oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/samad Macalin Maxamuud. Salaan madaxda iyo ka soo qeyb galayaasha Soomaalida waa u guul in ay Soomaali heshay Dastuur ay uga baxeyso KMG oo ay dowlad rasmi ah u gudbeyso. Bishaan oo kale sanadkii hore ammaanku madaxweyne wax badan ayaa iska beddelay. oo hadda Kismaayo ayaan u hammineynaa halka sanadkii hore Muqdisho laga cabsanayay taas adiga ayaa ku mahadsan. Guulaha ammaanka waxaa ka mid ah madaxweyne in sadex kun oo qof ay Muqdisho marti galisay, taas oo ay ciidamada iyo shacabku iska kaashadeen. Askarigii shalay xabadda ku dhigtay ninkii is qarxinayay wuxuu madaxweynuhu dallacsiiyay Hal xidig, waxaana la sii dallacsiin doonaa kuwii kale ee howl galka ka qeyb galay. Waxaan loo baahan yahay in la dhammeystiro marxaladdan kmg ah, ammaankana la iska kaashado, anoo u mahad celinayo AMISOM, UN iyo dhammaan dowldihii ka qeyb galay mashruucan
-
Wasiirka Dastuurka ayaa lagu soo dhaweeyay khudbadda. Waxaan soo marnay dhibaato badana, waana heshiin wayna, markaasna Ajaanib ayaa na dhexdhexaadin jiray, waaxaana naloo dhisayay intaas dowlado KMG ah, waxaana 43 sano ku dhex nooleyn dastuur la’aan. taas ayaana sababtay inaan xuquuqaheena ku xad gudubno. Road map-ka markii ay madaxdu saxiixayeen dadku way la yaabayeen, qaarna waxayba lahaayeen dan gaar ah ayay wataan, laakin 11 bilood kadib dadka Soomaaliyeed way u jeedaan waxa ay qabteen madaxda Soomaaliyeed. Dastuurka sameyntiisa dhibaato badan ayaan ka marnay, qoristiisa, diyaarinta khubarada iyo hagaajintiisa, markii aan dhammeynayna dad dano gaar ah leh ayaa tashuush nagu furay oo dhahay dastuurku diinta ayuu ka horjeedaa. waana been oo dastuurkaan waxaa sal dhig u ah diinta ISlaamka. Dastuuku wuxuu ka hadlayaa ama dhowrayaa xuquuqaadka aasaasiga ah, qof kastana waa xor wuxuun sameyn karaa wax kasta oo uu doono oo aanan ka hor imaaneyn diinta iyo dastuurka, oo xataa dowladd aayuu sharciga la tiigsan karaa. Dastuurkaan wuxuu na siiyaan dhamaan xuquuqha uu Alle na siiyay marka aan dhalanay. waxaana iska leh dadka oo dhan oo maaha wax ay dowladdu leedahay. madaxda dalka loo doorto ayaana xil ka saaran yahay in ay dhaqan galiyaan. Dastuurka la sameeyay wuxuu qeyb ka ahaa in la dhammeeyo KMG ah. waxaa ka dhiman Baarlamaan in la soo xulo oo ay odayaashu qabtaan, Madaxda dalka ayaana laga rabaa in ay odayaasha ku adkeeyaan in ay ilaaliyaan kootada haweenka. Dastuurka sameyntiisa waxaa u amanan, wasaaradda Dastuurka, Wasiiradda Warfaafinta, Qorsheynta iyo JIU oo shaqo badan qabtay iyo dad si iskaa wax u qabso ah howshan ku qabtay. Suldaan Maxamed Saciid oo wax badan a bixiyay dhaqaalaha dastuurka.
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa khudbad ka jeedinaya Munaasabadda, wuxuuna sheegay in caalamku uu ogaaday in dowladda iyo dadka Soomaaliyeed ay wax qabsan karaan ayna muujiyeen artidooda. Umadda ayuu uga tahniyeeday guusha ah in dastuur ay yeelatay Wuxuu sheegay in 20ka Agoosto la heli karo Baarlamaan cusub, madax cusub iyo xukuumad cusub Safiirka Jabuuti ayaa lagu soo dhaweeyay hadda oo khudbad bilaabay. Safiirku wuxuu ergada iyo dowladda guddoonsiiyay salaan uu uga siday madaxweynaha Jabuuti Dastuurku waa mid hufan oo dadku ka qeyb galeen kuwa caalamka u dhigma, madaxda ayaana ku mahadsan iyo shacabka. Annaga haddaan nahay ree Jabuuti waxaan la soconaa xaaladda Soomaaliya, waxaana fursad ah in madaxweynaha Jabuuti uu Soomaaliya badbaadinta iyo samata biixnta dalka iyo dowladnim Soomaaliyeed uu siiyay ahmiyad siyaasi ah oo lagu mideysan yahay. Safaaraddeena ayaa u furan taageerada umadda Soomaaliyeed. Soomaaliya oo dowlad heshona waa awoodda Jabuuti iyo dowladaha gobolka iyo Afrika. Waa tallaabo guul ah in Muqdihso lagu qabtay shaqdaan oo dhan, wayna ku guuleysteen dhaqanka SOomaaliyeed iyo dowladda in ay wax qabsadaan, caalamkana waa tuseen in Soomaaliya ay wali karti leedahay. Ergadan iyo intii ka shaqeysay mashruucaan oo ay madaxda dowladdu ugu horreyso taariikhda ayaa xusi doonta. Dardaan odayaasha in ay xildhibaano cusub soo xulaan kuwaas oo xilkooda si habboon u gudan kara. dastuurkana ay sii hagaajiyeen oo afti loo qaado marka dambe. waana masuuliyad taariikhi ah. Dowladda Jabuuti kaalin ay ka geysan doontaa ka gudubka KMG ee Soomaaliya. waana garab taaganahay dadka iyo dowladda Soomaaliyeed.
-
http://radiomuqdisho.net/toos-ugu-ula-soco-munaasabadda-xiritaanka-dastuurkaonline/
-
Bosaso Mayor Opens New Roads In The City. PICS
oba hiloowlow replied to Dr_Osman's topic in Politics
Mashallah keep it up -
Ayoub what comes around goes around. serves him right too
-
its called campaigning my friend , i dont know why you are against baadiyow abwaan this guy can make a change
-
TFG LEADERS CONTINUE TO INTERFERE AND IGNORE GROWING PUBLIC DEMAND FOR TRANSPARENCY IN THE SELECTION OF NEW MPs Mogadishu, Somalia - July 29, 2012 – The campaign office of Dr. Abdurahman M. Abdullahi (Baadiyow) is dismayed by the fact that TFG leaders continue to interfere in the selection of new members of parliament despite numerous complaints about that from many quarters, including the traditional elders themselves. The public outcry for a more transparent, merit-based selection process seem to be falling on deaf ears as TFG leaders continue to pressure the elders into selecting members of parliament who are more likely to elect them back into power. This blatant corruption and disregard of the public interest must stop. The campaign office of Dr. Badiyow once again calls on the TFG leaders to allow the selection process to take its due course without obstruction or influence. It also calls on the esteemed traditional elders to reject all interference and to proceed with their national and religious obligations to select competent parliamentarians. We specifically call on them to: Be fair and neutral in selecting the new members of parliament Select individuals on the basis of their knowledge and experience so that the next parliament would be one that can shoulder its legislative responsibilities Be extremely cautious and vigilant about anything that may reignite conflict among the various clans and sub-clans The culture of impunity and endemic corruption by TFG leaders must come to an end in order to restore our national institutions and regain our dignity as people. Dr. Abdurahman Baadiyow and his team will continue to be at the forefront of the fight for a more transparent and accountable governance system. END
-
Muqdisho, Soomaliya July 29, 2012 -- Xarunta abaabulka ee Dr. Cabdiraxman Macalin Cabdullahi (Baadiyow), waxaa soo gaaraya cabashooyin ka imanaya dhinaca odayaasha dhaqanka, taas oo ku saabsan faragelin, ka imaaneysa dhinaca madaxda dawlada, oo ay ku cadaadinayaan inay dad gaar’ah soo xulaan. Hadaba xaruntu waxay digniin u diraysaa madaxda dawlada inay faraha kala baxaan soo xulida xubnaha baarlamanka cusub, una madax baneeyaan odayaasha dhaqanka. Waxa kale oo xaruntu baaq u soo jeedinaysaa odayaasha dhaqanka: Inay soo xulaan dad qaadi kara xilka culus ee umada soomaaliyeed ay sugayaan Inay ka feejignaadaan waxa kasta oo abuuri kara colaad iyo isnacayb hor leh beelahooda dhexdeeda. Inay ku soo xulaan si garsoor ah oo dhexdhexaad ah Dhamaad
-
Maxaan soo kordhinayaa? "Waxaan dhiseynaa dawlad ku dhisan aqoonta, horseed ay ka yihiin dhallinyarada, dhawreysa xuquuqda aadamiga, hurumarineysa qoyska iyo doorka haweenka ee siyaasadda, aqoonta iyo dhaqaalaha, xanaaneysa maatada iyo agoonta."
-
"Waa in aynu aaminnaa in wadajir kaliya aynu isbadal kusameyn karno, sharafteena ku soo ceshan karno, cadaaladda iyo sinnaantana ku hirgalin karno si aynu markale u noqonno waddan sharaf leh oo la jaanqaadi kara dunida aynu ku noolnahay. Wa xaan rabaa in rajo cusub aad yelaataan, yididiillo cusub idin gasho, rumeysaan in waqtigii dawladnimda dhabta ah ee Somaaliyeed la gaaray, waqtigeedii waan joognaa!!! Waqtigeedii waa la joogaa!!"
-
Maxaan soo kordhinayaa? "Waxaan dhiseynaa dawlad Somaaliyeed oo dadka Somaaliyeed shirko ku yihiin, una simayihiin oo soo celisa sarreynta sharciga iyo kala-dambeynta. Dawladdaas oo ku saleysan muwaadinnimo, hanaanka dimoqraadiyadda iyo doorashooyinka xor ah".
-
"Waxaan rabaa inaad I imitixaantaan oo haddii aad aragtaan inaan hawshaan u qalmin aydaan i dooran oo aad doorataan ruux kale oo iiga habboon. Haddii taariikhda waxqabadkeygu idin qancisana, waxaa rajeenayaa inaad i taageertaan oo aan gacmaha isqabsanno, dalkeenana wadajir u badbaadinno."
-
Dr. Abdirahman Baadiyow oo hambalyo uu diray Shacabka iyo maamulka Puntland Muqdisho (PP) -Musharaxa madaxweyne ee Soomaaliya Dr. C/raxmaan Macallin Cabdullaahi (Baadiyoow) ayaa Hambalyo iyo Bogaadin ku aaddan sannadguuradii 14-aad ee kasoo wareegtay aasaaska Puntland u diray Shacabka iyo Maamulka Puntland. Warsaxaafadeed kasoo baxay xarunta murashaxa ayaa lagu sheegay in Dr. Baadiyoow uu hamblayadan u dirayo guud ahaan shacabka Soomaalida, isagoo u rajeeyay shacabka iyo Maamulka Puntland horumar iyo nabad. “Shacabka iyo Maamulka Puntland waxaan u dirayaa hambalyo ku aaddan markii la aasaasay Puntland oo ay kasoo wareegtay 14-sano” ayaa lagu yiri warbixinta kasoo baxday Xafiiska Ololaha doorashada ee Murashax Dr. Baadiyoow. Murashaxan ayaa wuxuu ka mid yahay murashaxiin u tartamaya xilka madaxnimo ee Soomaaliya oo dhici doona bisha August ee sanadkan, isagoo noqonaya murashaxii ugu horeeyay oo Shacbka iyo Maamulka Puntland u diray hambalyo ku aadan markii la aasaasay Dowlada Puntland. Puntland ayaa waxaa la aasaasay 01-dii August 1998-kii, tan iyo xiligaasna waxaa ka jiray Amaan iyo Maamulo la isku bedelo, waxaana aasaaskeeda bilaabay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Allaha u Naxariistee Col. Cabdulaahi Yuusuf Axmed oo geeriyooday horraantii sanadkan. Dabaaldagyo lagu maamuusayo aasaaska Puntland ayaa tan iyo xalay ka socday Magaalooyinka Waaweyn ee Puntland, iyadoo Puntland ay qayb ka tahay Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.
-
Faroole Waxaa Loo Baahan Yahay In laga Fiirsado Baarlamaanka Cusub
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Indeed Faroole, First time i actually agree with him -
Muqdisho (RBC Radio) Madaxweynaha maamulka Puntland C/rixmaan Faroole ayaa ka hadlay baarlamaanka cusub ee haatan lagu howlanyahay in la soo gudbiyo ee laga sugayo odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed. C/rixmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa wuxuu sheegay in loobaahanyahay dadka ku soo biirayo baarlamaanka cusub in ay noqdaan dad tayo leh. “waxaa loobaahanyahay oo aan ka digaynaa in dadka ku soo biiraya baarlamaanka cusub ay noqon waayaan dad tayo leh, waxaana u baahanahay in dadka lagu soo xulo tayo”auu yiri madaxweynaha Puntland. Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa shalay mar uu saxaafada kula hadlayay magaalada Garowe wuxuu sidoo kale uu soo dhoweeyay in la meel mariyo dastuurka cusub wuxuuna u mahad celiyay ergada golaha ansixinta dastuurka.. Baarlamaanka Cusub ee Soomaaliya ayaa waxaa laga sugayaa in ay soo gudbiyaan odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho maalmaha dhow, sidoo kalana saxaafada loo soo bandhigo liiska magacyada baarlamaanka cusub. Baarlamaanka Soomaaliya ayaa wuxuu ka koobnaan doonaan 275 xildhibaan oo kaliya, waxaana la sheegayaa in ay jiraan mudanayaal ka tirsanaa baarlamaanka hada jira oo ku soo laabanaya baarlamaanka cusub. RBC Radio
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Indeed Showqi dastuurka oo la ansxiyay dowladda somalia oo heysato intabadan Somalia, Puntland Oil, the future looks bright walahi Alxamdulilahi rabil caalameen!! -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
lol@abwaan -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
JB if u aint saying something meaningful the door is -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Odayaasha Dhaqanka ee Degmadda Balcad
-
Popular Contributors