oba hiloowlow

Nomads
  • Content Count

    10,757
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by oba hiloowlow

  1. Wafdi uu hogaaminayo Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon ayaa maanta gaaray magaalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabellaha Hoose, iyadoo safarkooda uu ahaa mid dhulka ah oo ay galbinayeen Kolonyo Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda. Ra'iisul Wsaaare Saacid oo ay safarkiisa ku wehliyaan Wasiirada Arrimaha gudaha, Gaashaandhiga, Maaliyada, Warfaafinta, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka, Taliyeyaasha Ciidamada xooga dalka, Booliska, Agaasimaha Hey'adda Nabadsugida iyo saraakiil ciidan. Safarka Ra'iisul Wasaaraha oo ah kii labaad oo uu ku tago gobolka Shabellaha Hoose ayaa horaantii bishan booqday degmada Afgooye oo Muqdisho u jirta 30-KM, iyadoo booqashadiisa magaalada Marka ay noqoneyso tii u horeysay. Wararka ayaa sheegaya in wafdiga Ra'iisul Wasaaraha ay kula kulmeen dadka deegaanka degmada Shalanbood oo saaka halkaas ay gaareen, iyagoo kadib u gudbay magaalada Marka. Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay wadada isku xirta Marka iyo Muqdisho, iyadoo ka hor inta aysan ka ambabixin magaalada Muqdisho qaar ka mid ah wadooyinka la xiray, taasoo dadka ay aaminsanaayeen in Madax ay soo dageyso ama ay ka dhoofeyso garoonka diyaaradaha Muqdisho. Xukuumada Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku dooneyso inay wax badan kaga qabato arrimaha ka jira gobolada dalka, waxaana socda qorshayaal maamulo loogu sameynayo gobolada, kaasoo ka imaanaya dadka deegaanka, iyadoo dhowaan Wasaarada Arrimaha gudaha ku dhawaaqday in Maamulo KMG ah loo dhisayo Gobolada tan iyo inta dadka deegaanka maamul ay soo doortaan loo dhisayo. Hoyga wararka Somaliyeed www.jowhar.com jowharnews@gmail.com jowharcom@hotmail.com
  2. Jacaylbaro;914260 wrote: Salaams Juxa & Oba ..... Juxa, Dadkaan is lahaa way baxayaan waabay soo qulqulayaan Oba, Niyow fasax baan yara galay .... SOL politics yaanay ku wareerin baan is idhi dee LOL good choice
  3. Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo shalay gaaray magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa maantana gaaray xarunta gobolkaasi ee Dhuusamareeb. Xildhibaannada oo ka ambabaxay Guriceel kadib markii ay kulammo la qaateen waxgaradka,siyaasiyiinta ,mas’uuliyiinta,maamulka degmada Guriceel iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaga oo kala hadlay xaaladda guud ee ka jirta deegaannada ku dhow Guriceel iyo waxyaabaha ay dadku xiligan sida deg dega ah u daneynayaan si loogu soo gudbiyo Xukuumadda. Markii hadaba xildhibaannada ay gaareen magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi ayadoo dadweynaha Dhuusamareebna ay dhigeen banaanbax ay ku taageerayaan socdaalka Xildhibaannada ay ku marayaan gobolka Galgaduud qeybihiisa kala duwan. Xildhibaan C/naasir Gaarane Aadan oo la hadlay dadweynaha Banaabaxa taageerrada ah u muujiyey Xildhibaannada ayaa sheegay iney aad ugu faraxsan yihiin sida sharafta leh ee loosoo dhaweeyey ayadoo taasina ay ka turjumeyso sida ay dadka reer Galgaduud xiligan u daneynayaan Dowladnimada Soomaaliya iyo hanaanka hormarka leh ee uu dalku ku talaabsaday xiligan. Hadaba Xildhibaannada Baarlamaanka ee gaaray magaalada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud waxey kulammo kala duwan la qaadan doonaan maamulka gobolka Galgaduud iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaaladaasi oo ay ugu horeeyaan Waxgaradka ayaga oo kala hadli doona xaaladda dhabta ah ee ka jirta gobolka.
  4. salaams folks mala faaya? Jb waryee where have you been these days?
  5. war Nuunka the worst thing i ever witnessed was a relative of mine a FOB she married this arab dude, she doesn't speak arabic or swedish at all and he doesn't speak swedish tolow side isku af garteen? anyways the marriage lasted for a about six months. Belo ku dhacdo
  6. PM Mudane Saacid Arrives in Shalanbood Wafdi uu hogaaminayo Ra’isulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon Saacid ayaa goor dhow gaaray deegaanka Shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeelada Hoose. Ra’isulwasaaraha Wafdigiisa waxaa ka mid ah Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi,Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mudane C/kariin Xuseen Guuleed,Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Isgaarsiinta iyo Gaadiidka Mudane C/laahi Ciilmooge Xirsi,Wasiirka Wasaaraddda Maalliyadda iyo Qorsheynta Mudane Maxamuud Xasan Suleymaan,Taliyaha Ciidammada Xoogga Dalka Soomaaliyeed Sareeye Gaas C/qaadir Sheekh Cali Diini,Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed Eng Axmed Macalin Fiqi,Taliyaha Ciidammada Booliiska General Shariif Sheekh Unaa Maye iyo xildhibaanno. Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa waxey kasoo ambabaxeen saakay magaalada Muqdisho ee Caasimadda ayadoo hadana wafdiga Ra’isulwasaaraha ay kusii jeedaan magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo Ra’isulwasaaraha uu kula kulmi doono waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee buslhada ku dhaqan magaalada Marka. Magaalada Shabaanbood waxaa Ra’isulwasaaraha kusoo dhaweeyey mas’uuliyiinta maamulka gobolka Shabeelada Hoose waxaana socdaalka Ra’isulwasaaraha iyo wafdigiisa uu salka ku hayaa u kuurgelidda xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin dadka ku dhaqan magaalada Marka . FAAH FAAHIN IYO SAWIRRO NAGA FILLO INSHA ALLAH RM
  7. Wafdigan ayaa saaka ka amba-baxay magaalada Muqdisho, waxaana ay safar dhinaca dhulka ah ku mareen deegano badan, iyadoona ay goor dhow ay ka dhaqaaqen deegaanka shalaanbood oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose. Cabdi Faarax shirdoon iyo wafdigiisa ayaa la filayaa in ay duhurnimada tagaan degmada Marka,halkaasi oo ah xudunta socodkooda,waxaana wafdiga ka mid ah wasiirka amniga,wasiirka gaashaandhiga iyo taliyeyaasha ciidamda booliska iyo Milatariga dalka. Ujeeadada ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii loo soo indheyn lahaa xaaladaha amniga iyo horumarka ee ka jira degmooyinka gobolka Shabeelaha hoose,waxaana sidoo kale R.wasaaraha somaliya goobaha uu tagay kula kulmay dadka degaanadasi oo ka dhageystay baahiyaha deegaanka iyo xaalada amni. Ugu danbeytiina waa markii ugu horeysay oo Wafdi heerkan ah uu gaadho dhulka ku teedsan marka iyo shalaanbood oo horay uga arimin jireen xarkadda Al-shabaab,wafdiga ayaa la filayaa marka kulamadooda u soo dhamaadan in ay dib ugu soo laabmaan magalada Muqdisho. Calanka.com-Nairobi
  8. I think its hibo nuura, it sounds like sudanese music maybe it was recorded in sudan since Ahmed cawad rabsha studied music in sudan
  9. i've heard my father use that word never bothered to ask what it means
  10. Haatu;914103 wrote: S3 is simply the best I'm sorry. This phone doesn't even come close. this
  11. QansaxMeygaag;914117 wrote: Hit me with the youtube videos or links to audios please! http://vocaroo.com/i/s11swQD2UUlw I had to upload from my laptop
  12. LOL i have no idea what Luqun is walahi, as for dhako waa qoor aka neck according to me
  13. haatu and nuune war waa melahaas uun maxan ka naqaan
  14. Apophis;914082 wrote: Dammit, I had to google that. SMDH apo