oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
oo Xaaji maxaa jiro mujaahidiinta saas ha oran, Amiirka is fightin the african crusaders, he want to establish Sharia-laws!
-
Al shabaab catches one of the new ministers?
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
zack loool exactly see cml dadka risk ayaaba la galinooyaa, waxaan xasuusta guddomiyaha uu magacaaban SH/dhexe saaso kale asigo jowhar joogo la magacaabay inta la xiray uu yiri aniga xil diyaar ma uu ahii kedibna waxaa la arkay asoo madaxtooyada jooga lol. -
Al shabaab catches one of the new ministers?
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Warar iska soo daba dhacayay ilaa duhurnimadii maanta, qaar ka mid ah Warbaahintana ay si kala duwan uga hadleen oo ahaa in Al-Shabaab ay qabsadeen ama afduubteen Wasiiradii Haweenka iyo Arrimaha Qoyska ee xalay xilkaas loo magacaabay Marwo Caasho Cismaan Caqiil ayaa wararka soo gaaraya Shabakada Jowhar.com yihiin kuwo arrimahaas ka duwan. Warar isku dhow oo aanu heleyno ayaa sheegaya in Marwo Caasho Cismaan Caqiil xilka loo magacaabay ka war heshay saaka, isla markaana ay horay ugu diiday soo jeedin iyo dalab ku aadanaa in xilkaas loo magacaabay oo shaqsiyaad kala duwan ay u wadeen. Hase ahaatee Marwo Caasho oo mudooyinkan ku sugneyd degmada Balcad ee Gobolka Shabellaha Dhexe ayaa saaka tagtay Saldhiga degmada ee ay gacanta ku heyso Al-Shabaab, iyadoo ku wargelisay in aysan xilkaas ka war heyn, wax shaqo ahna ku laheyn. Qaar ka mid ah Ehelada Marwo Caasho oo ay la xiriirtay Shabakada Jowhar.com ayaa beeniyay in la afduubtay amaba iyadoo gaari u soo saarneyd Magaalada Muqdisho ay qabsadeen Shabaab, waxayna sheegeen in Shabaabka xataa aanay ka war heyn xilka loo magacaabay iyo shaqsiyadeedaba. Marwo Caasho ayaa markii ay tagtay Saldhiga degmada Balcad ay ku ogeysiisay in xilkaas aanay iyadu raali ka aheyn, isla markaana magaceeda kaliya ka maqashay Warbaahinta. Intaas kadib ayaa la sheegay in Ciidankii Shabaab ee ku sugnaa Saldhiga ay u sheegeen in Saldhiga ku sii negaato tan iyo inta laga baarayo arrinta. Qoysaska Haweeneydan haatan gacanta ugu jirta Shabaab ayaa lama filaan ku noqotay xilka Dowladda ay u magacowday, iyagoo tilmaamay in aanay horay lagu soo wargelin ama lala socodsiin, waxaana ay sheegeen in aanay xilligan diyaar u aheyn inay ka mid ahaadaan siyaasada dalka. Waxaa ay rajo ka muujiyeen in la sii deyn doono oo aanay wax dambi ah aanay gelin sida ay inoo xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelada Marwo Caasho. Caasho Cismaan Caqiil oo uu dhalay Gudoomiyihii hore degmada Jowhar Cismaan Caqiil ayaa ka mid aheyd xubnaha Golaha wasiirada loo magacaabay, waxaana ay tahay gabar aqoonyahanad ah oo baratay Cilmiga dhaqaalaha, isla markaana ka baxday Jaamacadii Lafoole. -
Xoogaga Xarakada Al Shabaab ayaa waxay maanta ay gacanta ku dhigeen mid ka mid ah Golaha Wasiirada cusub ee uu xalay soo magacaabay Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya. Xarakada Al Shabaab ayaa waxay gacanta ku dhigtay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Cismaan Caaqil, xilli ay ka soo baxday degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan halka uu Shabaab la-aaday. Kadib markii ay soo shaac baxday in Caasho Cismaan Caaqil ay ka mid tahay Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxay Xarakada Al Shabaab ay bilowday inay ugaarsato. Ciidamo u daacad ah Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa la-tilmaamay inay maanta gaariga kala daggeen Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Cismaan Caqiil, xilli ay ka soo baxeysay degmada Balcad, kuna soo sii jeeday magaaladda Muqdisho. Inkastoo aysan wax war ah ka soo bixin dhinaca Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa hadana jira warar sheegaaya, in Xarakada Al Shabaab ay gacanta ku dhigtay Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Cismaan Caaqil. Dhinaca kale Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ka gaabsatay inay ka hadasho qaabka lagu xiray Caasha Cismaan Caaqil, hadana waxaa jira warar sheegaaya inay qeyb ka tahay dagaalada ay Al Shabaab kala horjeedo Xukuumadda Soomaaliya. Si kastaba ha-ahaatee Wasiirka Wasaaradda Haweenka & Arrimaha Qoyska Marwo Caasho Cismaan Caaqil ayaa waxay deegaan ahaan ay ka soo jeedaa Gobolka Shabeellaha Dhexe.
-
Saudi Kid Whipping A Garbage Collector Until The Poor Worker Cries
oba hiloowlow replied to Jacaylbaro's topic in General
war wuxuu xey ahaayeen bini aadam ma moodid mararka`qaar.. -
Illegally kulaha loool ,dadkey dhibi jireen biyaha webiga ayuu indhacadde masakiinta ka gadi jiray beerahoodana xoog ay ku heysteen asiga iyo ciidankiis. and seeraar neh dadka jubbooyinka ayuu lacag baad ka qaadi jireen. Hadana Guri islaameed ay isku dilaayan taasaan ka yaabay xaarantu maxey ku jeclaadeen bisinkee.
-
Is rasaaseyn sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaa galabta Xaafada Taleex ee degmada Hodan ku dhex martay Ciidamo kala taabacsan Jen. Yuusuf Siyaad Indha Cadde iyo Xildhibaan Yuusuf Mire Seeraar oo ka mid ah Mudanayaasha Baarlamaanka. Inta la og yahay hal ruux ayaa ku dhintay labo kalena waa ay ku dhaawacmeen oo ka mid ahaa Ciidamada labada dhinac kala taabacsan, iyadoo xiisad u dhaxeysa Labada dhinac caawa laga dareemayo degmada Hodan. Warar la helayo ayaa sheegaya in labada dhinac uu ka dhex taagan yahay muran ku aadan guri ku yaal halkaas oo ay kala sheeganayaan lahaanshihiisa, waxaana arrintan ay keentay in si weyn looga dareemo Magaalada. Labadii maalmood ee u dambeeyay ayaa la sheegay inay arrintan soo jiitameysay, iyadoo si dhab ah aan loo ogeyn cida milkiyada u leh gurigaas, hase ahaatee ay jirto in Labada dhinacba aanay laheyn gurigaas oo horay looga barakacay. Jen. Indha Cadde iyo Yuusuf Seeraar oo labadaba hal beel ka soo wada jeeda ayaa horay waxay u kala maamuli jireen Gobolada Jubooyinka iyo Shabellaha Hoose, iyadoo Seeraar uu ahaa Kuxigeenkii Isbaheysigii Dooxada Jubba ee ka ariminaya Jubooyinka. Warar caawa na soo gaaraya ayaa sheegaya inay socoto waan waan ay wadaan Odayaasha beesha iyo Saraakiil ka tirsan Dowladda oo arrinta soo fara geliyay caawa maqribkii, kadib markii xiisada labada dhinac ay gaartay gacan ka hadal. Dadka ku dhaqan xaafada Taleex ayaa wal wal la soo deristay markii ay isku dhaceen shanqarta rasaasta oo muddo aanay dhagahooda ku soo dhicin, tan iyo markii inta badan degmada Hodan laga saaray Al-Shabaab.
-
What is SOL community doing about the Drought?
oba hiloowlow replied to double decker's topic in Politics
Dadka reer SOL ee ku dhaqan dalka Sweden konto-daan ku dira wixii aad awoodan Swedbank :83816 4032053128. Faahfaahin dheeraad cidii doonooya hala xiriiro Khadro Alasow +46704146376 oo mas'uul ka ah kontodaan. Wabilahi towfiiq. -
Hehe maadeey lool, Aaliyyah ur right,, wallee ma ogeyn hadda aan akhrinaa, thanks for the tip sis
-
^^ aaliyyah lool jaa bacdii madoobeed aa banaanka lay dhigay
-
Djockovic , Roger Federer and Söderling caadi mahan iyaga aa heysta meesha right?
-
^^ Jazakallah sxb and Ameen!
-
Another Somali boy murdered on the streets of London
oba hiloowlow replied to Complicated's topic in General
Ilaahay ha uu naxariisto !
-
Popular Contributors