faysal awcabdi
Nomads-
Content Count
4 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by faysal awcabdi
-
Bismilaahi raxmani raxim Dhawaaq la bilaab Inaan bisin dhaafo Horaan uga dhaartay Inaan dhulka hoyo dhibaatiyo hawlba Naftayda u dhiibo Oo aan dhudhun beelo Dhiigayga u daadsho Horaan ugu dhaartay Cadawga dhirfaaya Khayraad ka dhulkayga Ee soo dhabacaaya Hadaanan ka dhiijin Dhankaa dhan dheh gaban Intaan dhag ka siiyay ma dhiiraday caawa Ma dhaafine heedhe Kaluukna ka dhooban Badayda dhexdeeda Hadaanan ku dhaadan Geelii dhaqayoobay dhiilkii gorofoobay Dhaydii adhigeena Lo'dii dhitadeeda Dhalaanku ka haago Markaan dhereg dhaafno U dhoofino meelo Ugaadha dhuyaashay Dhulkii ka dhamaatay Gamaankaba dhawrin Beeraa dhinacooda Intaan u dhaqaaqo Dhirtii ka baxaysa Inaan dhab u beero dhaqaalaha tiirsho Horaan ugu dhaartay Dhankaa dhan dheh gaaban intaan dhag ka siiyay Ma dhiiraday caawa Culuun la dhigaayo Inaan dhimirkayga Aqoon ku dhiteeyo Dhamaanba duruusta Iskulada dhooban Ku dhaansado buugta Anoo dhuganaaya Waxaan dhiganaayay Oo aan xabad dhaafin Dharaar itixanka Markaan dhex fadhiisto Inaan wada dhaafo Dhamaan ba filkayga Dhab siiyo shahaadad Aqoon lagu dheehay Anoon dhan u leexan Dhankaana jaleecin Inaan dhulkii hooyo Dharaar la arkaayo Intaan dib u dhofo Dhalaanka koraaya Caruurti dhulkeena Waxaan cilmi dhaamo Anoon dhamidoodba Dheecaan kaga raadin Dhigaalka aqoonta Bakhaylnimo dhaafo Ka dhawrsado ceebta Inaan isu dhaafsho Horaan ugu dhaartay Intuu dhinacaygu Dhulkaa ka sareeyo Saantay dhogor leeday Dhiiftii hadalkayga Inaan dhab ka yeelo Aamiin ku dhawaaqa Dhankaa dhan dheh gaban Intaan dhag ka siiyay Ma dhiiraday caawa Ma dhaafine heedhe Dhulkeena xoroobay Cadaawe ka dhoofay Ragii u dhibtooday Rasaas u dhigaayay Dhafoofkiyo laabta Dhintee hada mootan Agoomaha dhaafay Kuweer Dhutinaaya Dhantaalmay Jidhkoodu Dhaqaaq gabay haatan Inuu rabbi dhaafo Dhamaan dambigooda Aamiin ku dhawaaqa Kuwiinani dhoofka Dhul ay yurub leeday Qurbaa dhex maraaya Inuu dhudhun kiina Dhukeenu sugaayo Dhafoorka ku haysta Dhankaa dhandheh gaaban Intaan dhag ka siiyay Ma dhiiraday caawa Ma dhaafine heedhe Dambaal wada gaadha Dhamaan wadankeena Dhamaan afrikaanka Dhibaatadu hayso Midh aynu ku dhaano Cadaawaha dhaaraty Markuu ina dheehdo Midh uu dhimanaayo Mid aan dhursugayno Inay dhanka kaabto Aqoonsi dhameeya Aqoonsi dhamaanba Aduunyadu dhiibto Dhukeenu u aayo Anoon dhinacooda Dhulkii raga jooga Dhaliilba u haynin Ayaan dhud ku boorin Inay dhidib keeda Dhisaan nabadeena Mid aan ku dhargayno Mid aan ku dhismayno Mid aan dhamideenba Dhigaalka u ayno Dhalaanku ku ceesho Haweenku ku dhaato Barbartu ku dheesho Waayeel dhamidoodba Nastaan dhinacooda Mid uu dhamidiiba Dhigeen ina eegto Dhaliisha ku reebno *****************
-
Inta haybad wacanee qurux lagu hilaad shee loo wada han wayn yee rag u wada hamuumaad hormuud kooda tahayoo hanaan kaagu canabeey hor ilaah i deeq yoo adaan kugu hamiyayaa ii hiili gabadh yahay ******** inta timo haldhaaleey qurux halac laysiyo hoobaan la moodee rag ku wada hamiyayaad heer sare u tahayoo hubqaad kaagu canabeey huq buu igu abuuree alaa hibada bixiyee ii hiili gabadh yahay
-
ANIGA OO AH FAYSAL AW CABDI CANBALAASH AH Halkan waxa aan kaga faaloonayaa nolosha ka jirta qurbaha gaar ahaan dalkan ingiriiska kaasi oo ka mid ah ama la odhan karo waxa weeye meesha ay soomaalidu ugu badan tahay marka loo eego melo badan oo dunida ku yaal marka laga reebo soomaaliya. Gabaygu waxa uu taabanayaa dhibaatada haysata umada iyo sida ay ku timi iyo sida ay u kala abaartay rag, dumar&caruur.hadaba Kama dambaystii gabaygu waxa uu ku bilaabmayaa sidan RABI DAAYIN WEEYEE INTA UU DAD UUMEE DUNIDANI DULJOOGTEE DAADAHAYSA NOLOSHEE ISKU WADA DULNOOLEE DANTU WADA KULMINAYSEE NINBA MEESHI LOO DIRAY ISAGOO DADAAL IYO MUUJINAAYA DOOR ROON DABCINA WAA WAX DARANOO DAD AAN GACAL AHAYNBAA ISKA DOORTA AADMIGA MARNA DUUL WALAALO AH OO HOOYO DIHATAA DAARKU WADA DHAQNAANBAA DACI KALA RARAA OO DAD IS BOOQDA DA YOO SALAANTANA LAKALA DIDA DAGALADA QURBAHA IYO DALKAN AYNU JOOGNEE DAADUUNKA LAGU YIMI DAGAALKII SOKEEYAA DAAFADIISI WEEYOO WAXKASTOO DARAADABA WAX KASII DARAADAA DABA YAALA WALIGII INTII DABADA YAACDIYO DAWAAFKII ADUUNYADA DADKEENI USOO KACAY DAYAC BAA KU DHACAYOO INTA DAADSAN YURUBEE CEEBTEEDA DADAYSANA INGLAND HOWDARAATEE DUMARKII WAX BAA HELAY JIDHKOODII DAHAADHKIYO KU WACNAA DABOOLKEE DAHAB LAGU MASAYN JIRAY DABADAA LASOO DHIGAY DAAYINKII ABUURIYO DUN NINKAY WADAAGAAN MIDNA MABA DANEEYAAN IYGAABA DARAJO LEH DA, YAR TIYO BARBAARTII DHAQAMAD ISDILAYAA DAANO WAYN U GAYSTOO BIYO LOOMA DIRANKARO DAB HADAY KU DHACAYAAN AMA DACAR WALAAQDAAN DAAYA RUUX MA, ODHAN KARO HADII AAD U DIID IYO DAGAAL MEESHA KEENTANA DHAQAN DOORIN WEEYOO DAWLADAA KU XIDHAYSOO DAMBIILAY KU QORAYAAN RAGIIBAA KASII DARAN DARXUMADIYO HAWSHAA KUWII DIIDI LAAYEE KADIGIIGI XOON LAA DANTA AY KA RACDEEN WAA JAAD LA DUUBTIYO ILLAA DAALAC WAABARI MURAN LAGU DUL NOOGIYO KUWO DAASAD HAYSTOO DARBIYADA ISTAAGIYO DARAAGOOLAYAAL AAN DUNIDABA WARKEED HAYN DUNJIGOODBA NIMANKII DULI BAA HALEELOO DUULASHII QURBAHA YIMI KUWO DAAYINKEENII KUHAGAAJAY DAWGOO U HANUUN SAN DIINTOO DARIIQII SAXNAA IYO WIXII DAAYIN UU FARAY WALI DABADA HAYSTAA DADKEENII KA HADHAYOON ANA UGU DUCEEYAA WAXSE AAN KU DAYN LAA DOODANA KU SOO XIDHAY DADAAL AAN BILAWNIYO DIB IN LOO NOQDAAYOO DAGMADII HARGYSIYO BURCO DAAFAHEEDII BARBARIYO DALKEENII CEERIGAABO IYO DAMAL SURAD OON LADAYN KARIN AMA DAALO IYO HAWD SAYLAC IYODOCDEEDAA BADA LOOGA DHIGAY DAYR RUUXII DABAAL RABA AMA KII DANKALE WADA UU FIJAANKA DARAYEE XIISAHEEDA DAMAQA LEH NAFTU AANAY DAYN KARIN MARLABAAD U DUULOO NOLOL AAN KA DAYANAA WAA DALKAAD U DHALATOO XUMO LAGU DULOOBIYO DIIQADI MA TAALEE JAGADAAD KADAGILAYD IMIKABA KA SII DAYO INTAAN DAYRAR LAGUXIDHAN TAASI WAA DAREENKAY WAXSE AAN KUDARAYAA DOODU WAY U FURANTAHAY ARINTAA KA DOOR ROON RUUX KASTOO KU DARAYIYO MIDKII DIIDAN HADALKABA HADIISE DAAYIN NAGU SIMO DIBAA LOOGA SHEEKAYN DOODIINA KABA BAXAY *********DHAMAAD**************
-
GABAY JAADKA GABAYGAN GAABAN OO KU SAABSAN JAADKA IYO DHIBAATOOYINKA UU U LEEYAHAY BULSHADA IYADA OO AAN LAGU DHAMAYS TIRI KARIN HAL GABAY AMA HEES IYO BURAANBUR TOONA AYAAN BAL WAXA AAN ISKU DAYA YAA IN AAN JALEECO YAR KA TUSO DHALIN YARADA HADA JOOGTA OO AAD MOODO IN AY SI AAN LAQIYAASI KARIN U QAYILAYAAN HADABA ANIG OO AH FAYSAL AW CABDI CANBALAASH GABAYGANA SAMEEYAY SANADKAN LABADA KUN BISHII KOOWAAD SHAN TEEDII BAL ILA EEGA. GABAYGU WAXA UU KU BILAABMAYAA SIDAN • JALBEEBTIISA GABAY WAAYADAAN WAANIGII JARAYE • HADBA ANIGA OO JOOJIYAY WAX IJUJUUBAANE • AAN JAREEYO CAWANA TIXDAY JIRRATAY LAABTAYDU • NAF JECLAATAY INAY JAAD CUNTAA WAY JIRABANTAY E • JIDIIN KUU KA GOOYIYO CUNTADA YUU KA JARAYAAYE • QAADIRADA JOOGTADA AH BAY INDHUHU KULA JANJEEDHAANE • BEEN LAGU JALBEEBTIYO XAN BUU KUU JIDEEYAAYE • DHANKASTOOD JALEECDONA MALAHA JAAWO IYO KHAYRE • INTA UU DHIB JAAD LEEYEHEE KUMANKA JAADJAAD AH • HADII AAN JALEECOOYIN KALE JIIMKA KA HIGAADSHO • INTA UU NIN JIIDH WAYN LAHAA JARAY ARWAAXIISA • AMA JEES KU BAABA,AY INTUU JAADKU SALABEEYAY • JAGAAGACA KABADAN SHEEKADAAN JEEBKA KUHAYAAYE • INTUU WIIL JAHADA SEEJIYEE DAYOW LA JIIFTAANTAY • AMA JIIFTA WAADHKEE KUXIDHAN JEELASHA MAGNUUNKA • AMA GABADH JAMAAL QURUX SAMAYD GEERASH YADA JOOGTA • AMA SODOH INTAY JAAD BAREEN JIQILKA UUN TIIRIN • AMA KUWAN DHEX JOOGUUN XABAAL JAADKA LAGU IIBSHO • OO U KAYDSHA JEEGABA INAY JAAD KU BIXIYAAN • JIRAY LACAG KU IIBSANAHAYAAN JAAHIL WAYAGA E • INTA UU DHIB JAAD LEEYEHEE KUMANKA JAADJAAD AH • HADII AAN JALEECOOYIN KALE JIIMKA KA HIGAADSHO • JAYNAF IYO WUXUU KUGU RIDAA DEBINJAB XOOG WAYN • JURUF IYO UR AAN KAA HADHIN OO JAADKU KUGU REEBO • JEEBADAADA UUMADHIYO IYO DAYNKA JOOGTADA AH • DANTAADOO UUKAA JEEDIYIYO CAAJIS KULA JOOGA • BARYO JILICSAN GACAN HOOS JIRTIYO DAWARSIGAA JAAN • QAJILAADA UU KAAJARIYO JIXINJIX KAA GUURA • MURAN JAXARA BUUQ AAN LAJARIN IYO JAGUUGNAANTA • QOFKII JUUQ YIDHAAHDABA LAHADAL QAYLO KU JAWAABKA • INTA UU DHIB JAAD LEEYAHEE KUMANKA JAADJAAD AH • HADII AAN JALEECOOYIN KALE JIIMKA KA HIGAADSHO • WAXAAN TALO USOO JEEDINLAA JAALAYAAL BADANE • WAYDINKAAN JICIIRTEE LIBDHEE JOOGIN EE TAGAYE • JAAHIINI WAXA UU KA DHIGAY JOONYAD OO KALE E • ISKA JOOJA GEEDKAAN JINEE JIITAY NOLOSHIINA