oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Augori, Hambalyo,Congratulations, Somalia 52 Years!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
-
Augori, Hambalyo,Congratulations, Somalia 52 Years!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
Dabaaldegyo lagu weyneynayo maalinta xorriyadda ee 1da Lulyo ayaa xalay iyo maantaba ka dhacaya Muqdisho iyo gobollada kale ee dalka, iyadoo dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaanba si xamaasad iyo qiiro waddaniyadeed leh uga qeybqaadanayaan xuska maalinta xorriyadda oo sanadkan Muqdisho looga xusay si ka duwan sanadihii la soo dhaafay. Iyadoo xafladdii ugu ballaarneyd ee ka dhacday gudaha dalka xalay lagu qabtay xarunta madaxtooyada qaranka ee Villa Soomaaliya ayna ka qeybgaleen madaxda qaranka, Saraakiisha ciidamada qalabka sida, cutubyo ka tirsan ciidamada XDS, hooyooyin iyo marti sharaf kale ayaa haddana xaflado kale waxa ay ka dhaceen magaalooyinka Dhuusamareeb, Beledweyne, Beydhabo, Beled-xawo, Balcad, Afgooyo iyo magaalooyin kale kuwaas oo si weyn looga xusay maalinta weyn oo 1da Lulyo. Maantana Muqdisho waxaa ka socda dabaaldeg iyo fantasyo aad u ballaaran oo aysan hore u arag da’yarta ama dhallinyarada aan iyagu hore u soo dhadhamin nidaamka dowladnimada iyo qiimaha xorriyadda, waxaana la xiray dhamaan waddooyinka muhiimka ah ee Muqdisho sida waddada Maka Almukarama, ilaa garoonka Kubbadda Cagta ee banaadir, iyadoo kooxaha Bambeyda ay horkacayaan kummannaan dadweyne ah oo socod ku marayaann waddooyinka Muqdisho. Dibadbaxa ka sokow waxaa xusid mudan ama wax lagu farxo ah in dareenkii waddaninimo ee bulshada uu sare u kacay wixii ka dambeeyay markii Muqdisho laga saaray kooxda banneeysatay daadinta dhiigga ummadda Soomaaliyeed iyo boobka hantidoodaba, waxaana sida muuqata soo laabatay kalsoonidii shacabka mar haddi aysan dheg jalaq usiineyn hanjabaadaha iyo gooddiga ka imaanaya maleeshiyaadka kooxda shabaab. Waxaad la ashqaraareysaa ama la uurgubaneysaa marka aad aragto dhallinyaro aad u da’yar oo la ilmeeynaya una muusaabaysa jaceylka dalka, dadka, ciidda iyo Calankoodaba isla markaana ku qeylinaya kalmado ay ku muujinayaan sida ay ugu hilowsanyihiin dalkeenna oo hagaaga oo ay ka hanaqaaddo dowlad awood u leh in ay maamusho dalkoo dhan soona celisa isjacelyki iyo isku duubnidii shacabkeenna Soomaaliyeed. -
Augori, Hambalyo,Congratulations, Somalia 52 Years!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
-
Augori, Hambalyo,Congratulations, Somalia 52 Years!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
-
Augori, Hambalyo,Congratulations, Somalia 52 Years!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
sareeyoow calankaygoow sumadii wadankaygoow, samada kii u ekaayoow Sanad Guuro wanaagsan. sareeyoow dabcigaagiyo waxaad saaka ku toostiyo waxaad soo martay oo dhan anba waan la socdaaye sanad guuro wanaagsan. sida aad tahay maantiyo noloshaada sirteedu ima seegana oo sanadihii u danbeeyay wixii aad ku sugnayd anba waan la socdaayo kaama seexdo habeene sanad guuro wanaagsan. sadrigaygiyo laabtiyo sanbabkayga dushiisuu iiga yaal sawirkaagoo samahaagiyo guuliyo inaad soo noqotoo samadaa ka hilaacdaan saatir kaaga baryaayo silic kuuma rajeeyee sanad guuro wanaagsan. cabdilaahi suldaan iyo sareeyoow ma nusqaamoow kana siib kana saar markaan soo yar xasuustaan saydhiyaa il-madaydoo naftu seexadka diidaye sanad guuro wanaagsan. seef laboodku dhammaan saxariirta aduunkiyo silic bay ku badeenoo calan aan sal lahayn inay soo sawirteenoo samadaa babiyeen adna ay salka hoosiyo sagxadaa ku dhigeen sareeyow maqlay taasnee sanad guur wanaagsan. si kaloon ku idhaahdo saaka kuu garan maayo saq-dhexaan ku jirnaayo saan-saantaan arkaayaayoo saadaashaadu ma fiicnee samirkaaga dugsoo salaantayda guddoonoo sanad guuro wanaagsan. sareeyoow adigoon aduunkoo dhan safaarad samadaa widhwidhaynoo magacaagu sarrayn saraakiil & ciidan salaan kuu fidinayn subaxdiina schoolka ubadkoo saf utaagan sacab kuu tumahayn aduunkaan silicaa allow yaanan sagootin saatirow rabiyow inta aanan socdaalin su,aashaadayda ajiib.. -
Augori, Hambalyo,Congratulations, Somalia 52 Years!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
Munaasabaddo loogu dabaal degayo Koowda Luulyo oo ku beegan caawa sanad guuradii 52aad ee kasoo wareegatay markii ay gobollada Koonfureed ee Dalkeenna xornimada ka qaateen gumeystihii Talyaaniga islamarkaana ay midoobeen gobollada Koonfur iyo Waqooyi ayaa ka kala socota gudaha Dalka iyo Dibadda. Munaasabadahan ayaa Munaasabadda ugu ballaaran waxey hada ka socotaa xarunta Madaxtooyada Qaranka ayadoo Munaasabadanna ay ka qeybgalayaan Madaxda ugu sareysa Dalka,mas’uuliyiin,fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada waxaana ay socon doontaa ilaa caawa saqda dhexe xiligaasi oo Calanka Jamhuuriyadda la saarayo. Isla magaalada Muqdisho Munaasabad iyana si heer sarre ah loosoo agaasimay ayaa ka soconeysa Taliska Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee Villa Beydhabo waxaana Munaasabadaasi soo qaban qaabiyey Taliska Ciidammada Xoogga Dalka sida uu soo sheegayo Sawir Qaade C/qadar Catoosh oo Villa Baydhabo ku sugan. Ammaanka Caasimadda ayaa si weyn loo adkeeyey caawa waxaana magaalada guud ahaanba laga dareemayaa Munaasabadan qiimaha badan ee Koowda Luulyo ayadoo markaad marto wadooyinkana aad ku arkeyso leyrar kala midabo duwan iyo calankeenna Sharafta leh oo meel walba suran. Sidoo kale Munaasbaddo iyana ay soo qaban qaabiyeen maamullada kala duwan ee ka jira gobollada Dalkeenna ayaa iyana ka kala socoto gobollada Shabeelada Dhexe,Hiiraan,Gedo iyo Jubooyinka oo iyagu sanadihii lasoo dhaafay aan Munaasabadahan laga xusin maadaama ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka diidan qarannimada iyo Jiritaanka umadda Soomaaliyeed halka gobollada Galgaduud, Mudug,Nugaal iyo Barri oo iyana sanad walba laga xusi jirey ay Munaasabaddo ka soconayaan sida ay kusoo waramayaan Wariyeyaasha Warbaahinta Qaranka ee gobollada. Dhanka Dibadda dalka Kenya magaalada Caasimadda u ah ee Nairobi gaar ahaan dhismaha Safaaradda Soomaaliya ee dalkaasi ayaa waxaa ka soconaya Munaasabad si heer sare ah loosoo agaasimay taasi oo Safaaraddu ay soo agaasintay waxaana ay tahay markii ugu horeysay ee wixii ka dambeeyey burburkii dhulka Safaaradda Soomaaliyeed ee Kenya in Munaasabaddan qiimaha leh lagu qabto waayo dhowaan ayey Safaaraddu ku guuleysatay dhulkaasi in gacantii Umadda Soomaaliyeed ay dib ugusoo celiso ayadoo Munaasabaddana ay ku sugan yihiin fanaaniin ay ka mid tahay Fanaanada Soomaaliyeed Hibo Maxamed Hudoon (Hibo Nuura). Turkiga magaallo madaxdiisa Ankara ayey iyana sidoo kale ka socotaa Munaasabad si heer Sarre ah loosoo agaasimay taasi oo ay soo qaban qaabisay Safaaradda Soomaaliya ee Turkiga. -
Augori, Hambalyo,Congratulations, Somalia 52 Years!!
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
Soomaaliyeey toosoo Toosoo isku tiirsada ee Hadba kiina taagdaranee Taageera waligiinee Idinkaysu tookhaayoo Idinkaysu taamaayee Aadamuhu tacliin barayoo Waddankiisa taamyeeloo Sharcigaa isku kiin tolayoo Luuqadaa tuwaaxid ahoo Arligiina taaka ahoo Kuma kala tegeysaan oo Tiro ari ah oo dhaxalaa Sideed laydin soo tubayoo Ninba toban la meel marayoo Cadowgiin idiin talin oo Tuldo geel ah oo dhacan baad Toogasho u badheedhanee Ma dhulkaas dhanee tegeybaan Ninna dhagax u tuurayn Qaran aan hubkuu tumayo Tooreyda dhaafayn Oo aan taar samayn karin Uur kutaallo weynaa Hadba waxaan la taahaayoo Togagga uga qaylshaa Nin dalkiisii cadow taaboo U tol waayey baan ahayee Hadba waxaan laa ooyaayoo Oo ilmadu iiga qubaneysaa Iqtiyaar nin loo diidoo La addoon sadaan ahayee -
-
Bahashaan sigaarka saa uu nacay lee balaayadda everytime i have to smoke inaan banaanka joogo waaye for 2 Hrs cause nobady knows i smoke
-
wooooow amazing stuff Geel-laq maxaan uu xiisay!! Yanyuurow where is shark's bay?
-
Faroole: Talks with secessionists not in the interest of Somalia
oba hiloowlow replied to Somalia's topic in Politics
Correction,,,Faroole: Talks with secessionists not in the interest of PL -
Carafaat;846457 wrote: Oba, why do people opposse these talks, what do you think? I really dont understand it. they are against horumar!
-
done!
-
Great!
-
Che -Guevara;846412 wrote: ^That raises many questions some of which I am afraid to ask. :D Aryaa Che Igaarka daa
-
Picture of the week. When the governor met the Boss.
oba hiloowlow replied to Mukulaalow's topic in Politics
I see Two great men! Good progress -
Che -Guevara;846375 wrote: ^Wyre is waterboy. hehe
-
It ended 2-1, Forza Italia!!
-
still 2-0 viva italia bro jarmalkaan xaa ku falee, italia plays the most beautiful football in the world
-
Ten places i have to visit during my life time
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in General
War ba'aa carafaat beenta jooji Reer Mudug waa wareer abihiis General Duke oo miiran waaye
-
Popular Contributors