oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Duke's prediction for President of Somalia 2012...
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
well we'll see in August sxb, may the best man win and the most important thing,, ilaahay dowladd Dhexe ee awood leh oo dadka iyo dalka wax uu tarta ha keeno Aamiin. -
Aamiin LST!
-
Duke's prediction for President of Somalia 2012...
oba hiloowlow replied to General Duke's topic in Politics
Abdiweli's wife is campaigning for him he should be a man and tell us wuxuu damacsanyahay, what he wanna change and stuff!! Horta Generale is Abti Gacmodheere a candidate? -
Dabshid: The real Soomaali new year
oba hiloowlow replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
horta i was wondering about badgalka what is that i remember when i was a little kid i participated badgalka there was like shirib and stuff and then they took a big cow to badda, what was the purpose of that dadkii yaqaan? -
Carafaat i feel you i had this time i was living my life clubbing, travelling to different continents had a cadaan girlfriend oh my hell broke loose, all my relatives had different stories about my life war sheekadu waxey gaartay Caliyaale a little tuulo in the shabelle regions, soomaalida gacan aan uu tagay haters waaye
-
Oh cute faroole got rid of the 4,5 in puntland, smh
-
Here we have a man who sees the biger picture showqi rageedi,, Carafaat walahi i would hope to see Hiil qaran winning the election it would be intresting to see waxqabadkooda ama hadey dadaalkoodu noqon lahaa sidii TFG oo kale..
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Somalia;851829 wrote: Did you just invoke the word principles? Sheikh Shariif has principles, the man who has now admitted to providing passports to pirate leaders, stolen money, send kids to their death in the name of God, later to do the exact same thing as his nemesis, Sheikh Shariif has principles? He was arrested at the border fleeing and he became president, the same people who gave him the seat will now take it from him. You are a funny guy. Adeer ka bax this is for the grown ups sow adi ma tihiid kii yiri Meles i hope u get better -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
whats wrong with being a teacher waryaa? -
Somalia,, A great country. (Landscape pictures)
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in General
Aryaa Moonlight xatooyada daa -
Dabshid: The real Soomaali new year
oba hiloowlow replied to Miskiin-Macruuf-Aqiyaar's topic in General
we should celebrate this stuff -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Well sheikh shariif may not be a tough politician but he has principles waa waxaa herkaan gaarsiiyay, mabda'iisana waxaa waaye in nabad iyo cadaalad dalka laga hirgeliyo masuq maasuqa waxa wada shariifka maahan waa shaqsiyaad ku jiro dowladda for example Shariif Xassan iyo dad kale ee qarsoon. -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Sheikh shariif is actually against federalism, its Abdiweli and Faroole who want to establish federalism -
Somalia,, A great country. (Landscape pictures)
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in General
Waryaa Moonlight im from gobolka Mudug Xarardheere!! -
Somalia,, A great country. (Landscape pictures)
oba hiloowlow replied to MoonLight1's topic in General
Beautiful thread moonlight,, so your a member of SSC -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
QEYBTA 3-AAD: Bilowgii 2011 waxaa si toos ah u bilowday Dagaal fool ka fool ah oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Kooxaha Nabadiidka Alshabaab oo iyaguna garabsanaayay Saraakiil Ajnabi ah oo kasoo ambaday Dalalka Shisheeye Sida Mareykanka,Tanzania,Kenya iyo waliba dalal kale, Guusha Dowlada Madaxweyne Shariif waxa ay ka bilaabatay kadib markii ay dileen Ciidamada DKMG Gacan ku dhiigle, Horjooge Fazul C/lla Maxamed oo isagu Al-Qacida u qaabil sanaa Geeska Africa si uu uga geesto Bur-bur iyo barakicinta Bulshada Geeska Africa kunool Dilkii Gacan ku dhiigle Fazul C/lla waxaa taageeray Dowladaha Galbeedka iyo kuwa Africa waxaana Dowlada soomaaliya ee uu hogaamiyo Madaxweyne Shariif loo hibeeyay Hanti iyo garab uu isaga dhiciyo Kooxaha Alshabaab oo xiligaasi kusii xoogeysanaayay Gobolada Dalaka soomaaliya halka inta badan Goobihii ay kaga sugnaayen Magaalada Muqdisho ay isaga sii huleelen Alshabaab iyo Ajaanibtooda Dilkii Fozul kadib waxaa Nusqaan ama hoos u dhac ku yimid Dagaalyahaanada Kooxaha Mucaaradka ee Alshabaab waxaa bilowday in ay Ciidamdooda isaga soo cararaan Alshabaab islamarkaana kusoo biiran DKMG Somalia kadib markii ay ******* in Alshabaab ay qoraxdooda sii dhaceyso, Dowlada Madaxweyne Shariif waxa ay guullo la taaban karto ka gaartay inta badan Magaalada Muqdisho waxa ayna wadooyinka Magaalada Muqdisho ku daadisay Ciidamo nidaamsan oo iyagu ahaa kuwa u ooman Nabada iyo horumarinta dalka iyo dadka soomaaliyeed oo muddo 20Sanno dagaalo ay aafeeyen Waxaa xusid mudneyd in Dowlada Somalia xiliga ay cirib tireysay Alshabaab ay inta badan Magaalada Muqdisho ka waday Dhismooyin ku aadan wadooyinka, hagaajinta goobaha qashinka iyo waliba wax kabadalka Suuqa weyn ee bakaaraha GOOBAHA AY HORUMARISAY DKMG EE UU HOGAANKA U HAAYO MADAXWEYNE SHARIIF 1-Hagaajinta iyo wax kaqabadka Suuqa bakaaraha 2- Dhismaha Wadooyinka iyo soo celinta amaanka Magaalada Muqdisho 3- Howl-galinta Ciidamada Dowlada Somalia kadib 20-Sanno markii la waayay Dowlad daryeesho Ciidanka xooga dalka Somalia 4- Dib u dhisida xarumaha waxbarashada, Ganacsiga, iyo waliba bad-baadinta Bulsho weynta 5- Ciribtirka Kooxaha Mucaaradka iyo nabad kusoo dabaalida Gabi ahaan magaalada Muqdisho iyo daafaheeda Waxaa xusid mudan in Dowlada Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ay kaalinta 1- Koowad ay ka gashay dalka soomaaliya kadib bur-burkii 20-Sano ee ku habsaday Dalka soomaaliya waxaana daliil kaga filan arintaasi sida habsami u socodka Dalka soomaaliya ay usoo booqanaayan Madaxda dalalka Africa,Asia, Yurub …………… Lasoco Qeybta 4-Sadaxaad ee Waxqabadka Dowladda Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ….. -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
QEYBTII 2-AAD:- Sanad kadib Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed waxa uu bilaabay in uu fadhiyo isugu yeero Kooxaha Nabadiidka ah oo iyagu xiligaasi ka careysnaa Guushii Sheikh Shariif uu ka gaaray Doorashada xurta ahayd oo loogu camaamaday xilka madaxtinimo ee soomaaliya waxaana xusid mudneyd in xiligaasi Madaxweyne Shariif uu kasoo goostay Kooxaha nabadiidka ah si wax un looga badalo siyaasada soomaaliya islamarkaana loo badbaadiyo Ummadda soomaaliyeed oo ku hingoowday Dagaalada, nasiibna u yeeshay dagaalo aan dhamaan 13/7/2010 Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Shariif Sheikh Axmed waxa uu durbadiiba Dowladaha Caalamka ka codsaday in ay qorsheeyan kal-fadhiyo ku aadan hishiisiinta Dowladiisa iyo kooxaha Nabadiidka ah oo ay ugu horeysay Kooxda Alshabaab oo xiligaasi dagaal xoogan kula jirtay Dowladiisa, Beesha Caalamka xiligaasi iyaduna waxa ay Gaashaanka u daruurtay dhex dhexaadinta Dowlada Shariif iyo Kooxaha Mucaaradka hayeeshe Cidina dhag jalaq uma siin hadalka Beesha Caaalamka waxa ayna ku jawaabeen Kooxaha Mucaaradka (Gaalo iyo Gaala raac fadhi lama qaadan doono) . Dowlada Madaxweyne Shariif oo kaashaneysay Beesha caalamka Dhamaadkii 2010 waxaa u Bidhaamay in xaaladu ay tahay mid aan mudneyn in xal lagu raadiyo Fadhiyo, Madaxweyne Shariif waxa uu u ruqaansaday Dalka dibadiisa Gaar ahaan Dalka Djabuti, Kenya isaga oo xal raadinaayo ayuu waxa uu kulamo Gaar ah la qaatay Madaxweynaha Dowlada Djabuti Ismaaciil Omar Geele oo xiligaasi la oran jiray waa Madaxweynaha Qurah oo xal ka dhalin karo Siyaasadaha is diidan ee u dhexeeyay Dowlada Shariif iyo Kooxaha Mucaaradka ay ugu horeysay Alshabaab wallow ay jireen kooxo yar yar oo iyaguna ku Fakir ahaa Alshabaab sida Kooxda isku magacaawday XISBUL ISLAAM oo iyaguna uu hoggaaminaayay Dagaal ooge XASSAN DAAHIR AWEYS balse dhex dhexaadintaasi wuu ku fashilmay Madaxweynaha Dowlada Djabuti maadaama Kooxaha Mucaaradka ay ka amar qaadan jireen Alqaacida Madaxweyne Shariif iyo Madaxweynaha Dowlada Djabuti waxa ay si wada jir ah u aaminsanaayeen in xal u helida Dalka soomaaliya ay ku jirto in Kooxaha Mucaaradka ah loo magacaabo Xubno katirsan Dowlada soomaaliya Balse waxaa la’aamin sanaa in arintaasi ay ahayd mid lagu qancinaayo Kooxaha Mucaaradka, waxaana xusid mudneyd in xiligaasi ay qabeen kooxaha mucaaradka Baahi ku aadan dhanka kamid ahaan shaha Dowlada soomaaliya ama loo magacaabo Xubno katirsan Dowlada soomaaliya hayeeshe Masuul waliba oo katirsan Kooxaha Mucaaradka waxa uu ka qajilaayay in meel cidla ah Gabalka uga dhaco laguna shir qoolo xubinta loo dhiibaayo Madaxweyne Shariif inta badan waxa uu Diirada saaraayay in mar qurah la helo soomaaliya oo mid ah Balse waxaa arintaasi caqabad ku noqday Kooxaha Nabadiidka ah, Muddo kooban kadib Madaxweynaha waxa uu bilaabay in xalka soomaaliya uu ku raadiyo Ciribtirka Kooxaha Mucaaradka ah si loo gaaro Horumar la taaban karo waxaa u suura gashay in uu Beesha caalamka ka helo Taageero isugu jira Maal iyo tababaro ciidan, waxaa soo ifbaxay in Dowlada soomaaliya ay heshay Ciidamo lagu soo tababaray dalka dibadiisa waxaana xusid mudneyd in Durbadiiba Dowlada Midnimada qaran ee Sheikh Shariif ay bilowday ladagaalanka Kooxaha kabiya diiday wada hadalka waxa uuna dagaal kula dhaqaaqay goobaha ay gacanta ku hayeen kooxaha Mucaaradka , waxaa bilowday Nasrigii ama Guushii Dowlada Sheikh Shariif waxaana Albaabada u furmay Dagaalo horudhac ahaa oo looga itaal roonaaday Kooxaha Mucaaradka ……… -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Waxqabadka Sheikh Shariif Part 1 QEYBTA 1-KOOWAD:- 30 kii Janaury ee 2009 waxaa hoolka Doorashada ay ka dhaceysay oo ay ku sugnaayen Siyaasiyeen, aqoonyahaano, waxgarad lagu doortay Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed oo ku guuleystay Aqlabidaya ugu badan Codeynta, Doorasho kadib Madaxweyne Shariif waxa uu siyaasiyiinta iyo Masuuliyiin ka socday beesha caalamka ka hor cadeeyay in uu ahaan doono madaxweyne daacad u ah Dalka iyo dadka. Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa kusoo baxay Cod 293 waxaana Xaflado loogu dabaal dagaayo Madaxweynaha Durbadiiba ka dhacday Gabi ahaan Dowladaha Caalamka oo ay ku dhaqan yihiin ummada soomaaliyeed taasoo ka turjumeysay in ummada soomaaliyeed ay baahi weyn u qabtay Nabad iyo kala danbeyn, intooda badan umadda soomaaliyeed horayna uma aynan soo arkin Dalka soomaaliya oo Madaxweyne baahi tira Bulshada yeeshay tani markii ay dhacday Dowlada Soomaaliya markii laga reebo Dowladii Marxuum Cabdullahi Yuusuf oo iyadu lagu eedeeynaayay xiligaasi in ay horsed u noqotay burburka soomaaliya soona ka xeysatay Ciidamo lid ku ahaa Horumarka iyo dhismaha soomaaliya Tirada Codka iyo guusha Madaxweyne Shariif Sheikh Axmed kadib waxa uu Khudbad Dheer ka jeediyay Siyaasiyiinta iyo Beesha caalamka Hortooda waxaana kamid ahayd Khudbadiisa ‘’ Waxan halkaani ka salaamaya Siyaasiyiinta,Baarlamaanka,beesha caalamka iyo Dowlada Djabuti oo marti galisay doorashadaani, waxan sidoo kale u mahad celinaaya Saaxiibaday ama walaalahay igala soo qeyb galay tartanka oo qiimaha tartanka uu leeyahay siiyay Gaar ahaan walaalkey Maslax Mohamed Siyaad Barre oo natiijo aad u wanaagsan muujiyay, waxan sidoo kale u mahad celinaaya walaalkey Nuur cadde oo ah Raisul wasaarihii hore oo dadaal badan kasoo geestay wada hadalada iyo wanaaga intaan nasoo gaarsiiyay intaa kadib Mudanayaal iyo Marwooyin waxaa sharaf weyn ii ah in aan kalsooni iyo taageero ka helo dhankiina waana idin kaga mahad celinaaya, waxan balan qaadaya in aan cadaalad ku dhaqi doono dalka iyo dadka soomaaliyeed adinkuna kama marna in aad garab igu siisaan masuuliyada aan xinbaarsaday’’ Nuqul kamid ah Khudbadii ugu horeysay Madaxweynaha kadib markii codka lagu dhawaaqay. Ku dhawaad Dhowr asbuuc ilaa iyo Bil kadib Madaxweyne Shariif waxaa loo galbiyay Magaala madaxda soomaaliya ‘’Mugdisho ’’ waxaana halkaasi kusoo dhaweeyay Masuuliyiin katirsan Dowladii Cabdullahi Yuusuf oo xiligaasi xilka kasii dageysay, waxaana xusid mudan in xiligaasi Gabi ahaan magaalada Muqdisho ay ka socdeen Banaanbaxyo lagu taageerayay Madaxweynaha Cusub Sheikh Shariif Sheikh Axmed intaa kadib Madaxweynaha waxa uu ka hadlay Warbaahinta Magaalada Muqdisho isaga oo ku wacad furtay in uu waxbadan ka badali doono marxalada Dalka uu ku sugan yahay islamrkaana dadka u tabaaleysan Nabada iyo Horumarka uu taabsiin doono waxqabad muuqda Sheegayna in iyaguna looga baahan yahay in ay taageeran Nabada kalsoonina siiyan Dowlada Cusub. TALAABADII UGU HOREYSAY UU QAADAY MADAXWEYNE SHARIIF . Madaxweyne Shariif Howshii ugu horeysay Dhamaadkii 14 jan 2009 waxa uu ka bilaabay in dalka soomaaliya uu ka saaro Ciidamada Ethiopia oo xiligaasi garab istaagsanaa Dowlada Marxuum Cabdullahi Yuusuf islamarkaana duqeyn iyo barakac ku haysay dadka soomaaliyeed waxa ayna hoobiyayaal ku garaaceysay Goobaha Dadka rayidka ay ku ganacsanaayen, taasina waxa ay soo dadajisay in Ciidamadii Marxuum Cabdullahi Yuusuf iyo Kuwa Ethiopia ay ku gacan seeran Go’aankoodii ahaa wax kabadalka marxalada dalka soomaaliya katagneyd Muddo kooban Kadib waxaa bilowday in Urura diimeedyada ay kasoo horjeestan Dowlada Cusub ee Madaxweyne Shariif oo ay dadku ku riyaaqeen maadaama Sheikh Shariif xiligaasi loo aqoonsanaa in uu katirsanaa Maxkamadaha islaamiga waxbadana kabadalay 6-bilooda Gudaheeda Magaalada Muqdisho, Madaxweynaha waxaa hawada loo mariyay durbadiiba Canbaareyn iyo Dhaliilo halka Alshabaab iyaduna ay ka gaaleysiisay Madaxweynaha Hayeeshe Shariif Sheikh Axmed arintaasi dhag Jalqa uma siinin balse waxa uu u ambaqaaday soo celinta Bilicda dalka soomaaliyeed iyo waliba Guud ahaan amaanka, durbadiiba waxa uu kala nidaamiyay Qeybaha kala duwan Ciidamada Dalka soomaaliya isaga oona u qoray mishear ku filan gabi ahaan Ciidamada si looga sal-gaaro Nabada iyo Horumarka dalka soomaaliya Waxaana xusid Mudnayd in xilalka uu u magacaabay Mudanayaal Karti u leh howshaasi ……
-
Popular Contributors