oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa wali isku fidinaya goobo hor leh oo ka mid ah magaalada Muqdisho, kadib markii ay saaka ku jermaadeen aagag cusub oo aanay horay u joogin, iyadoo iska caabin kala kulamayaan dhalinyaro hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab. Sida ay sheegayaan wararka Ciidamada Dowladda ayaa gaaray Isgoyska Fagax, Hotelkii Kaah ilaa Hotelka Ramadaan, waxaana hada iska hor imaad uu ka socdaa nawaaxiga Shineemo Puntland ee jidka aada Ex Koontarool Balcad. Ciidamada Dowladda ayaa labo jiho ugu kala socda xaafadaha degmada Yaaqshiid, waxaana ay ka soo kala dhaqaaqeen dhinaca Xaafadaha ee aada Arjantiin iyo dhanka wadada laamiga ee Hotelka Lafweyn, oo ay ka soo dhaqaaqeen Xaafada SII SII. Taangiyada ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa ku sugan Isgoyska Fagax, iyadoo daaraha ku yaala Isgoyska ay koreen Ciidamada. Koox Wariyeyaal ah oo la geeyay goobihii Ciidamada qabsadeen ayaa soo sheegaya in markii ay gaareen Hotelka ramadaan uu halkaas is qabsaday rasaas iyo madaafiic, kadib markii si lama filaan ah xaafadaha uga soo baxeen dhalinyaro hubeysan. Mid ka mid ah Wariyeyaashii tagay goobahaas ayaa sheegay inay soo mareen Isgoyska Fagax, Hotelkii Lafweyn, Hotelkii Kaah, Hotelkii Ramadaan iyo Hotel Garguurte, aagagaas ayaa waxaa isku fidinayay Ciidamada Dowladda. Qaraxyo ayaa la maqlayay iyo madaafiic ku dhacayay goobo fog fog, waxaana dagaalka hada saameyntiisa ay u muuqataa mid gaareysa xaafadaha degmada Huriwaa oo Ciidamada Dowladda ay sii siqayaan. Wararka qaar ayaa sheegaya in Ciidamada AMISOm iyo kuwa Dowladda ay qorsheynayaan inay fariisimo ka sameystaan Warshadii Baastada iyo Xeradii Xeyle Bariise. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe
-
Up to half the food aid in Somalia is diverted to corrupt contractors, local UN workers and Islamist militants, a leaked UN report says. The report, by the UN monitoring group in Somalia, is particularly critical of the UN's own World Food Programme and recommends an independent inquiry. It says WFP contracts are awarded to a few powerful individuals who operate cartels that sell the food illegally. The report has not been made public yet, but its contents have been leaked. US funding cut The UN document says food aid is diverted to a web of distributors, transporters and armed groups, with some local UN workers also taking a cut in the profits, the BBC's Barbara Plett reports from the UN. It blames the problem on the food distribution system in the war-torn country, where transporters have to navigate roadblocks manned by various militias and bandits. Extracts of the report have been quoted by the New York Times and by news agencies. According to the leaks, the report says preliminary investigations by the monitoring group "indicate the existence of a de facto cartel". The report says just three contractors receive the vast majority of WFP transportation contracts, making them "some of the wealthiest and most influential individuals in Somalia", the extracts say. We have to go to the root cause of the problem, which is lack of a supported government Ahmedou Ould Abdallah, UN special representative for Somalia Rebels block UN food aid WFP, which provides most of the relief goods, says previous internal investigations have failed to find proof of widespread abuse but that it will examine the new allegations. The UN secretary general's special representative for Somalia, Ahmedou Ould Abdallah, told the BBC he had seen the report, but that he believed the greatest need in Somalia was a stable and internationally supported government. "With a... government we would avoid this loss [of aid], not only of 50% but of 5%," he said. "We have to go to the root cause of the problem, which is [the] lack of a supported government. We have a government - why don't we support it?" Charges that food aid was being diverted first surfaced in 2009. The US has since reduced funding to Somalia, fearing that aid was falling into the hands of the Islamist group al- Shabab. The World Food Programme has also struggled to keep up with food deliveries. Last month, al-Shabab banned the food agency from operating in Somalia. WFP said it had already announced a suspension of its work in the southern part of the country because of attacks and extortion by local militants. The report is due to be officially presented to the UN Security Council on 16 March.
-
loooool Jb dee ninku wey ka taala baadigoob uu ku jiraa,
-
sax al-miskiin laakin shareecadda cid diidi meyso maleh hadey jiraana waa afarko xabbo, ee gaaladaan waa iska ogtahay oppression iyo balaayo ay la imaanaayan lol .. Laakin shareecadda maha kaliye gacmo goyn iyo jeedaal sida dadka qaarkood uu maleeyaan waaba direction sida aad uu noolan laheyd, walibana xataa ma fududo xukunadda gacan goynta iyo zinadda markhaati baa lo baahan yahay marka arin fudu mahaa., waana qabaa in laysu xukummo ileen diinta na fareeyso..
-
Matalan somalia waxey doorasho ku galeen shareecada islaamka mala hergelina mise lama hergelinaayo, hadii shacabka majority doortaan shareecada islaamka in lagu dhaqo sow democratic mahan?
-
lool kan odayga ku qafiifay muxuu ahaa waa wareey,,
-
Madaxweyne Shariif oo sheegay inay si qasab leh uga saarayaan shakhsiyaadka ku jira guryaha Dowladda iyo rayid. Kadib markii Xarakada Al Shabaab ay iskaga baxday inta badan magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho ayaa wuxuu Madaxweyne Shariif uu sheegay, inay ka saari doonaan dadka ku jira guryaha ay leedahay Dowladda. Madaxweynaha Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed oo shalay galabta warbaahinta kula hadlay Aqalka Madaxtooyada ee Villa Somalia, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in loo-baahan yahay shakhsiyaad guryaha Dowladda ku jira inay iskaga baxaan. Madaxweynaha ayaa wuxuu sheegay in hantida Dowladda ay noqon kareyso kuwii hore iyo kuwa dambaba, sidaasi daraadeed ayaa wuxuu sheegay in lagama maarmaan ay tahay in guryaha ay iskaga baxaan dadka ku jira Madaxweynaha ayaa wuxuu tilmaamay in guryaha ama hantida Dowladdu ay lee-yihiin dadka Soomaaliyeed ee gudaha iyo dibadaba kala joogga, isla-markaana wuxuu meesha uu ka saaray in shakhsiyaad oo qura ay ku takri fallaan guryaha ama hantida Dowladda. Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa wuxuu xusay in dadka ka dhaga adeega amarka uu shalay soo saaray, in dadkaasi ay kula hortaggi doonaan gacan bir leh, ayna la-tiigsan doonaan sharciga. Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu ugu baaqay in si wanaagsan ay uga baxaan guryaha Dowladda, ayna hantida Dowladda ku soo wareejiyaan Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya, haddii kalana ay talaabo adag ka qaadi doonaan. Sidoo kale dadka deggan guryaha ay lee-yihiin shacabka Soomaaliyeed ayaa wuxuu iyana uu ugu baaqay in guryaha ay uga baxaan si deg deg leh, haddii kalana sida uu hadalka u dhigay ay ka qaadi doonaan talaabo adag. Madaxweyna Dowladda Kmg ah ee Soomaaliya ayaa wuxuu ugu dambeen uu shakhsiyaadkaas uu ugu baaqay, inay la-shaqeeyaan Dowladda Soomaaliya oo iminka u taagan badbaadinta hantida Dowladda iyo dadka Soomaaliyeed
-
Madaxweyna Sheekh Shariif iyo Guulaha SIyaasadeed ee uu ku tilaabsaday 10/6/2006-20/8/2011. (Warbixin Xasaasi ah) Waxaa muxaliliinta siyaasadda caalamku aad ula yaabanyihiin guulaha siyaasadeed ee taariikhigaa ee uu ka taaba geliyay geyiga Soomaaliya 5-sano ee ugu danbeysay madaxweynaha Soomaaliya ee xilgaan Sheekh Shariif Sheekh Axmad. Ma aha wax lala yaabo in qofku uu ku tilabsado guul iyo lamo laakin marka uu horjooge ka noqdo guulo badan oo is xig xiga wexey taasu dhalineysaa in su,aalo badan leeska weydiiyo,muxaliliinta siyaasadduna ey arinta si gaara isha ugu qabtaan. Haddaba iyadoo qaar badanu ey leeyihiin guulahaanu kuma imaan kaliya waxqabadka sheekh shariif iyo raggiisa la shaqeeya ee waxaa sabab u ah waxa soomaalidu ku mahmaahdo ee ah (Daal iyo muwafaqaa wada dhashay) Hasa yeeshee intaas kaliya ma aha ee sababao badan ayaa jira oo keenay guulahaas oo aan ku caddeyn doono qormadaan. Haddaba waa maxay guulaha Madaxweyne Sheekh Shariif uu gacantiisa ku dhiliyay ee taariikhigaa? Waxaan cidina inkiri karin oo taariikhda galay guulo is daba jooga oo madaxweynuhu uu ku tilaabsaday 5-tii sano ee uu ku jiray masraxa siyaasadda soomaaliya waxaana laga xusi karaa.- 1-Hogaamintii wanaagsaneed iyo deganaaanshihii cajiibka ahaay ee uu kusoo maamulay maxaakiimtii islaamka iyo sabarkii iyo dulqaadkii uu ku wajahay xaaladahii kala duwanaay iyo duruufihii adkaay ee soo maray iyo kooxihii aadka isu khilaafsanaay oo iskula jiray midowgii maxaakimta haddana aan isku ajandaha eheyn sida uu isugu haayay. 2- Sida uu ugu guuleestay in ey muddo 2-bilood iyo maalmo ah ey cagta mariyaan hogaamiya kooxeedyadii isbaarada ku ahaay umadda soomaaliyeed muddadii 15 sana ahaad una diiday wadanku inow dowlad qaran yeesho. 3- Go,aankii taariikhiga ahaay ee uu ka qaatay nimankii fashiliyay maxaakiimtii ee xag jirka ahaay markii uu ogolaaday saxiixayna heshiiskii jabuuti 2009 ee taariikhiga ahaay ee ey ka dhalatay dowladda midnimada qaran ee haatan jirta. 4- Saariddii ciidamadii Ethiopia ee dalka uu ka saaray iyo xiriirka wanaagsan iyo iskaashiaga ciidan ee uu la sameestay wadamada bariga afrika ee aan soomaaliya soohdinta la leheyn damaca siyaasadeedna aan ka leheyn oo taabanaaya madaxbanaanida qaranka soomaaliyeed sida wadamada UGAANDA iyo BURUNDI iyo TANZANIYA. 5- Saxiixiddii Ku Dhaqanka Sharecada Islaamka, taasoo ah guul weyn oon weli soomaaliya ka dhicin in baarlamaan u codeeyo iskuna raaco ku dhaqanka shareecada islaamka xukuumadduna ay insixiso madaxweynuhuna uu saxiixo si uu u dhaqangalo. 6- Sida uu u bedelay xukuumaddii hogaamiya kooxeedyada ee MPIGATI ee uu dhaxlay si deggan uguna bedelay rag aqoonyahan ah oo isbedelka maanta jira gacantooda ku sameeyay asagoo madaxweynuhu uu gerwadeen u yahay. 7- Ku kuuleysashada dowladdiisa aqoonsi caalamiya markii ugu horeysay muddo 20 sano ah tan iyo wixii ka danbeeyay xukuumadii Maxamad siyaad barre woxow naqday madaxweyne Sh shariif madaxweynaha kaliya ee helay aqoonsigaas oo qaabilay madaxda sare ee USA iyo UK iyadoo la ogyahay in uusan madaxweyne ka horeeyay tan iyo SIYAAD BARE uusan jirin ee gallay OFFIS no.9 EE UK oo ah aqalka Ra'isul wasaaraha ee looga taliyo UK. Haddana la kulmay mas'uulka 2-aad ee dowladda mareykanka helerey kilintoon iyadoo madaxdii 3-da eheed ee cali mahdi,c/qaasim ,c/lle yuusuf midna uusan qaabilin mas'uul mareykan oo heerkaas gaaraaya. 8- In uu ku guuleestay dhismaha ciidan qaran oo ka fayow qaababakii qabiilka iyo jabhadaha taasoo keentay guulaha isdabajooggaa ee maanta umaddu ku faraxday soona celisay rejedii shacabka soomaaliyeed. 9- Mideynta iyo hanashada caasimadda soomaaliya oo 21 sano u qeybsaneed hogaamiya kooxeedyo iyo jabhado taasoo eysan ku guuleysan madaxweynayaashii ka horeeyay. Haddaba iyadoo guulahaas 9-kaa aan cidina inkiri karin oo ey muddo kooban ey ku taaba gashay ayaa weli umadda soomaaliyeed ka sugeysaa madaxweyne Sheekh Shariif inuu ku guulesto in wadanka oo dhan uu ku baahiyo nadaamka dowladnimo iyo nabadgelyada kana tilaabsado caqabadaha loo dhigaayo ee faraha badan. Ragga siyaasadda Soomaaliaya indha indheeya wexey sheegaan sifaadka uu leeyahay oo u suurta geliyay madaxweyne Sh Shariif inuu taaba geliyo guulahaas waaweyn ee u muuqda sidii wax mucjisaa. Haddaba waa maxay tilmaamaha uu ku caanbaxay madaxweyne Shariif oo ey u qirsanyihiin cadawgiisa iyo hiilkiisuba? Mas,uul kastaaba woxow lee yahay waxyaabo uu ku caanboxo oo lagu tilmaamo waxaana ka mida waxyaabaha uu ku caanbaxay madaxweyne Shariif.- A: Deganaansho iyo in uusan eheyn casabi aan naftiisa ka adkeyn marka ey soo wajahdo xaalad aan caadi eheyn balsa uu yahay qof aad u degan oo aan aad looga akhrin karin isbedelka carada iyo farxadA eE lasoo dersa. B: Hufnaan dhanka dhaqaalaha oo haba yaraatee aan lagu aqoonin inuu dhaqaala doon yahay balsa loo qirsanyahay in aan dhankaas weligiis lagu tuhmin. C: Ka fogaanshaha Qaabyaaladda iyo qaraabeysiga oo eysan ka badbaadin inta badan siyaasiyiinta soomaaliyeed taasoo xata reerka uu ka dhashay aad ula yaabeen laakin intooda wax garadkaahu ey aad ugu faraaxsantahay dhaqankaas wadaniyadda iyo diintaba ku dhisan ee ah in aan reernimo uusan ku shaqeyn madaxweynuhu, waxaana laga garankaraa arinkaas qaabka dhismaha xafiiskiisa oo ey wada joogaan dhamaan beelaha soomaaliyeed rag ka kooban oo aqoonyahan ah. D: Cadaalad iyo qaderin dadka kale taasoo astaan looga dhigan karo hanbalyadii taariikhiga eheed ee uu u diray maalintii 1-da luulyo maamulka soomaaliland, taasoo aad ey usoo dhaweeyeen walaalaha woqooyigu ********a in aan neceyb loo heyn aadna loogu faraxsanyahay nadaamka iyo nabadda ey heleen, masiirka wadankana laga wada hadli doono xiliga ugu habboon sida madaxweynuhuba uu raacsiiyay hanbalyadiisa. E: Hamigiisa ku aaddan xasilinta wadanka iyo ilalainta madaxbanaanidiisa taasoo uu u daadihiyay si aad u heer sareysa waxyaabaha uu aadka u horistaagayna waxaa ka mida in dowladaha safka hore ey ciidan ahaan soo farageliyaan soomaaliya markale lakin xiriirka wadamadaas aad loo adkeeyo taasoo keentay guulaha siyaasadeed ee maanta la gaaray. F: Ilaalinta xiriirka beesha caalamka iyo haddana in isbedelku uu ku yimaado gacamaha soomaalida iyo gacanta ciidamada qaranka soomaaliyeed. G: U madaxbaneynta he,daha distuurigaa shaqadooda sida Ra,isul wasaaraha iyo xukuumaddiisa, iyo Baarlamaanka iyadoo dhaqankaasu uusan jiri jirin oo la ogyahay wixii ka dhex dhici jiray xiliyadii ka horeeyay iyadoo weliba aad faragelin loogu haayo siyaasadda gudaha ee soomaaliya. iyadoo mararka qaarkood dusha looga keeno go,aamo uusan rabin laakin uu uga dabaasho siyaasaddiisa degan iyo daacadnimadiisa sidii arintii Heshiiskii Kanpala oo beesha caalamka iyo gud.baarlamaanku ku dhegeen casilidda ra,isulwasaare farmaajo laakin uu arikaas ku maareeyay madaxweynuhu qaab aad u yaab leh markii uu qanciyay saaxiibkiis siyaasaddii xukuumaddii iyo barnaamijkiina sidiisii usii socday taasoo ey ku hongoobeen raggii colaadiyay Mr Farmaajo oo asagu uu gacantiisa wax uga dhisay xukuumaddaan maanta jirta una hanbalyeeyay saaxiibkiisna booskiisii wax uga dhiibay, waxaana guushaas loo tiiriyaa siyaasadda degan ee madaxweyne shariif. Haddaba Su,aasha maanta leesweydiinaayo ayaa ah madaxweynuhu maku guuleysandoonaa 2-arimood oo muhiim u ah mashruuciisaas wadanigaa? 1- In uu guulaha siyaasadeed iyo nabadgelo ee magaalada muqdisho uu kula wareegay inuu ka mira dhaliyo kana ilaaliyo in qabiil iyo hogaamiye kooxeed midkoodna uusan dib usoo laaban kana gaashaanto kuwii sugaayay in mar uun ey dib usoo noqdaan aagag qabiilna muqdisho dib uga sameestaan baaddii iyo bililiqadii iyo xarumihii dowlada oo dib deegaanno looga sameestana weli hanqal taag uga jiro, iyo in halganka ciidan dowladdu ey sii waddo ilaa ey gacanta uga dhigeyso wadanka oo dhan gaar ahaan koofurta iyo bartamaha soomaaliya. 2- In uu ka gaashaanto in shararkaan wada tashi ku sheeggaa oo shacabku aad uga baqaayaan in carqalado loola jeedo iyo in lagu dhiciseeyo guulahaan amaba lesku dayo in khilaafaadkii siyaasadeed dib loosoo nooleeyo raggii la yiqiin ee aan howl aan khlaaf eheyn aan weligood ka shaqeynina oo maalmahaan caajis haayana dib loo howl geliyo, leeskuna dayo in inta sanadka ka dhiman khlaaf iyo is qabqabsi lagu dhameeyo,arinkaas oo mudan in uu madaxweynaha iyo xukuumaaddiisuba ey ka degtoonaadaan eyna aad dar dar u geliyaan in ciidamaduna howshooda wataan iyaguna ey sameestaan qaab shacabka lagu mideynaayo looguna baaqaayo iney difaacdaan guulohooda qaran iyagoo aqoonyahanku ey horkacaayaan abaabulna laga bilaabaayo aduunyada daafeheeda. waxaan ilahey ka baryeynaa inuu umaddeena kheyrka waafajiyo tiimkaan isbedelka shacabka soomaaliyeed rejadiisa soo celisay keenayna uu gaarabkooda galo. aamiin.
-
Deeq Ilaahay baa leh dadnimana soomali baa leh,Dalkeeniina weeyaan ku dalxiis macaanaaaa,, Indeed walee
-
Shariif wuu talaabsaday aaheey ..
-
^^ dad baa puppet lagu sheegi jiray alleylehee anigaa maanta indaheey ku arkay bal hadde aan aragno daba naageeskaadu halkeey ku geeyso.. Caawa halkaas ha inagu ekaato.
-
Atleast Xamar wuu xoreeyay and the people is coming back to their homes,, better than that fadhiid gandi guy and that Lasagna aka al shabaab
-
MUQDISHO: - Ciidamada dowladda soomaaliya oo wehliya ciidanka Amisom ayaa saaka u tallaabay xaafado hor leh oo ka mid ah degmooyinka Huriwaa iyo Dayniile, xilli maalmihii u dambeeyay ay si tartiib tartiib u buuxinayeen goobihii ay faarujiyeen Al-Shabaab ee magaalada Muqdisho. Saaka ayaa ciidamada dowladda ay ka bilaabeen xaafado ku dhow dhow Isgoyska Fagax iyo Hotelkii Lafweyn inay isku fidiyaan, iyagoo baaritaano ka sameynayay meelaha qaar oo ay miinooyin ka saarayaan, guri gurina u galaya. Mid ka mid ah Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa sheegay in qorshahooda uu yahay in maanta ay saldhig kaga sameystaan Isgoyska Fagax, isla markaana ay sii tagaan ilaa Warshadii hore ee Baastada. Sidoo kale waxay Saraakiisha sheegeen inay xaqiijiyeen ammaanka deegaanada Waqooyiga Muqdisho oo gacan ku heyntooda si rasmi ula wareegeen. Dhinaca kale Ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa isku sii fidinaya Xaafadaha Gubta iyo Ciise Cabdi ee degmada Dayniile, kadib markii maalin ka hor ay fariisimo ka kala sameysteen xaafado dhanka waqooyi ka xiga wadada warshadaha. Si kastaba ha ahaatee isku dayada ay wadaan ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ayaa ah mid ay kaga gol leeyihiin inay ku buuxiyaan goobihii ay baneeyeen Al-Shabaab.
-
Shabaab & Azaania waa isku ciidan dagaal saf balaaran oga soo horjeednaa”Gudoomiyaha Gedo dowlada” Gudoomiyaha dowlada KMG gobolka gedo aya shegey in dagaal balaaran lageli donaan labadaan maamul sida oo kashegay warbahinta muqdisho isagoo u cugsaday arimo badan. Sido kale gudoomiyaha aya shegay in azaania iyo shabaab isku ciidanyihin sida daraadeedna dagaal safbalaaran lageli donaan isagoo siiraciye in maamulka azaani aan cagta so dhigi Karin gobolka Gedo. Maxamed Cabdi Kaiil ayaa gashaanka kudhuftay warar soo baxaaye oo shegaaye in Dowladda Kenya ay dooneeyso in maamulka Asaaniya ay ka howgeliso gobolada Jubooyinka iyo Gedo, waxa uuna tilmaamay in Goboladaasi maamul cusub loo dhisayo kaasi oo ka imaan doona dadka degaanka. Hadalkaan gudoomiyaha gobolkka gedo aya kusoo adaayo xili maamulka azaani olole balaran ugu jiraan sidii oga hir geli lahayeen gobolada shaatigooda wataan iyadoo bila kahor loga dhawaaqey magaalada nairiobi oo lijaanka u haayo xildhibaan katirsan dowlada. Cabdulaahi Cabdi Xaashi
-
Lean on Mogadisho when you need to eat to survive
oba hiloowlow replied to Somalina's topic in Politics
Nice progress halkaan kasii wadaa. -
looool@tabcaan, how can he possibly be tabcaan he got 1 year extension, he freed Mogadishu from Al shabaab, Shariif sakiin uu ka adkaaday pm uu ka dhigay Cabdiweli Gaas.... What a man that shariif..
-
its not a new thing that you are full of qabiil anyways Hassan daahir isma dhiibi karo even though hadii uu jeclaan lahaa u know that Madaxweynaha along with Muungaab and dhegobadan and rag badan oo kale ay yiraahdeen Ragga sare ee Al shabaab hadii so goostaan ama dagaal lagu qabto goobta aa lagu tooganaa so why would hassan daahir wanna surrender? ps. Xataa awood uu isku dhiibo ma haaysto Hassan daahir and sheekdan 100 times before aan maqalnay in different occasions..
-
Sir Alex Ferguson appeals for the Somali cause!!
oba hiloowlow replied to Nina Fox's topic in General
wow great iniative from fergie!! -
lool war waxan waxba kama jiraan zack wuxu noo keenay sheekadii fadhi ku diriryada..
-
Popular Contributors