oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Carafaat;851747 wrote: Oba, I though you were supporting Badiyoow. I support Dr.Baadiyow but he has zero chance -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Munaasabad Madaxweyne Shariif ku soo bandhigayo waxqabadkiisa oo Muqdisho ka dhacday Munaasabad uu soo qabanqaabiyay Madaxweyne Shariif Sh. Axmed isla markaana lagu soo bandhigayo waxqabadka Madaxweynaha iyo musharaxnimadiisa ayaa iminka ka socota magaalada Muqdisho, munaasabadaasi oo ay ka soo qeyb gelayaan xubnaha Dowladda KMG intooda badan ayaa la filayaa in saacadaha soo socda Madaxweyne Shariif uu ka jeediyo khudbad uu ku faahfaahinayo ujeedadiisa ku aadan qabashada munaasabadaasi ballaaran. Kulaan oo aan noociisa sanadahan lagu qaban magaalada Muqdisho ayna ka soo qeyb gelayaan kumanyaal qof oo isugu jira madax ka tirsan DKMG ah, siyaasiyiin, shaqsiyaad magac leh, iyo dad rayid ah boqolaal ruux oo isugu jira Mas'uuliyiin, Qeybaha bulshada, odayaasha dhaqanka, culumaa'udiin, Haween iyo fanaaniin. Gudiga Ololaha doorashada ee Madaxweyne Shariif oo soo qabanqaabiyay kulanka ayaa waxaa ka qeyb galayaasha ay ku soo bandhigayeen cida ay u arkaan inay jagada Madaxtinimada qabto, waxaana qeybaha bulshada ay lulayeen sawirka Madaxweyne Shariif. Maxamuud Axmed Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo kulanka ka hadlay ayaa sheegay in Muqdisho u diyaar garowday marti gelinta ergooyinka ansixin lahaa dastuurka, soona xuli lahaa Xildhibaanada cusub, iyo doorashada madaxtinimada ka dhaceysa Muqdisho. Waxaa sidoo kale kulanka hadallo kala duwan ka jeediyay qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka, sida Salaadiinta, Ugaasyada, Malaaqyada iyo Imaamyada, iyadoo ilaa shan oday dhaqameed matalayay shanta beelood ay khudbado ay ku muujinayeen in Madaxweyne Shariif dib mar kale u qabto madaxyinimada ka jeediyeen, iyagoo ku ammaanay mudadii uu xilka madaxweynenimo hayay. Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in si howsha dalka ka socota loo sii ambaqaado ay doonayaan in Madaxweyne Shariif mar kale sii haayo xilka madaxweynenimo, iyagoona caddeeyay in mansabka madaxweynenimo aan lagu tijaabin shaqsi aanay Soomaalidu aqoon badan u lahayn, balse Madaxweyne Shariif ay ******** waxtarkiisa. Madaxweyne Shariif oo aan weli soo xaadirin madasha kulanka ay soo qabanqaabiyeen guddiga doorashadiisa ayaa la filayaa inuu halkaasi ka jeediyo khudbad ballaaran oo uu uga hadlayo dowladiisu inay tahay tan kaliya ee qabatay wax muuqda, isla markaana ka codsanaya qeybaha bulshada Soomaaliyeed inay mar kale xilkaasi u doortaan. -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Kooxda daba galka Qaramada Midoobey ee Monitoring Group inay ka mid yihiin Cadawga Soomaaliya, isagoo si kulul uga jawaabay warbixintii dhowaan ay soo saareen, kaasoo madaxda dowladda ay ku eedeeyeen inay lunsadeen lacago fara badan oo deeq ahaan u heshay. Khudbad dhinacyo badan taabaneysay oo uu Madaxweynaha ka jeediyay Munaasabad maanta ka dhacday Magaalada Muqdisho oo lagu taageerayay in mar kale xilka madaxtinimada uu qabto, isla markaana daah fur u aheyd ololihiisa doorashada ayaa waxaa ka qeyb galay boqolaal ruux, oo isugu jiray Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda, Wasiiro, Odayaasha dhaqanka, salaadiinta, Imaamyada, Qeybaha bulshada iyo Ururada Haweenka. Munaasabadan oo aheyd tii u horeysay nooceeda ee Muqdisho ka dhacdo ayaa lagu soo beegay, iyadoo muddo 33-cisho ka harsan tahay doorashada madaxtinimo ee Soomaaliya oo la qabanayo 20-ka bisha Agosto. Ka qeyb galayaasha Munaasabada ayaa watay boorar ay ku xardhanaayeen sawirka Madaxweynaha, sidoo kale haween xirnaa dharka hidaha iyo dhaqanka, Fanaaniinta Hobolada Waabari oo suugaano kala duwan soo bandhigay iyo ruwaayado ka turjumeysay waxqabadka Madaxweynaha mudadii uu xilka hayay iyo inuu mar kale sii qabto Xafiiska Madaxweynaha. Ugu horeyn waxaa Khudbadaha ka jeediyay Munaasabada oo muddo ka badan lix saacadood ka socotay Hotelka City Palace, Mas'uuliyiin, Odayaasha dhaqanka, sida Salaadiinta, Ugaasyada iyo Imaamyada, kuwaasoo taageeray in Madaxweyne Shariif sii haayo xilka, isla markaana dib ugu soo laabto kursiga Madaxtinimada, iyagoo qaarkood si dhoola cadeyn ah u sarbeebay in muddo 10-sano hada soo socota uu xilka sii haayo, maadaama uu nin dhalin yaro ah. Isagoo wajigiisa ay farxad ka muuqato, hareerahana ay ka fadhiyeen Marwooyinkiisa ayuu u cadeeyay taageerayaashiisa in wali diyaar u yahay, in isagoo dhalinyaro ah Soomaaliya gaarsiiyo mustaqbal iftiin leh oo lagu gaaro dowladnimo, midnimo iyo xasilooni. "Waxaan u baahanahay inaan xaqiijino mustaqbal umada Soomaaliyed ay leedahay oo iftiimiya,dadka dhalinyarada aan dhaho aniga ugu yarahay, waqti badana ka soo lhumay, wali dowladnimo ma arkin dowladnimo lagu mushaaxo waqtigeena hada joognaa. Madaxweyne Shariif ayaa dalbaday in fursad la siiyo, si dalka ay u gaarsiiyaan mustaqbalka jiilka cusub ee da'da yarta ah inay xilka kala wareegaan, isla markaana aanay diyaar u aheyn inay meesha iska joogaan sida uu yiri "Waxaan u baahanahay in fursad nala siiyo, anaga mustaqbalka insha allaah waxaan u diyaarineynaa kuwo naga yar yar iyo caruurteena meesha iskama joogi doono, baahida dowladnimo loo qabo anagaa fahamsan, odayaasha waxaa laga yaabaa inay ku soo noolaayeen daruuf aad u fiican, anaga waxaa la kulanay qub iyo qac, waan u diyaarsanahay inaan sikin aan beel dareyn fursadaas, waxaan rabnaa inaan ka faa'ideysano gododkii dadkii naga horeeyay ay ku dhaceen, si aan qaranka naga dumin mar kale"ayuu yiri Madaxweynaha oo aad u dhoola cadeynayay. Madaxweyne Shariif ayaa sheegay inuu diyaar u yahay inuu dalka ku hogaamiyo dareen Soomaalinimo, Mas'uuliyadeedn iyo dareen wadaniyadeed, isagoo tilmaamay inay maskaxda ku heyn doonaan in xisaab alle ay xagiisa lagala hortagi doono. "Waxaan rabnaa howshii aan soo bilownay in aysan dhexda ka kala go'in oo aan shacabka Soomaaliyed gaarsiino, doorashooyin xor ah, degmo kasta iyo gobol kasta sanaadiiq in la dhigo, oo dadka ay ku doortaan, sidaas rabnaa insha allah"ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Mar uu soo hadal qaaday warbixintii ka soo baxday Kooxda Monitorin Group ayuu mar kaliya afka kala furtay, isagoo ku tilmaamay Kooxdaas inay ka mid yihiin Cadawga Soomaaliyed, isagoo meesha ka saaray inay lunsadeen hanti. "Kooxdan la yiraah Monitoring Group, hada Report soo saartay waxay ka mid yihiin cadawga umada Soomaaliyed, 20-kii sano la soo dhaafay Repor ma sameeyeen, maxaa diiday inay baaritaan u sameyn waayeen, dadaa la dhacay dad ayaa la dilay, dadka la kufsaday balaaya dhacday, wax repor ay ka sameeyeen ma jiraan, dowladda markii lagu dhisay Jabuuti, boqol doolar nalooma dhiibin, cid aan lacag ka soo qaadeyno oo noo muuqata ma jirin, Ganacsatada u yeernay Hotelada Isbaheysiga aan aheyn waxaa lagu leeyahay deen, dowladii mas'uuliyadeeda la wareegnay deyma lagu leeyahay, lacaga ka deensanay soomaalida, halkan ayaa nimid Malyan iyo labo boqol kun ka deensanay, inlee wax wax lagu dhaqaajiya la la'yahay"ayuu si kulul u yiri. Waxaa uu sheegay in Ganacsatada qaar ay wali deymahooda ka maqan tahay, isla markaana aan la siin, isagoo wax laga xumaado ku tilmaamay Warbixinta oo ujeedadeeda aheyd in dowladda lagu bur buriyo. "Madaxda dowladda waxaa mas'uuliyad saaran, in xoolaha shacabka inay ilaaliyaan, sharafkooda inay ilaaliyaan, dowladnimada ka shaqeeyaan, qofkii ka leexdana waa qof naftiisa qiyaanay, waxaa ku jira Repor waxyaabo aan rabo inaan wax ka sheego oo aan cadeeyo, matalan, lacago dowlado kala duwan ay na siiyeen oo la yiri lacagahaas waa maqan yihiin, waxaa fiicnaan laheyd maanta inuu joogo xisaabiyaha guud ama Bankiga, waxaa ka mid ah lacag laga keenay Cumaan, saddex milyan ayay aheyd, waa la keenay, waxay ku baxday kuligood shaqada dowladda, qeyb waxaa lagu bixiyay deymihii lagu lahaa ciidamada, qeyb waxaa lagu bixiyay baarlamaanka, qeybihii kale waxaa lagu bixiyay adeegihii kale ee shaqo, Bankiga ayaa martay"ayuu yiri Madaxweynaha oo ka jawaabayay eedeynta ku aadan lacagaha dowladda ay lunsatay. Mar uu soo hadal qaaday lacagaha lagu eedeynayo in Xukuumadii Farmaajo lunsatay, isagoo tilmaamay in aanay waxba ka jirin. "Waxaa ka mid ah lacag lagu eedeeyo Ra'isal wasaare Farmaajo, ayadoo culeys jiray ayay soo gashay, qeybo ka mid ah ayadoo Bankiga marin la isticmaalay, maxaa yeelay dhibaato ayaa jirtay, qeybana waxaa la mariyay Bankiga, hadii Bankiga aan la marin waa maamul xumo sax, laakiin go'aanka dowladda is ka leh"ayuu sii raaciyay hadalkiisa. Madaxweynaha ayaa tibaaxay in warbixintan lagu soo aadiyay xilli is bedel ka jiro Soomaaliya, isla markaana warbixintii ka horeysay ee Qandaraaslayaasha hey'adaha gar gaarka lagu eedeeyay inay musuq maasuqaan raashinka iyana la musuq maasuqay, taasoo uu xusay inay joojisay kaalmadii laga heli jiray dowladaha caalamka, isla markaana ay ka dhalatay macluushii inay baahdo. "Waxaan rabaa inaan idin sheego in arrintan lagu soo aadiyay Soomaali is bedel ka jiro, warbixintii ka horeysay waxaa lagu soo aadiyay xilli Soomaaliya ka jireen Abaaro, report waxaa ku jira hey'adaha gar gaarka bani'aadanimada, ee UN-ka u shaqeeya iyo dad soomaaliyed ganacsato in lagu eedeeyay, inay wax musuq maasuqaan ama xiriir la leeyihiin Al-Shabaab taas waxay dhalisay dowladihii deeqda bixinayay, inay joojiyaan deeqdii maxaa ka dhashay, macluushii inay baahdo ay dadka dhintaan ka dhashay, kana waxaa la rabaa in dowladda inay bur burto"ayuu si kulul u yiri Madaxweyne Shariif. Ugu dambeyn munaasabadan ballaaran ee uu Madaxweynaha afka ku kala furtay ayaa ku soo aaday iyadoo Madaxda dowladda lagu eedeeyay inay lunsadeen lacago malaayiin oo deeq ahaan dowlado uga heshay, waxaana socda xilligan ka gudbista xilliga kala guurka iyo doorashada madaxtinimo Soomaaliya oo dhaceysa 20-ka bisha Agosto. -

taleexi awoowe tusaalayashee, Believe me Shariifka is on fire ninka Ilaahay baa la jiro -

Popular Contributors