oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Soo guuree by Axmed shariif killer , Soo guuree Gaabooy goobta imaawee Gacalkaaga ii galay maa iga goo,aaye God intii liiga geeyeee Adigoo gidigood jirtidee Aan gidigood kale joogee God good ku jiraa Manaas na dhaxyaalee Waxaan ahay kii gudbee Soo guuree Gaabooy goobta imaawee
  2. Ilahay ha uu naxwriisto dhamaan intii dhimatay.. is weird that muukhtar roobow is reporting this i wonder how many al shabab has beheaded this week in just huriwaa
  3. Somalina;744304 wrote: See, that's thing I don't need to impress you, those who know me in real life are members on this forum. They respect me and I respect them. I don't care what some dude from Godey needs to see. The reality is, that you view every single post of Somalina every single time . That's a fact. So what are you arguing about then? What do you contribute to SOL, other than the usual coffee shop songs "canbe this, Sakiin is the man, H'da this, isbaaro in jidka Harer" ? You're so predictable is unreal. loooooool :D
  4. Shirka Wada tashiga ayaa wali furmin, iyadoo xarunta Golaha shacabka ay xaadir ku yihiin dhamaan ergooyinka shirka ka qeyb galaya, oo isugu jira Hey'adaha Dowladda, Maamul Goboleedka iyo Ahlusuna, waxaana la sugayaa Ergeyga Madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug. Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan Xubno ka tirsah Golaha Wasiirada, Wafuuda ka socota Maamulada Galmudug, Puntland, Ahlusuna iyo Baarlamaanka. Inkastoo wali la sugayay Madaxda Dowladda ee shirka furi laheyd ayaa hadana Ra'iisul Wasaaraha Dr. C/wali iyo Golihiisa Wasiirada ay hada ku sugan yihiin Garoonka Diyaaradaha si ay u soo dhoweeyaan Madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole, sidoo kale Madaxweynaha Galmudug ayaa isna ka maqan madasha oo la filayo. Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Agoustine Mahiga ayaa ku sugan xarunta Golaha shacabka, waxaa la sugayaa Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed oo furi doono shirka iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka. Shirka ayaa sida muuqata saacado ay dib uga dhaceen furitaanka, inkastoo dhamaan ergada ka qeyb galaya ay madasha ku sugan yihiin, waxaana diyaar ah dhamaan wixii farsamo ee shirka loogu tala galay ay diyaarsan yihiin. Xarunta Golaha shacabka ayaa waxaa ku sugan Kooxda Fanaaniinta oo la filayo inay furtaanka shirka ka qaadaan Hees, sidoo kale Kooxda Baambeyda ee Muusikada ayaa iyana goob joog ah, si ay u garaacaan muusika Astaanta qaranka. Wariyaha Jowhar.com ee Muqdishoa ayaa soo sheegaya in shirka ay bilowgiisa muuqato mid furmay, marka loo eego xubnaha ku sugan shirka oo ah intii shirka quseeyay. La soco wixii ku soo krodha
  5. waxaa magaalada Muqdisho ka soconaya diyaar garow aad u xooggan kaasi oo ku aadan shika wadatashiga ah ee maanta magaalada ka furmaya iyadoo dhinaca kale ay ku si aad ah loogu qul qulayo xarunta shirka uu ka furmayo ee gollaha shacabaka ee magaalada Muqdisho waxaana si aad ah loo adkeeyay ammaanka magaalada Muqdisho. Wafood caalami ah iy ergooyinkii shirka ka qayb gali lahaa ayaa waxa ay ku sii qul qaulayaan xarunta gollaha shacabka ee magaalada Muqdisho oo lagu wado in saacadaha soo socda uu si rasmi ah uga furmo shirka wadatashiga. Shalay illaa hada ayaa waxaa si aad caadi ahayn uga soo dayay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ergo iyo wafuud caalamka ka kala socota kuwaasi oo dhammaantood u soo diyaar garoobay in ay qayb galaan shirka wadatashiga ah ee Soomaalida ay isugu imaanayaan. Dhinaca kale ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si weyn loo adkeeyay dhammaan waddooyinka magaalada ayaa waxaa ku sugan ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya xarumaha dowladda ayaa ah meellaha sida weyn looga raxadaray oo ay ammaankeeda si wada jir ah u sugaan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midoowga Afrika. Waxaana la daremayaa dhaqdhaqaaq xooggan oo ku aadan si goor dhow oo si rasmi ah u furmo shirka wadatashiga ee Muqdisho la dhacaya.
  6. Qaban qaabadii u dambeysa ayaa saaka waxay ka socotaa Xarunta Golaha Shacabka, halkaasoo goor dhow lagu wado inuu ka furmo shirka wada tashiga looga hadlayo aayaha Soomaaliya, iyadoo ammaanka si aad ah loo adkeeyay. Sida ay sheegayaan wararka shirka ayaa lagu wadaa inuu furmo 9-ka subaxnimo xilliga Muqdisho, iyadoo haatan ay ku qul qulayaan Xarunta loo asteeyay in lagu shiro Ergooyinka dhinacyada Soomaalida ee ka qeyb galeysa. Xalay ayaa la soo gaba gabeeyay diyaarintii shirkaas iyo wixii farsamooyin ku aadan qabsoomidiisa, iyadoo Xafiisyada Madaxda Dowladda xalay ahaa mid aad mashquul u galay, kadib markii loogu xaadiray in laga helo waraaqadaha casuumaada ah. Inta badan ergooyinka ka qeyb galaya shirka ayaa ku sugan Magaalada Muqdisho, Wafuud ka kala socota Maamulada Galmudug iyo Puntland ayaa maanta shirka ka qeyb galaya, inkastoo Madaxweynayaashooda aanay soo raacin. Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu wadaa inuu shirka furo, halka Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyo Ra'iisul Wasaaraha ay khudbado ka jeedin doonaan. Sidoo kale waxaa lagu wadaa in Wakiilo ka socda Beesha Caalamka ay soo gaaraan Magaalada Muqdisho, iyadoo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Mahiga uu shirka ka hadli doono. Marka loo eego dhaq dhaqaaqa guud ee shirka ayaa ah mid aad looga dareemayo Caasimada, waxaa kaloo jirta in wadooyinka magaalada Ciidamo isugu jira Boolis iyo Sirdoon la dhigay si ammaanka loo adkeeyay. Wariyeyaasha ayaa hada waxay taagan yihiin banaanka hore ee Xarunta Golaha shacabka, iyagoo lagu wargeliyay inay geli doonaan, marka ergooyinka galaan, ammaankana la sugo, gudaha xarunta ayaa Ciidamo Boolis oo kuwa Dowladda iyo kuwa AMISOM ku sugan. Hoolka shirarka lagu qabanayo ayaa si weyn loo diyaariyay, inta shirka socon doono oo ah saddex maalmood ayaa Saxaafada waxay ku casuuman tahay oo kaliya furitaanka iyo xiritaanka, waxyaabaha ka soo baxa ama ay isla meel dhigaan ergooyinka ayaa ugu dambeyn war murtiyeed laga soo saari doonaan.
  7. War-Saxaafaddeed:(Mogadishu, Somalia, September 3, 2011) Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa kormeer ku tagay goobihii loogu talagalay shirka wada tashiga ee bilaaban doona barito. Goobaha uu booqday Madaxweynaha ayaa waxaa ka mid ahaa xarunta Baarlamaanka oo ah goobta shirku ka furmayo, howgii loogu talagay ergada ka soo qaybgalaysa shirka oo ku yaala Somalifuruud iyo qayb ku taala garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade International Airport. Booqashada Madaxweynaha ayaa ahayd mid ku salaysan u kuurgalida howlaha qaban-qaabada ee shirkawada tashiga ah ee la filayo inuu dhaco maalinta bari ah. Madaxweynahe Sharif ayaa wuxuu amaan iyobogaadin u jeediyay howl wadeenadii ka shaqeeyay goobahaas isagoo kula dar-daarmay in si wanaagsanloosoo dhaweeyo wafuuda ka imaanaysa Soomaliya iyo caalamkaba. Madaxweynaha ayaa markuu kormeerkiisa soo gabagabeeyay wuxuu shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha isagoo farxad iyo wanaag ku tilmaamay in umada Soomaliyeed ay mustaqbalkooda uga tashanayaan shirka wada tashi ee furmi doona barito, Madaxweynaha ayaa sidoo kale u mahad celiyayergada ka soo qaygalaysa shirkaan si ay uga qayb qaataaan hanaanka nabada iyo horumarka dalkooda. Ugu dambayn Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaliya Mudane Sharif Sh. Axmed ayaa ilaahay kabaryay in shirkaasi uu noqdo mid miro dhal ah una horseeda umada Soomaliyeed mid ka samatabixiya dhibaatada ka jiray dalka mudo 20 sano ah. - DHAMAAD – Suldan A. Farahseed Xafiiska Madaxweynaha Moqdishu, Somalia media@presidency.gov.so
  8. Wefdi balaaran oo ka socda dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay galabta soo gaareen magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho, iyadoo ay soo dhaweeyeen masuuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya. Wefdi balaaran oo ka socda dhinaca Maamul Goboleedka Puntland ayaa waxay maanta soo gaareen magaaladda Muqdisho, isla-markaana waxaa si weyn loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee magaaladda Muqdisho. Wefdigaan ayaa waxaa lagu wadaa inay ka qeyb gallaan shirka dib u heshiineed ee Beelaha Somaliya, oo maalinta berito ah ka furman doona magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho. Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Dr C/Raxmaan Sheekh Maxamed Faroole oo la-fillaayay in uu maanta soo gaaro caasimadda, ayaa wuxuu u baaqday sababo aan la-ogeyn, isla-markaana kama aysan hadlin Dowladda iyo Puntland toona. Baaqashada Madaxweyne Faroole ayaanan faah faahin laga heyn sababaha uu maanta uu u soo gaari waayay magaaladda Muqdisho, xilli uu horey u shaaciyay in uu ka qeyb gelli doono shirka u heshiisiineed, isla-markaana uu magaaladda Muqdisho taggi doono seddexda bisha September oo maanta ku beegan. Maxamed Cabdi Afey oo wariye madax banaan ah, kuna sugan magaaladda Garoowe ee xaruunta Maamul Goboleedka Puntland, ayaa wuxuu goor dhaw uu Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com, uu u sheegay in Madaxweyne Faroole uu caawa ku sugan yahay magaaladda Garoowe, xilli la-fillaayay in uu maanta gaaro magaaladda Muqdisho. Iskusoo wada-duuboo Maamul Goboleedka Puntland oo xiriir wanaagsan iminka la-yeeshay Dowladda Soomaaliya, ayaa wuxuu shaaca ka qaaday in uu kaalin wanaagsan ka ciyaari doono shirka dib u heshiisiineed ee lagu qaban doono caasimadda.
  9. Beutiful History gobolka Cowl!
  10. HORDHAC Taariikdu waa sooyaal, dhulka Somaaliyeed wuxuu qabaa taariikh fac weyn waxaana baarayaasha sooyaalka umadaha ka qoreen wax badan. Iyadoo taasina ay jirto dhulka waa kala taariikh oo goob ama gobol walba wuxuu leeyahay wax uu la gooni yahay oo ka sooca gobolada kale. Taas oo ah taariikh deegaan “ environment” bad iyo beriba “Gobolka Cawl” waxuu ka mid yahay dhul weynaha Soomaaliyeed dhinaca dabeecadaha, caadooyinka, dhanan dhaqaale. Gobolka xagga taariikhda waxaan ka xusi karnaa dhowr waxyaabood oo udub dhexaad u ah TAARIIKHDA GOBOLKA “CAWL” “Gobolka Cawl” Waxaa loogu magacadaray nin lagu magaacbi jiray Cawl Megen Wacle kana soo jeeda gobokaas kaas oo ku dilay imaankii boqortooyadii ajuuraanka Imaam Ciise ee halkaas ka hana qaaday qarnigii 12aad ee Hijriyada. Boqorka xaruntiisa waxay ahayd Ceel halkaas ku yiilay oo la dhihi jiray “Ceel Ajuuraan” waxaa halkaas lagu arki karaa kuraastii iyo raadadakii boqortooyadaas oo weli muuqata. Dilkaas kadib ayaa magacii Ceel ******** lagu bedelay “Ceelki Cowl” 1925-1935, Gobolka Cawl waxaa mar labaad ka aasaasmay xarun ciidan oo looga soo horjeeday ciidamadii daraawiishta ee Sayid Maxamed Cabdule Xasan oo ciidamadiisu ay boob xoolo iyo dil dadkana kula kaceen bulshada halkaas ku dhaqan, xaruntaas waxaa la keenay fardooley, warmooley, seefleey, qoryooley, waxaana ay xarun u noqotay ciidan gaaraayo 2,000 iyadoo ay hoos imaanaayaan 12 xero farac ah kana mid yihiin Xerada Garas Weyne Xerada Goof Xawaal Xerada Budbud Xerada Galmo Xerooyinkaas qaar ka mid ah waxay ahaayeen xeroyin ilaalo, kuwo laga diro gurmadka deg dega ah, kuwa sahayda iyo dhaawaca. Dagaalki ugu dambeyay ee darawiish lagu quusiyo lagana reebay ciidan dhimasho iyo dhaawac faro badan goobta lagu hardamay loogana soo celiyay hantidii geela waxaa la dhihi jiray "Hareri Jirid” dib dambena looma arag daraawiish. Mid ka mid ah abaanduulayaashi ayaa yiri “faagaana facayo baa la dhigay fulayna jiir qaaday faransiisna feeraha ka hugun faqayna geel belay” markii la dilay abaanduulihi la dhihi “Faagaan” ayaa suugaantaan loogu baroor diiqay Midnimada sida taarikhdu sheegto waa furaha guusha, cadaaladuna waa udub dhexaadka aragtida bulshada isku misha sida diintu ugu tahay lama taabtaan oo naftu raqiis ugu tahay in lagu bixiyo difaaceeda “Gobolka Cawl” Berigii Gumeystaha Talyaaniga waxaa laga weeraray bulshadaas iyadoo lagala wareegay 700 neef oo geel ah. Maadaama geelu Soomaalidu u yahay laf-dhabar iyo nolol. Dadka goboka Cawl waxay weerar ku qaadeen ciidamadii Talyaaniga halkaas oo ay ku dileen askar kuna furteen geeli laga weeraray. Waxaana halkaa ka baxay shirib suugaaneed caan noqday oo ku faafay shaldhiyada booliska oo qoraalo faro badan lagu qoray kaas oo dadka amakaag ku riday markii laga awood roonaaday dowladii ciidamadeeda awooda la bidayay. Shiribkana waa “Bali Cadaad iyo Bur Duqoow ma beero boliis aa ku yaal” shiribkaan waxaa lagu qoray shaldhigyo badan oo ay ka mid yihiin kuwa Bay, Bakool, Muqdishu, iyo Mudug Sidaas oo kale waxay u direen “Hobyo” ciidan 300 nin ah si ay gacan uga geeystaan kicintii iyo dumintii Cali Yusuf Cali oo la maaganaa deegaanka in uu ku soo fido qeybaha xeebaha koonfureed. Halkaasna waxaa ku istaagay damaciisii Suldaanimo Cali Yusuf Cali, ilaa markii dambe duulaan uu gaadmo ula soo damcay Gobolka, isagiiba gacanta lagu dhigay oo Nolosha lagu qabtay. “Gobolka Cawl” waxaa ku taalo degmada Gal-libaax, degmadaas waxay magacaas ku qaadatay markii ay halkaas ku noolaayeen libaaxyo tiro badan oo dad cun ah, libaaxyadaas waxay u suurto galin waayeen dhamaan dadka iyo duunyada in ay halkaas ku noolaadaan Sanadkii 1938dii, cabasho badan oo dadka deegaanka ay soo gaarsiiyeen Sheekh Ibraahim Yare ayaa waxaa uu u dalbay nin shiish yaqaan ah oo lagu magacaabi jiray suubiye bacadoow, ninkaas ayaa dilay libaaxyo gaaraayo 36 (sodon iyo lix). Sidaasna waxaa ku baxay magaca Gal-libaax “Gobolka Cawl” Gobolka wuxuu xiriir gobonimodoon u sameeyay dhalinyaradii SYL “Somali Youth League” waxaana uu ku lahaa xubno firfircoon oo sedex ah. Halgamayaashaas waxay ahaayeen kuwo ka soo jeedo gobolka kana mid yihiin 1: Cismaan Geedi Raage 2: Maxamed Faarax Hilowle 3: Maxamed Cali Nuur. “Gobolka Cawl” wuxuu xiriir la lahaa xukuumadii ismaamulka Soomaalida, waxaana booqasho howled ku tegay Allaha u naxariistee wasiirkii arimaha gudaha mudane Muse Boqor, waxaa kale oo yimid Wasiirkii warfaafinta Cali Maxmed Hirabe sanadkii 1957. Markii la gaaray 1da Lulyo waxaa uu amray Sheeqa caanka ah ee Sheekh Ibraahim Yare, oo ahaa qofkii aasaasay degmada Masagoweyn in la suro guri kasto calanaka Soomaaliya ee xidigta shanta gees leh http://shaaciye.com/?nid=2828 for more info
  11. Eid Mubarak reer SOL have a great day y'all !!
  12. Mashallah Ciidaan waa ciid barakeysan
  13. mashallah,, Viva Xamar cadeey wey duushay lol
  14. Aaliyyah waakula qabaa sis saas ayaa roonba..
  15. hahahah waar ii daaya fanaanka,, ku socotoo fariintii qalbigii muraayadiiiiiiiis
  16. loooool@mise tu furay uu dan ka lahaa..
  17. anaa ku sheegaayo the wrong, mareykan iyo their allies saliida ayeey rabaan iney dhacaan capitalist tuugo, laba daran dooro waa saa sheegtay i hope for the best, nin Omar Mukhtar oo kale ayeey ku fiicantahay Dalkaasi.
  18. Im tellin u ama dowladd maqaarsaar oo danaha mareykan ka shaqeysaa imaaneysa.
  19. Honestly i think inuu Ghaddaffi uu roonaa they gonna be a new somalia