda Muqdisho ay maanta tahay maalin nooc kala ah.