oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
lool Aaliyyah waa iska caadi waxaas amba hadda baris ii hilib aan ku saxuurtay...
-
Saalax its somewhere north i believe, could it be ceerigaabo?
-
not sure i think its merca,baraawe or kismaayo
-
lool my ayeeyo is from Buuhoodle thats why use 2 be there in my childhood..
-
Lool Nina fox dhismaha xamar waaba nooc kale, i think its buuhoodle not sure..
-
Lol baarqab correct thats Ceeldheer..
-
Guess this one!
-
Defeat for the secessionists in northern Somalia.
oba hiloowlow replied to SomaliNationalist's topic in Politics
Kiddo iska aamuus lee u dont know what happened after, sarakiishii ugu fiicnayd waa layska dilaaye after 1977 , meeqo Saraakiil ayaa laga dilay reer waqooyiga? Salaad gebeyre kediye maxaa lagu dilay? Ceelashii la sumayn jiray in galgaduud, mudug and waqooyiga? War ninka iyo dowladiisa diyaarado iyo BM ay ku garaacaayeen dadkoodii ee Waqooyi, what the hell is that for a government seriously? -
Defeat for the secessionists in northern Somalia.
oba hiloowlow replied to SomaliNationalist's topic in Politics
MSB haduu xaqdaro wadi laheyn maanta saan ma ahaan laheyn xaalka, forcing dhalinyarro from north and and Galgaduud/Sh dhexe iney dagaalka ethiopia lagula jiray qasab ku galaan, the killings of the culimaa, suuqii bacadlaha gubtay ee xamarweyne u remember that mise kid ba aheyd oo wali laguuma sheegin? MSB qaraabadiis ayaa xilkasta la siin jiray, ninkii MSB tol la ahaa iyo ninkii aan aheyn isku mushaar ma qaadan jirin,, adigana waxaa naga dhaadhicinee miyaa ninkaas inuu fiicnaa? -
Mashallah ,Good stuff, Haweenka maxaa uu diiday iney society-gooda wax uu qabtaan??
-
hahahah ileen XX rageedi aad aheyd
-
Paltalk
-
Congrats to nomad Maskiin-Macruuf-Aqiyaar
oba hiloowlow replied to Libaax-Sankataabte's topic in General
Mabruuk brother! Labadii isku waara ilaahay ha idinka dhigo, aamiin! -
Al-Shabaab loses Bakara Market to the government troops
oba hiloowlow replied to caydarus's topic in Politics
Duke dont forget dekadda and bankiga dhexe as well! -
Jen. Dhega-Badan "Ramadaanka inta lagu jiro ayaa Muqdisho ka xoreyn doonaa dadkuna nabad ayay ku Ciidi doonaa" Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Jen. C/kariin Dhega-Badan ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka saari doonaan Magaalada Muqdisho inta lagu jiro bisha Ramadaan, isagoo faah faahin ka bixiyay dagaaladii shalay ay ku qabsadeen fariisimo dhowr ah. Jen. Dhega-Badan ayaa sheegay in guushii ugu weyneyd ay shalay soo hoyeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, waxaana uu carabka ku dhajiyay in 4-KM isku weer shalay la wareegeen qeybaha Ciidamada ay howl galka ka sameeyeen. "Waxay noo aheyd guushii ugu ballaarneyd nooguna qasaaro yareyd, waxay Ciidamada qaadeen tallaabo aad loogu riyaaqay, waxaanu qabsanay 4-KM isku weer"ayuu yiri Jen. Dhega-Badan. Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka ayaa sidoo kale tibaaxay in inta lagu guda jiro bisha Ramadaan ay Al-Shabaab ka saari doonaan Magaalada Muqdisho, si shacabka ay Maalinta Ciida nabad ugu ciidaan, guryahooda ku ciidaan. "Waxaan rajeynayaa in Bisha Ramadaan gudaheed aan Caasimada oo dhan uga saarno, taas baa shacabka u balan qaadeynaa, Maalintana ciida dadka guryahooda ay Nabad ugu ciidaan"ayuu yiri Jen. Dhega-Badan. Dagaaladii shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho oo ahaa kuwo qorsheysan ayay Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM cagta ku saareen degmooyin aanay horay u tagin, iyadoo dhul ballaaran kaga qabsaday Al-Shabaab.
-
Wararkii ugu dambeeyay dagaalada Muqdisho ka socda iyo Ciidamada Dowladda oo kaabiga ku haya Isbartiibo Iyadoo saaka dagaalo culus ay ka qarxeen Magaalada Muqdisho ayaa dagaalada waxay yihiin marba marka ka dambeysa kuwo wararkooda ay isa soo tarayaan, isla markaana ay ku fidayaan qeybo hor leh oo ka tirsan degmooyinka ay saaka ku jermaadeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo xaafadaha qaar ugu jira qaab efandari ahaa. Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Dowladda oo ay wehliyaan Taangiyada AMISOM ayaa ku dhaqaaqay goobo hor leh oo ay ku sugnaayeen Xoogaga ka soo horjeeda ee AMISOM, sida Saraakiisha Dowladda ay saxaafada u sheegeen. Ciidamada Dowladda ayaa cagta saaray wadada Sodonka iyo qeybo ka mid ah degmada Yaaqshiid oo ay gudaha ugu jiraan, sida Isgoyska Towfiiq, Suuq Bacaad iyo Laanta Suuq Bacaad. G/sare C/llaahi Cali Caanood ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ay ka qabsadeen fariisimo muhiim ah, isla markaana dagaalka uu sii socdo. "Saaka abaarihii 5:30 ayuu howl galka bilowday, anagoo fulineyna awaamiirta Madaxweynaha, waxay Ciidamada ku dhaqaaqeen wadadii Jeneraal daa'uud, Xararyaale, waxay Ciidamada joogaan Baar Ayaan, Xamar Bile, isgoyska Cali Kamiin, Suuq Bacaad ilaa Towfiiq"ayuu yiri Taliyaha Ilaalada Madaxtooyada. Mar uu ka hadlay qasaaraha dagaalka dhankooda ka soo gaaray ayuu sheegay in labo askari ka dhimatay, halka dhanka Shabaab ay ka dileen 15-askari, labo dagaalyahan ay dhaawacyo ku qabteen. Ciidamada Dowladda ayaa kaabiga ku haya Garoonka Stadium Muqdisho oo ay ku dhow yihiin, sidoo kale waxaa ay ku dhow yihiin Xaruntii Xisbiga, waxaana dagaalka xoogiisa ka socdaa wadada aada dhanka Isbartiibada. Ilaa iyo hada waxaa magaalada laga maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana qorshaha dagaalka uu u muuqdaa mid Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ku doonayaan inay saldhigyo muhiim ah kula wareegaan. Dhinaca kale dagaalkii saaka ee iyana ka socday deegaanada Waqooyiga Muqdisho sida C/casiis iyo Shibis ayaanu jirin war laga helay ilaa iyo hada, inkastoo wali laga maqlayo hugunka madaafiicda noocyadooda kala duwan Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe.
-
Ciidamada Dowladda oo galay suuqa Bakaaraha iyo dagaal ka dhex socda gudaha suuqa Dagaalada saaka ay qaadeen Ciidamada Dowladda KMG ayaa goobo kala duwan oo magaalada ah ka soconaya, iyadoo Ciidamada Dowladda ay goor dhow gudaha u galeen Suuqa Bakaaraha, oo horay ganacsigiisa ugu xirmay dagaalada, waxaana ka socda gudaha suuqa dagaal goos goos ah. Wararka aanu heleyno ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda ay baro muhiim ah ka joogaan, gaar ahaan wadooyinka koowaad iyo labaad Suuqa Bakaaraha, waxaana Ciidamada ku sugan yihiin Bankiga Dahabshiil, agagaarka Masaajidka Abuu Hureyra. Ciidamada Dowladda oo gudaha ugu jira suuqa ayaa rasaas iyo toogasho waxay ugu imaaneysa dhinaca Shabaab, waxaana ay yihiin kuwo gudaha iyo hareeraha kaga sugan suuqa oo gebi ahaanba yihiin kuwo ku hareersan. Wararka ayaa intaa ku daraya inay kaabiga ku hayaan Isgoyska Baar Ubax, waxaana baraha Ciidamada ku sugan yihiin ka mid ah halkii laga rari jiray Boosteeda Gaadiidka aada Galgaduud, biya dageenkii ku dhowaa Baar Ubax iyo goobo kale, waxaana Ciidamada ay joogaan bartamaha suuqa. G/sare C/llaahi Cali Caanood oo ah Taliyaha Guutada Ilaalada Madaxtooyada ayaa sheegay in iyagoo bur bur u geysan suuqa ay hareeraha ka qaadeen Ciidamada, isla markaana ay fariisimo ka sameysteen gudaha suuqa bakaaraha. Dagaalada ka soconaya Magaalada Muqdisho oo ah kuwo qorsheysan ayaa waxaa saraakiisha Dowladda ay sheegeen inuu sii soconayo ilaa ay kula wareegaan goobo hor leh.
-
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa haatan si toos ah ulla wareegay wadada Sodonka ee magaalada Muqdisho. Ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya oo wali wada howlgalka ayaa waxa ay wariyayaasheena oo jiidda dagaalka ku sugan inoo soo sheegeyn in ciidamada ay gacanka ku dhigeen wadada Soconka waxayna dhammaanba si toos ah ulla wareegeyn xaafadaha Suuqbacaan Towfiiq iyo deegaanno kale waxaana wali socda dagaalka iyadoo ay si wada jir uga qayb qaadanayaan dagaalka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM. Sidoo kale waxaa jira meelo kale oo ay ciidamada hormar ka sameyeen oo ka mid tahay Degmada Shibis, saraakiisha dagaalka hoggaamineya ayaa inoo sheegay in aysan jirin wax qasaaro ah oo soo gaaray ciidamada tan iyo inta uu howgalka billoowday, iyadoo dhinaca kale ay jiraan qasaaro xoog leh oo soo gaaray Khawaarijta Shabaab. ciidamada ayaa haatan ku sii jeeda garoonka ciyaaraha ee Stadio Muqdisho waxayna gacanta ku dhigeen Baar Ayaan waxaana la la filaya in goor dhow ay guddaha u gallaan xarunra Isbartiibadda. saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in ay saacadaha soo socda ay gaari doonaan xaafado ay ka mid tahay Suuqa Xoollaha iyo deegaanka Gubta. waxyaabaha ku soo kordha si deg deg ah ayaan idin kugu soo gudbineynaa Insha Allah.
-
Popular Contributors