oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Garoonka Diyaaradaha Muqdisho waxaa maanta ka soo degay wafdi uu hoggaaminayo Fanaanka Soomaaliyed Keynaan Cabdi Warsame, waxaana ujeedada wafdiga la sheegay inay la xariirto sidii uu u booqan lahaa dadka ku dhibaateysan dalka gudihiisa oo imaatinkiisana uu yahay markii ugu horeysay oo Muqdisho yimaado. Fannaanka Keynaan Cabdi Warsame ayaa hada Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan caruur aad u fara badan oo la ildaran nafaqo daro iyo shuban biyood, iyadoo halkaas uu ka qeybinay gar gaar daawooyin iyo raashinka nafaqada. Wararka ku saabsan Fanaan Keynaan ayaa waxaa wehliya Fanaaniin kale oo la sheegay inay u dhasheen dalka Canada, kuwaasoo iyana qiimeynaya xaalada abaaraha iyo macluusha ka jirta dalka. Xubna soo dhoweeyay waxaa ka mid ah mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda, waxaana wafdiga uu Keynaan hogaaminayo ay kormeeri doonaan xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala Muqdisho. Fanaanka Keynaan oo qaaday heestii Furitaanka aheyd ee Koobkii Aduunka Waving Flag ayaa dhowana ku baaqay in loo gurmado abaaraha ka jira Soomaaliya, si loo bad baadiyo dadka gaajada iyo macluusha ugu dhimanaya. Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Muqdisho ay soo gaartay fanaanada Mama Zoul ee reer Mareykanka iyo Fanaanad caan ka ah dalka Turkiga oo qeyb ka aheyd wafdigii maalinimadii jimcihii ee uu hogaaminayay Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
  2. Fanaanka caanka ah ee Soomaaliyeed K`naan Cabdi Warsame ayaa maanta booqday caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. K`naan ayaa booqday cusbitalka Hooyada iyo Dhalaanka ee Banaadir, waxaana uu halkaasi kula kulmay howlwadeenada cusbitalka.Ujeedka uu Muqdisho u yimid ayuu ku sheegay mid la xiriira arrimaha abaaraha, waxaana uu intaa raaciyay in loo baahan in gacan la siiyo dadka abaareysan. Waa markii ugu horeysay oo uu fanaankan cagta soo dhigo magaalada Muqdisho tan iyo burburkii dalka.
  3. Fannaanka Soomaaliyeed ee caanka ah oo lagu magacaabo Keeynaan Cabdi Warsame oo maanta yimid magaalada Muqdisho ayaa booqasho ku tagay isbitaalka hooyada iyo Dhallaanka Bannaadir oo ay jiifaan bukaanno isugu jira Caruur, Haween iyo dad da’ah. Fannaanka oo ay si heersare ah amaankiisa u sugayeen ciidamada ammaanka ayaa waxa uu ku soo wareegay qeybaha cisbitalkaasi isagoo mid mid u gacan qaaday bukaannada jiifa Cisbitalkaasi. Keynan oo Telefeshinka Qaranka ugu waramay gudaha Cisbitalka ayaa sheegay in ujeedada uu dalka u yimid ay tahay in uu dhibaatada la qeybsado dadkiisa Soomaaliyeed isla markaana uu kor u qaado dareenka caalamka eek u aadan sidii wax loogu qaban lahaa dadka abaaruhu saameeyeen. Fannaanka Keynaan oo ka mid ah fannaaniinta ugu caansan caalamka ayaa booqashiisu muujineeysaa dareenkiisa wadaniyadeed ee ku aadan sida uu uga damqanayo dhibaatada heysata dadka Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha dalka.
  4. Fanaanka Soomaaliyed ee caanka ah Keynaan Cabdi Warsame oo maanta booqasho ku yimid Magaalada Muqdisho ayaa ka deyriyay xaalada dadka abaaraha iyo macluusha ay heyso, isagoo sheegay in dalka sidii uu ugu tagay aanu aheyn. "Dhib badan ayaa soo arkay, wadanka sidii aan uga tagay ma ahan, inkastoo markii aan xataa ka tagayay xabad iyo dhibaato ay jirtay, xabad wax ka weyn ayaa maanta jirta, dadka gaajo ayaa heyso"ayuu yirii Keynaan oo wareysi siinayay Laanta afka Soomaaliga ee BBC-da. Keynaan ayaa sheegay inuu soo booqday Isbitaalka Banaadir iyo xerooyin dad barakacayaal ahi ay ku jireen, kuwaasoo uu tilmaamay in dhibaato aad u daran ay ka muuqatay. "Xaalada ma ahan wax sahlan, Isbitaalada aad bey u buux dhaafiyeen arrintan aad iyo aad ayay ii qabatay waxaa maanta soo arkay"ayuu intaa ku sii daray Keynaan. "Waxaan waa dadkeygii, wax sahlan ma ahan, sida dadka Telefishinka ka fiirsanayay ma ihi, dadkaagi markaa arkeysid adigaa is arkaya, canuga markaa fiirineysid indhihiisa ayaa iska dhex arkaa"ayuu yiri Keynaan oo muujinayay sida dhibaatada abaaraha ay u muuqato. Sidoo kale Keynaan ayaa sheegay in wixii jeebkiisa uu dhiibiyay, isagoo tibaaxay inuu ku tala jiro inuu sameeyo barnaamijyo faneed lacago loogu uruurinayo abaaraha, isla markaana uu diyaar u yahay in magaciisa uu u isticmaalo si uu indhaha Caalamka u tusiyo. "Waxaan ku talo jiraa wixii aan sameyn karo inaan sameeyo, magaceyga xataa inaan u isticmaalo inaan muujiyo arrintan oo aan aduunka tusiyo"ayuu yiri. Keynaan ayaa mar la weydiiyay fariinta uu u dirayo Soomaalida qurba-joogta iyo wixii uu soo arkay ayaa ugu baaqay in wixii dalka imaan kara oo wax qaban kara ay qabtaan, iyo dadkii lacag soo dhiibi kara, si buu yiri loogu gurmado dadka dhibaatada abaaraha iyo gaajada ay heyso. "Dadka waa dadkaagii aad ayay kuugu baahan yihiin, waxaa dhihi lahaa wadanka waa imaan kartaan, cidii dadka wax tari karta, wixii lacag soo diri karta"ayuu yiri Fanaanka Soomaaliyed Keynaan Cabdi Warsame oo heysta dhalashada Canadianka. Keynaan ayaa deeqo kala duwan waxaa uu gaarsiiyay Isbitaalka Banaadir iyo xerooyin barakacayaal ah, oo ay ku sugan yihiin qoysas ka soo barakacay abaaraha, iyadoo ay ku wehliyeen Fanaan kale oo Canadian iyo kuwo kale isugu jiray. Galabta ayuu ka dhoofay garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo ay sii sagootiyeen mas'uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Banaadir ee Dowladda KMG iyo dadweyne kale.
  5. Ismahaan no problem waan gartay waakula qabaa, shacabka waa iney nabadda raadiyaan oo ay ogaadaan wixii uu dan ah iyo wixii aan aheyn, maha in dad kale laga sugo
  6. Juxa i overreacted xoogaa,, yeah binti has relatives in qurbaha i know her brother Keysar.. Ismahaan sii khalad baan uu fahmay ma garatay sis cafis.
  7. Fanaanka weyn ee Soomaaliyeed Kaynaan Cabdi Warsame ayaa wuxuu maanta uu soo gaaray magaaaldda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay si weyn u soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda iyo Amisom. Hobolka codka halaasiga leh ee Kaynaan Cabdi Warsame ayaa wuxuu maanta uu soo caga dhigtay magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, isla-markaana wuxuu hogaaminaayaa kooxo fanaaniin ah oo u dhashay Waqooyiga Maraykanka. Kaynaan iyo fanaaniinta uu hogaaminaayo ayaa waxaa soo dhaweyn balaaran u fidiyay masuuliyiin sar sare oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya, kuwaa oo maanta laga dheehan karaayo farxad balaaran. Durbaba Ciidamadda Amisom iyo Ciidamadda Dowladda Soomaaliya ayaa waxay u dhaqaajiyeen dhinaca cisbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Banaadir, halkaasoo ay ku booqdeen boqolaal caruur ah. Kaynaan ayaa waxaa la-soo sheegayaa in uu cunada nafaqada leh u qeybinaayo caruurta iyo ciroolaha ku xanuunsanaaya cisbitaalka weyn ee Banaadir, halkaasoo ay iminka ku sugan yihiin
  8. Fanaanka Soomaaliyed Keynaan Cabdi Warsame ayaa markii u horeysay ka soo degay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya, iyadoo Fanaankan uu ka mid noqday fanaaniinta dhowaan soo gaarayay Muqdisho ee u kuur galayay xaalada dhabta ah ee abaaraha, si ay indhaha caalamka ugu bandhigaan. Keynaan Cabdi Warsame ayaa hada Isbitaalka Banaadir oo ay ku jiraan caruur aad u fara badan oo la ildaran nafaqo daro iyo shuban biyood, iyadoo halkaas uu ka qeybinay gar gaar daawooyin iyo raashinka nafaqada. Sida ay sheegayaan wararka Fanaan Keynaan ayaa waxaa wehliya Fanaaniin kale oo la sheegay inay u dhasheen dalka Canada, kuwaasoo iyana qiimeynaya xaalada abaaraha iyo macluusha ka jirta dalka. Mas'uuliyiin ka tirsan Dowladda ayaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana wafdiga uu Keynaan hogaaminayo ay kormeeri doonaan xerooyinka barakacayaasha ee ku yaala Muqdisho. Fanaanka Keynaan oo qaaday heestii Furitaanka aheyd ee Koobkii Aduunka Waving Flag ayaa dhowana ku baaqay in loo gurmado abaaraha ka jira Soomaaliya, si loo bad baadiyo dadka gaajada iyo macluusha ugu dhimanaya. Dhowaan ayay aheyd markii magaalada Muqdisho ay soo gaartay fanaanada Mama Zoul ee reer Mareykanka iyo Fanaanad caan ka ah dalka Turkiga oo qeyb ka aheyd wafdigii maalinimadii jimcihii ee uu hogaaminayay Ra'iisul Wasaaraha Turkiga Recep Tayyib Erdogan.
  9. Ismahaan edeb yeelo sis dad aanad aqoon ama waligaa arkin aad uu gefeysaa waana laga roon yahay waa iga tusaalo.
  10. Aduunka waxaa ugu liito ninkii dantiisa garaneynin.
  11. Tani markii magalada muqdisno kabaxeen kooxda shabaab oo aheyd quwadii labaad dalka ayaa caasimada dalka kusoo qul qulayaeen madax katirsan caalamka iyagoo u kuurgalaaye xaalada Macluusha kjirta gudaha dalka iyaoo maalinimaii shalay ugu danbeeyay Ra isulwasaraha dalka turkiga oo booqasho kuyimid. Warar si hoose aan u helnay aya shegayo in Xoghayaha Arimaha dibada dalka mareekanka oo booqasho ku imaan rabto magalada muqdisho iyadoo booqan doonta goobaha ku xareysanyihin dadka barakacayahsa ku ah casaimada dalka somaliya ee Muqdisho. Xogtaan MARKACADEY.NET heshay ayaa kudareyso in xoghayaha ARimaha dibada qorsheyneyso in waqtiyada soo socda muqdisho soo gaarto inkasoo la shaaciye in Imtinkaas ayhe mid kadib ame lama filaan ah. Safarkaan wasiiramada Arimaha dibada aya ula jeedkiisa ah u kuur gelida Barakacayasha muqdisho iyadoo kulamo laqaaadan doono madaxda dala iyo Ciidamada Amiom kala hadli doonto Arimaha Amaanka iyo Abaarta kajirta. Hadaba booqashadaan la qorsheynaayo hadii magalada muqdisho kutimaadao Xoghayaha Arimaha dibaad Mareekana aya noqon doona mid caalamka oo dhan layaabi doono inkastoo saacado kahor maglaada muqdisho soo gaari doono Ciidamo Mareekanka oo sugi doono amaanka . Ugu danbeyntii Booqashadaan maalmahan magaalada muqdisho ku imanayaan madaxda caalamka aya kusoo adeyso xili abaaro xoogan kajiraan gudaha dalka somaliya inkastoo Muqdisho kabaxeen Xogaga shabaab.
  12. dibadda dalka Ingiriiska William Hague ayaa sheegay in dowladda Ingiriisku ay dooneyso inay dib uga furato Soomaaliya safaaraddeedii mudada 20-ka sano ka badan xirneyd, wuxuuna intaasi ku daray in sida ugu dhaqsiyaha badan loo furi doono safaaraddaasi, gaar ahaan marka ay duruufuhu saamaxaan. Dhinaca kale warsaxaafadeed ka soo baxay wakiilka dowladda Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Matt Baugh ayaa lagu yiri “Hadalka ka soo baxay xoghayaha arrimaha dibadda ee dowlada Ingiriisku uu muujinayo muhiimada Soomaliya ay u leedahay xasillonida gobolka iyo dagalka ka dhanka ah aragagaxisada iyo burcad badeeda, waxaa kale oo ay mujineysa tageerada dowladda Ingiriisku ee ah in la helo dal xasilon oo ay yeeshan shacabka Soomaliya. “12-ki bilood oo la soo dhafay dowladda Ingiriisku waxay kordhisay howlaha ay ka wado dalka Soomaliya, bishii May 2010-kii ayaa waxaa la magacabay wakiil sare ee Ingiriiska u qaabilsan Soomaliya, Febrayo, 2011-ka Xoghayaha hormarinta calaamka u qaabilsan dowladda Ingiriiska Andrew Mitchel ayaa ku dhawaqay in dowladda Ingiriisku ay 3-dax jibareyneyso lacagaha deeqaha ah ee ay Soomaaliya siiso, waxaa kale oo la aasaasay xafiska gaar ah oo dowladda Ingiriiska u qaabilsan arrimaha Soomaliya, kaas oo hoostagaya safaaradaa Ingiriiska ee Nairobi, waxayna howshiisa ay noqneysaa agasimidda howlaha in ka badan 30-shaqale oo ka howlgala hay’adaha hormarka caalamiga ee DFID, xafiiska arrimaha dibadda iyo dalalaka barwaqa sooranka ee Foreign and Common Wealth Office, qeybta ka shaqeyso xasiloonida Stabilization Unit iyo wasaradda gaashandigga”. “In dib loo furo safaarad Britain ee Soomaliya waa tallabo macquul ah oo lagu xoojinayo dedaalka ay dowladdu Ingiriisku ku tagereyso in la helo xasilloni iyo nabad, balse xaaladda adag ee siyaasadda iyo aminga awgeed waxaa loo bahanyahay in la gaaro hormar la taaban karo” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo intaasi ku daray “Siyaasad ahaan waxaa muhiim ah in hormar laga garo sidii loo dhisi lahaa dowladd shariciga wafaqsan, kana wakiil ah shacabka, isla markaasna uu xil ka saaranyahay dadka Soomaliya”.
  13. Jacaylbaro;741826 wrote: Haa dee ,,,, kan dambaan moodayay inuu dhaamee show waaba isku nooc Looool