oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
jiirow frågan är har du en lösning till alla dessa problem som du skrev i ovan eller försöker du bara framställa somalier som syndabockar??
-
ACCRA, GHANA (AP) - As international aid agencies scramble for donations for East Africa’s famine victims, one multimillion-dollar fundraising drive has come from an unexpected source: a West African schoolboy. Andrew Adansi-Bonnah is 11. And during his eight-week school holiday, he wants to raise 20 million Ghanaian cedis — or about $13 million US — for his cause by walking office to office collecting donations in Ghana’s capital, Accra. Since starting the drive Aug. 1, he has collected about $6,500 in pledges for the fund he started after consulting with UNICEF and the UN’s World Food Program. His father, schoolteacher Samuel Adansi-Bonnah, donated his entire July salary of about $500. Andrew said he was inspired by images of skeletal babies and stick-thin children he saw on television, which led him to name his campaign Save Somali Children from Hunger. “There are hungry people in Ghana but our situation is not as desperate as the people of Somalia,” said the skinny, soft-spoken boy. The United Nations estimates more than 12 million people across East Africa need food aid because of a long-running drought that has sent more than 100,000 people fleeing to refugee camps. Somalia has been hit the hardest. United States officials estimate the famine has killed 29,000 children in the past three months. The UN has yet to raise half of the $2.4 billion it has requested from donor countries. The UN says the famine is expected to spread to all regions of southern Somalia in the next four to six weeks unless more aid can be delivered. The African Union has also urged African nations and private citizens to donate, and will hold a pledging conference later in August. Andrew said he is confident he can raise all of the money. Ghanaians on average earn $2,500 a year, compared with Somalia’s average yearly income of $600, according to 2010 CIA estimates. His father said Andrew’s interest in the cause surprised him. “I even wondered why a child of his age should be concerned about people far away from him,” he said. Andrew, who has taken to wearing a bright orange T-shirt bearing his fundraiser’s name, is an energetic fundraiser. He said he has made several attempts to draw attention to his cause, including a TV appearance and media interviews that have made him a minor celebrity in Ghana. He also said he tried — but failed — to make it onto a reality show to use the platform to raise money and awareness. Andrew, who said he wants to be a pilot when he grows up, said he also wants to meet with Somalis who have fled to overcrowded Kenyan refugee camps. “This is a moment that mankind can touch lives,” he said. “There is no point for others to have so much to eat while others have nothing to eat. It is not right.” Source: AP
-
loooool@ surrenders nin talo haya maha kani
-
Somaliland government ready to aid famine effected Somalia.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
good a bit late but better than nothing. -
The Zack;740256 wrote: Oba, The process of "jug jug meeshaada joog" aka hold few kilometers and have lots of internal divisions sounds very familiar. Does that ring a bell? TFG? How about now? Maybe AMISOM should free Kismayo for us ha ha! Isn't that what happened in Xamar? Saalax, living in Sablaale for few years doesn't tell someone who really owns Kismayo. Farmaajo and his cabinet started the liberation because of their great efforts, and not AMISOM...
-
Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa Raaskambooni ayaa xalay iska hor imaad ku dhex maray degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose, iyadoo warar kala duwan ay ka soo baxayaan Iska hor imaadkaas. Wararka ayaa sheegaya in khilaaf maalmahan jiray oo u dhaxeeyay labada dhinac qarka isugu saarnaa inay dagaalamaan, waxaana xalay dhacday in labada ciidan oo markii hore labo qeyb ahaa inay isku dhacaan. Inta la og yahay hal askari ayaa ku dhintay, halka mid kalena uu dhaawacmay sida dadka deegaanka soo sheegeen, iyadoo isku dhacii xalay uu dadka ku beeray cabsi, waxaana isku dhacan ka dambeysay markii Ciidamada Raaskambooni ay xir xireen dad falal dambiyeedyo loogaga shakiyay, isla markaana ay diideen Ciidamada Dowladda. Warar soo baxaya ayaa sheegaya in markii dambe ay soo kala dhex galeen saraakiil labada dhinac ah oo la sheegay inay isku dayayaan in khilaafka ka dhex aloosan ay meesha ka saaraan. Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa muuqday khilaaf xaga maamulka oo labada dhinac ka dhex taagnaa, taasoo in muddo ahba soo jiitameysay. Shakiyada soo baxaya ayaa ah in Gobolka Jubooyinka uu ka dhaco dagaal waji kale ah, marka dhinacyadan hada isbaheysiga ku ah duulaanka Shabaab ay meesha ka saaraan, waxaana muuqata in labada dhinac uu hab dhismeedkooda yahay qaab beeleed.
-
Xili ay xoogaga Alshababa isku diyaarinaayeen in dagaal la galaan xoogaga qaabka qabiil isku beysatay hugna magaca dowlada ayaa mar qur ah waxaa dagaal ka qarxay laba koox oo ka wada tirsanaa ciidamada dowlada kuwaas oo qaab qabiil dagaalka ku dhex marayao iyadoona huganka hubkii alshababa lagu wiiqilahaa ay isweydarsanooyaan labada koox oo ka soo kala jeedo Gado iyo Afmadoow Dagaalka ayaa ka socdo deegaanka Dhooblay oo gacanta ugu jirtay kooxa isbaheysiga dagaalka xoogan kala soo horjeed Alshabaab Labadaan koox oo qala waliba dooneyso markii Alshabab laga taqluso in ay iyadu qabsato magaalada xeebta ee Kismaanyo ayaa tani waxay fursad qaali ah siisay xoogaga Alshabaab oo iyagu wal wal xoogan ka qabay isabheysiga dagaalka kala soo horjeeday ee dowlada Kenya dabada ka riixeyso iyadoona dagaalka caawa uu yahay mid xoogan marba koox dabada laga galayo Dagaalka ayaa waxuu dhax maryaa sargaal dowlada u xilsartay halkaasi iyo mamaulka Asaariya , waxaana garab iyo ciidan siiyey wadaadka Raskabooni ee lagu magacaabo Sheikh Axmed Madoobe oo qabiil ahaan ka soo jeedo kooxasi dagaalka ku jiro waxaana muuqata in dagaalka caawa uu yahay mid xoogan oo marba marka danbeysa sii kululanayo iyadoona xarakada Alshabaabana ay dagaalka ka dawaneyso meel aan sida augu fogeen waxaana muuqata Alshabab in ay sugeyso cida dagaalka caawa ku soo adkaato Dhanka kale magaalada Kismaanyo caawa waxaa dusheeda heehaabayo diyaarda qumaatuga u kaco ee leyihiin wadamada reer galbeed iyadoona diyaaradahasina ay cabsi xoogan galiyeen shacka ku nool magaaladaasi
-
Horta how is the schedule i heard the first 9 games iney hirig hirig gashay??.. Ps football fantasy gala kedib premier league team sameysta u get 100 millions to buy a dream squad from every team in the PL, then we'll see the person who in SOL who has the best football skills. All you need to do is to form a squad and will see after the PL the person who wins... Horray do it before the 13th of August.. http://fantasy.premierleague.com/ Just send me a pm and i'll give you the password for the group..
-
Taleexi loool waligaa amaa maqashay duburka daacadiisa caloosha daawadiisa ninkii ku diima dambi waa :D
-
Somaliland president Ahmed Siilaanyo visits the republic of China.
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
lol i even heard ninka inuu diyaaradii diridhabe la aaday when he was going to Addis and some afhayeen in madaxtooyada said Airportka Addis 5ta galabnimaa la xiray saasu diridhabe transit ugu yahay loool -
Arbaco, Ogoosto 10, 2011 (HOL) – Dagaal saacado kooban socday ayaa saaka aroornimadii dhexmaray ciidamo ka tirsan Puntland iyo saraakiil ka soo jeedda Somaliland ,kuwaasi oo booqasho ku soo gaari lahaa degmada Taleex ee gobolka Sool ,iyadoo dagaalkaasi uu ahaa mid gaystay khasaarooyin kala duwan. "Waxaa gacanta lagu soo dhigay 19-ruux oo Somaliland ah, kuwaasoo shan kamid ah ay dhaawac yihiin, waxaana hadda lagu dabiibayaa cisbitalka wayn ee magaalada Garowe "ayuu yiri taliyaha ciidanka madaxtooyada Puntland oo maanta Arbaco ah la hadlay warbaahinta. Dadkii maxaabiis ahaanta looga soo qabtay Somaliland waxaa kamid ahaa taliyihii gobolka Sool ee Somaliland Col. Dhoodi, guddoomiyihii maxkamada gobolka Sool Salaad Cawar, xeer ilaaliyihii gobolka Sool Saciid Cabdi Cali (Saciid sandaqad), guddoomiyihii waxbarashadda Gobolka Sool Maxamed Cali Cartan iyo qaar kamid ah ciidankii la socday sida maamulka uu sheegay. Sidoo kale taliyaha ciidanka madaxtooyada ayaa sheegay in aysan jirin wax khasaare ah oo ciidamadooda ka soo gaaray dagaalkii labada dhinac dhex-maray ,isagoo sheegay in cadow ay ka difaacayeen deegaanadooda,isla markaana si wanaagsan ay ula dhaqmi doonaan maxaabiista ay gacanta ku hayaan. "Puntland waxa ay diyaar u tahay in ay difaacdo dadkeeda mana aqbalayso xad gudub caynkan oo kale ah "ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan ,isagoo xusay in ciidamo ka tirsan dowladda ay ilaalo ka qaban doonaan degmada Taleex oo ah halka uu dagaalku ka dhacay. Dagaalkan ayaa laga cabsi qabaa in uu keeno khilaaf hor leh oo dhexmara labada maamul oo horay uu uga dhex-jiray muran ku salaysan dhinaca xuduudaha ,waxaana warar soo baxaya ay sheegayaan in Puntland ay maxkamad soo taagi doonto maxaabiista ay gacanta ku hayso. "Waxaa na soo weeraray ciidamo ka tirsan kuwa madaxtooyada Puntland annaga oo marayna halka lagu magacaabo Caroole ,waxaana la ii sheegay in uu geeriyooday gudoomiyihii waxbarashada ee degmada Taleex iyo mid kamid ah ciidankeeni " ayuu yiri xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali oo la hadlay BBC-da Masuuliyiinta gacanta lagu soo dhigay ee Somaliland ayaa la sheegay inay degmada Taleex ku imaan lahaayeen booqasho kormeer ah ,iyadoo asbuucii hore ay halkaasi tageen madax ka tirsan Puntland oo uu horkacayay wasiirka amniga Khaliif Ciise Mudan.
-
Ciidamada maamulka Puntland ayaa maanta gacanta ku dhigay inta badan masuuliyintii iyo saraakiishii ciidanka Somaliland u qaabilsanaa magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka dib markii iska horimaad kooban uu ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool barqanimadii maanta. Arintan ayaa timid ka dib markii ciidamo taabacsan maamulka Puntland ay weerar ku qaadeen masuuliyiintan ka tirsan maamaulka Somaliland oo socdaal ay dadka ku wacyi gelinayaan ku marayey degmada Taleex, waxaana halkaas israsaaseyn kooban ay ku dhexmartay ilaalada masuuliyiinta Soomaaliland iyo ciidamada maamulka Puntland ee weerarka soo qaaday sida ay sheegayaan dad goob joogayaal ah. Ciidamada maamulka Puntland ayaa gacanta ku dhigay masuuliyiinta iyo saraakiisha Somaliland ee magaalada Laascaano ka dib markii iska horimaadkii halkaas ka dhacay ay kaga taga roonaadeen ilaaladii ay wateen masuuliyiinta gacanta lagu dhigay oo maanta la keenay magaalada Garowe ee xarunta maamulka Puntland, waxaana ka mid ah taliyihii ciidanka Somaliland ee gobolka Sool iyo gudoomiyihii maxkamada gobolkaasi. Afhayeen u hadlay maamulka Puntland ayaa sheegay in dagaalkii ka dhacay degmada Taleex ee gobolka Sool ay qasaare xoogan ku gaarsiiyeen ciidamada maamulka Somaliland, gacantana ku soo dhigeen masuuliyin iyo saraakil ka tirsan kuwa maamulka Somaliland ee gobolka Sool, kuwasooo la soo gaarsiiyey ayuu yiri magaalada Garowe, iyadoo uusan jirin war arintaas ku saabsan oo ka soo baxay maamulka Somaliland. Xiisad iyo dhaqdhaqaaq ciidan oo ay wadaaan maamulada Somaliland iyo Puntland ayaa weli laga dareemayaa deegaanka Taleex ee gobolka Sool, iyadoo dagaalkii saaka halkaas ku dhexmaray labada dhinac uu sababay dhimashada saddex ruux iyo dhaawaca todobada kale oo u badan dhinacyadii dagaalamay, waxaana warar iskhilaafsan ay ka soo baxayaan cida gacanta ku heysa degmada Taleex oo labada maamul mudooyinkan ay ku loolamayeen.
-
Ciidamo ka tirsan Maamulka Puntland ayaa gacanta ku-dhigay wafti uu watay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali (Koore) oo ah xildhibaan katirsan maamulka Somaliland, ayna kamid ahaayeen gudoomiyaha maxkamadda degmadda laascaanood Salaad Cabdi, Gudoomiyaha waxbarashadda gobolka sool Maxamed Aadan Cartan, Taliyaha ciidanka somaliland ee degmadda taleex Faarax dhoodi shire, kuxigeenka xeer ilaaliyaha guud ee gobolka Siciid Sanqad, xildhibaanka ayaa la xaqiijiyay inuu ka baxsady halkaas ilaa xiligan aan la ogayn halkuu ku sugan yahay isagoo ka mid ahaa wafti maamulka somaliland u soo diray gobolka sool oo maalmahanba ku sugnaa magaalada laascaanood wararka naga soo gaadhaya magaalada Garoowe ayaa xaqiijinaya in masuuliyiintan ka tirsan maamulka somaliland iyo koox la socotay ay ciidamo ka tirsan puntland gacanta u galeen laguna hayo magaalada garoowe Xildhibaankan iyo kooxda la qabtay ayaa ka soo jeeda deegaan ahaan degmada taleex kuwaasoo waday qorshayaalay ku doonayaan in maamulka somaliland la gaadhsiiyo deegaankaas , dadka deegaanka taleex ayaa inta badan taageero xoogan siiya maamulka puntland iyadoo todobaadkii la soo dhaafay ay halkaasi gaadheen wafti culus oo ka tirsan maamulka puntland. Madaxweyne ku xigeenka puntland cabdi samad cali shire oo isna ka soo jeeda deegaanka taleex ayaa awood siinaya sidii deegaankaas oo loogu arkin cid maamul kale sheegata waxaansen ilaa la ogayn halka lala aaday kooxda uu watay xildhibaankan ka tirsan somaliland ee ka soo jeeda deegaankaas
-
Dagaalo culus ayaa waxay saakay ay ka dhaceen qeybo ka mid ah Gobolka Sool, iyadoo uu u dhaxeeyay Ciidamadda Somaliland iyo Puntland, waxayna dagaaladu ay geysteen khasaarooyin iskugu jira dhaawacyo iyo burbur hantiyadeed. Dagaalada ayaa waxay ka dhaceen degmada Taleex ee Gobolka Sool, isla-markaana dagaalada ayaa yimid sida la-sheegay, kadib markii ciidamo ka tirsan Somaliland oo ku sugnaa laamiga dheer ee Taleex ay dagaalo la-galleen ciidamo taabacsan Puntland. Labada dhinac ayaa waxay isku adeegsadeen qeybaha kala duwan ee hubka, kuwaa oo si weyn looga maqlaayay degmada Taleex ee Gobolka Sool, isla-markaana waxaa la-sheegay in dagaalada ay ku gacan sareysay Maamulka Puntland, inkastoo aysan jirin wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland. Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyada ee Puntland Cornel Cumar Cabdullaahi Faroole oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa wuxuu guulo balaaran oo ka sheegtay, dagaalo ay maanta la-galleen Somaliland. Taliyaha ayaa wuxuu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen ilaa 19 nin oo ka tirsan Somaliland, isla-markaana wuxuu sheegay in ragga ay gacanta ku soo dhigeen ay ku jiraan masuuliyiin sar sare oo Somaliland ka tirsan, isagoo meesha ka saaray in dagaaladu ay geysteen wax khasaaro dhimasho ah. “Ragga aanu soo qabanay waxaa ka mid ah Taliyaha Ciidamadda Gobolka Sool ee Somaliland Maxamed Shire Maxamed Dhoodi, Gudoomiyaha Maxkamadda Gobolka Sool Salaad Cumar, Gudoomiyaha Waxbarashada ee Gobolka Sool iyo qaar ka mid ah ciidamadooda” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyada ee Puntland Cornel Cumar Cabdullaahi Faroole. Wuxuu sheegay inay gacanta ku soo dhigeen afar ka mid ah gawaarida Maamulka Gobolka Sool ee Xukuumadda Somaliland, isagoo intaasi ku daray in mid ka mid ah gawaarida uu rogmaday. Sidoo kale Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyada ee Puntland Cornel Cumar Cabdullaahi Faroole ayaa wuxuu meesha uu ka saaray in dagaaladu ay ka soo gaareen wax khasaaro ah, haba-yaraatee. Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Somaliland, oo ku aadan dagaalo culus oo ay maanta ciidamadoodu la-gallaan Maamul Goboleedka Puntland oo uu hogaamiyo C/Raxmaan Sheekh Maxamed “Faroole”.
-
Xukuumadda Somaliland ayaa waxay ka hadashay dagaalo kooban oo saakay dhex maray Somaliland iyo Puntland, iyadoo ay Somaliland shaaca ka qaaday in Puntland ay dishay masuuliyiin sare. Xildhibaan Saleemaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somaliland oo warbaahinta la-hadlay ayaa wuxuu shaaca ka qaaday, xilli ay marayeen deegaan Caroole oo u dhaxeeya Laascaanood iyo Taleex, inay weeraro qorsheysan ku soo qaadeen Ciidamadda Puntland, oo uu hogaaminaayay buu yiri Taliyaha Ciidamadda Madaxtooyada ee Puntland Cornel Cumar Cabdullaahi Maxamed Faroole. Ujeedka socdaalkoodu ayaa wuxuu ku qeexay in uu booqasho uu ugu socday degmada Taleex ee Gobolka Sool, halkaasoo uu sheegay in uu deegaan ahaan uu ka soo jeeda, isla-markaana wuxuu sheegay in dagaalada ay Puntland ku soo qaaday, inay ku dishay dad badan. Dadka ay Puntland dishay ayaa wuxuu ku sheegay inay u badnaayeen masuuliyiinta sar sare ee Gobolka Sool ee Xukuumadda Somaliland, isagoo hoosta ka xariiqay in Puntland ay maanta si weyn ugu soo gar-darootay Somaliland. Mar uu ka hadlaayay masuuliyiinta ay Puntland dishay ayaa waxaa ka mid ahaa buu yiri walaalkey, oo ku jiray Golaha Guurtida ee Somaliland, isla-markaana sida uu hadalka u dhigay dagaalada lagu soo qaaday ay ahaayeen, kuwo si weyn looga soo shaqeeyay. “Inta aan ka baxnay Laascaanood, Puntland iyo Taleex waxaa jiray Triangle lagu hagaayay socdaalkeyna, waxaana taasi lacago xoog leh ku bixiyay niman ka tirsan kooxo siyaasiyiin ah” ayuu yiri Xildhibaan Saleemaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somaliland oo maanta ka badbaaday weeraro ay Puntland ku soo qaaday. Sidoo kale majirto wax hanjabaado kulul oo maanta ka soo yeertay dhinaca Somaliland, waxayna weerarka maanta Puntland qaaday, ay keeni kareysaa in si caro leh ay uga jawaabto Somaliland. Si kastaba ha-ahaatee Xildhibaan Saleemaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah Xubnaha Baarlamaanka Somaliland ayaa wuxuu ka mid yahay, afarta xubnood ee ka soo jeeda degmada Taleex ee uu soo magacaabay Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”.
-
Maxaabiis 19 gaaraya oo isugu jirta saraakiil ciidan, askar, gudoomiye maxkamad iyo kuwo gobolka Sool oo ka tirsan maamulka Somaliland ayaa saakay la keenay magaalada Garoowe, xarunta maamulka Puntland. Ciidamada Puntland ayaa sida la sheegay weerar ku qaaday saakay aroor kolonyo gaadiid oo ay saarnaayeen masuuliyiin ka tirsan Somaliland kuwaas oo ku soo jeeday degmada Taleex. Baxaabiistan ayaa waxaa ugu cad-cad taliyah aaga ciidanka Gobalka sool ee maamulka Somalialand, Gudoomiyah Maxakamdda ee Gobalka Sool, Xeer ilaaliyaha Gobalka Sool iyo Gudoomiyaha Waxbarshda gobolka Sool. Xildhibaan Saleebaan Cali Koor oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland, kana mid ahaa wafdigan lagu weeraray Taleex ee ka badbaaday gacanta ciidamada Puntland ayaa saxaafadda u sheegay in ay ku wajahnaayeen dhulka uu ku dhashay ee Taleex halkaas oo uu maamul Somaliland ayidsan ka hirgalin rabay. Puntland ayaa shankeeda sheegtay in weerar lagu soo qaaday, islamarkaana lagu soo xad-gudbay xuduudeeda. Maamulada Puntland iyo Somaliland ee Soomaaliya ayaa tan iyo markii ay maamulada dhisteen waxaa u dhexeeyay muran xagga xuduuda ah, waxaana dhowr jeer dhexmaray dagaal gacan ka hadal ah.
-
Popular Contributors