oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. iidamada dowladda Soomaaliya ayaa saakay la wareegay sariisimo cusub oo ay horay ugu sugnaayeen kooxda Khawaarijta ah ee Shabaab oo ka tirsan degmooyinka magaalada Muqdisho kaddib howlgal fas ballaaran oo ay ka wadaan goobahaasi ciidamada dowladda. Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya meelaha ay howgalka kula wareegeen waxaa ka mid ah isgoyska Forolonsa xaruntii hore ee ubax kacaanka xaafado ka mid Siinaay waxaana wali soconaya dagaal saf ballaaran oo ka socda degmada Shibis C/casiis Wardhiigleey iyo meelo kale . Taliyaha guutada labaad ee madaxtooyada qaranka G/sare C/laahi Cali Caanood ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in ciidamada qalabka sida sida ay hormar ka gaareen dhammaan meelihii ay saakay howlhalka ka bilaabeyn, isagoo intaa ku daray in ciidamada wali ku sii siqayaan deegaanno ka mid dagmada Yaaqshiid. Taliya ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada dowladda ay aad u qiireysan yihiin islamarkaana ay diyaar u yihiin in ay dhamays tiraan howlgalka maanta ay wadaan. Waxa uu intaa raaciyay in uu howglka yahay mid qorsheysan oo socon doono in dalka laga saaro kooxda Shabaab. Wixii ku soo kordha waan idin soo gudbin doona Insha Allah
  2. Reer SOL dadkaneeti aa idin sugooye gargaar la gaara!
  3. Somalina;737066 wrote: Kabo ku tukade marwalba ma dhaawacwaa kaaley. Warkaan run hadduu noqdo waxuu noqonaa guul laga gaarey nacaladaan diinta ku qaraabanaayo. Saan halu wado kuligood, one by one haloo qaarajiyo. Walahi waali arki doonaa xaqiiqda laakin kabo ku tukade nin kheyr laheyn inuu yahay waala ogyahay!
  4. Culumaa’udiinka AhluSunna Waljamaaca ayaa Faah Faahin ka bixiyey Weerar ay qaybo ka tirsan gobollada Dhexe ee Dalka kula eegteen Horjoogayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isugu jira Soomaaliya iyo Ajaaniib. Afhayeenka Culumaa’udiinka Ahlusunna Waljamaaca Sheekh C/laahi C/raxmaan Abuu Yuusuf Al-Qaadi oo wareysi siiyey Radio Muqdisho Codka Jamhuuriyada Soomaaliya ayaa sheegay in Ciidamadooda ay weerar ku qaadeen Horjoogayaal ka tirsan Shabaabka oo ku Socdaalayey qaybo katirsan gobolka Galgaduud gaar ahaan Nawaaxiga deegaanka Warxoolo. Abuu Yuusuf ayaa tilmaamay in goobtaasi ay ku dileen Horjoogayaal uu magacyadooda soo gudbiyey kuwaasi oo kala ah:- C/kariin Maxamed Maxamuud oo Shabaab ugu magacawnaa Madaxa wacyigelinta ,Axmed Dheere oo Shabaabka isna ugu magacaawnaa Taliye kuxigeen ,Axmed Calasoow oo garsoorka u ahaa iyo Yuusuf Sheekh Ciise ( Koba ku Tukade) oo isna warar kala duwan ay kasoo baxayaan geeridiisa oo uu Abuu Yuusuf Tilmaamay in isaga oo Dhaawac halis ahi uusoo gaaray la geeyey Cisbitaal ku yaala degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud. Marka laga soo tago Horjoogayaasha Soomaalida ah ee Al-Shabaab ka tirsan oo magacyadooda ay shaaciyeen Culumaa’udiinka Ahlusunna in goobtaasi lagu dilay ayaa hadana waxaa jira taro kale oo katirsan Horjoogayaasha Ajaaniibta ee ka bar bar dagaalanta kooxdaasi kuwaasi oo magacyadooda ay sheegeen inay saxaafadda usoo gudbin doonaan Ahlusunna Waljamaaca. Halkan Ka Dhagayso Wareysiga Afhayeenka Ahlusuna. http://radiomuqdisho.net/wp-content/uploads/2011/07/Afhayeenka-Ahlusuna-Abuu-Yuusuf.mp3
  5. Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in horjoogayaal isugu jira Ajaanib iyo Soomaali ay ku dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen qarax maanta ka dhacay deegaanka Warxoolo oo ku dhow degmada Ceelbuur ee gobolkaasi. Dad ku sugan Ceel Buur ayaa Radio Muqdisho u xaqiijiyay in Horjoogaha Shabaab u qaabilsan Galguduud Yuusuf Sheekh Ciise (Koba ku tukade) uu dhaawac xooggan ka soo gaaray dhaawaca oo ay ku dhinteen laba ajaanib ah iyo nin Soomaali ah oo magaciisa lagu sheegay Siciid Maxamed Calasoow. Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya waxa qaraxa dhaliyay, dadka qaar ayaa sheegay in gaariga ay wataan horjoogayaashaan ay saarnaayeen walxaha qarxa halka warar kale ay sheegayaan in qaraxa loo dhigay gaariga. Afhayeenka ASWJ Sheekh C/llaahi Abuu Yuusuf Al-Qaaddii ayaa Radio Muqdisho u sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen ASWJ, isagoo tilmaamay in lala eegtay Koba Ku Tukade iyo Ajaanib ay gaari wada saarnaayeen oo marayay Agagaarka War-xoolo, wuxuuna sheegay in dhawaan ay faahfaahin ka bixin doonaan weerarkaasi. Isbiitaalka degmada Ceelbuur ayaa la dhigay Dhaawaca Horjooge Yuusuf Koba Kutukade oo la sheegay in uu aad u culus yahay sidoo kale darawalkii gaariga qaraxa lala eegtay waday oo dhaawac ah ayaa la geeyay Isbitaalka.
  6. Ahlu Sunnah “Waxaa maanta adduunyada aan ka musaafurinay saraakiil badan oo Shabaab ah” Culima’udiinka Ahlu Sunnah Wal Jameeca ayaa waxay shaaca ka qaaday inay dishay saraakiil badan oo ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab, kadib hawl-gallo balaaran oo ay sameeyeen. Afhayeenka Guud ee Culima’udiinka Ahlu Sunnah Wal Jameeca Sheekh Cabdullaahi Cabdi Raxmaan Abuu Yuusuf “Al Qaacida” ayaa wuxuu shaaca ka qaaday inay maanta laayeen saraakiil sar sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab. Afhayeenka ayaa wuxuu sheegay inay maanta dhaq dhaqaaqyo balaaran ka sameeyeen inta u dhaxeysa deegaanada Ceel God iyo War Xoolo ee Gobolka Galgaduud, isla-markaana waxaanu ku dilnay buu yiri saraakiil sar sare oo ka tirsan Shabaab. Abuu Yuusuf ayaa wuxuu tilmaamay inay dilleen saraakiil sar sare oo ay ka mid yihiin Madaxa Dacwada Al Shabaab ee Gobolka Galgaduud Sheekh Cabdi Kariin Faroole, Qaadiga Gobolka Galgaduud ee Shabaab Sheekh Saciid iyo saraakiil badan oo Shabaab ah oo uu ka mid yahay Kaba Kutukade. Al Qaadi ayaa wuxuu tilmaamay in uu rumeysan yahay in uu geeriyooday Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Xarakada Al Shabaab Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade”, laakiin waxaanu ogeyn buu yiri isagoo dhaawac halis ah. Saraakiisha ay dilleen ayaa wuxuu ku sheegay in ka badan sagaal saraakiil ah oo Shabaab taabacsan, isla-markaana wuxuu ku faanay inay adduunyada ka musaafuriyeen saraakiil badan oo taabacsan waxa uu ugu yeeray Khawaariiijta. Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab oo ku aadan saraakiisha ay maanta ka soo gaartay wax-yeelada kala duwan, waxaana jira warar xoog leh oo ku aadan khasaaraha soo saaray Shabaab iyo in uu geeriyooday Kaba Kutukade.
  7. Waxaa goor dhaw ay miino kula qaraxday Sheekh Yuusuf Kaba Kutukade iyo ciidamo badan oo la-socday, iyadoo ay miinadu sababtay khasaaro aad u xoogan. Deegaanka War Xoolo ee Gobolka Galgaduud ayaa waxay miino ay kula qaraxday laba gaari oo ay kala saarnaayeen saraakiil iyo ciidamo ka tirsan Xoogaga Xarakada Al Shabaab, waxaana la-sheegay in wax-yeelo xoog leh ay ka soo gaartay. Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Xarakada Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade” ayaa waxaa la-sheegay in’ay miino kula qaraxday gaari Kaarib ah oo uu saarnaa, isla-markaana waxaa la-sheegay in uu geeriyooday Sheekha. Warar kala duwan oo ka soo baxaaya qaraxaan ayaa wuxuu warka ugu xoogan uu qeexayaa in uu geeriyooday Gudoomiyihii Gobolka Galgaduud ee Xarakada Sheekh Yuusuf Sheekh Ciise “Kaba Kutukade”. Sidoo kale gaari kale oo nooca loo-yaqaano Qooqan oo hareer socday gaariga uu saarnaa Sheekh Kaba Kutukade ayaa waxaa la-sheegay in uu isagana burburay, isla-markaana waxaa la-sheegay in saraakiil ay ku la’deen. Dhanka kale deegaanka War Xoolo ayaa waxaa soo gaaray ciidamo taabacsan Shabaab, kuwaa oo goobtaasi ka daad gureeyay meydadka saraakiisha iyo ciidamadda Al Shabaab. Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab, hase ahaatee wixii warar ah ee ku soo kordha kala soco, wararkayna dambe.
  8. Afhayeenka Culumaa'udiinka Ahlusuna ee Gobolada Dhexe Sheekh C/llaahi C/raxmaan Abuu Yuusuf (Al-Qaadi) ayaa sheegay in weerar gaadmo ay ku dileen Saraakiil ka tirsan Xarakada Al-Shabaab, qaar kalena ku dhaawaceen oo uu ku jiro Horjoogaha Al-Shabaab ee Galgaduud. Weerarkan ayuu sheegay inay ku qaadaan inta u dhaxeysa War-xoolo iyo deegaanka Ceel-god ee Gobolka Galgaduud, isagoo tilmaamay inay dileen Ragg caan ah. "Howl gal ballaaran oo Ciidamada Ahlusuna ka sameeyeen inta u dhaxeysa War-Xoolo iyo Ceel-god waxaa ugu suura gashay in meeshaas lagu naafeeyo cadawgii Khawaarijta ahaa"ayuu yiri Abuu Yuusuf Al-Qaacida oo xusay in ilaa toban ruux oo isugu jira dhaawac iyo dhimasho ay gaarsiiyeen. Waxaa uu sheegay in weerarkaas ku dhinteen Ragg sar sare oo qaarkood xilal ka hayay Al-Shabaab Galgaduud, waxaana uu xusay in ragga muhiimka ah ee dhaawaca halis ah uu soo gaaray ku jiro Yuusuf Kaba-Kudukade Wakiilka Al-Shabaab ee Galgaduud. "Cadawga meeshaas lagu laayay waxaa ka mid ahaa Taliye kuxigeenka Galgaduud u qaabilsanaa C/kariin Faroole, nin dacwada u qaabilsanaa iyo nin kale oo qaadi ahaa, waxaa ku jira ragg ilaaladooda ahaa"ayuu yiri Al-Qaadi. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Kolonyo ay la socdeen saraakiishan jidka loo galay oo lala helay qori Baasuuke ah, halka warar kalena tilmaamayaan in qarax loo dhigay ay la kacday, iyadoo la xaqiijiyay in dhaawaca Yuusuf Shiikh Ciise Kaba-Kudukade la geeyay Isbitaalka degmada Ceelbuur. Ma jiro ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Xarakada Al-Shabaab oo ku aadan sheegashada weerarkaas ay Ahlusuna sheegteen inay ku laayeen Saraakiil ka tirsan.
  9. Nina lool al shabaab dont have a problem with christians, shacabka soomaliyeed iney xasuuqaan intii hartayna cunaqabateeyaan waaye mission-kooda.
  10. Amisom supplies vehicles to Somali transitional federal government + video AMISOM has donated six vehicles on behalf of the African Union to the Transitional Federal Government as part of its ongoing mission to stabilise Somalia. The vehicles will be used by Somalia’s Ministry of Agriculture, Livestock, Forestry and Range to assist with disease control and food security programmes.
  11. hehehe Aaliyyah u right is ramadaan soon waa inaa heesaha iska yareena, lool 2 hees bes lee ku daraa
  12. loool sambuus aa ka hadloosa sxb maanta barbartaa waxey maamnucen hilibka lo'da,geella and ariga..
  13. Aaliyahh, lol no problem,, that song hooyo is moving indeed ,even though Miiraale inuu heesta leeyahay.. Ceegaag is a talanted artist i like his new song Nabsi,(dont know if u heard it before). http://www.nomadlyrics.com/heeso-bf0966ddd-nabsi.html
  14. Ramadaan Kariiim dhamaantiin, bishaa barakeysan ee Ramadaan ha laga faa'ideysto, inshallah!
  15. This song is for Aliyyaah and Malika , enjoy!
  16. tomorrow waxaa la Maqli doonaa shabaab oo gebi ahaanba mamnuucay in wax la cuno!
  17. Al shabaab oo degmada Afgooye ka mamnuucay cunista hilibka Lo'da,Geella iyo Ariga. Maamulka Xarakada Al Shabaab ayaa maanta degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose ka mamnuucay qalida iyo ka ganacsiga hilibka Xoolaha, taasi oo saameyn ku yeelatay dadka ku dhaqan degmadaasi. Qalida iyo ka ganacsiga Hilibka Geele, Ariga iyo Lo’da ayaa waxaa la sheegay in Maamulka Al Shabaab ee gobolka Shabellaha hoose uu ka mamnuucay degmada Afgooye ee gobolkaasi sida Idaacadda Shabelle ay u sheegeen qaar ka mid ah ganacsatada iibisa Hilbkaasi. Mid ka mid ah ganacsatada iibisa Hilibka Xoolaha ee degmada Afgooye oo Shabelle la hadlay ayaa waxa uu sheegay in Al Shabaab ciidamo ka tirsan ay ku wargaliyeen saacadihii lasoo dhaafay in dedgmada Afgooye aan lagu arki karin Hilibka Xoolaha taasi oo uu sheegay ganacsadaha inay keentay in maanta Kawaanada degmadaasi aan lagu arkin wax Hilib ah oo la iibinayo, isgoo intaasi ku daray in Shabaab ay u sababeeyeen mamnuucida Hilibka Xoolaha lagu iibiyo degmadaasi oo ay sheegeen inay yihiin kuwa baqtiyay oo dadka lagu siro. Sidoo kale ganacsadaha ayaa Shabelle u sheegay in mamnuucida Al Shabaab ee Hilibka lagu iibiyo degmada Afgooye inay saameyn ku yeelatay ganacsatada oo uu tibaaxay inay maanta shaqa la’yihiin, sidoo kalana aysan garaneyn wax ay ku maareeyaan nolasha qoysaskooda, madaamada sida uu sheegay laga hor istaagay shaqadooda. Marka laga soo tago saameynta ay ku yeelatay mamnuucida Hilibka ganacsatada iibisa ayaa hadana waxaa la sheegay inay saameyn ku yeelatay dadka shacabka ah ee ku dhaqan degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha hoose.
  18. Ilaahay ha uu naxariisto soomalida halkaas lagu dilay!
  19. looool@Macalin xaashi, i remember back in the days marku isbaaro uu tagnaan jiray warlord Muuse sudi in Kaaraan..
  20. Zack he can also be released after 11 yrs... But i believe in la dhihi doono maskaxiyan uma fiyoobo and that he needs help..
  21. hahahahaha jb barbaarta waaka so dareen nooh
  22. Al-Shabaab oo deegaanada loo barakacay iyo Afgooye ka mamnuucay ka ganacsiga Sambuuska (Warbixin) Xarakada Al-Shabaab ayaa deegaanada loo barakacay iyo degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ka soo saaray awaamiir ay ku mamnuuceen ka ganacsiga Sambuuska, iyadoo la faray Ganacsatada Biibitooyinka leh in aanay ka ganacsan karin. Gawaari cod baahiyeyaal ah oo lagu rakibay ayaa lagu farayay dadka in la mamnuucay Sambuuska oo ah raashin fudud ee Soomaalida aad u jecel yihiin, waxaana si dhab ah loo ogeyn sababaha ka dambeeya in la mamnuuco. Wararka ayaa sheegaya in Qeybta faya-dhowrka Shabaabka ay ka soo saareen in Sambuuska uu qeyb ka noqday cuduro maalmahan ku soo laabtay deegaanada qaar, gaar ahaan cudurka xanuun caloolaha loo yaqaano. Sidoo kale warar qaar ayaa sheegaya in Shabaabka ay ku mamnuuceen Sambuuska inuu yahay mid leh calaamada Kirishtada, maadaama sambuuska yahay mid saddex geesood ah. Dad fara badan oo dan yar ah ayaa iibinta Sambuuska iyo waxyaabaha kale ee loo yaqaano (Qamshax-qamshaxa) sida Burka, Sambuuska, Bajiyaha iyo mac-macaanka kale waxay ku dabirtaan nolol maalmeedkooda, hase ahaatee waxay tani caqabad ku tahay dadkaas oo wadooyinka ku wareejiya. Mamnuucida ay Shabaabka deegaanadaas ku soo rogeen Sambuuska ayaa ku soo beegmeysa xilli ay fooda nagu soo heyso Bisha Ramadaan, dadkana ay waxyaabaha ku anfuraan ka mid yahay Sambuuska.