BOB

Nomads
  • Content Count

    4,213
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by BOB

  1. Waxaan maqli jiray... Huuraale DABAQOODHI , Waalidkii hadh uma jiide, Hanba dhowr hadhaa quute, Maalinkaan ka helo haad yar, Hoos inaana gaynaynin. Hootadu inay jiidhi, Oon hoodh kasoo daadin, Hoogaha haloo sheego, Waligay geeraar ka fiican.. Blame the bugger...he's the ONE who dismantled the UNITY of the nation and ultimately brought the country to it's knees...pity HOOGUHU is still prospering considering all the evil he caused... :mad: Peace, Love & Unity.
  2. Originally posted by Kool_Kat: ^Ninkii layiri "Faruuroow maxaa Berbera kugeeyay" xow ku jawaabay? Torobo fa y uul adi, hence the bullying, ku goobashada, iyo Soomaalinimadana laga saaro! Typical reer Kismaayood, ilbaxnimadiinaa marshabiyeediga idinka tuurto or lack of it! :mad: Wareegto Luga Cad...bal intee igu aragtay anigoo wax fayuulinaya? Are you saying I'm Faruurey now? :mad: Adiga iyo qoftaan ookiyalaha weyn leh sida abooto Xamar weyne baajiye ku gadeyso waxaa isku soo raacdeen in la igu goobto lee miyaa? Xamar ha igu dirina...illaa iyo hada waxaan taaganahay waa Caasimadda Waddankeyga mana iga istaahisho af lagaado ee maa iga dhaaftaan ciyaarta...stop tempting me! PS. Nimco Nuurto Cali...Reer Waamo inaa dhulka la dhacdo Haatu aa ka masuul ah...I blame him for it all. :mad: Peace, Love & Unity.
  3. You'e right Malika, Timbuktu was the Islamic learning centre in the entire sub-saharan Africa then the French came and slowly but surely they corrupted the natives with booze, pork and fornication. in Senegal you'd hear the names of Amedou Bamba, Malick Sy and Ibrahima Fall more than you'd hear of Prophet Muhammad (p.b.u.h)...Shocking. Peace, Love & Unity. Peace, Love & Unity.
  4. A recent research study conducted by the Univerisity Of Kismaayo Cadeey discovered that I'm the most bullied individual on SOL, from the rookies to the qawaarada gowsaha dhacsaday had a go at me for no apparent reason marka waan ku arkaa sidii A&T baad Soomaalinimadana dhowaan iga saari doontaa marba hadaad leedahay magacii Caasimada Waddankeyga masoo hadal qaadi karo. Tuujiye waa fulay...markaan maqanahay ayuu wuxuu doono isaga hadlaa laakiin markaan joogo lama arko like NOW...typical reer Xamar...waxaan maqli jiray meel uu Libaax soo galay sagaaro waa ka qaxdaa. :cool: Peace, Love & Unity.
  5. Originally posted by Qandali: very strong Islamic country. Ar hadalkaas maad ka fiirsatid intay goor-goor tahay? You'd be disappointed...that much I know...Yes waa dad fiican laakiin diin waxba kama yaqaanaan...xittaa kuwooda tukanaya ee masaajidka aad ku arkeysid siday doonaan bay isaga tukadaan....in West Africa they practice different kind of Islam, one we've never seen or heard before and that's me being utterly polite. You should've seen Senegal, Guinea (Conakry), Burkina Faso, Ivory Coast, Ghana, Togo and Nigeria then you might understand where I'm coming from. in Ghana I've met a man who had a Christian wife and 5 kids, out of the five ONLY one was a Muslim by name and when I asked the father why is that, he just shrugged and said, they love their mother more....as casual as that. Meesha West Africa la yiraahdo waa meel u baahan in diinta dib loo gaarsiiyaa oo la baraa from A-Z sababtoo ah dadkaan soo arkay waxey u badnaayeen dad diinta Islaamka ku dhex wada waxaanan loo kala garaneyn caadadii awoowyaashood iyo mid ay meelahaa dhexe kala yimaadeen. Allah Knows Best. Peace, Love & Unity.
  6. Originally posted by Thierry.: The Determinants: • Size of land conquered • Time frame of reign • Speed of conquest • Size of Forces Some factors that could cost points: • The strength of the opponents • Environment • Logistics Mr Naga Daaya Dee aka Kubada Barta better known as NGONGE, Xaaji the rules are there to be broken, however, those of us who chose Khalid Bin Walid (R.A) would win hands down because he's the ONLY one amongst all the candidates who meets all the requirements. Peace, Love & Unity.
  7. Wiilka runtaan u sheegayaa intuu hadhow dhihi lahaa BOB ayaa ogaa iimana uusan sheegin! Peace, Love & Unity.
  8. It is estimated that you will die at the age of 65 Years Old Great. I wouldn't want to live in my 70's or 80's anyway. :cool: Peace, Love & Unity.
  9. Waar ninyahow beryahan kubad maan daawan kowdheh, dee waa maxay waxa ka socdaa Liverpool? Peace, Love & Unity.
  10. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    Part 23: 1 July (Kafra) Duleedkeeda! Saacaddu markey ahayd 11 subaxnimo ayaa gaarigii annaga na wadey soo galay magaalada Kafra ee xadka Liibiya ku taal, si toosana nalooma soo geline, meel duleedka magaalada ah, oo beera ah, ayaa nala ku shubay, labadii gaari oo kalena casarkii ayey nasoo gaareen anagoo degney, halkaas ayaa dadkii daawooyin iyo faleebooyin iyo baxnaano lacagtooda ah lagu bilaabay. Waxaanu nahay dad sidii xoolihii oo kale loo wado, oo meeshii la rabo lagu xeraynayo, ma dhaqaaqi karno, meel ma naqaan, waa beqeynaa, halkii ayaa nala dejiyey, oo la leeyahay, halkan ayaad joogeysaan ayaamo, inta Bani Qazi iyo Daraabulus laydiin qaadayo. Waxaanu isugu sheekayneyney markii loo fiirsho waxaanu soo marnay in hawshayadu soo dhamaatay, laakiin wax badan ayaa soo baxay… 1 July iyo Beerta (Kafra) Liibiya: Alxamdulilaah Safartii aan kasoo bilawnay 20 May Khartuum, nalookuna sheegay (Kafra) Liibiya inaanu ku gaari doono asbuuc ilaa 10 cisho, wexey nagu soo qaadatay 41 cisho, oo aan qayb ka mida wixii aanu soo marnay Socdaalkii Geerida idiinka soo sheekeeyey, haddaanu manta intayadii aan dhiman (Kafra) Liibiya soo gaarney waa ilaahay mahaddiis. Waxaanu ahayn 49 Soomaali ah, 12 ayaa wadada nooga dhimatay, 11 wiil iyo gabadh, wiilna jidkaa looga soo kacay, waxaanu halkaan kusoo gaadhney 36 Soomaali ah. Dadka qaar ayaa baxnaano dheer u baahan, qaarna faleebooyin ayaa la suray, qaar daawooyin ayey soo gadanayaan, qaar cuntada iyo biyaha oo meeshan laga helayo ayey isku baananayaan. 12 maalmood ayaanu goobtaas dadka lagu tahriibiyo ee magaalada duleedkeedaa joogney. Nimanka nala wareegey oo muharibiintaa kuwii hore wey ka duwan yihiin. DAD SIDII XOOLA LOO KALA GADANAYO! ILEEN ADDONSIGU SIDAAN AYUU KU IMAN JIREY! Inta aanan wadada tahriibka soo marin ma fahmi kari jirin, side qof xor ahaa, adoon nima u geli karaa. Bani aadamka manta jooga iyo kii quruumihii hore joogey waa isla bani aadamkii. Qofku markii awoodu ka dhamaato, tabar uu waayo, meel uu ciirsi bidayana waayo, sidii qof indhala meel uu aado aanu garanayn, wuu is dhiibayaa. Qoolka adoonsiga si sahlan ayuu u qabatiimayaa. Waxaan la yaabi jirey: Sidee qof xor ahaa, inta dad dhacaan, suuqyada uga gadanayaan. Sida aan arkeynu oo sheekadaan aan ku aragnay ama aan ku arki doono, qofku siyaaba kala duwan ayuu adoonsi toosa ama dadban u gelayaa, una noqonayaa sida badeecada iyo alaabta la kala iibsado. Ma Jiraan Soomaali Illaa Hadda Xuduudaha Suudaan iyo Liibiya Lagu Adoonsado?! Walaalayaal jawaabta Su’aashaas qadhaadh waa haa! Wey jiraan dad ilaa iyo hadda lagu haysto meelahaas saxaraha agagaarkeeda oo ariga la raacsado ama beera lagu fasho ama dumar ilmo badan lagaga dhalay oo lagu haysto!!haddaad rumaysan karto iyo haddaadan rumaysan karinba! Yaa dadkaan ugu wacan dhibaatooyinkaas ay marayaan? Waa arrin falanqayn u baahan si loo xadido sida masuuliyadda dhibaatooyinkaan naxdinta leh loo kala qaybsanayo, qofka laftiisa, ehelkiisa iyo Bulshada guud ahaaneed. Waxaanse la inkiri Karin iney noqoneyso masuuliyad la wadaago. Marka ugu horreysana qofku isagaa ficilkiisa iyo go’aamadiisa ka masuul ah, waxaa kaloo la wadaaga ehelada iyo asxaabta u sahasha ama ku dhiiri gelisa, waxaa kaloo qayb ka ah, dadka dalkii ay dadkaanu kasoo bara keceen inuu salka dhigo u diidan oo intey talada ku loolamayeen, ummaddii ka dhigay in dhimatay, in dhaawaca, in qaxday, in badaha iyo berriga ku rafaadday iyagoo nolol raadis ah. Nolosha Beerta Muharibiinta Kafra! Nimanka nala wareegey waa kuwo kale, laakiin wey isku xiran yihiin iyaga iyo kuwa suudaan iyo kuwa Daraabulis Libya jooga, iyo wadada u dhexeysa. Heshiiskii hore wuxuu ahaa, lacagtii nala kasoo qaaday in Daraabulis nala ku geynayo. Laakiin lacagtii aan bixinay waxaa noo dheerayd baaddii dhawrka jeer nala ka qaaday ee aan kasoo sheekeeyey. Meeshani waa meel beer ah, geedaha hoostooda ayaanu ku noolnahay, buulal iyo jiingada yar yar ayey leedahay. Berked yar oo biyaha laga cabo ayaa jirta. Dadka bariis qalalan ayaa loo kariyaa. Qofkii lacagtiisa wax u dirsanaya magaalada wuu heli karaa. Biyuhu cariiri nagagama jiraan. Waa meel dadka lagu soo dejiyo lagana sii raro (Transit Station). Waxaa muuqata kumanaan dada iney soo mareen sanadihii u dambeysey, oo muharibiintu ay Soomaalida shaqa badan ka qabsadeen. Maadaama aan dadka turjumaan u ahaa, qoladan cusubina turjumaan ayey iga dhigteen, sidaa darteed xoogaa micaamil gaara ayaan helaa. Bakhaarkii cuntada qalalan u taaleyna waa la ii dhiibey. Peace, Love & Unity.
  11. Dhag ha u dhigin waxaa Brother...waa been iyo quraafaad. Peace, Love & Unity.
  12. Allah yaa ku geeya aad soo aragtide oo markuu habaas indhaha ku tiro ayaad soo carari laheyd! Bamako is the ONLY city I've been to where there were more goats than humans...believe me, the whole place seemed full of goats...everywhere I looked there were hundreds or even thousands of them...maybe because Eid Al-Adha was a month or so away when I visited the place...I can't think of any other excuse. Polanyi...gabdhahooda waa la gudaa oo kan Soomalidaa million times la qaatay...iyagu waxoodu waa mutilation iyo nus....I'm just saying...hadhoow Refund la iska yeeli maayo ee taas niyada ku haay. Peace, Love & Unity.
  13. Dhaantada qatar ayaan ku ahaan jiray in my heyday waagaan wiilka yar ahaa ee timuhu dhabarka ii marayeen oo aan xeerta ku sooli jiray. Waryaa music waa Xaaraam dee Agaa. Peace, Love & Unity.
  14. Originally posted by NinaNC: BOB, durbadiba hee? Haye maxaa dhacay aniga inaa Xamar xittaa magaceeda sheego la iima ogolo miyaa? teeda kale maaskalaato aa iisoo gashatay ee ookiyaalihii abootooyinkaa ee aan kugu aqaanay caankana aa ku eheed soo gasho markaas aan kula sheekeesanaa. Peace, Love & Unity.
  15. Originally posted by Kool_Kat: But don't get it twisted, I'd throw-it-down for Xamar any day, every day, all day... :cool: I knew inaa reer foodo tahay...dhagax tuurow iyo daqar waxaa ahaan aa meesha ku heeyn...typical reer Xamar...I'd Throw it down for Xamar kulahaa...I don't care about slang....Traitor Peace, Love & Unity.
  16. Originally posted by Sayid*Somal: what about: Khalid ibn al-Walid No one can even come close to him, he's the ONLY man who defeated the combined forces of the Sassanid Persians and Byzantine Romans, his tactics are still used to this day...that alone should tell you all you need to know about the man and his military brain. Without a shadow of a doubt he would've put down Alexandar 'The Macedonian' and all these over-hyped gaalo. Tell your friends to do some research on Khalid Bin Walid (R.A). LoooL@ Northerner...that was nice one. Peace, Love & Unity.
  17. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    Part 22: GABADHII NALA SOCOTAY OO DHIMATAY! 1 JULY. Habeenkaas intaan soconey waxaa dhimatay gabadhii nala socotey (Ilhaahay Ha u Naxariistee) Waxay aheyd gabadh reer Somaliland ah. Waa gabadhii aanu wadada dheer iyada iyo sideed kaloo dumara isla soo marnay wadada dheer ee saxaraha laga soo bilaabo Khartuum. Dadku markey waqti dheer safar soo wada galaan qisooyin badan ayaa dhex mara. Waa gabadhii habeenkii yaabka lahaa ee jabhada Daarfuur na heshay ee ninka jabhadkaa gabdhahayaga damacu ka galay diiday inay ag fadhiisato nin aan maxram u ahayn, markaanu ku badbaadinaynay in gabar walba la qabo. Aniga iyo dareewalkii (Adam) ee aan u baxshay (kooda ugu naxariis badan) ayaa gabadhii aasnay aroortii, wadada meel dhineceeda ah ayaanu ku aasnay, ilaahay ha u naxariisto. Wexey ahayd arrin naxdin leh oo aan aad uga xumaaday...Waa gabadh Soomaaliyeed oo keligeed socota, maxramna la socon, oo tahriibeysa, yurubna u jeeda, dadkeedii iyo dalkeedi kasoo tagtay, laakiin geeridu wexey ku sugeysay saxaraha Liibiya! Cidina ma oga meesha mawdku ku qabanayo iyo berri wexey kasban doonto. KHALID LAGA SOO TEG! Labadii gaari ee nala socotey mid ayaa jabay, dadkii ayaa kii kale laysugu geeyey, anaguna waan ka horrayney, wiil Soomaali ah oo (Khalid) la odhan jiray ayaa meeshii gaarigu ku jabay looga soo tagay, mar dambana warkiisa ma maqal, intaanu Liibiya joogney oo dhan waa la la’aa, isaguna wuxuu ahaa reer Somaliland (hauu dhintay Ilaahay Ha u Naxariisto). 1 July (Kafra) duleedkeeda! Saacaddu markey ahayd 11 subaxnimo ayaa gaarigii annaga na wadey soo galay magaalada kafra ee xadka Liibiya ku taal, si toosana nalooma soo geline, meel duleedka magaalada ah, oo beera ah, ayaa nala ku shubay, labadii gaari oo kalena casarkii ayey nasoo gaareen anagoo degney, halkaas ayaa dadkii daawooyin iyo faleebooyin iyo baxnaano lacagtooda ah lagu bilaabay. Waxaanu nahay dad sidii xoolihii oo kale loo wado, oo meeshii la rabo lagu xeraynayo, ma dhaqaaqi karno, meel ma naqaan, waa beqeynaa, halkii ayaa nala dejiyey, oo la leeyahay, halkan ayaad joogeysaan ayaamo, inta Bani Qazi iyo Daraabulus laydiin qaadayo. Waxaanu isugu sheekayneyney markii loo fiirsho waxaanu soo marnay in hawshayadu soo dhamaatay, laakiin wax badan ayaa soo baxay. Peace, Love & Unity.
  18. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    Part 21: Ferejkii Ilaahay Oo Furmay! Gaarigii shalay naga tegay sidaanu u malaynay ma noqon oo cidla noogama cadharin. Biyihii Jirigaanka ku haray ayuu gaarigii kale ula cararay, halkaasoo ay telephoneka Thurayada ah kula hadleen muharibiintii waaweynaa ee magaalada (Kafra) ee liibiya, wexeyna u sheegeen in dadkii dhamaanayo, oo gurmad deg deg ah lala soo gaadho. Halkaas ayaa 4 gaadhi oo biyo iyo cunto iyo gargaar badan wada ay kasoo direen. Wexey isugu yimaadeen subaxnimadiiba meeshii gaarigii kale, dadkii halkaas joogey wixii noolaa markey soo qaadeen, ayey anaga gaarigayagii oo biyo iyo cunto ka buuxa noo soo celiyeen. Iyadoo Rajada dadku sii gureyso, ayaa abbaaraha 3 galabnimo gaarigii oo biyihii iyo cuntadii wadaa nasoo galay. Dadkii ayaa biyihii ku qamaamay, ilaa ay ganaca iney gooyso ku sigteen. Markaas ayuu dareewalku fikrad keenay. Biyihii Oo Dadka Lagu Rusheeyey!! Dadkii oo dhan ayuu wuxuu amray iney dhulka caloosha u seexdaan, iyagoo is dhinac jiifa. Ka dibna tuubadii uu dadka ku garaaci jirey, ayuu biyaha geliyey, wuxuuna ku dul furay dadkii oo jiifa sidii beer la waraabinayo oo kale! Arrinkaasu wuxuu dhaliyey in dadkii qaboobaan, oo nololi kusoo noqoto. (tuubadii dadka lagu garaaci jireyna manta waxbey tartay). Biyuhu wax walba noloshooda iney yihiin sidii Qur,aanku sheegayna wey caddaatay. Dareewalku markuu dadkii biyihii ku shubay shhahina u kariyey ayaa xoogaa naftu kusoo noqotay, laakiin dadka qaar ayaan biyaha si caadiya u cabbi Karin oo lagu siinayaa dhalada caruurta caanaha lagu siiyo, qaarna weli waa suuxsan yihiin, qaarna ma hadli karaan, waa dad u baahan baxnaana waqti dheer. Intaa kadib ayaanu gaariga dadkii ku gurnay anagoo dadka liita qof qof u qaadeyna qaadeyna, meydkiina meeshii ayaanu uga tagnay oo ma aasi Karin, waxaanu haleelnay gawaaridii kale oo aanu meel isugu nimi, waa saddex gaari oo kale, qoladaasu meydkoodi wey soo qaateen oo halkan aanu isugu nimi ayaa lagu aasay. Nimanka gurmadka soo sameeyey ee muharibiinta waxaad moodaa iney kuwan dareewaladaa ee na wada ka jaga sareeyaan. Markii ay hawshii garteena wey tageen waxaa haray labadayadii gaari iyo mid kale oo ay nooga tageen. Saddexdii gaari mid waxaa la saaray dadka xiskii wareeray oo la qaqabanayo oo wax waashay oo kale ah iyo dad cel celiya si aaney gaariga isaga tuurin. Midna waxaa la saaray dadkii sakaraadka ahaa, iyo dad haya, kii kalena dadkii xoogaa roonaa. Ilaa galabnimadii ayaa meeshaas la joogey, waxaana laga soo dhaqaaqay 5 galabnimo, habeenkaas oo dhan waan soo soconey. Peace, Love & Unity.
  19. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    Part 20: Jaah Wadheedh! Markaas aanu fuustada agteeda taagnayn oo raja beelnay waxaa naga luntay jihadii, meeshu waa saxaraa nag ah oo calaamadna aan lahayn, waa kulayl cad ceedu indhaha kaa rideyso, waa gaajo iyo harraad aragtidii saamaysay! Waxaan garan wayney meeshii aan kaga nimi nimankii saddexda ahaa, iyo meeshii aan u soconey oo baabuurku nagaga tegey dadkuna joogey iyo jihada ay naga jiraan. Salaadii Sagootinta! Cabbaar haddaan socdey jihana garan waayey waxaan yaqiinsaday in anigana saacadaydii lasoo gaarey oo meeshan ay naftu igaga bexeyso. Sidaa darteed ayaan waxaan go’aansaday meeshayda aan taagnahay inaan 2 rakcadood ku tukado, Ilaahay baryo, naftu haddeey halkaas iiga baxdo. Qibladu jiha ay iga jirto ma garanayo, laakiin meeshaan u maleeyay ayaan u tukadey. 2 rakcadood oo aan is leeyahay waa kuwii kuugu dambeeyay oo macaan ayaan tukadey, Ilaahayna waan baryay dhexdooda iyo sujuudda. Mucjiso! Wuxuu Ilaahay badbaadinayo sabab iyo sabab la’aanba wuu ku badbaadiyaa. Markaan salaama naqsaday, oo salaama naqsigii sidaa uga soo jeestay waxaan hortayda si toos ah indhaha ugu dhuftay caagad biya ah oo kuwa nus litarka ah oo afkeedu xaggayga qummaati ugu soo aadanyahay.! Waan rumaysan kadhi waayay indhahayga...waxay ii jirtaa masaafa 5 ilaa 7 mitir ah...Waxaa hal mar igu soo degay farxad iyo nashaad aan caadi ahayn. Waan istaagey, caagaddii xageeda ayaan u dhaqaaqay, mise waa caagad biya ah oo nus litar ah oo xidhan...Waa cusubtahay lamaba taaban.. caagad yar oo faaruqa ayaan watey, nus ayaan ku shubay oo cabbey, nuskii kale ayaan wiilkii ii dhowaa ee aan goor dhoweyd kasoo tegey kula soo noqday oo biyihii isagana xoogaa siiyey, intii kalena waan soo qaadnay aniga iyo isaga si aan dadkii kale wixii naf ku jirto ula gaarno. Dhimashdii Oo Sii Badatay! Cabbaar ayaa jihadu naga wareersanayd laakiin Ilaahay fadligiis markii dambe wey noo toostay oo goor duhurkii xoogaa la dhaafay ayaanu soo gaarney meeshii dadku daadsanaa ee buurta yar hoosteeda ahayd. Biyihii yaraa ayaanu gabadhii nala joogtay oo keligeed ahayd iyo raga intii ugu liidatey afka ugu qoyney..Saaka markii aanu ka tagnay meesha waxaa yiiley 2 meyd ah sidaan horay u sheegay laakiin hadda markaanu soo noqonay waxaanu ugu nimi 4 kale oo meyd ah oo dhalinyaro Soomaaliyeed ah (Ilaahay Ha u Naxariistee). Sidaa darteed geeridu ilaa hadda Soomaalida waa 9 qof oo gaajo iyo harraad u dhimatay, halka eritriyaankana dad badan oo aanan tiradooda garanayn ay ka dhinteen. Peace, Love & Unity.
  20. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    Part 19: 30 June Maalintii Nafta Laga Quustay! Waxaa waagu noogu beryey sidaan hore usoo sheegay buurtii yarayd ee dareewalkii tahriibku inooga tagay anagoo is dhex naal, meyd iyo nooleba, bahalkuna xalay meydkii qaar ka gigay, dadka waxa noolina aaney hurda ledin, taaha iyo alalaadka ka baxaya inta naf ku jirtana uunka joogaa maqlayey. Annagoo shan ah oo intii dhaqaaqi kartey ah ayaanu qaboonadii meeshii kasoo dhaqaaqney waxaanuna u ruqaansanay xagga buurtii noo muuqatey oo meel fog ka bidhaameysa. Waxaanu ku qanacnay ninkii inuu meeshan cidladaa nooga tegey, intii marka uurku buki lahaa, adinku ha buko, meeshii nololi nala gaarto. Waxaanu socono oo qorraxdii soo kululaataba waxaanu barqa dheer soo gaadhney buurtii ninku nagu lahaa magaaladu wey ka dambeysaa, laakiin markaanu dhakadeeda istaagney wax aan saxaarihii ahayni indhaha masoo celin!! Wax magaalo iyo deegaan u eg toona carriga kama dhowa kamana muuqdo. Halkaas ayaa rajadii yarayd oo nagu jirteyna ku go’day! Maxaa tala ah! Iyo kala bax! Shantayadii wada soconay waa qaybsanay, saddex wexey yiraahdeen: Annagu horay ayaan usii soconeynaa intii ay nala gaadho.. Anigu waxaan iri: Meeshii aynu dadka kaga nimi ayaan dib ugu noqonayaa, iyadaa nalaku ogaa..Waxaa naftu iigu sheekayneysey: Amaa ninkii dareewalka ahaa, ama gaarigii aad ka timaadeen, meeshii iyo dadkii kusoo noqdaa..Sidaa darteed waxaan ku adkaystay inaan noqdo, wiilkii kalena aniguu igu soo raacay. Sidaas ayaanu kusoo kala tagnay. Fuusto Meel Ka Bidhaantay! Haddaan aniga iyo wiilkii ila socday oo qudhaadhad ku sita xoogaa (kaadiya) ilaahay haydin ka magan geliyee, qadar nus saac ah soo soconey, waxaa meel fog nooga muuqday Fuusto! Waxaanu is nidhi, amaa biyo ama wax nolol ahi meeshaas ka dhowyihiin, dabadeedna xageedii ayaanu u jihaysaney. Qoraxdu waa kulayl, anagana nolol badani naguma jirto oo naf la caari ayaanu nahay, laakiin rajada ayaanu xoogaa ku soconaa.. Cabbaar ka dib ayaanu soo gaadhney fuustadii, Subxaanallaah! Mise waa fuusta salka ka go’an, oo madhan, malaha muharibiintu ay meesha u dhigeen iney wadooyinka qaar calaamad ugu noqoto! Halkaas markaanu mareyno naftii waa ka quusanay, kulaylkii iyo gaajadii iyo harraadkiina meel xun ayuu naga gaadhey. Iska Tag Oo Taleefankan Iga Qor...Halkaan Ku Dhimanayaaye! Sidaa waxaa igu yiri inankii ila socdey oo meeshii fuustada agteeda ahayd ku dhacay, awalna aad u liitay oo iga darnaa! Wuxuu yiri: Walaalow halkan ayaan iskaga dhimanayaaye, taleefankan iga qor oo hadaad noolato, Ilaahayna meel nabad kugu geeyo, dadkayagii u sheeg! Waa mararkii iigu naxdin badnayd, ninkii aan wada soconey oo meeshan geeridiisu iney noqoto ku cataabaya, anna aanan waxba qaban karin, hadalna xitaa ku dari karin. Saxaaraha marka lamarayo, dhibaataduna halkaa gaarto ruux ruux kale wax u tari karaa ma jiro. bani aadamka daciif nimadiisa iyo taag daridiisa ayaad arkeysaa. Waxaan ku idhi: Walaal miyidh aan wax ku qoro maba hayee, Ilaahay wuxuu qadaro ayaa dhacaya, waanan ka dhaqaaqay anigoo is leh bal adna iska soco ilaa meeshey kula gaarto. Peace, Love & Unity.
  21. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    Part 18: Buurta Dusheeda Iyo Bahalkii Dadka Cunayey! Meeshii ayaan Salaadii Maqrib ku tukadey, waqtigu waa mugdi xoogaa dabaylana wey socdaan, todobadayadii waan isku ururnay, hal meel ayaan fadhinaa, wax yar ka dib waxaa nasoo weeraray bahal aanan anigu horay u arag, dadku qaar leeyihiin waa dhurwaa, waxaanu ku tuurnay dhagax iyo qori wixii aan heli karney, mase dhaqaaqayo, waxaaba ka go’an inuu caawa cashadiisa naga helo! Waxaan filayaa inuu meelahaan uga bartay waliimooyin badan, sidaa darteed, bahalku wax kasta oo aad ku tuurto ma tegayo, waa soo laabanayaa, waana weerar. Dadka qaar ayaa ooynaya, qaar waaba cabaadanayaan, qaarna waa cararayaan, laakiin dadka kama fogaan karaan, waayo bahalka ayaa cunaya. Xaggii hoose ee dadka iyo baabuurku naga jirey ayaan u cararnay, waxaanu gaarney wiilashii meydka ahaa iyo gabadhii oo uu gaarigu meel dhigay, alaabtii dadkana agtooda ku daadshey, uuna tegey, intaa haddaanu aragnay waxaan garanay ninkii inuu meeshan cidladaa nooga tegey, halkanina malaha ay tahay meeshii aanu ku dhiman lahayn dhamaantaya! Wax yar ka dib waakan bahalkii oo na daba socda...waar wax ku tuura, ku qayliya oo yur dhaha, maba tegayo..haddaanu dhinac isu buusnay, waxaa meeshii ku haray meydkii wiilasha. Mid ka mida labadii meydka ahaa ayuu dhurwaagii garabka dilaacsaday oo muruqa kala baxay!! Wuuna naga tegay. Waagii hadduu meeshaas noogu beryay iyadoon waxba la seexan, waxaanu aragnay meydkii oo mid bahalkii cunay, kii kalena ag yaal, dadkii kalana meelaha wada daadsan yahay, baabuurkiina tegey, wixii kaloo dhintay iyo kuwii hore midna ma aasi karno, kuwa taahaya iyo naftu kusii daba yartahay toona wax uma tari karno. Intayada xisku ku haray ama dhaqdhaqaaq u dhimanyahay ayaa talo ku caddaatay waxaanu go’aansanay anagoo shan qof ah, inaanu bal iska socono ilaa meeshii naftu nala gaarto, xagii buurtii uu tilmaamayey inaan fooda saarno, waana dhaqaaqnay, wixii kalena meeshii ayaan uga tagnay. Peace, Love & Unity.
  22. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    Part 17: 27 & 28 June: Sidii maalmihii hore ayaa iyagana loo socdey, nimanka muharibiintaa wexey dadka ku maaweeliyaan waa dhownahay, galabta ayaan geleynaa xuduuda liibiya, biyahana waa gaareynaa laakiin waa sheeko dhalanteed ah oo aan waxba ka jirin, gaariguna xoogaa yar hadduu socdo waa jabayaa ama ciid ayuu gelayaa, waayo waa gawaari duug ah oo aan dayac tidh fiican lahayn, dhulkuna waa saxaraa aan wada fiican lahayn ee qardajeex ah, si kastaba ha ahaatee waxaa suurta gashay inaan wiilashii meydka ahaa aasno. 29 June: Subaxnimadii ayaanu sidii caadada ahayd dhaqaaqnay, waxaanba is leeyahay todoba maalmood ayaa meela isku dhow oo boqol kiiloomitir aan ka badnayn lagu wareegaalaysanayaa. Xitaa nimanka tahriibka qaar ayaanba wadooyinka si fiican u aqoon. Maanta qaar reer eriteriya ah ayaa dhintay, tiradooda ma garanayo, gaariga kale ayey saarnaayeen. Labadii gaari kaan la soconey maahane kii kale, biyihii iyo shidaalkiiba waa ka dhamaadeen, bartiisa ayuu istaagey, eriteriyiin iyo qaar soomaaliya ayaa saaran. Gaarigii aan saarnayn ayaa horay u socday, ilaa galab nimadii wuxuu soo gaarey buur yar hoosteeda. Wuxuu yiri, gaarigu buurta kama bixi karo iyadoo dadku saaran yahay. Sidaa darteed waa in laga degaa oo dadku buurta lug kusoo fuulaan. Waa buur yar laakiin dadku dad nafi ku jirto oo xitaa socod awoodi kara maaha, waa dad maliila oo cisbitaallo iyo baxnaanin deg dega u baahan. Laakiin meeshii hoose ayuu dadkii ku daadshey waxaa kaloo saaran 2 meyda oo intaan maanta soo soconey wadada ku dhintay. Gaariga dushiisa wuxuu ku reebay oo keliya 2dii meydka ahaa iyo haweeney nala socotey oo degi kari weydey. 37 qof ayaanu ahayn, waxaa buurta korkeeda gaarey oo qudha annagoo 7 ah, lix Soomaaliya iyo hal eriteriya. Dadkii kaloo dhan qofba meeshii naftu la gaartey ayuu ku dhacay, qaar ayaa gurguuranayey, qaarna salka ayey ku socdeen, cid cid wax u qaban kartaa ma jirto qof walbow iyo naftaa. Waan maqleynaa taaha iyo cabaadka dadka qaar ka baxaya, laakiin anaga ayaaba silic buurta korkeeda ku gaadhney markii qorraxdu dhacday. Darawalkii wuxuu dhulka kasoo faagay jirigaan biya ku jiraan oo malaha uu meesha ku ogaa. Qof walba intayadii joogtey ayuu kabbasha biyaa siiyey, dhuunta ayuu u qooyey. Kadibna wuxuu yiri isagoo meel xoogaa fog farta ku fiiqaya, buurtaas ma u jeedaan, gadaasheeda weeye magaaladii (Kafra) oo aynu u soconey, waa dhownahay, caawaba waa geleynaa, halkiina igu suga, dadkii maatada ahaa ayaan soo ururinayaa, waana soo noqonayaa, gaariga ayuu mooteeyey waana dhaqaaqay. Peace, Love & Unity.
  23. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    This is just the beginning, in fact this is nothing compared to what awaits them...the horrors and the hell this Somali brother has gone through will leave each and every one of you shocked and I don't care how strong you're if you have a hint of humanity in you then you will shed a tear or two like me and remember this could've easily happened to me and you...just remember that! I owe it to all those Somali Sisters and Brothers that have perished in the desert to spread their death and destruction and you owe it to them too to read and pass this on so that we might prevent another group from the same fate Insha Allah. I will post the rest next time Insha Allah. Innaa Lillaahi Wa Inna Ileyhi Raajicuun. Peace, Love & Unity.
  24. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    Part 16: Inankii U Horeeyay Oo Naga Dhintay: Abbaarihii 3dii galabnimo ayaa qofkii ugu horreeyey gaajo iyo harraad u dhintay. Wuxuu ahaa inan dhalinyara ah oo Burhaan la oran jirey (Ilaahay Ha u Naxariistee) oo reerka Abg@@l u dhashay. Meel gaariga u dhow ayuu ciidda jiifey, kadibna naftii ayaa ka baxday. Ciida ayaanu meel u xaadhney oo ku ridney, halkii ayaana looga tegey. Wexey ahayd arrin naxdin badan qofkii oo aad u jeedo oo hortaada harraad ugu dhimanaya, iyo kuwa badan oo naftii kasii bixi rabto, waxna aadan u qaban karin, balse adigu aad taadii la liidato. Gaarigii Kale Oo Dhaqaaqi Waayey: Gaarigii halaysnaa haddaanu ciiddii ka saarnay midkii kale ayaa dhaqaaqi waayey waayo waatii aan soo sheegay biyihii radeetarka inuu wiil dhalinta ka mid ahi ka cabbey, kadibna dareewalku muharibiin kale ayuu la hadlay oo gabbal dhicii u keenay jirigaan biyaa. Biyihii ayuu nusna gaariga ku shubay, nuskii kalena dadka ayaa afka loogu qooyey. Kadibna waan dhaqaaqnay waxaana lagu dheelmaday meeshii ninku biyaha kasoo qaaday oo buuro yar yar agteed ahayd halkaasoo habeenkii lagu baryey, waxna lama cunin waxna lama cabbin. 26 June 2 Dhimasho Oo Kale! Sidii maalmihii hore oo kale ayaa loo socdey cuntana maleh, biyana maleh, abbaaraha 10kii subaxnimo ayaa waxaa gaajo iyo harraad u dhintay 2 dhalinyaro Soomaaliya oo kale (Ilaahay Ha u Naxariistee) maydkoodiina gaariguu noo saaranyahay, dadka qaar ayaa wexey leeyihiin war maydka naga tuura, qaarna wexey leeyihiin aan hayno ilaa aan meel tagno aan ku aasno. Waa dhalinyaro ku fekereysey yurub iney u tahriibto, nolol cusub iney gaarto, laakiin wexey ku naf bexeen gaajo iyo harraad saxaraha Liibiya iyo Suudaan u dhexeeya. Dhalinyara badan ayaa wadada soo haysa mana oga dhibka aanu maanta mareyno. Feker weyn ayaa igu baahey, waxaan is weydiiyey haddaan ogaan lahaa intan oo rafaada oo dhimasha ah haddaan ka war hayn lahaa masoo mari lahaa? Jawaabtu waa maya.. waxaa kasii daran ayaamaha soo socda maxaa iigu dhex qarsoon? Malaga yaabaa dhibkan hadda jira kuwa kasii daran inaan la kulanno? Waaba loo joogaa, waxaana hubantiya weli in ayaamuhu rimman yihiin, wax badan oo yaab lehna kasoo bixi doonaan. Labada wiil oo dhintay mid ayaa u dhashay beesha gaal jecel, kan kale ma garanayo, nasiib xumo magacyadoodana ma aqaan. Dadka kale waa sidoodi in badan ayaa miyir beel ah, inna waa wax suuxsan oo kale, in kale meydka waxba ma dhaamaan, tabar yaridu meel kasta ayey ka haleeshay, ayaamo ooni kama degin, biyana lama arag, qaar ayaa weli kaadida cabbaya, haddiiba kaadi ka timaado, iyada lafteeda ayaa layskuba dilayaa! Subhanah-Allah. Peace, Love & Unity.
  25. BOB

    Socdaalkii Geerida.

    Part 15: 25 June Billowgii Geerida: Maanta waa 25kii bisha waxaanu saxaaraha dhex meereynaa bil iyo 5 cisho, abaaraha markii ay ahayd 10 am ayaa gaarigii na wadey wuxuu galay buur ciid ah, si looga saarana la garanwaa. Dadka meesha saarani waa meyd aan waxba qaadi karin waxna riixi karin. Gaarigii ayaa laga degtey, qoraxdiina wey kululaatay, gaajadii iyo harraadkiina dadka meel kasta ayuu ka gaaray. Gaariga matoorkii waa damey, gaarigii kale oo eiteryaanka wadeyna agtayada ayuu soo istaagey. Dadkii wexey hoosta kaga aruureen baabuurtii iyagoo hadhkeeda naf ka deyaya. Xaalad Aan La Sawiri Karin: Xaaladda dadku ku sugnaa meeshaas ma sifayn karo si kasta oo aan luqadda ugu xeel dheeraado. Dadka qaar wey taahayaan, qaar dardaaran daciifa ayey dardaarmayaan, qaar waa miyir *****lmeen, qaar mana hadli karaan mana dhaqaaqi karaan. Dareewaladu wexey belaabeen iney taleefanka thurayada kula xiriiraan baabuur kale. Dadkii Oo Kaadidii Cabbaya: Waligay ma suuraysan in dadku ku qamaamayaan iney cabbaan kaadida ka timaada iyaga ama qaarkooda kale, dadka qaar ayaa ku qooshanayey bur cad gaariga laga helay, dareewalkii (Adam) ayaa dadka kaadida ka celinayey laakiin dheg looma jalaq siin, 4 qof keliya ayaa ilaahay nagaga bad baadshey inaanu cabno, dadka intoodii kale wey cabbeen. Biyihii Radiatorka (qaboojiyaha) Gaariga Yaa Cabbey? Wiil Soomaaliya ayaa gaarigii Eriteriyaanka siday hoosta ka galay,intii dadku ku sii jeedey riixidda gaariga ciidda galay, wuxuu hoos ka furay furkii Radiatorka biyihii ku jirey matoorka ayuu fuuqsaday, kadibna hunqaaco ayuu ku waashay, dadkii kaadida cabbeyna xanuun ayaa siyaada u qabtay. Dhala biyo ah oo joogta $ 800: Waxaan intii hore fadhiyey gaariga korkiisa anoo qoraxda iska xejinaya jirigaan faaruqa, laakiin markii qorraxdii kululaatey ayaa jirigaankii igu dhalaalay, waan fadhin kari waayey gaariga hoostiisa oo laga buuxo ayaan usoo degey, qaarkiisa dambe ayaan isku cariiriyey, harraadka dhuuntu waa qalashay, gaajadana warkeeda ha sheegin, dhawr maalmood waxba nagama degin aan ahayn xoogaadii furutada oo aan soo sheegay. Waxaa hortayda fadhiyey gaariga hoostiisa 2 eritrean ah oo xoogaa nafi ku dambayso oo sheekaysanaya. Ortooda ayaa waxaa u taal dhala yar oo biya ah oo hal litar ah. Wiil Soomaaliya ayaa u yimi oo ku yiri: Waxaan xoola haystaa $800 iyo moobil, ee dhaladan biyaha mayga siineysaa. Waa markaan ogaadey qiimaha adduunyadu ku fadhido, nin xoolihiisii oo dhan siisanaya dhala yar oo biyaa. Hadduu ka badan haysan lahaana wuu ku gadan lahaa. Waxaan kaloo ku ogaadey nicmooyinka faraha badan oo aynu haysanno laakiin aan qiime weyn inala lahayn markaynu haysanno. Ninkii wuu diidey. Dhalada Qur’aan la saaray iyo Mucjiso! Cabbaar haddii aan ag jiifey nimanka eritreanka ah ee sheekaysanaya, dhaladuna hor taalo afkeeda ayaa igu soo jeeda, weyna jiiftaa. Waxaa nimanka noo dhexeeja in hal taako la eg. Waxaa hunguri iga galay dhaladii biyaha ahayd, laakiin waan liitaa, nimankuna iga xoog badan oo waa I dili karaan haddaan taabto. Waxaan bilaabay inaan qur’aan akhriyo. Ilaahay fadligiis maadaama aan Qur’aanka xafidsanaa, waxaan bilaabay Suuratul Al Ancaam, waan wadey waan wadey, ilaa aan ka gaaro qisada Nebi Ibraahim Calayhi Salaam: (وإذ ق ال إب زاه يم لأب يه آسر ) waxaan bilaabay hadana Suuratu Camma oo aan dhameeyey, kadibna waxaan gacanta ku haahaabtay dhaladii biyaha anoo nimankana iska eegaya, dhalada madexeeda ayaan qabtay, nimankii waa sheekaysanayaan, aniga ayeyna i eegayaan dhaladuna dhexdeena ayey taal, indhaha ayey igu hayaan, waxaan dhawrayaa goorma ayaa feerku kugu bilaaban doonaa, mise waxba juuq iima laha, dhaladii ayaan soo qaaday, mise waa ii jeedaan juuqna malaha, dhaladii ayaan furay, afkaan gashaday, waana fuuqsaday iyadoo dhan, waxaan is iri kolba waa lagu dilayaaye biyaha inta ugu badan cab, ama dhawr jeer qurquri, laakiin yaabku wuxuu ahaa inaan biyihii oo dhan cabbey nimankii oo I daawanaya, dabadeedna dhaladii ayaan meel fog ku tuuray, dhidid ayaa fayx iga soo yiri, waanan qaboobey, hurdaana I qabatay oo dug ayaan iri. Wax yar kadib ayey nimankii sidii wax hurda ka kacay biyihii iney maqan yihiin ku baraarugeen, mana shakin haba yaraatee ninkan hortiina fadhiya ayaa cabbey. Wexey u dhaqaaqeen bannaanka, wexey u tageen dareewalkii gaariga wexey dheheen waxaa nalaga cabbey biyihii, wuxuu ku yidhi: yaa idinka cabbey ii sheega anaa garaacaya? Wexey dheheen ma naqaan. Hawshaasuna halkaas ayey ku dhammaatay wexey ahayd biyo ilaahay iigu soo dhiibey nimankaas. Gaariga riixa...Biyaa Imanayee: Ninkii Dareewalka ahaa ayaa dadka ku yidhi gaariga riixa aan ciida ka saarnee, biyihiina wey soo socdaan oo qolaan la hadlay, si uu u dhiirri geliyo, oo gaariga meesha looga saaro, waa laysugu tegey oo gaarigii meeshii waa laga saaray. Peace, Love & Unity.