oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Iyadoo muddo 17-cisho ka harsan tahay xilliga ay ku egtahay Xukuumada KMG ayaa Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Maxamed Cali xalay Hoygiisa casho sharaf ugu sameeyay Goliisa Wasiirada iyo xubno kale. Munaasabada casho sharafta oo ay ka soo qeyb galeen dhamaan Xubnaha Golaha Wasiirada, Xildhibaano, Ururada Haweenka, Fanaaniin iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan ka turjumeysay waxqabadka Xukuumada C/wali Gaas mudadii sanadka aheyd ee ay jirtay. Wasiirka Dastuurka iyo Dib u heshiisiinta C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ka hadlay munaasabada casho sharafta ayaa sheegay in Xukuumada uu horkacayo C/wali Gaas ay ku guuleysatay inay dalka ka saarto marxaladii adkeyd, isla markaana gaarsiisay in dalka uu yeesho Dastuur, lagana gudbay xaaladii KMG aheyd. Ra'iisul Wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise ayaa sheegay in Xukuumada ay wax weyn ka qabatay arrimaha ammaanka, isagoo tilmaamay in xilligii ay imaanayeen Caasimada ay Muqdisho aheyd meel kala xiran, inta badan Al-Shabaab gacanta ku hayeen sida uu yiri. Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. C/wali Gaas oo ay dhinaciisa fadhiday Marwadiisa ayaa u muuqda nin kalsooni badan ka qaba inuu ku guuleysto xilka madaxtinimada Soomaaliya, inkastoo aanu goobta ka sheegin musharaxnimadiisa, hase ahaatee horay ay u shaacisay Marwadiisa Drs Hodan Saciid. Ra'iisul Wasaaraha ayaa la gudoonsiiyay shahaado sharaf kaalinta xukuumadiisa iyo waxqabadkeeda, iyadoo khudbad uu ka jeediyay uu ku sheegay inay dalka wax badan ka qabatay xukuumadisa. Madaxda ugu sareysa dowladda ayaa xilligan loolan adag ugu jira xilka madaxtinimada Soomaaliya, waxaana socda olole xoog leh oo ay ku doonayaan inay madaxtinimada Soomaaliya ku helaan kadib 20-ka Agosto.
-
Mac Sonkor ninkii soo joog laga waayo soo jiifa laga helaa
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
lol laakin niman xoog isku dayay iney ku jiidhaan bar-kontrollka miyeeysan aheyn wax laga shakiyo, kudos to ninkii fashiiliyay, nin lagu seexdoow ha seexan,xil baad sidaa ha seexan. -
^^ smh
-
^^ okey then i probably missed that
-
samatar ma sheegi karo maybe he is laakin saxaafadda kama muuqdo he has to get some publicity,, probably what you are saying make sense
-
^^ horta i dont know why Farmaajo, the samatars aint in xamar they should be campaigning maalmo yar baa haray 19 days baa ka dhiman
-
this shit was cray
-
Well Yunis i actually have a idea me and carafaat discussed it before, i think Hiil-qaran,Tayo and Baadiyow should form a coalition they have almost the same view they are against federalism and united they can get more votes, waliba Madaxweynaha,guddomiyaha barlamaanka,ra'isul wasaaraha iyo xukumadda ay iyagu dhexdood qeybsadaan.
-
Mac Sonkor ninkii soo joog laga waayo soo jiifa laga helaa
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Carafaat aight then watch it another time -
Mac Sonkor ninkii soo joog laga waayo soo jiifa laga helaa
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Aero my bad i thought i already did it ,my apologies -
http://shacabkamedia.com/warka/index.php?option=com_content&view=article&id=7152:qarax-ka-dhacay-xarunta-dastuurka-ha-daawan-sawiradda-hadii-aad-beer-jilicnsantahay-ama-aad-xaamilo-tahaydigniin-shacabkamedia&catid=1:warka-gudaha&Itemid=3 WARNING: Dadka aan xamili karin ALBAABKA waa halkaan daawo Meydadka Habaar qabooyinka isku dayay iney carqaladeyan Ansixinta dastuurka! l
-
GOALS: Peace, economic and social justice n order to empower the youth, the primary education must be high in the educational priorities. According to Unesco, currently, most countries in sub-Saharan Africa spend at least 10 times more on a university student than on a primary school pupil. And on average, eight out of every $10 spent on university education in Africa is subsidised by country governments. These figures explain why a total of 32 million children remain out of school. One way to change this without jeopordizing the tertiary sector is to rearrange the priorites by making the primary education widely available for kids. By shifting more funding to lower level education, governments are making it cheaper; and therefore, more inviting for families of poor or near poor economic status to send their children, particularly girls, to school, as oppose to the students in the tertiary education who tend to come from wealthier backgrounds. The method for increased funding for the primary education has been proven by Burundi as Unesco highlights; the recent experience of Burundi, which brought the number of out-of-school children down from 723,000 in 1999 to just 10,000 in 2009 was met with international praise and pledge for further assitance. Over the same period, Burundi increased its investment in education from 3.2% of GDP to 8.3%. But what made the real difference, says Unesco, was the decision to dedicate a much larger chunk of the budget to primary education, effectively moving public money away from secondary schools and universities. Thereofore, given this proven succes, no African country can justify for not educating their youth by focusing the primary education sector.
-
The following party principles describe the core beliefs and values of the Tayo Political Party. We are proud to adopt these principles based on the belief of a Somali state that values economic, social and political security, opportunity and equality for all citizens, and respects both the human rights of the individual and the sanctity of life in a fair and just society. To that end: TEN PRINCIPLES Belief in the unity of the Somali State Belief in the preservation of the sovereignty and territorial integrity of Somalia Belief in justice and equality for all and in full rights for women and minorities Belief in an effective security system and the rule of law Belief in institution building and smart government Belief in the free market system Belief in providing assistance for the weak and vulnerable in our society Belief in a peaceful nation, within our borders and with neighboring countries Belief in the establishment of cooperation and collaboration with the international community based upon mutual respect Belief in the preservation of the environment
-
Purpose To establish a 21st century political party that will help grow a strong unified Somali state that solemnly protects its citizens, safeguards its sovereignty and territorial integrity and is at peace with itself, with its neighbors and the global community.
-
MISSION: To organize our society and rebuild an effective national security force to foster an environment in which the government will function effectively in a democratic system where the rule of law is respected and justice and equality are assured for all.
-
VISION: To bring about lasting peace and stability through genuine reconciliation and dialogue and by building a more perfect union and a prosperous nation.
-
Muqdisho (RBC Radio) Gudoomiyaha Xisbiga Tayo Maryam Qaasin ayaa maanta soo gaartay magaalada Muqdisho iyadoona siweyn loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Maryam Qaasin ayaa markii ay soo gaartay magaalada Muqdisho waxay la hadashay warbaahinta waxayna ka hadashay xaalada uu marayo wadanka Soomnaaliya, iyadoona sheegtay in loo baahanyahay in la helo isbadal. Gudoomiyaha Xisbiga Tayo ayaa sidoo kale waxay sheegtay in ay muhiim tahay in la helo hogaamiyaal cusub si wadanka uu kagaga xaalada uu haatan marayo, oo ah mar xalad adagh. “wadanka sida aad la wada socotaan wuxuu ku jiraa marxalad kala guur ah, waxayna sheegtay in loo baahanyahay qofwalba oo damiir ah in ay u soo jeestaan xaalada wadanka. Xisbiga Tayo ayaa waxa qayb ka ah Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, kaasi oo haatan ah musharax u taagan xilka madaxtinimda Soomaaliya. 20-bisha ayaa waxaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho lagu qabto doorasho madaxtinimo oo ay ka qayb galayaan musharixiin badan oo u taagan xilka madaxtinamada ee Soomaaliya.
-
Waxaa manta Garoonka Diyaaradaha ee Adaan Cade Airport ee magalada Muqdisho ka soo dagay wafdi ay hogaaminayso Gudomiyaha Xisbiga Tayo Party Drs. Maryan Qasim. Wafdigaan ayaa waxaa siweyn ugu soo dhaweyay Magalada Muqdisho dadweyne aad u badan oo ka mid ah dadki sida weyn u taagersan waxqabadki Xukumadi Tayo ee uu hormuudka u aha Mudane Farmaajo. So dhaweyn diraan ka dib Gudomiyaha Xisbiga Tayo Party Drs.Maryan Qasim ayaa ugu horeyn u mahad celisay dhamaan inti ka qayb qadatay sodhaweynteeda waxaayna hadal kooban oo ay jeedisay Shacabki soo dhaweynayay ku shegtay in Xoghayaha Xisbiga Tayo Party Dr. Maxamed Cabdilahi Maxamed Farmaajo uu dhawaan ku soo wajahan yahay Magalada Muqdisho si uu uga qayb qaato Dorashada bishaan 2o keeda ka dhacaysa Magaalada Muqdish. Dr.Maryan Qasim ayaa waxaay baaq diiran u dirtay Odayaasha dhaqanka Somaliyeed kuwooda ku mashqulsan xulida Xildhibanada Cusub ee Somalia waxaayna ugu baaqday in ay manta u hiiliyaan qaranka Soomaliyeed ee siiliicaya sona xulaan xubno karti iyo wadaniyad isku darsaday qaybna ka noqon kara socelinta Qaranimadi Somalia. Ugu danbeyn Gudomiyaha Xisbiga Tayo Party ayaa waxaay Magaalada Muqdisho kala kulantay sodhaweyn diiran ayado marki ay ka soo baxday garoonka adan cade Airport lo galbiyay Hoygi logu talagalay in ay ka dagto Magaalada Muqdisho.
-
it seems to be you never been to xamar and thus you wont know its potentials!
-
Alpha believe me within 2yrs xamar will achieve what hargeysa couldn't these last 21 yrs walahi
-
Madaxweynaha ayaa hadda khudbadda bilaabay Salaan madaxda iyo ka qeyb galayaasha Maanta waa maalin taariikhi ah waana maalin aan salka u dhignay dowladnimo, inaan ka baxnay fowdo , Alle ayaa ku mahadsan. Wasaaradda dastuurka iyo guddigii madaxa banaanaa ee dastuurka, guddiga khubarada iyo guddigii farsamo iyo dhammaan intii ka qeyb gashay. Golaha ansixiinta dastuurka waan u mahad calineynaa. iyo odayaasha, Saxiixayaasha Road mapka oo dowr fiican ku lahaa howshaaan, waan u mhad celinaynaa. Howshaani waxay ahayd howl qaran oo qof kasta waajib ka saarnaa. dastuurka waxaa iska lehq aranka wuxuuna damanad qaadaa, noloshaada dhammaan. meel aan dastuur ka jirin dowlad kama jirtto Qofkii la yiri dowlad KMG ah hoggaami ayaa og dhibkiisa. Maantana waxaan ka baxnay dhib, Alle ayaa ku mahadsan. Waxaa ka qeyb galay dhammaan dadka, Askarta, Odayaasha, Ergada, Wasaaradda Dastiuurka iyo Dowladda oo dhan ayaa ka qeyb qaatay, iyo kuwa na caawiyay dhammaantood. Kaliya dastuur looma socon in la sameeyo, waxaa muhiim ah in la hirgaliyo. Caqabao badan ayuu la soo kulmay oo waxa la isku dayay in la fashiliyo Laakin wuu a badbaaday dadaal dheer kaddib. dhaliilahii iyo talooyinkii ergadana baarlamaanka xiga ayaa wax ka qaban doona. Dastuurkaan waxay diplomaasiyiinta qaar noo sheegeen inuu ka mid yahay 25ka dastuur ee caalamka ugu horreeya. Inaan fiican qorono waa muhiim waxaase ka sii fiican inaa ku dhaqanno, Dastuurkaan waxaa ku baxda 50 Milyan oo Dollar. annaguna maanan arag ee waa naloo sheegay. GUddigii madaxabannaanaa ee dastuurka iyo wasarada dastuurka haddaaan weydiino haa ma dhahaayaan. Maxaa u sabab ah, waa KMG, waa inuu dhintaa KMG, KMG roow dhimo. Talada Soomaaliyeed Soomaali ayaa iska leh, dowladda la soo dhisi soonana waxaa iska taladeeda Soomaalia. Ciddii u bareertay faragalinta Soomaaliya ha ku filnaato 21ka sano. colaad ma qabno laakin waxaan rabnaa inaan wax qabsanno. Dastuurku wuxuu noo hoggaaminayaa howlo ay ka mid tahay in dowlad lagu dhiso aan ahayn KMG ah. Madaxda dowladdu dhaqan galinta haka bilaabaano magaca dalka oo ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Odayasha waxaa looga fadhiyaa inay soo xulaan Baarlaan. Gabdha waa in la siiyaa kootadooda, odayaashoow naga dhiiba. Ma u maleynaayo in ay waayaanhaweenku qoondadooda, waayo haweenku waa mudan yihiin. Saxiixayaashu waa isku raaceen in haweenka la siiyo 30%. Ciidamada Booliska waxay fashilyeen weerarakii argagixisnio ee shirkaan lala damacsanaa. Cali Wakad oo ah sarkaalkii fashilyay waan u mahad celinayaa. Askarta dhanna waan u mahad celinayaa oo u taaagan difaaca dadka iyo dalka. Dhibaatada dadka ku dhacday waxaa udub u ahaa dowladla’aan. Dhibaatadaas qeyb ka mid ah waan ka baxnay hadda maadaama aan helnay dastuur inta dhimmana waan ka gudbi doonnaa , haddaad gacmaha is qabsano oo aan dowladnimada ku dadaalno. Horumarkaan waa mid siyaasi ah, waxa ka horereeyay mid amni, waxaana la socday mid bulsho. waana sii socon doonaan -, waayo waa is kaabayaan dhammaantood. KMG inaan ka baxno waxay fududeyneysaa tixraaca noloshooda iyo siyaasadda, Xuquuqdooda iyo mabaadiida ka dhaxeysa. Waxaa waajib nagu ah inaan ka gudubno mugdiga una gudubn iftiinka. cadowgii Soomaaliyeed waa jabeen Shabaab iyo Al-qaacidda ayaana u dambeeyay, mana la sii arki doono Inshaa Allaah. Ciidamada XDS iyo AMISOM ayaan uga mahad celinaynaa intaas. Soomaalidu waa Muslim laakin Shabaab maaha. ma Oggolaneyno in ISlaamkaan ku dhalanay wiilal yaryar iyo dambiilayaal shisheeye nagu dhibaateen, ee waxaan heysaneynaa ISlaamkii aan ku dhalanay. Fikraddaasi waa mid guracan oo haddana fashilantay. Soomaaliya Al-Qaacidda meel kuma laha. Si aan qaran u dhisno waa in aan is cafino dhammaanteen.
-
GUddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan SH Aadan. Salaan madaxda iyo dowladda. Maanta waa taariikhi, caasimadda dalka annagoo joogna haddana dastuur ansixinay, waa hambalyo odayaasha iyo ergada ayaana ku mahadsan iyo dadkii ka soo shaqeeyay. Alle ayaa mahad leh, Hadduu noo fududeeyay, caddaalad iyo midnimo ayaana rajeynayaa inaan kula dhaqanno, Waxaan u soconnaa dowladnimo. waayo ammaanka wax badan ayaa laga qabtay siyaasaddana waatan horumartay. Horay ayaan u socon doonnaa, Sonkaan iyo soonkii hore isma laha oo dhibaatadii jirtay waan ka baxnay Alle ayaa mahad leh. Horay Alle ha noo sii wado, waa innaan dadaalnaa oo aan ka fekernaa qaranimada iyo sharafteena. gadaaal yaan loo laaban hana la iska dhaafo danta garka ah, sharafteena aan ceshanno. Horumar badan ayaa la qabtay iillaa Kampala Accord, haddana horay ayaa loo sii soconayaa illaa laga dhammeeyo dhismaha dowladda iyo doorashada madaxweynaha. Is riixriixu ha ku ekaado xilliga wax raadiska, dad badan oo mudan ayaa waayi doona kuwo mudana way heli doonaan, marka haddii qof guuleysto hala taageero, nabaddnaa halaga shaqeeyo, si aan baraare u garno. Hana la is cafiyo, Dastuurkana hala wada oggolaado kuwii la metelay iyo kuwa wax metelay. Baarlamaanka Imaan doona ayaana wixii qaldan gudbin doona.
-
R/wasaraha ayaa khudbadda lagu soo dhaweeyay Salaan madaxda iyo ka qeyb galayaasha. Madaxweynaha DOwladda Rasmiga ah ee SOomaaliya mudane SHariif SH Axmed. guddoomiyaha Baarlamaanka ergayga QM Mahiga, Danjirayaasha iyo dhammaan ka qeyb galayaasha waan idin salaamay Waxan ku faraxsanahay inaan maanta ahanyn KMG ee aan nahay DOwlad rasmi ah.. tan oo qaadatay waqti iyo jumhi badan. Xukuumaddu waxay wax ka qabatay ammaanka. waxaa xuroobay gobollada dalka intooda badan halka awal la joogay Muqdisho qeyb yar oo ka mid ah, ammaanta waxaa iska leh Ciidamada XDS iyo ciidamada na caawiyay AMISOM. DHallinyaradii Shabaab oo la soo dumay dhaqan celina diyaar u ah. Dib u heshiisiin uu dastuurku ugu horeeyo. Dowlad wanaag iyo hagaajinta tayada shaqaalaha, soo celinta dhaqaalaha iyo la dagaalanka musuqmaasuqa. Dowladu xiaabtan ayay ogoshahay, caalamkuna waa inuu oggolaadaa, waayo waxaan nahay dal xor ah. Gulaha waxaa ugu weyn in Dastuurkii dalka la ansixiyay Soomaali waa diidday KMG waana ka gudubnay hadda. Waxaa kale oo guul ah in 60 musharax ay joogaan dadkiina ay dalka ku soo laabteen. Waxayna musharraxiintaasi heli doonaan caddaalad. Rajadu waa in dadku wada helaan xuquuqdooda, ayna helaan waxa ay u baahan yihiin. Ififaalo fiican ayaa muuqata iyo midnimo Soomaaliyeed iyo isku tashi. Caalamka oo Soomaali dowlad ah la tacaamulaya ayaan arkaa. Ballanta ah in haweenka la siiyo boqolkiiba soddon waa in laga dhabeeyaaa.
-
Mahiga Salaan madaxda iyo ka qeyb galayaasha. Salaan ka timid Ban ki moon ayaan u wadaa 135-ka oday dhameed, tan labaadna 825ta ergada ah. Maanta oo ah 2da Agoosto waa maalin dadka SOomaaliyeed taariikhdeeda galeyso. Waxaa laga cabsanay in Argagxiisadu ay hakin karto shaqadiina, laakin waad ka guuleysateen oo waxbaad qabateen sida ansixinta dastuurka Dastuur qurux badan ayaad sameysateen 1960, kaliya wuxuu shaqeeyay 9 sano, milatarigii ma uusan tixgelin dastuurka, Kenya waxaad ku sameysateen Axdi KMG, kaasna shalay ayuu ku ekaa oo hadda Dastuur ayaad leedihiin Dastuurku waa nafta Qaranka iyo ruuxa dowladda, ergadii golaha dastuurka ahaa waxay umadda Soomaaliyeed ruuxii ay u baahnaayeen oo ah dastuurka. Roadmapkii la bilaabay September, wuxuu maray Garowe, Gaalkacyo NAirobi iyo ADIS sabab, laakin hadda Muqdishi ayuu ku soo laabtay. Arrintaan waa taariikh waxayba u tahay dadka SOomaaliyeed. waayo dalalka adduunka dastuurku sadex afar marxalad ayuu maraa oo kala ah. Qorista sharci yaqaana gudbinta shacabka. mar kale sharci yaqaanno Aaradii dadka oo lagu daro marka ugu dambeysa kaddibna cod ayaa loo qaadaa. Laakin Soomaaliya, 21 sano Dastuur ma lahayn, ma sanooyin kale ayaan sugnaa karnaa, Soomaalida oo caqli leh ayaa tiri ma sugeyno oo waddo kale ayaa la marayaa. Waxayna dhaheen waxaan sameyneyna golo Ansixin Dastuur, waana la sameeyay Mudda goluhu fadiyeen anigu waan idin daawanayay, waana idinla socday, markaana arkay howshiina waan qiirooday, waxaadna ;a timaadeen waddaninimo. Dastuurka aad sameyseen ansixiseen waa waxa ugu weyn dib u heshiisiinta Soomaaliya ay u baahan tahay U adeegsada Dastuurkaan Dokomenta ahaan xilliga doorashada iyowaxyaabaha la mid ah. Marka labaad si SOomaalinimo ah u qaata una habeeya oo wax uga beddela illaa aad marka dambe cod uga qaaddaan. Dastuurku wuxuu nabad siinayaa adinka iyo dariskiina, dowladnimona waa idin siinayaa ee ku dhaqma. Waxaa noo dhimman inaan baarlamaan ku helo todbaad. Waa in haweenka la siiyaa kootodooda. waana ku faraxsanaay in madaxdu ay taageersan yihiin arrintan. Qeybaha bulshada dhammaantiin haweenka ku caawiya in ay helaan kootadooda. Xukuumadda hadda hal haween ayaa ku jirta, waana kaligeed waa in ayadana dad badan lagu soo daraa oo wasiiro badan laga dhigaa haween. ODayaasha waan xushmeynayaa, hadda 174 xubnood ayay ku soo dareen ergada dasturka ansixineysa. haddii la keeni waayo kootada haweenka ee baarlamaanka liiskaas ayaan ka bixin doonnaa haweenka xildhibaanada noqonaya. Laakin waxaan rajeynayaa in aysan howshu halkaa gaarin waayo waxaan ku kalsoonahay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed. Waxaa nala jooga wakiilo ka socda 7 Hay’adood oo caalami ah. Waxaan codsaneynaa in la jojiyo waxyaabaha aan wanaagsaneyn ee dhaawacaya hannaanka
-
Popular Contributors