oba hiloowlow
Nomads-
Content Count
10,757 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by oba hiloowlow
-
Kulanka labada nin wuxuu dhacay saacad kadib markii uu saaka burburay shir illaa xalay lixda saxiixayaasha qariirada roadmap-ka uga socday magaalada Nairobi ee xarunta wadanka Kenya kaasoo madaxweyne Shariif saaka uu ka soo carooday. Ilo wareedyo ku dhow shirka ayaa Raxanreeb u sheegay in shirka kooxdan ay lahaayeen lagu lafaguray arimaha doorashada iyo xulista baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, kuwaasoo lixda nin ay si weyn isugu qabteen. Wararka lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in madaxweyne Shariif Axmed uu ka xanaaqay kadib markii madaxweynaha Puntland C/raxmaan Faroole uu soo jeediyey in xildhibaanada beesha *********** ee ka imaaneysa deegaanka Khaatumo State lagala tashado maamulka Garowe isla markaana aan la qori karin xildhibaanada ay keensadeen siyaasiyiinta reer Khaatumo taasoo Shariifku uu ka booday. Sheekh Shariif wuxuu taageero wanaagsan ka heystaa xildhibaanada reer Khaatumo ee la filayo inay baarlamaanka cusub galaan, waxaana xusid mudan in ergooyinkii ansixinta dastuurka iyo odayaal dhaqameedkii ku shiray Muqdisho ee qeybta Khaatumo aysan horey u soo marin Faroole. Arintaasi waxaa ku xigay dalab kale oo ka soo yeeray Shariif Xasan oo ahaa in doorashada madaxweynaha la soo hormariyo kadibna tan afhayeenka baarlamaanka, arintaasoo Madaxweyne Shariif uu u arkay mid isaga loogu dan leeyahay uuna si weyn u diiday. Shariif Xasan ayaa dalabkaasi u keenay si uu u ciyaaro ciyaarta LABADA FARAS oo haddii uu tan madaxweynaha wax ka waayo si uu tan baarlamaanka uga qeybgalo!!!. Sida ay ogaatay Raxanreeb saaka Waaberigii ayaa ka hor intuusan madaxweyne Shariif ka soo bixin shirka, wakiilka Qaramada Midoobay Augustine Mahiga iyo xubno ka socday IGAD waxay isku dayeen inay Sheekh Shariif ku qanciyaan inuusan shirka ka bixin hase yeeshee isku daygaasi wuu fashilmay ,waxaana saacado kadib Sheekh Shariif uu u soo duulay Muqdisho oo lagu soo dhoweeyay.
-
oba hiloowlow;854673 wrote: Jazeera
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Maadeey i haven't listened to the whole video, runtii laakin shariif made the right choice muqaawamadda markey la dagaalamayen Xabashida ilaahan kugu dhaarshe shacabka la xasuuqaye because muqaawamadda meelaha ugu dadka badan ayeey ka ridaayeen hoobiyaasha like suuq bakaaro, yaaqshiid,hodan, shalay majority muqaawamadda waala jireen sax sow maha? Gaar ahaan reer adeeradda iyaga dadka dadka waaka sii xagjirano 99% waa dagaalamayeen isweydii dadkana dabaaal ma ahee Al shabaab oo wali dagaalka wado maxaa keenay iney taageero weyso la mid ah tan ay muqaawamadda heysatay sxb -
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
-
Sheikh Shariif Sheikh Axmed Campaign Thread
oba hiloowlow replied to oba hiloowlow's topic in Politics
Welcome home Mr.President -
^^ Abwaan runta in laga hadlo maa diideysaa? Dadkaaneeti shacab caadi mahan ee waa dadka suugaanta iyo fanka soomaliyeed ilaahay hibo ku siiyay misna hibodaas ku adeegsaday in lagu dagaal geliyo kumanaan soomaaliyeed marka maanta kuwaas KAC in la dhahaay aheed.
-
Faroole wants to be informed anything concerning Khatumo and their representatives. Shariff Hassan the head of parliment wants the presidential ellection to first take place before the parlimental ellection. Ahlu-Sunnah was being represented by a spokesman instead of Awlibaax who signed the roadmap document on their behalf Sheikh Shariif wants the committee designated to come up with the new parliamentarians dismissed
-
Madax waynaha wadanka soomalia sheikh shariif ayaa isaga baxay shir maanta lagu wayday in ay ka wada qayb galan dhamaan saxiixayaasha qariirada nabada taas oo la doonahay in maanta lagu gorfeeyo sidii loo wajihi lahaa doorashada madaxwayna nimada ee lagu wado in wadanka soomaaliya loo qabto. Madaxweyne Sharif ayaa isaga oo xanaqasan ka baxay hoolkii shirka isagoo u duulay magaalada Muqdisho, kadib markii ay fashilmeen dadaalo lagu soo celinayo oo uu waday ergayga qarmada midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Augustin Mahiga. Ilaa iyo hada laga oga sababta ku kaliftay in Madaxweynuhu uu shirka isaga kaco fadhigii shirka iyada oo ay arintani tahay tii oogu horaysay ee uu ku dhaqaaqo madaxwayne shariif tan iyo itnii uu xilka madax tinimada u qabtay wadanka soomalia. Warar hoose oo aanu helayno ayaa qeexaya in ay jirto iyo hadallo isku taag taag khadka taleefanka ku dhamaray madax wayne shariif iyo Abdiwali Gaas iyo Cabdiraxmaan Faroole kuwaasi oo sacadihii ugu dambeeyey kulamo gooni gooni ah kul ahaa hotel Magaalada Nairobi Dalka Kenya
-
Madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa isaga baxay shirka saxiixayaasha Road Map-ka uga socday magaalada Muqdisho, iyadoo ay isa soo tarayaan arrimo dhowr ah oo ay isku hayaan madaxda Soomaalida, kaasi oo ku aadan habka dhameystirka xilliga KMG. Wararka ayaa sheegaya in horay madaxda Soomaalida ugu balameen inay ku kulmeen Hotelka uu degan yahay Madaxweynaha, kadib markii Hotel kale oo ay codsadeen qaar ka mid ah saxiixayaasha uu Madaxweynaha ka biya diiday. Madaxweynaha Puntland iyo Ra'iisul Wasaare C/wali ayaa ka soo daahay shirka, ka hor inta uusan Madaxweynaha ka bixin shirka, inkastoo ay jiraan arrimo dhexdooda ahaa oo shalay oo dhan ay hareysay. Arrimaha la hadal haayo ayaa ah habka soo xulida Baarlamaanka oo madaxda saxiixayaasha ay aad isugu hayaan, sidoo kale waxaa la isku hayaa xubinta Ahlusuna ee u saxiixaya xulista Baarlamaanka, iyadoo labo xubin ay kala socdaan. Sidoo kale arrinta kale ee la isku haayo ayaa ah talooyin uu soo jeediyay Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Mahiga, kaasoo ahaa in tafaraaruqa ay meesha ka saaraan Madaxda, ayna isku raacaan hal musharax oo ay ku mideysan yihiin, si loo sii wado barnaamijka geedi socodka nabada Soomaaliya. Madaxweyne Shariif ayaa diyaarad ka soo raacay magaalada Nairobi goor dhow, iyadoo uu imninka socdo shirka Saxiixayaasha shanta kale ah, waxaana arrintan durba ay keentay kala qeybsanaan madaxda dowladda soo kala wajahday. Dhinaca kale qaban qaabo xoogan oo lagu soo dhoweynayo Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka socota Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, waxaana wadooyinka laga dareemayaa dhaq dhaqaaq ballaaran oo lagu soo dhoweynayo. Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa waxaa ku sugan Haween xiran hidiaha dhaqan, Mas'uuliyiin iyo saraakiil, waxaana soo dhoweyntan ay tahay mid aad uga duwan soo dhoweyntii hore.
-
Osmano mr troll boy ka bax my thread
-
what USC did is nothing one can be proud of walahi, but somalia for god sake stop the victimizing as far as i know somalis from every clan lost someone dearly to them marka bahasha naga daa, even though USC did the biggest crimes such as boob,dagaal and etcetera the Siyad militia wasn't better, if one was in xamar december 1990 you know what im talking about marka naga daaya dee bahasha
-
Moonlight loool ani shirib ma aqaani walahi unfortunatly cida kuma dhex barbaarin..
-
moonlight xaa ku helay ninyahow lol
-
somalia yur aan ku dhahi
-
well moonlight mowduucan waa mowduc fiican thread kale uu fur aan kaga doodne. Aniguse waxaan qabaa wadaninimo waa lo dhashaa you cant just become wadani over a night, marka duqdaan far weyn aa ku jirto waa arkeysay wixii tiri hadhoow inaan inkiraan rabay..
-
...........................................................................
-
Somalia Albaabka is
-
Moonlight it was hooyadey but thanks appreciate it,, what im more worried about waxaa waaye cid waloobo maanta calankaas bey lulayaan hoosna qabiil ay la karkarayaan, umadd sidaas ah sidey dowladd wax tar uu dhisataa
-
Popular Contributors