oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa weerarkii Ciidamada Puntland maanta ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen Saraakiil ka tirsan Maamulka Somaliland oo marayay inta u dhaxeysa deegaanka Taleex iyo Laascaanood. Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali oo ka badbaaday weerarkaas ayaa BBC-da u sheegay in iyaga oo iska socda jidka loogu galay meel la yiraahdo Carool, isagoo sheegay in koox ka soo jeeda Puntland gaar ahaan kuwa Madaxtooyada ay jidka u galeen. Xildhibaanka ayaa sheegay in Wafdiga uu isaga hogaaminayay ay ku socdeen 6-baabuur oo isugu jira kuwo Ciidanka lahaa iyo Rayid, waxaana uu sheegay in Gudoomiyaha Waxbarada Taleex Maxamed Aadan Cartan uu ku dhintay weerarkaas. Sidoo kale waxaa uu sheegay in ilaa afar ruux oo mid sarkaal uu yahay dhaawacooda ay halis yihiin, isagoo sheegay in gaadiidka la qabsaday ay gaarayaan shan. Dhinaca kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar ayaa sheegay in dagaal uu ka dhacay deegaanka Taleex, isla markaana halkaas uu abaabul ka socday, waxaa uu sheegay in kuwa dhaawaca ah la dhigay Isbitaalka, halka kuwa kale Xabsiga loo taxaabay. Ciidamada Puntland ayaa gacanta ku haya ilaa 19-ruux oo ay ku jiraan Ragg Saraakiil ah oo Maamulka Somaliland ah ka mid ah, kuwaasoo ay ku jiraan Mas'uuliyiinta Gobolka Sool. Xiisad ka dhalatay falkii Ciidamada Puntland ku weerareen Kolonyada ay la socdeen Mas'uuliyiinta Puntland ayaa aad looga dareemay deegaanada ay isku hayeen iyo goobaha ay isku hor fadhiyaan, iyadoo laga cabsi qabo inay tani horseedo dagaal mar kale dib uga dhex qarxa labada dhinac.
  2. Maamulka Puntland ayaa maanta Magaalada Garowe ku soo bandhigay maxaabiis isugu jiray Saraakiil iyo Ciidan ka tirsanaa Maamulka Somaliland, kadib markii weerar ay ku qaadeen Kolonyo ay la socdeen, oo mareysay inta u dhaxeysa Taleex iyo Laascaanood ee Gobolka Sool. Taliyaha Ciidamada Madaxtooyada Puntland Col. Cumar C/llaahi Faraweyne ayaa sheegay in howl gal ay sameeyeen Ciidankooda ay saaka aroortii ku soo qabteen 19-maxbuus oo isugu jira saraakiil iyo Ciidamo, waxaana uu tilmaamay in shan ka mid ah ay dhaawac yihiin, waxaana lala soo bandhigay Gaadiid ay wateen oo lahaa Sumada Somaliland. Mar wax laga weydiiyay hadii howl galkan qasaare ka soo gaaray ayaa waxaa uu sheegay in dhankooda aanu wax ka soo gaarin, hase ahaatee warar soo baxaya ayaa sheegaya in Gudoomiyihii Waxbarashada Gobolka Sool ee Somaliland uu weerarkaas ku dhintay. Weerarkan ayaa Ciidamada Puntland ay jidka ugu galeen ilaa shan gaadiid oo ay ku socdeen Xildhibaan ka tirsan Somaliland, Saraakiil Ciidan iyo Ciidamo, waxaana Xildhibaanka uu ka badbaaday weerarkaas. Xildhibaan Saleebaan Cali Yuusuf ayaa ku eedeeyay Puntland in weerarkaas ay ka dambeeyeen kooxo ka tirsan Madaxtooyada Garowe, waxaana uu sheegay in weerarka lagu qaaday xilli Kolonyo la socdeen. Wasiirka Warfaafinta Puntland Axmed Cali Askar ayaa dhankiisa sheegay in Ciidamada Somaliland ay deegaanadooda ku soo duuleen, isla markaana dagaal uu dhex maray. Arrintan ayaa waxay keeneysaa xiisad hor leh oo labada dhinac ka sii dhex qaraxda, xilli horay ugu dagaalameen Gobolka Sool, deegaano ka tirsan oo ay Labada Maamul kala sheeganayaan. Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Madaxda Maamulka Somaliland iyo Puntland oo ku aadan falkii maanta ka dhacay deegaanka Taleex.
  3. Mashallah turkidaan waa dad fiican xalay aan ka daawanaye Somali national TV dad kasocda dowladdaas oo booqday xeryaha xeryaha qoxotiga Muqdisho oo deeq gaarsiinaye dadka tabaaleeysan.. Thanks Turkey waxaani waa taariikhii waligiin baan xasuusan doona walaalaheena ee no so gurmaday..
  4. next step tomorrow Sanca, Suuqa Xoolaha,Hotel Ramadaan and Jamhuuriya.
  5. Guddoomoiayaha Degmada Kaaraan Cabdullaahi Maxaaa Rooble ayaa shacabkii hore ugu qaxay degmada Kaaraan ugu Baaqay in ay Guryahooda ku soo noqdaan. hadalka Guddoomiyaha ayaa yimid kadib markii shalay gelinkii dambe ay ciidamada AMISOM ay fadhiisan ka dhigatay deegaano ka tirsan degmada sida Sartii Miranaayada (Ex Xaruuntii Ciidamada badda) & Kawaankii Bariga Xamar Guddoomiyaha ayaa dadka u sheegay in degmada ay si buuxda gacanta Dowlada ugu jirta isla markaana ay shacabka ku soo noqon karaan guryahooda Degmada Kaaraan ayaa ayaa mudo 2 sanno ah waxay gacanta ugu jirtay ururka Xarakada Alshabaab kuwaas oo ugu dambeyn iskood isaga baxay
  6. Aaliyyah lool yaaba ka roon hadaad ku saxuuratay cambuulo ii caano, excellent choice lol gaajo dhan maku qaban doonto..
  7. snakes, scorpions, black widows ( the spider lol) and lions.
  8. loooooooooool walahi caadi maha hahaha akhirkaa asaa ka kuday dabagaalaha yaah.. :D
  9. Acuudi bilahi Moor;yaankaas maxow qabtay fadlan general ha ku tilmaamin waa shufto..
  10. Kadib markii ay maanta Dowladda Soomaaliya suuqa Bakaaraha ay geysay ciidamo badan oo ka tirsan Ciidamadda Booliska ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay gacanta ay ku soo dhigeen ciidamo taageersan Al Shabaab. Ciidamadda Booliska ee Dowladda Soomaaliya ayaa waxay maanta hawl-gallo ammaanka lagu sugaayo ay ka sameyso, guryo ku yaalla suuqa weyn ee Bakaaraha, halkaasoo looga shakiyay inay ku jiraan Ciidamadda Shabaab ah. Ciidamadda Booliska ayaa waxay gacanta ay ku soo dhigeen shan ka mid ah Ciidamadda Xarakada Al Shabaab oo iyagu ku haray suuqa weyn ee Bakaaraha, waxayna Dowladda Somaliya ay sheegtay inay sharciga la-tiigsan doonto. Ciidamadaan ayaa waxay kaloo ay hawl-gallada ku soo qabteen walxaha qarxa oo ay Xarakada Al Shabaab ku keydisay guri ku yaalla suuqa caalamiga ah ee Bakaaraha. Dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegtay inay sii wadi doonto baacsiga xoogga leh ee ay ku heyso Ciidamadda Xarakada Al Shabaab, isla-markaana waxay Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in goor dhaw ay xaqiijin doonto ammaanka guud ee caasimadda.
  11. Habaarkii Imaam Maxamud Imaam Cumar oo Ilaahay Aqbalay Imaan Maxamuud ayaa intii uu san ka tagin Xamar asagoo ku sii jeeday Kenya ayuu ka qayb galay shir looga hadlayay dhibka ay umada ku hayeen Al shabaab oon u naxariisan dad iyo duunyaba ayuu ka sheegay Imaanku shirkaasi asagoo yiri “Aboor wuxuu cuno wuxuu ugu jecel yahay Caaw ee Ilaahay ha ka dhigo Shabaab Caaw Aboor cunay” Eraygaas oo runtii la arkay kadib Habaarka Imaanka ayadoo la arkayay guul daro soo wajahday Shabaab tasooo keentay in ay soo wajahado argagax iyo niyad jab ay kala kul meen guuldareedii dagaalada ay la galeen ciidanka Dowlada KMG ah iyo kuwa Amison ayadoo laga saaray magaalada Muqdisho dhaman. Hadaba waxaa sababta keentay in Ilaahay aqbalay Habaarkii Imaanka asagoo dhintay oon nolaayn ayaa la sheegaa in Imaamku aha nin xalaal quuta aan cunin wax uusan ogayn meel laga keenay iyo cida keentay meeshay ka soo jeedo tasoo lagu yaqiinay dhamaan Imaam yadii hogaamin jiray beesha Mudulood in ay ahaayeen xalaal qutayaal la arki jiray habaarkooda iyo tuftooda ayay tanki ku qotontaa Xadiithkii Nabiga ee ahaa “kabaqa qofka la dulmiyo habaarkiisa Ilaahay waa aqbalaahe” Runtii habaarka qofka laga gardaran yahay waxaa hubaal ah in Ilaahay aqbalo halisna yahay kadib markii Imaanka Maxamuud ay dhibeen Shabaabku ayagoo ku kalifay in uu ka haajiro hoygii uu kulahaa deegaanka Cadale ee degmada Cadale ayadoo ay uga dareen in ay qaniimayteen dhamaan xoolihii uu lahaa asaga iyo qoyskiisa tasoo uu sheegay in uu diyaar u yahay dagaal uu la galo Shaabaab uuna noqon doono qofka ugu horeeya ee qoraga qataa kana saara wadanka asagoo si cad oon ganbad lahayn ka hor sheegay umada horteeda laakin nasiib daro Imaamkii waa geeriyooday asagoon dagaal ku qaadin Shabaab ama uusan arag ayadoo laga saaray dalka Soomaaliya. Ugu danbayntii Habaarkii Imaamkii kadib ayaa lagu xasuustaa jabkii gaaray Shabaab meel kasta oo lagu galo ama uu ka dhaco iska hor imaad ayadoon horay loogu arki jiri carar ayaa lagu arkay fulaynimo iyo argagax joogta ah tan iyo intii laga saaray magaalada Muqdisho.
  12. 1: waa haadka shimbiraha, correct 2: waa Geelaa 3:correct waa Lo'da 4: correct, waa raadkaaga oo roob tirtiro. 5: Waa naag uur leh..
  13. 1: Wax cirka taar ku leh,dhulka taar ku leh,taagago orgi leh? 2: Faruuryo geedo laac? 3: Caws iyo biyo ku nool? 4: Meesha maaroo, muuqa la waa? 5: Ubadayada Saablay Sare uu xiran?
  14. Ciidamada AMISOM ayaa maanta gudaha u galay degmooyinka Waqooyiga Muqdisho ee ay dhowaan faarujiyeen Xarakada Al-Shabaab, iyadoo Ciidamada oo raxan raxan u socday ay sii galayeen degmooyinka Shibis iyo C/casiis. Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada ayaan saddexdii maalmood ee u dambeeyay ee degmooyinkaas ay haawaneysay gelin, inkastoo dadweyne fara badan ay ku qul qulayeen si ay guryahooda u soo eegtaan. Ciidamada ayaa maanta sameeyay howlo miino baaris ah oo dhinaca degmada C/casiis ay ka sameeyeen, waxaana Ciidamada ay ku socdeen wadada dhinaca xeebta ee degmada C/casiis iyo Xeebta Liido. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada ay saldhigan rabaan fariisimo ku yaal Shibis iyo C/casiis. Qof goob jooge ayaa sheegay in Ciidamada ay u soo gudbayeen dhanka degmada Kaaraan, halkaasoo ay qorsheynayaan inay dagaan Guryihii Mirinaayada ee Ciidamadii hore ee Badda. Ciidamada AMISOM ayaa wax iska caabin ah kala kulmin intii ay soo galayeen degmooyinkaas, iyadoo labadii maalmood ee u dambeysay Ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ay iska hor imaad ay kala kulmayeen degmooyinka Yaaqshiid iyo Wardhiigley.
  15. Aaliyyah thanks for the vid ,, it made my day the other day .
  16. jb the thing is qabiilka waa laga tagay and shacabka waa ogyihiin raggaan ku qabiilka ahi iney yihiin kuwii shalay tacadiyadda uu geysan jiray,,
  17. looool@saalax, goofaf iyo aduun dhan ayaa ii taal waa dhaqanahay lool.. :D
  18. wararka ii so gaarayo waxey sheegaayan in reer cadaan, axmed laashin,cali maxaa xuseen and macalin xaashi ay abaabulaayan meeleshiyo beeledka,,,, Wey fashmilmeen big time!
  19. pathetic,,,,,,,,,, Weaker then ever marba hadey qabiil qabiil aaga lo galaaya how will it help them?
  20. Inkastoo Shabaabka ay baneeyeen meelo badan oo ka mid ah Magaalada Muqdisho ayaa hadana waxaa la soo sheegayaa inay jiraan inay wali joogaan qeybo ka mid ah magaalada, gaar ahaan deegaanada Waqooyi. Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaan wali gudaha u gelin degmooyinka qaar, sida degmooyinka Shibis iyo C/casiis oo si rasmi u faarujiyeen, iyo qeybo ka mid ah degmada Kaaraan. Laakiin hadal heynta 24-kii saac ee la soo dhaafay ayaa aheyd Ciidamo deegaan ahaan ka soo jeeday oo isku uruursanayay degmada Yaaqshiid, kuwaasoo meelaha qaar sidooda u jooga difaacyo ka galay. Isku day shalay Ciidamada Dowladda KMG ku doonayeen inay ku gaaraan Isgoyska Sanca ayaa dhicisoobay, kadib markii iska hor imaad lagala hor-yimid, waxaana Ciidamada oo ah kuwo hab beeleed u abaabulan ay isku xiran yihiin min Sanca ilaa Hotelkii Ramadaan. Wararka qaar ayaa sheegaya inay socdaan wada hadalo ku aadan sidii Ciidamadaas isku soo dhiibi lahaayeen, inkastoo wali shaki badan uu ka jiro qaabka is dhiibitaanka, waxaana warar kale tibaaxayaan in Ciidamadan ay ku tala galeen inay dagaalamaan. Ciidamadan oo lagu qiyaasay ilaa shan boqol, kuna hubeysan 19-gaadiidka dagaalka ayaa ku kala sugan Xaafadaha Juungal, Isgoyska Fagax, agagaarka Hotel Lafweyn, Dugsigii Maxamed Axcmed Cali, Saldhiga Yaaqshiid iyo Hotelkii Ramadaan, halkaasoo ay difaacyo xoogan dhigteen. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamadan uu hogaaminayo Suudi Axmed Jiis oo ka mid ahaa Ganacsatadii maamuli jirtay Dekeda macmalka aheyd ee Ceel-Macaan. Wararka ayaa intaa ku daraya in Ciidamadan oo badan kuwii Xisbul Islaam ee deegaanada dhinaca Waqooyi ka soo jeeday ay ku xiran yihiin Ciidamo kale oo qeybo ka mid ah degmada Huriwaa ku sugan, gaar ahaan Ex-Koontarool Balcad, Warshadii Barafuunka ilaa Saldhiga Huriwaa kuwaasoo si toos u hoos taga Xasan Dahir Aweys. Xukuumada Soomaaliya ayaa shalay codsi u jeedisay dhalinyarada Shabaab inay si xushmad ah leh u soo dhoweyneyso hadii ay isku soo dhiibaan, iyadoo Dowladda u balanqaaday inay nabadgeli doonaan xerooyin lagu xareyn doono, si lagu dhaqan celiyo.