oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Al-Shabaab oo laga saaray Deegaanka Galcad iyo Degmada Masagawaay Al-Shabaabka jooga oo iyana la faray inay hubka dhigaan, haddii kale…. Wararka ka imaanaya Deegaanka Galcad ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Al-Shabaabkii joogay laga soo saaray Magaaladaasi, kadib markii uu dagaal dhexmaray dadka Deegaanka iyo maleeshiyaadkii Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa la sheegayaa inay haatan ku sugan yihiin meel banaanka ka ah Deegaanka Galcad, iyadoo halkaasi isku horfadhiyaan rag hubaysan oo isla deegaankaasi ka soo jeeda. Wararku waxa ay sheegayaan in rasaas xooggan oo shalay ilaa xalay socotay kadib inay suurtagashay in Maleeshiyadii Shabaabka isga baxaan Deegaanka Galcad, iyadoo dadka deegaankaasi ay doonayaan inay hubka ka qaataan kooxdaasi laga saaray Deegaanka Galcad. Sidoo kale wararka iyagana laga helaayo Degmada Masagawaay ayaa sheegaya in Shabaabkii joogay halkaasi saakay lagu hareereysan yahay, islamarkaana la faryo inay hubka wareejiyaan, haddii kale la layn doon. Mid ka mid ah dadka Deegaanka Masagawaay oo la soo xiriiray Saxaafadda ayaa sheegay inay khaarijin doonaan kuwii diida inay hubka iska dhigaan, wuxuuna sheegay in Shabaab ay ka soo saareen deegaanadooda, islamarkaana ay la dagaalamayaan cidii isku dayda inay mar kale deegaankooda dhib ka abuuraan. Al-Shabaab ayaa deegaanada ay dalka hadda kaga sugan yihiin waxaa ku kacay dadkii deegaanadaasi deganaa ee ay dhibaatada ku hayeen, waxaana maalmahaan dambe la maqlaayay in deegaan kasta dadkii degnaa uu bilaabay inuu la dagaalamo Shabaabka halkaasi ku sugan. Dhinaca kale waxaa xalay la maqlay iyana dadkii deganaa Degmada Ruun Nirgood ee Gobolka Shabeelaha Dhexe in maleeshiyaadkii Shabaabka ahaa ee halkaasi joogay in Qoryaha uga qaateen Tooreeyo, iyadoo, halkaasi ay ka bilaabatay in la u gaarsado dadkii ka midka ahaa Shabaabka ee lagu arko deegaankaasi.
  2. loool i wouldn't do that i've seen dad sawiro been been wato kedibna markii ay is arkaayen ay noqdeen wiil iyo eedadiis lolz.
  3. Update: Shabaabku dayniile ay ku sugan yihiin qeybo ka mid ah, hadeertaan madafiic ayaa ku socdo goobahaasi,, subaxdii ayaa laga saari doonaa hadii aysanba kahor laga saarin,waa sida la ii sheegaayo 15 min kahor ayaan la hadlay dad jooga Suuq Bacaad..
  4. looooooool kk indhahaada caadi maha mays tiri, waa runtaa waa caday..
  5. Zack boondheere ha uu jawaabin adigana wax aan ku sheegaa xamar dadkii ku dhashay/ku barbaaray saas kama dhigin, kuwaas wax qaxay,dhintay waaye, dadka heer xamarka asalka ha uu gefin,, dad ignorant oo xamar ka imaanin ayaa ka dhigay xamar sey tahay..
  6. Jihadist guy are you aware of that many of the burundi soldiers are muslim and u are calling them kaffir, and ur sayin that ur not a takfiiri
  7. Al-miskiin and the otha jihadist fella get the hell away from this beatiful thread!!!!!!!
  8. Naah Liqaye shabaab is gone iyagii dhexdooda ayaa khilaaf ka dhex jiraa ninba wuxuu uu caraaraaya meeshii uu ka so jeedo,,,, byee byee..
  9. Gaashaandhigeenow gacanteena midigoow iyo erayo kale sida eryaa eryaa eryaa ay ku hadaaqaayan reer Muqdisho, waa ''ramadaan barwaqeeysan'' seey yiraahdeen!
  10. War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegaya in Ciidamada Al-Shabaab ay isaga baxeen degmada Ceelbuur ee Gobolka Galgaduud, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan qaabka Ciidamadaas u faarujiyaan halkaas, xilli xalay guud ahaan ay baneeyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Sida ay sheegayaan wararka Ciidamo iyo gaadiid fara badan oo kuwa dagaalka ayaa barqanimadii maanta ka huleelay degmada Ceelbuur, waxaana dadka deegaanka ay sheegeen in Ciidamadaas ay magaalada dhanka Koofur kaga baxeen. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ka baxay halkaas ay ka soo jeedaan Gobolada Bay iyo Bakool, isla markaana sababaha uga baxeen ay tahay qaab deegaan ahaan, maadaama deegaanka ka soo jeedin. Ciidamada ayaa Gawaari tiil Saldhiga degmada Ceelbuur horay u sii qaatay, inkastoo dadka deegaanka ay sheegayan in wali Ciidamo aan badneyn ku sugan yihiin degmada. Afhayeenka Al-Shabaab Cali Dheere ayaa sheegay in is bedelka Muqdisho ku yimid aanu saameyn doonin Gobolada dalka ee ay ka taliyaan, isagoo ugu baaqay Maamulada deegaanada inay howlahooda sii wataan. Kulan Hogaanka Al-Shabaab maalmihii la soo dhaafay ku dhex marayay degmada Balcad ayaa laga soo saaray qodobo muhiim ah, kaas oo xataa kala aragti duwanaan uu ka dhashay, inkastoo markii dambe isku raaceen in ay ka baxaan Magaalada Muqdisho, deegaanada Gobolada dalkana sidooda ugu sii wadaan maamulka. Dadka odorasa siyaasada ayaa sheegaya in Al-Shabaab qorsheyneyso inay dib u soo celiso hababkii lagu yaqiinay ee xilligii Itoobiyaanka ay joogeen ee dilalka qorsheysan loo geysanayay saraakiisha, qaraxyada Miino iyo bambaanooyinka lala eegto xarumaha iyo saldhigyada
  11. Any updates from lafweyne, sanca area? Al shabaab is still there aan maqlay gaar ahaan ciidamada Axmed Laashin..
  12. MASHALLAH!!! anoo jiifo ayaa xamar leyga so wacay, dadka farxadd maanta ma malleyn kartid...