oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Kadib markii Afhayeenka Ciidamadda Xarakada Al Shabaab Sheekh Cabdi Casiis Abuu Muscab uu maanta sheegay inay weli ku sugan yihiin magaaladda Muqdisho, ayaa waxay dib uga soo dhex muuqdeen xaafaddo ay horey uga baxeyn. Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo ku hubeysan ilaa toban ka mid ah gawaarida dagaalka oo loo-yaqaano Tiknikada oo ay saaran yihiin Ciidamadda Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa lagu arkay xaafadaha Juungal, Argentin iyo Fagax. Ciidamadaan oo aad u hubeysan ayaa waxay saldhigteen xaafaddo ka tirsan degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan, isla-markaana dadka dib ugu laabtay xaafadahaasi ayaa waxay ka muujinayaan walaac xoog leh. Wararka ayaa waxay sheegayaan in Xarakada Al Shabaab ay dooneyso in qaab Qabiil ay kula dagaalanto Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Midowga Afrika ee Amisom, inkastoo aysan weli taasi soo shaac bixin. Ilo wareedyo ku sugan xaafaha Juungal, Arjantiin iyo Fagax ayaa waxay Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com ay u xaqiijiyeen, in ciidamo ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay soo saldhigteen xaafadahaasi. Ilo wareedyada ayaa waxay qeexayaan in dadka deegaanka ay walaac xoog leh ka muujinayaan, dib u soo laabadasha Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, xilli shalay oo qura ay qaarkood dib ugu soo laabteen xaafadahaasi. Raa’isal Wasaaraha Xukuumadda Kmg ee Soomaaliya Dr Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas ayaa wuxuu ugu baaqay Ciidmadda Xarakada Al Shabaab ee ku haray magaaladda Muqdisho, inay isa soo dhiibaan, haddii kalana sida uu hadalka u dhigay ay cagta marin doonaan.
  2. Saalax i bet property-gaas waa hore ay dad degeen...
  3. DUQEYN CULUS OO XILIGAAN KU SOCOTO XAAFADA JUUNGAL EE DEGMADA YAAQSHIID MUQDISHO: - Duqeymo culus ayaa xiligaan ku socoto xaafada Juungal degmada Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho. Xaafadaasi oo ka mid ah meelaha ay wali joogaan dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab o hab qabiil u abaabulan ayaa la sheegay in duqeymaha ka hor laga tuuray hoobiyeyaal. Madaafiicda loo yaqaano PM-ka iyo Morter-ka ayaa waxaa la sheegayaa in ay ku hoobteen meelo badan oo ka tirsan xaafadaaasi. Inta hada la ogyahay waxaa ku dhintay afar ruux kuwaasi oo ku sugnaa agagaarka Masaajidka Oday Geedi ee xaafada Juungal, halka qaarkoodna. Qof goob jooge ah oo isaga oo cararayo nala soo xiriiray ayaa sheegay in dadka ay kala carareen walina ay socoto madaafiicda oo kaga soo dhaceyso dhinaca garoonka kubada cakta. Wixi kusoo kordho kala soco Soomaalidamaanta.com.
  4. loooooooooooooooooooooool i got married at thirteen haha
  5. ^Lol dee markey bahasha socon weydo sharka la bedeshtaa , tactico waaye iyadana
  6. Kooxaha Xagjiriinta ah ee Al-shabaab oo 24kii saac ee la soo dhaafay jab weyn uu ka gaaray gudaha dalka Soomaaliya ayaa waxaa la soo sheegayaa in dagaal adag oo shalay ilaa maanta ka socday Degmooyinka Masagwaay iyo Galcad ee Gobolka Cowl halkaasi si kacdoon ah looga saaray. Dadka deegaanka Galcad ee gobolka Cowl ayaa la sheegayaa in ay dagaal adag la galeen kooxda Al-shabaab oo halkaasi mudooyinkii ugu dambeeyey ka waday tacadiyo fool xun iyagoona halkaasi ugu dambeyntii saakay isaga huleelay. Duqeyda magaalada Degmada Galcad iyo Masagwaay, ayaa ugu baaqay in ay kooxda AL-shabaab ay hubka dhigaan isuna soo dhiibaan iyagoona balan qaaday in aan waxba la gaarsiin. Degmada Ruun-nirgood ayaa iyaduna la soo sheegayaa in halkaasi ay shaqaaqooyin Kooxaha A-shabaab lagaga soo horjeedo ka dhaceen iyadoo dadka qaar ay mindiyo iyo baangado albaabada la taagan yihiin si ay isaga caabiyaaan Tacadiyada kaga imaan kara Kooxaha A-shabaab oo laga soo raacdeeyey Degmooyinka Galcag iyo Masagawaay.
  7. hehe allright then Sareen, u satisfied now? LOL
  8. Aaliyyah;739346 wrote: lol @ I live with her! ouch...now markay sareenka ku kariso maxay dhahada? ayeeyo qamandiga cun! LOL.. lool naah qamandi saasa ma cuno maybe thats why...
  9. Aaliyyah looool taas waxaa ka daran i live with her, so i should know....
  10. Salaam sis,ramadanul kariim.. lool taas waxaa ka daran waxaa lii sheegay soomalida iyo chineeskaba isdhaxgalay oo is guursaday hehe..
  11. loool Ismahaan waa caadi China arday badan aa joogtaa.
  12. baarqab with the support of who? Heerkaan wixii gaarsiiyay waa shacabkaa and they lost the support long time ago, Suuqa bakaaraha and the Suuq Bacaad is now controlled by the government,,,,,and how will they handle khilaafka ka dhaxeeya?
  13. lool saas ma na tiraahdiin,,,,,, qamandigaba waxaaba ka fiican Cambuullada with Saliid Macsaro iyo sonkor very good option for Suxuur .
  14. Horta sareenta aad ka hadleysin waa maxay?
  15. Inteey ku dhuuman karaan wakhti xaadirkaan? Al shabaabs time is over....
  16. yeah lol dhib malaha waa laga sal gaara dadka wey arkeen, SNTV iyo universal aan xalay ka daawanaye dadkii oo farxad la ooynaaye kolkey arkeen ciidamada xooga dalka... Hada xataa kacdoono ayaa ka socdo tuuloyin ka mid ah sh/dhexe iyo galgaduud sida Garas bintow,galcad,masagawaay iyo run nirgood.. Btw the source is Jowhar oo dagaalkii yaaqshiid sheegay..
  17. they still in xamar Yaaqshiis,Suuqa xoolaha and Dayniile the rest are hiding somewhere in Ceelasha,Balcad,garasbiintow,garasbaaleey,Cisaleey,galgalato and Xaliimo Hiite..
  18. Dagaal culus ayaa xilligan ka socda degmada Yaaqshiid meel ku dhow Garoonkii Ciyaaraha Muqdisho oo shalay ay fariisin ka sameysteen Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, kadib markii weerar culus ay ku soo qaadeen Xarakada Al-Shabaab. Hugunka Madaafiicda iyo rasaasta noocyadeeda kala duwan ayaa si aad ah loo malqayaa, waxaana sidoo kale dagaal kale uu isna ka dhacay goor dhoweyd Dugsiga Farsamada Jarmal ee Xero Jarmal, markii Ciidamada Dowladda ay gaareen. Weerarkan ayaa ah mid qorsheysan oo Shabaabka horay u dajiyeen, kadib markii Afhayeenkooda uu sheegay in qidadooyin ay ugu tala galeen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM, isla markaana saacadaha soo socda wado kasta iyo luuq kasta looga soo bixi doono. Xoogaga Al-Shabaab ayaa dhinaca waqooyi ee jidka Warshadaha kaga soo qaaday weerarka, halka kuwa qaar ay ku jireen dhismayaal ku yaala goobihii ay ka baxeen habeen hore. Wararka ayaa intaa ku daraya in dagaalka ka dhacay agagaarka Dugsigii Farsamada uu dhaliyay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac soo gaaray askarta Dowladda iyo kuwa AMISOM. Sidoo kale dagaalka iminka ka socda agagaarka Garoonka Ciyaaraha Muqdisho iyo Isgoyskii Telfishinka Qaranka mid labada dhinac ay isu adeegsanayaan hub cul culus Saakay barqadii ayaa rasaas ay ka soo dhaceysay dhismayaal ay Shabaab kaga sugnaayeen meelaha qaar, iyadoo iska hor imaadyo goos goos ah ay socdeen, hase ahaatee haatan ayaa dagaal fool ka fool ah oo aad u culus uu ka socdaa Wadada Warshadaha meelaha Ciidamada Dowladda ay soo galeen maalintii shalay. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
  19. Dagaal culus oo maantay ka dhacay degmada Galcad ayaa ugu danbeyntii looga awood roonaaday kooda Alshabaab. Dagaalkan oo ay si gaadmo ah u soo qaadeen kooxda Alshabaab ayaa waxaa markii hore u suura gashay inay qabsadaan Degmada Galcad. Hase yeshee beesha degaanka ayaa weerar rogaal celis ah ku soo qaaday kooxdii Alshabaab waxaana ay dib ula wareegeen dhamaan dhulkii ay shabaabku qabsadeen. Dagaalkii maanta oo ahaa mid aad u culus ayaa waxaa uu geystay qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaac fara badan oo leh labada dhinac.Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay iney dhinteen 6 nin oo deeganka difaacanaye. Magacyada ragii u dhintay difaaca Galcad 1 Cabdullahi Xasan jimcaale 2 Cabdullhi Xasan Dhiblaawe Cariif 3 Cali Cabdullahi Ileey 4 Garba Adag 5 Ina Axamad Shirwac 6 Cadullaahi Geesoole Kooda Alshabaab oo uu hogaaminay Kaba-ku dukade ayaa markii hore waxaa u qorsheysnaa inay qabsadaan Mesagawaay hase yeshee waxaa la hordhigay difaac adag iyagoo markii danbe dagaalka u wareejiyay degmada Galcad. Cidamadii soo weeraray Galcad ayaa la sheegay inay ka yimaadeen gobalka shabeelada/Dhexe. Sikastaba ha ahaateen waxaan la ogeyn in Alshaab ay soo rogaal celiyaan donaan iyo in ay ku laaban doonaan goobihii ay duulaanka ka soo qaadeen.