oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Kadib markii duqeymo iyo dagaalo xoogan ay maanta ka dhaceen deegaanka Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow, ayaa waxay Dowladda Soomaaliya ay ku guuleysatay inay dagaalo culus kula wareegto. Dagaalo culus ayaa waxay maanta ka dhaceen deegaanka Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow, iyadoo dhinaca kalana ay jiraan duqeymo xoogan oo dhinaca cirka ah oo loo-geystay Shabaabka Qooqaani. Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo ay kaabayaan Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni, ayaa waxay dagaalo qaraar ay Xoogaga Shabaab kula galleen deegaanka Qooqaani. Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Ciidamadda Jabhadda Raaskambooni, ayaa waxay xaqiijiyeen gacan ku heynta deegaanka Qooqaani ee duleedka degmada Afmadow ee Gobolka Jubbada Hoose. Wariyaha Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com ee magaaladda Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose Deeq Cabdulle “Deeq Fantastic”, ayaa wuxuu xiriir khadka teleefanka uu kula sameeyay, Afhayeenka Ciidamadda Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Gobolada Jubbooyinka Cornel Maxamed Faarax Daahir. Masuulkaan ayaa wuxuu Shabakadda Warbaahinta ee Dhacdo.com uu caawa u sheegay, inay dagaalo xoogan kula wareegeen deegaanka Qooqaani, isagoo sheegay in Xoogaga Shabaab ay si weyn u wiiqeen, ayna iskaga carareen deegaanka Qooqaani. Majirto wax war ah oo ka soo baxay dhinaca Xarakada Al Shabaab, oo ku aadan in dagaalada ka dhacay deegaanka Qooqaani loogala wareegay deegaankaasi, hase ahaatee saacadaha soo socda ayaa waxaa dhici kareysa, inay ka kala hadlaan.
-
Great one Xaaji, hooyadu waa lama huraan!
-
Im just tellin u zack Labadda xabashba waa same shit waxba isma dhaamaan, anigana ONLF wax xun kama sheegin oo taageero ay ka helaan eritrea aan dhahay lee, eritriea intention-ka ay ka leedahay taageerida ONLF waa in dagaalka halkaas ku xoognaato ileen ertrianku waa fulay oo ethiopian ay ka cabsahaayan,, Atleast shariifkaas aad wax ka sheegeysid la'aantiis maanta xabashi baa joogi laheyd meelkasta...
-
Zack sheekada ma fahansano eritrea waxey mucaawinadda uu siineyso somalia waa only politically sheeko waaye waxba kama jiro istustus kaliya waaye, wuxuu uu taageersanyahay neh wax kale mahee ONLF bey taageero siiyaan and why is that? Ujeedada waxa waaye in ethiopia ay ku mashquusho somalida wax kale mahaa eritrea and ethiopia same shit waaye waxba isma dhaaman in my eyes.
-
Aamiin ducadiina dhamaantiin waaku mahadsan tihiin walalaayaal!
-
dadka gargaar waan siineeynaa hadhoowtina waa xasuuqeena intay iska soo gaashaa wallee yaab ii amakaag anuka aragnaye bisinkee
-
Mogadisho residents are rebuiling their Capital Aljazeera+VIDEO
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
Beledkii bilicda lagu yaqiinay wey soo laaban! -
MMA maya sxbow waa baaqday arimo ayaa ii soo gashay november ayaan ka dhigay instead.
-
^^Aamiin sis, Thanks you! Waxaa idinku talin lahaa hooyoyinka in baari loo noqdo oo la xasuusto dhibka ay naga so mareen iyo waajibka lagu leeyahay , i see kids nowadays oo disrespectful ah oo waalidka ku af celinaayo..
-
Val same here sweet lyrics, yeah i miss my hooyo (AUN) very much she died when i was 9 years in the beginning of the civil war..
-
lool waxkasta ma iska qortaa
-
Xad beenaadka la dhex dhigay Banaadir iyo Bakool
oba hiloowlow replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in Politics
Fuleysanaa shabaab shacabka kaliya ay ka adag yihiin waryaada ragganimo hadaad leedahiin orod oo beegsada goobaha ciidanka dowladda, shacabka in loo dhaarto everyday ama la iska ciqaabo waa naflacaarinimo ee hadaad rag tihiin is keena aaga dagaalka dabadda haa xijinaa nimanka faciina bilahi caleyk -
Ciidamada Dowladda Oo La Wareegay Warshada Baastada!
oba hiloowlow replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Subaxii alaseeydaa waa Suuqa xoolaha gaar ahaan Maslax iyo Dayniile Banaadir waala xaqiijiyay, next step waa goboladda hadaan qiyaaso waxaan kaartada, ciidamada dowladda 4 jiho ayaay ka hajuumi doonan, jidka aado Marka ee dhanka jaziira oo looga danleeyahay Kismaayo iyo Marka, Dhanka Suuqa xoolaha oo loogaga gudbayo Balcad,jowhar iyo Buulo burde,waqooyiga oo bartilmaamedku yahay deeganadda xeebta ku teedsan sida Cadale,Warsheekh Ceeldheer iyo area-daas iyo jidka aado Afgooye. -
Waaryeeh (waqooyi)-Waryaa(goboladda dhexe)-Aryaa(konfurian) lool
-
Baarlamanka Oo Baabi’iyay Heshiisyadii Badda Ee Hore Loo Galay
oba hiloowlow replied to Shinbir Majabe's topic in Politics
Gaacuur sxb thanks for the update wax la is weydiin jiray baa ka jawaabtay, howsha wacan halkaa kasii wad! -
Dibad bax bllaaran oo ay ka qeybgaleen kumannaan ka mid ah dadweynaha Muqdisho isla markaana looga soo horjeeday xasuuqa ay sahabaab ku hayaan shacabka Somaaliyeed ayaa maanta ka dhacay Muqdisho. Isu soo baxan oo ahaa kii ugu weynaa oo muddooyinkan ka dhaca Muqdisho ayaa waxaa ka qeybagalay qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay ugu horreeyaan ardayda, waalidiinta ayaa waxa ay socod ku soo mareen qeybo ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, kuwaas oo ku qeylinayay halku dhigyo ka dhan ah malleeshiyaadka Khawaarijta ah ee Shabaab. Dibadbaxayaasha oo markii dambe isugu soo ururay garoonka kubbadda cagta ee Koonis ayaa waxaa halkaasi kula hadlay mas’uuliyiinta ugu sarreeysa dowladda oo ay ka mid ahaayeen Madaxweyne Shariif R/wasaare C/weli, wasiirro Xildhibaanno saraakiil ciidan iyo mas’uuliyiinta gobolka. Gdudoomiyaha G/Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo halkaasi ka hadlay ayaa muujiyay sida uu uga xunyahay gumaadka ay shacaka ku hayaan kooxda Khawaatijta isagoo dhanka kale rajo wanaagsan ka muujiyay in shabaab ay baxayaan. Wasiirka wasaaradda Cadaaladda,awqaafta iyo arimaha diinta Ugaas Bile oo madax u ah guddi uu madaxweynuhu u magacaabay sidii ay u daryeeli lahaayeen dadkii ku waxyeeloobay qaraxii ardayda lagu laayay oo halkaasi ka hadlay ayaa warbixiyay xaaladii dhaawacyada la qaaday. Ugaas Bile ayaa tilmaamay in dowladda Turkiga ay qaaday 36 ka mid ah dhaawacyadii ugu darnaa oo ay ay wehliyaan 36 kale oo eheladooda ah, wuxuuna tacsi u diray arday geeriyooday markii la qaaday kadib kaas oo lagu magacaaboAsad Cabdi Saciid, lix ka mid ah dhaawacyadaasi ayuu sheegay in xaaladuudu ay aad u liidato. Dibad baxaasi ayaa ku soo dhamaaday jawi aad u nabdoon iyadoo ciidamada dowladuna ay ku guuleeysteen sugidda amaanka dibadbaxayaasha.
-
Popular Contributors