oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Maxaad kala socotaa taariikh nololeedka Ra'iisul wasaaraha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan? Jimce, August 19, 2011(HOL) - Tayyib erdogan waxaa uu ku dhashay xaafadda Kasımpaşa ee magaalada Istanbul February 26, 1954 , isagoo ka dhashay qoys dan yar ah. Erdogan aabihiis ayaa la sheegay inuu ahaan jiray askari ka tirsan ciidamada ilaalada xeebaha ee dalka Turkiga. Waxaa u ku biiray siyaasadda markii uu jirsaday 17 sano, xilligaas oo uu kamid noqday hogaamiyayaasha ururkii ardada ee kasoo horjeedday nidaamkii shuuciyadda. Sidoo kale Erdogan ayaa ka tirsanaa mid kamid ah naadiyada kubbada cagta ee xaafadda Kasımpaşa ee magaalada Istanbuul. Receb Tayyib Erdogan iyo marwadiisa Emina Erdogan Erdogan oo kasoo jeeda qoys muxaafidiin ah oo diinta Islaamka ku dhagan ayaa guursaday 1978 xaaskiisa Aamina Erdogaan oo ah haweenay ku caan baxday xirashada xijaabka oo aan ku badnayn haweenka dalka Turkiga, iyagoo dhalay 2 wiil iyo 2 gabdhood. waxaa uu ka qalin jabiyay jaamacadda Marmara qaybteeda dhaqaalaha iyo maamulka culuumta , markaasoo uu ku biiray dhaqdhaqaaqii uu waday ra’iisul wasaarihii militarigu afgambiyeen Necmettin Erbakan oo lagu eedeeyay inuu ka tirsanaa Islaamiyiinta Turkiga. Sannadkii 1991-kii ayaa loo doortay xildhibaan , balse uma ayan suura galin inuu baarlamaanka fariisto kadib markii ay militariga cilmaaniyiinta ah ku eedeeyeen inuu xiriir la leeyahay dhaqdhaqaaqyda Islaamiga ah ee ka jiray dalka Turkiga. Erdogan oo lagu tilmaamo inuu ahaa siyaasi aad u firfircoon, waxaa loo doortay duqa magaalada taariikhiga ah ee Istanbuul 1994, markaas oo uu magaalada Istanbuul ka dhisay ilaa iyo 50 buundo oo lagu yaraynayay mashquulka waddooyinka.. Waxaa kale oo uu wax ka qabtay biyaha iyo nadaafadda Istanbuul , isagoo ku guulaysay abaal marinta ay bixiso hay’adda qaramada midoobay ee UN-HABITAT iyadoo loo aqoonsaday maayarka ugu wanaagsan ee caalamka. 1997 ayaa xabsiga loo taxaabay Erdogan markaas oo maxkamadda sare ee Turkigu ay mamnuucday xisbigii uu ka tirsanaa oo uu hogaaminayay ra’iisul wasaare Necmettin Erbakan , kadib markii uu ka qayb qaatay dibad baxyadii ay ka dhigayeen magaalada Istanbuul taageerayasha xisbiga daryeelka Turkiga, waxaana lagu xukumay Erdogan 10 bilood oo xabsi ah. Isla xilligaas Erdogan waxaa laga mamnuucay siyaasadda, waxaana laga xayuubiyay xilkiisii maayarnimada. 1999 ayaa xabsiga laga sii daayay. Sannadii 2001 ayuu aasaasay xisbigiisa cadaaladda iyo horumarka oo ay wada hogaaminayeen isaga iyo madaxweynaha hadda Cabdalla Guul. 2002 ayaa xisbiga caddaalada iyo horumarka uu ku guulaystay aqlabiyadda kuraastii baarlamaanka , balse Erdogan ma noqon ra’iisal wasaare madaama laga mamnuucay siyaasadda waxaa xilka qabtay gudoomiye ku xigeenka xisbiga ahna madaxweynaha haatan Cabdalla Guul. 2003 ayaa maxkamadda sare oo ay awood ku leeyihiin militariga ilaaliya cilmaaninimada Jamhuuriyadda Turkiga ay soo saartay go’aan ay ku diiday doorashadii baarlamaaniga ee dhacday 2002 waxayna amartay maxkamadu in markale lagu celiyo doorashada. Doorashadii ku celiska ahayd ayuu markale xisbiga Erdogan helay aqlabiyadda codadkii, nasiib wanaagna waa la qaaday xayiraaddii saarnayd , wuxuuna noqday ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga. Erdogan markii uu qabtay xukunka wuxuu sare u soo qaaday dhaqaalaha dalka Turkiga, wuxuu xuquuq badan u ogolaaday dadka Kurdiyiinta ah ee dalkaasi, wuxuuna dagaal siyaasadeed la galay militariga cilmaaniga ah oo ugu dambayntii uu ku guulaystay inay iska casilaan xilalkii ay hayeen , Turkiguna uu noqdo waddan dimuqraadi ah oo shacabku ay leeyihiin xuquuqo badan. Waxaa kale oo uu ka qaaday xayiraadda saarnayd gabdhaha xijaabka qaata oo aan loo ogolayn inay ku galaan xijaabka jaamacadaha dalka iyo waliba xarumaha dawladda. Waxaa uu xiriir wanaagsan la yeeshay midowga Yurub , isagoo ku guulaysan waayay inuu Turkigu noqdo xubin buuxda kadib markii ay Faransiiska iyo Jarmalku ka biyo diideen in dal Islaam ah oo ay ku noolyihiin 80 milyan loo ogolaado xubinnimada midowga Yurub. Taa badalkeeda Erdogan waxaa uu u soo wareegay dhanka waddamada Islaamka, waxaana uu xiriir adag la yeeshay markii ugu horreysay wadamada carabta iyo Iiraan, taasoo loo arkayay in Erdogan uu kaga aargudanayay reer Yurub. Erdogan ee saddex jeer oo is xigta loo doortay ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga, waxaa uu noqday hogaamiye u dooda xuquuqda shucuubta Islaamka ah ee la dulmiyay. Waxaase si wayn loo xasuustaa markii uu si kulul u caayay madaxweynaha Yuhuuda Shimon Berez shirkii Davos xilligaas oo uu difaacayay falastiiniyiinta markinka Qaza. Waxaa kale oo uu hoos u dhigay xiriirkii u lalahaa Israel markii ay dishay 9 qof oo u dhashay Turkiga oo mucaawino u siday marinka Qaza, isagoo ka qaatay safiirkiisii Israel , xiriirkiina u jaray Yuhuudda. Dadka wax ka qora taariikhda Erdogan waxaa ay ku tilmaameen inuu yahay nin Yuhuudda aad u neceb, taasoo soo dedejisay markii uu xukunka qabtay inuu xumaaday xiriirkii u dhexeeyay Turkiga iyo Israel. Erdogaan maanta waxaa uu ku suganyahay magaalada Muqdisho, isagoo u gurmaday shacabka Soomaaliyeed xilli u caalamku indhaha ka *****shay. Hogaamiyahan oo horumar gaarsiiyay dalkiisa ayaa tagay Soomaaliya oo aysan ku dhiirran hogaamiyayasha caalamku inay booqdaan, iyagoo u sababaynaya dhanka ammaanka, balse Erdogan waxaa uu meesha ka saaray arrinkaas, isagoo Soomaaliya xaaladda ka jirta ku tilmaamay inay tahay imtixaan laga qaadayo aadamaha.
  2. Wafdiga la socda Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga oo noqonaya kii ugu ballaarnaa ee yimaada Soomaaliya muddo 20-sano ah Jimco, Ogoosto 19, 2011 (HOL) – Wafdiga la socda ra’iisul wasaaraha dalka Turkey Recep Tayyip Erdogan oo isugu jira wasiirro, xildhibaanno, ganacsato iyo fannaaniin Turki ah ayaa noqonaya kuwii ugu ballaarnaa ee yimaada Soomaaliya tan iyo 1991-kii oo ay dhacday dowladdii dhexe ee Soomaaliya. Xubnaha wafdiga ayaa waxaa ka mid ah: shan wasiir oo ka tirsan xukuumadda Turkiga oo ay ka mid yihiin: wasiirka arrimaha dibadda, wasiirka beeraha, wasiirka caafimaadka, waxaana wasiirradan la socda xaasaskooda iyo qaar ka mid ah caruurtooda. Sidoo kale, waxaa wafdiga ka mid ah xaaska ra’iisul wasaaraha Turkiga iyo saddex cunug oo uu dhalay, kuwaasoo isugu jiray laba laba gabdhood iyo wiil. Wafdiga oo ka koobnaa 70-xubnood ayaa waxaa sidoo kale ka mid ahaa afar heesaa oo u dhashay dalka Turkiga iyo ganacsato si weyn looga yaqaan dalkaas. Wafdigan ayaa waxaa keenay saddex diyaaradood oo mid ka mid ah uu dhaawac gaaray kaddib markii ay baalkeeda midig ku dhufatay dhulka xilligii ay cago-dhiganaysay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Ciidammo gaaraya 100-askari oo si gaar ah u tababaran ayaa la socda wafdiga, kuwaasoo aad u ilaalinaya ammaanka ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa, waxaana ciidamadan ay ku hubeysan yihiin hub casri ah iyadoo wafdiga ay ku tageen goobihii ay booqdeen gaadiid caadi ah oo aysan xabbadu karin. Ra’iisul wasaaraha Turkiga ayaa booqday laba xero oo ku yaalla degmooyinka Wadajir iyo Howlwadaag ayaa u qaybiyay dadkaas gargaar isugu jiray cunno nafaqeysan, lacag iyo dawo, isagoo wareystay dadka qaarkood weydiiyayna xaaladdooda iyadoo ay ka muuqatay wajigiisa murugo xooggan oo ku aaddan dhibaatada haysta barakacayaashii uu la kulmay. Suxufiyiin caalami ah ayaa ka mid ahaa wafdiga, kuwaasoo si toos ah u tabinayay booqashada ra’iisul wasaaraha Turkey uu ku tagay Muqdisho.
  3. walahi this is so sad i dont know what to say..
  4. Prime Minister Erdoğan to conduct opening of hospital in Somalia As Prime Minister Erdoğan gets ready to pay a visit to Somali, he will also be opening a 400 square-meter, 50-bed field hospital in the capital Mogadishu. This hospital will be able to provide full medical services. Prime Minister Recep Tayyip Erdoğan will soon be visiting a drought and starvation-stricken Somalia and during his stay will be conducting the opening of a field hospital in the Somali capital of Mogadishu. The 400 square-meter 50 bed capacity field hospital will have been set up by the time Prime Minister Erdoğan arrives in Mogadishu. Surgeries will be able to be conducted at this field hospital, which was also set up for eight months last year in Pakistan as well as in both Haiti and Libya. In addition, this hospital, which will also house an intensive care unit, will have a laboratory, x-ray and ultrasound units in order to provide full medical services. 18 TONS OF MEDICINE ALREADY SENT In addition to the ten tons of medicine delivered last week, the team in the region has requested 18 tons of medical reinforcement, including medicine, serums, and medical supplies. Along with the field hospital, twenty medical personnel will be arriving to Somalia, including a pediatrics specialist, infectious diseases specialist, an obstetrician and malaria specialist as well as a practitioner, laboratory technician, a medical technologist, three nurses, two midwifes, an environmental health specialist and four health staff. Six additional field hospitals and 120 medical personnel are ready and waiting to be dispatched to Somalia if deemed necessary following Prime Minister Erdoğan's visit. Ministry of Health officials have announced that Turkey's field hospitals have been used throughout the world in natural disaster situations.
  5. MMA Sorry baradar,, Degmo ahaan aan ula jeeday.. Yeah thats true about Bermuuda/Siigaale magacaa Bermuuda lee ka dareeme meel lama galaan inee tahay,
  6. "Prime Minister Erdogan's visit tells us the Turkish people are closer to us than any other Muslim nation on earth. The Turkish people are here to share with us in our time of need. It is momentous." said local resident Abdirashid Ali Omar.
  7. Welcome Mr Erdogan ku so dhawoow Magaalada Muqdisho!! Maanta la dhihi karaa Qarankii dumay waa so noqday, Soomalia ha noolaato, Turkey ha noolaato!
  8. Captan Hassan Mohamed Abukar oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda KMG ee fariisinka ku lahaa Ex-Koontarool Afgooye ayaa sheegay inuu ku dhaawacmay, xilli bishan gudaheed howl galo ka wadeen gudaha Suuqa Bakaaraha. Mr Hassan ayaa wareysi uu siiyay Wargeys lagu magacaabo Bloomberg oo ku hadlay afka Ingiriiska ayaa sheegay inuu ka dhaawacmay jilibka midig, kadib markii weerar ay ku soo qaadeen Suuqa Bakaaraha. Waxaa uu sheegay in xilliga la weeraray uu ku jiray howl gal Ciidamada Dowladda ay ka wadeen Suuqa Bakaaraha, waxaana uu sheegay in xilligaas ay rasaas ku soo rideen ragg uu aqoon u leeyahay. "Anagoo howl gal dhexda kaga jirnay oo aan Suuqa Bakaaraha kaga nadiifinaynay Al-Shabaab, ayaa koox ka tirsan si lama filaan ah aan ka arkay meel noo dhoweyd, waxay ogaayeen in aan ahay ninkii dilay Fazul, kadib waxay igu soo fureen rasaas, waxaan ka dhaawacmay jilibka"ayuu yiri Captain Hassan Mohamed Abukar. Hassan ayaa hada ku jira Isbitaalka Madiina, halkaa soo lagula tacaalayo xaaladihiisa Caafimaad, waxaa uu sheegay inuu helay hanjabaad markii uu dilay Fazul Cabdalla Mohamed Hogaamiyihii Al-Qaacida Geeska Afrika, waxaa uu tibaaxay in Taleefanadiisa ay ka soo wacayeen ragg ugu hanjabayay inay dilayaan. Fazul Cabdalla Mohamed oo ahaa Hogaankii Al-Qaacida ee Geeska Afrika ayaa waxaa uu ka mid ahaa ragga sida aadka ah u baadigoobayeen Mareykanka, kaasoo loo heystay weeraradii safaaradihii Mareykanka ku lahaa dalalka Tanzania iyo Kenya sanadkii 1998-dii, waxaa uu ka mid ahaa ragga ku jiray Liiska waxa loogu yeero Argagixisada, waxaa madaxiisa saarnaa 5-milyan Doolarka Mareykanka. Dilkaas sida sahalka ku dhacay ayaa ka dambeeyay markii gaari Runeyd ah oo uu saarnaa Fazul iyo nin kale ay ka soo dhumeen jidka habeenimadii arbacadii ee 9-kii Bishii June, iyadoo xilligaas kadib shaki badan oo ka dhashay dilkaas ay keentay in la qaado dheecaanka DNA, taasoo ugu dambeyn xaqiijisay inuu ahaa ninka la dilay Sarkaalkii Al-Qaacida ee Bariga Afrika.
  9. Yeah Acuudi bilahi i heard about it xiisad bey dhalisay ,,,Rinkeby waa xaafad waalan uu fiirsada waa lagu gooban doonaa xagjirin aa ka buuxo xaafadaas,, ilaahay xaqa ha tuso dadkaan gaaloobay..
  10. ^^ ama foolxumadda lo qaarina :D
  11. lool u wlc sis ,Yeah japaneeska ugu darneed nigga go home taaalk to the haaand kulaha hahaha
  12. A_khadar if this is even true find out if he bought it for himself or if it's maal Dowladeed? Do that Alright
  13. Aaliyyah horta maka yaabino dad gurigaada degay oo hadana lacag doonaya sida ay uga guuraan,, the exact same thing happened to me mar aan tagay xamar 2006kii ayaan is dhahay soo fiiri gurigii abaheey oo ku yaal meel darmooleey la yiraa oo waagii qaxii 91 laga tagay anyways waxaaba arkay dad meesha iska deggan kaaga daranee they where related to Indhacadde marka dhowr Tekniko ayaa uu taal malaha wey ogaayeen inaan imaanayo allahu aclam, anyways kulahaa 6000 dollars keen ama dagaal,, dantu waxey igu kaliftay inaan lacagta iska dhiibo ciil ani..
  14. som@li if u go to places like Marinaya,hotel bin ali,towfiiq,Suuqbacaad,Juungal,xamarweyne,Dharkeynley and wadajir bilicda waaka yaabe im not joking meel dagaal ka socoto ma moodid villoyinkii waa camiran yihiin aaku leeyahay.
  15. ^^ Alright then do that its nice walahi.. Okey sis Afur wanaagsan, nice talkin to u as well!
  16. ^^ jaha okej då förstårja , men attans då är du inte så gammal ju. Precis vi somalier måste förena oss samtidigt måste vi ta vara av chansen och utbilda oss så vi kan göra något för landet, för jag vill inte leva kvar i detta samhälle fyllt med hat och segregation, jag vill hem, där jag känner mig hemma där min släkt finns..
  17. haaaa sis waa la hubaa they do that waxba kama naxaan walaalahooda waalidkooda cid umay naxaan..Koleey waala arki doona xaalada,, Inshallah kheyr.. Yeah u should go to Gaalkacyo defenitly my friend was there hadda dhow wuu so amaanay meesha..