oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Abdi Shire Jama '' Ciyaar Jecel'' Arrives in Mogadishu, Banaadir
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
Fanaanin Soomaaliyeed oo uu horkacayo heesaga caanka ah ee Cabdi Shire Jaamac ayaa maanta ka soo degey garoonka dayuuradaha e Aden Cadde. Fanaaniintan ayaa si weyn loogu soo dhoweeyey garoonka dayuuradaha iyadoo dadkii halkaas isugu tegey ay ka mid ahaayen fanaaniin badan oo ku nool magaalada Muqdisho. Cabdi Shire Jaamac Ciyaar Jecel oo ka mid ah kooxda Qeylodhaan ee ka dhisan dalka Ingiriiska ayaa u sheegay saxaafada ujeedada booqashadooda in ay la xiriirto sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarinta dalka gaar ahaan sidii loo xallin lahaa khilaafaadka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliyeed. Waa markii ugu horeysey muddo 24sanadood ah oo uu dalka yimaado fanaanka Cabid Shire Jamac iyadoo uu dalka ka tegey xilli garoonka dayuuradaha ee magalada Muqdisho uu si caadi ah u shaqeynayo, waxana uu sheegey fanaanka in markii uu dalka ka dhoofayay uu raacay dayuuradii Somaliairlines. Maareeyaha Golaha murtida iyo madadaalada Cabdi Dhuux Yuusuf ayaa ka mid ahaa fanaaniinta soo dhoweeyey fanaanka Cabdi Shire Joqle,waxana uu ku amaanay Cabdi Shire sida kooxda Qeylodhaan ay ugaga qeybqaadato horumarinta fanka Soomaaliyeed. "Runtii aad iyo aad ugu faraxsanahay in Muqdisho lagu soo dhoweeyo labo abwaan oo qaali ah, oo nooga yimid dalka dibadiisa, maanta waxaa arki doontaan dareenkii ay dibada ka muujin jireen inay halkan yimaadaan ayna ku muujiyaan dareenkooda"ayuu yiri Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf. Abwaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in MUqdisho uu yimaado 24-sano kadib, isagoo xusay in Soomaaliya uu ka tagay 1988-dii. "Aniga sanadkii 1988 ayaa garoonka ka dhoofay, waliba diyaaradii Soomaali Airline ayaa uga dhoofay, waxaan ka maqnaa Soomaaliya 24-sano, maantana inaan dib ugu soo laabto waa ku faraxsanahay"ayuu yiri Abwaan Cabdi Shire Ciyaar Jecel. Kooxda Qeylodhaan ayaa waxa ay ka mid tahay kooxaha farokutiriska ah ee dalka dibadiisa ka dhisan waxana kooxdan ay hore u sameysey heeso badan oo dhinaca wadaniyada ah ayna ka mid yihiin hees ay ka sameeyeen qaraxii Shamo, hees ka hadlaysa baarlamaanka iyo heeso kale. Imaanshaha fanaankan Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku soo beegantay xilli dhowaan dib loo furay Golihii Murtida iyo Madadaalada ee National Theatre. -
Abdi Shire Jama '' Ciyaar Jecel'' Arrives in Mogadishu, Banaadir
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
Abwaanka weyn ee kooxda Qeyladhaan Cabdi shire Jaamac “Cayaar Jecel” ayaa Maanta soo gaaray magaalada Muqdisho, xilli bilihii u danbeeyay ay dalka ku soo Qulqulayeen aqoonyahanno iyo mas’uuliyiin kala duwan. Boqollaal dadweyne ah ayaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho Waxaa ay maanta si diirran ugu soo dhaweeyeen Labada Abwaan ee kala ah Cabdi Shire Jaamac iyo Maxamed Xuseen Abuukar “Awliyo” Soo dhaweeynta abwaaniinta ayaa waxaa hormuud ka ahaa Maareeyaha Tiyaatarka Cabdi Dhuux, Abwaan Guure iyo fannaaniin farabadan. Maareeyaha Tiyaatarka C/dhuux Yuusuf oo hadallo soo dhaweyn ah halkaasi ka jeediyay ayaa ku amaanay dadaalka ay muujiyeen iyagoo ku sugnaa UK iyo sida wanaagsan oo ay bulshada ula hadleen. Abwaan “Ciyaarjecel” oo la hadlay dadweynihii soo dhaweeynayay ayaa muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay in 24 sano kadib uu dib ugu soo laabto dalkiisii hooyo, isagoo tilmaamay in ujeeddada uu u yimid ay tahay in uu gacan ka geysto walaaleeynta ummadda Soomaaliyeed. Imaatinka Abwaaniintan ayaa dhiirigelin u ah jaaliyadaha kale, waxeyna dhanka kale muujineysaa in Muqdisho ay tahay meel nabad ah oo la iman karo, kadib markii dowladda KMG ah ay ku guuleeysatay sugidda abwaanka. -
Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jacel” ayaa wuxuu maanta uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wefdi uu horkacaayay Agaasimaha Golaha Murtida iyo Madadaalada "National Theatre" Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, ayaa waxay si weyn Cabdi Shire Jaamac ay ugu soo dhaweeyeen Garoonka Diyuuradaha ee Aadan Cadde. Cabdi Shire Jaamac oo goobtaasi kula hadlay bahda Saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in marka hore uu Magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay muddo 24 sano kadib ah, isagoona mudadaasi fog sheegay in uu dalka kaga maqnaa dibadda. Mar uu ka hadlaayay sababta uu Magaalada Muqdisho uu ugu soo laabtay ayaa wuxuu ku sheegay in uu dhexda u soo xirtay, sidii uu dhex dhexaadin uga dhex bilaabi lahaa Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya. “Baarlamaanka Soomaaliya waxaad ogsoon tihiin in uu laba garab u kala jabay, marka waxaan doonayaa inaan dhex dhexaadiyo, isku soo dhaweeyo, guul ku soo dhameyno khilaafaadka xoogan ee xilligaan ka dhex jira Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jacel”. Arinta xiisaha leh ee dadku ay si cajiib leh u fasirteen ayaa waxay noqotay, markii uu ka digay in dadaalada xilligaan ay wado Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya loogu yeero, “Xilliga Kala Guurka ee Xukuumadda”, ee loogu yeero xilliga Isbadelka ee Xukuumadda. Ciyaar Jacel ayaa wuxuu Ummada Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay nabadda qaataan, ayna ka taggaan nin jecleysi iyo hagardaamo, bacdamaa sida uu sheegay ay taasi dib u dhigtay dalka iyo dadka Somaliyeed, ayna niyad ahaan tahay waxaan wanaagsaneyn. Ciyaar Jacel oo halbowle u ah Kooxda Wadaniga ah ee Qaylo Dhaan, ayaa wuxuu sameeyay heeso badan oo xamaasad ku beeray shacabka Soomaaliyeed, isagoona heesahaasi ku beegay dhibaatada dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhiigoodu leeskaga baneystay, waxaan macno badan xambaarsaneyn.
-
Abwaanka weyn ee Soomaaliyeed Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jacel” ayaa wuxuu maanta uu soo gaaray Magaalada Muqdisho, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyuuradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho. Wefdi uu horkacaayay Agaasimaha Golaha Murtida iyo Madadaalada "National Theatre" Abwaan Cabdi Dhuux Yuusuf, ayaa waxay si weyn Cabdi Shire Jaamac ay ugu soo dhaweeyeen Garoonka Diyuuradaha ee Aadan Cadde. Cabdi Shire Jaamac oo goobtaasi kula hadlay bahda Saxaafadda ayaa wuxuu sheegay in marka hore uu Magaalada Muqdisho uu dib ugu soo laabtay muddo 24 sano kadib ah, isagoona mudadaasi fog sheegay in uu dalka kaga maqnaa dibadda. Mar uu ka hadlaayay sababta uu Magaalada Muqdisho uu ugu soo laabtay ayaa wuxuu ku sheegay in uu dhexda u soo xirtay, sidii uu dhex dhexaadin uga dhex bilaabi lahaa Xubnaha Baarlamaanka Kmg ah ee Soomaaliya. “Baarlamaanka Soomaaliya waxaad ogsoon tihiin in uu laba garab u kala jabay, marka waxaan doonayaa inaan dhex dhexaadiyo, isku soo dhaweeyo, guul ku soo dhameyno khilaafaadka xoogan ee xilligaan ka dhex jira Baarlamaanka” ayuu yiri Cabdi Shire Jaamac “Ciyaar Jacel”. Arinta xiisaha leh ee dadku ay si cajiib leh u fasirteen ayaa waxay noqotay, markii uu ka digay in dadaalada xilligaan ay wado Xukuumadda Kmg ah ee Soomaaliya loogu yeero, “Xilliga Kala Guurka ee Xukuumadda”, ee loogu yeero xilliga Isbadelka ee Xukuumadda. Ciyaar Jacel ayaa wuxuu Ummada Soomaaliyeed uu ugu baaqay inay nabadda qaataan, ayna ka taggaan nin jecleysi iyo hagardaamo, bacdamaa sida uu sheegay ay taasi dib u dhigtay dalka iyo dadka Somaliyeed, ayna niyad ahaan tahay waxaan wanaagsaneyn. Ciyaar Jacel oo halbowle u ah Kooxda Wadaniga ah ee Qaylo Dhaan, ayaa wuxuu sameeyay heeso badan oo xamaasad ku beeray shacabka Soomaaliyeed, isagoona heesahaasi ku beegay dhibaatada dalka iyo dadka Soomaaliyeed oo dhiigoodu leeskaga baneystay, waxaan macno badan xambaarsaneyn.
-
Mashallah Banaadir oo sideeda hore noqon rabta
-
Magaalada Muqdisho oo ka mid ah Caasimadaha ugu cabsida badan Caalamka ayaa 21-sano kadib bilaabeysa inay la jaan-qaado magaalooyinka caalamka ee bilicdsan, iyadoo xaalada ay gashay magaalada ay ka duwan tahay sidii 10-kii sano u dambeeyay aheyd. Muuqaalkii Muqdisho dad badan ayaa marka ay dhagahooda ku soo dhacaan ama dib u milicsadaan bersimaadkii ay suura gal tahay inay ilmo ka soo daato, marka uu isku bar bar dhigo sidii waagaas iyo hada. Laakiin ifafaalaha hada ka muuqda Caasimada ayaa ah mid dad badan aysan rumeysaneyn, kadib markii ay dhaceen is bedelo, waxaana inkastoo falal amni daro jiraan, hadana waxaa socda dadaalo la xiriira sugida amaanka Muqdisho iyo sidii muuqaalka magaalada uu dib ugu soo hagaagi lahaa. Madaxweynihii hore Soomaaliya Allaha u naxariistee Maxamed Siyaad Barre ayaa ka digay hadii uu xukunka laga tuuro in Muqdisho ay bur bur u dambeyn doonto, isla markaana ay ku soo hari doonto magaalo wado kaliya leh. Hanjabaadaas ayaa noqotay mid run ah kadibmarkii dalka Soomaaliya ay ka bilowdeen dagaalo sokeeye kadib 1991-kii. waxaana burburay haykalkii taarikhiiga ahaa ee magaalada Muqdisho, iyadoo inta badan magaalada ku burburtay dagaaladii sokeeye ee isaga kala dambeeyey. 21-sano iyo siddeed bilood kadib oo ay magaalada ka baxeen Al-Shabaab oo xiriir la leh Ururka Al-Qaacida kadib markii ay cadaadis saareen ciidamada Midowga Afrika iyo ciidamada dowlada ayaa waxaa magaalada Muqdisho ka socda dib u dhis iyadoo qiimahana uu sare u kacay. "Ammaanka lama isku haleyn karo, laakiin dadka waxa ay doonayaan in noloshooda dib u dhisaan,"ayuu yiri Ahmed Sheekh Gure oo ka mid ah ganacsatada Soomaalida oo la hadlay Wakaalada Wararka ee AFP. "Dadka waxa ay dib u dhisayaan dhismooyinkii burburay,"ayuu sii raaciyey isagoo hortaagan dhisme la dayactirayo. Inkastoo dagaalada aysan weli ka dhamaan dalka Soomaaliya ayaa haddana Xoogaga Al-Shabaab ay ka baxeen bishii August magaalada Muqdisho. Calaamadaha dagaalka ayaa ka sii muuqda magaalada iyadoo kumanaan ruux ay ka carareen guryahooda ayna ku sugan yihiin, guryo badan ayaa weli waxaa ka maqan saqafkii kore balse waxaa socda haatan dib u dhis ballaaran. Suuqa ugu weyn Bakaraha oo ah kan ugu weyn magaalada Muqdisho ayaa waxa ka sii dhamaanaya calamadaha dagaalka, markii muddo dhowr bilood dagaaladii u dhaxeeyay Ciidamada dowladda kuwa Midowga Afrika iyo Al-Shabaab ay ka socdeen."Uma maleyneysid xitaa in uu halkan dagaal ka dhacay," ayuu yiri Guure "Illaah ayaa Mahadaa leh sababto ah dadku waxa ay heleen fursado ay dib ugu dhistaan guryahooda." Suuqa Bakaraha ayaa bilooyin badan ahaa meel laga kala cararay iyadoo ganacsatadii iyo dadkii degenaa ay ka qaxeen dagaalada. Iyadoo ay sii socdaan dagaalo badan oo ka dhacaya gobolada iyadoo ciidamada Midowga Afrika iyo kuwa Itoobiya ay dhinaca koonfureed uu dagaalo ku dhex marayo Al-Shabaab ayaa dadka ka imaanaya dibadda waxa ay dib ugu soo laabanayaan magaalada Muqdisho. "Dadku waxa ay dib u dhisayaan guryahooda,"ayuu yiri afhayeenka dowlada Abdurahman Omar Osman."Soomaalida qurbojoogta ah ayaa dib u soo laabanaya si ay gacan uga geystaan ganacsigana dib ayuu u bilaabanayaa." Dayactirka ka socda Muqdisho waxaa uu yahay mid lacago badan ay ku baxayso, waxaana dadka ay dayactir ku bilaabeen guryahooda iyadoo guryo badan ay ku qasabtay dadka in ay dib u dhisaan kadib markii madaafiicda la isku weydaarsanayay dagaalada ay ku dhaceen. Alaabaha guryaha lagu dhiso ayaa sare u kacay, waxaana guryaha qaar ay dhacdaa in dhismaha uu ku kala go'o marka uu dhamaado alaabaha, tiiyo suuqyada qaar ay ka dhamadaan, waana tan keentay in Dekeda Muqdisho ay ka degaan qalabka dhismaha todobaadkiiba labo jeer. Qeybaha dhismaha ee magaalada Muqdisho ayaa hadda noqday mid shaqo badan ay ka socoto, waxana dadka dhismaha ka shaqeysta ay bilaabeen inay shaqo helaan, bedelkii horay u ahaa kuwo shaqo la'aa, waana ay kugu adag tahay in hadii aad guri dhisaneysid sidii fududaa ee aad ku heli jirtay shaqaale aad howsho, waxaana layaab ah in todobaadyo ka hor inta aadan dhismaha guda gelininaad sii wargeliso oo aad sii carbuunato, waaba hadii aadan saf u gelin helitaanka shaqaale.Inta badan dhismooyinka xaafadeena waa la habeeyey, hadda xaafadu wey ifeysaa bilicduna way soo laabatay kamana muuqato raadadki dagaalka," sidaa waxaa tiri Fadumo Moalim, oo ah hooyo leh siddeed caruur ah oo ku nool degmada Wardhigley oo la hadashay AFP. Dib u dhiska Muqdisho waxay sidoo kale sababtay in uu kor u kaco qiimaha lagu kala iibsan jiray dhulka banaan ee aanan dhisneyn ama guryaha dhisanba. "Iibinta dhul ama guri magaalada Muqdisho ku yaala baryahaan aad ayey u adag tahay maxaa yeelay waxaa kor u kacay qiimaha, ganacsatadu wax bay gadanayaan welina cabsi ayaa ku jirta maxaa yeelay dagaaladi wali ma dhammaan," sidaa waxaa yiri Abdukadir Bashir oo ah ganacsade.Qiimaha guryaha ayaa noqday kuwo hadba lagu qiimeeyo halka uu ku yaalo, waxaana dhulalka ama guryaha dhisan ee wadooyinka faras-magaalada ku yaala ayaa ah kan ugu qiimaha badan. Dhismayaasha qaar ee Magaalada laga hirgalay ayaa noqday kuwo dadka soo jiitaan hababka loo dhisay ama naqshad ahaan, waxaana Engineerada dhisaha guryaha ay bilaabeen inay ku soo kordhiyaan magaalada naqshado guryaha la dhisayo oo ay ugu ekeysiinayaan kuwo magaalooyinka Caalamka.
-
loooooool naga daaya dee ninka waxba ma haye
-
Laakin dee coofle waxaad tiri "they made us believe in genocide" which did happen oo video baa la wada arkay moorgan oo amraya in gantaalo culus lagu garaaco meel populated waliba the 2nd caasimad ah
-
Soomaliya dhan qabiil kasta waala xasuuqay in someway..
-
Beentu waa xaaraan sxbayaal xasuuq inuu ka dhacay waqooyiga Soomaaliya maa maanta xaqireysaan.
-
The Citizien part, the part About Caasimadda iyo qodobbo kale, odayashu waxey rabaan dastuurkii 1960kii and i dont see a problem using that one.Even Madaxweynaha ayaa diidan dastuurka maxaa odayashaa iyo culimadu ka rabtaan?
-
Professor Cali Khalif Galaydh rejects the new constitution
oba hiloowlow replied to Xaaji Xunjuf's topic in Politics
^^ hahah waa tanaa propogandadi xalwadle uu ahaa, isbaaro aa lo dhigtay,,nabad-diid,, adeerayaal naga daaya dee -
xiinfaniin;825216 wrote: So the only problem with the constitution is Puntlanders support it. Read my answer to Taleexi on teh same question its not a problem but ujeedadeeda aanan la fahansanen im sure in aysan ka wadani,caqli, badneen soomalida kale so it makes u think ninyahow.
-
^^ sxb this is not a qabiil thing but what makes me wonder how come everyone in this forum or in reality who support this dastuur thing is planders why is that?
-
^^ Beel dhan odayasheeda ayaa ku xadgudubtay markaasa dhowr ruux quote garayneesin
-
Adeer Xiinfaniin sii deg deg uu jooji propogandada aad buunbuunineysid, adeer muuse suudi kaliya ma diidin, 700 odayaal oo ay ku jiraan Malaaqa,ugaaska,Imaamka tolka iyago shir ku qabtay Hotel Naaso-Hablood 2 waxey dhaheen ''Anaga waaa diiiidnay''.. Reer goboladda dhexe iyagana 600 oo odayashood ugu caansan Hotel Saxafi bey ku kulmeyn, sidoo kale bey ku yiraahden. Haye marka Xiinfaniin dadka fikradooda ka hadla waa nabad-diid yaah,
-
WaagaCusub Chronicles On The Khat Ridden So-Daalay-Land Administration
oba hiloowlow replied to Dr_Osman's topic in Politics
hahahahahah sxb u must be a comedian or something nin asiga pirate ah ayaa dad moryaan ku tilmaamayo, -
WaagaCusub Chronicles On The Khat Ridden So-Daalay-Land Administration
oba hiloowlow replied to Dr_Osman's topic in Politics
haye igaarkeyow bes, puntland ayaa ugu ciidan xoog leh aduunka, puntland ayaa somalia mucaawinadda ugu badan siiso aduunka oo dhan, puntland dadkeeda waa kuwa ugu taajirsan soomalia, saliida ugu badan aduunka dharoor valley ayaa laga helaa,, waah waah mashallah
-
Popular Contributors