Naxar Nugaaleed
Nomads-
Content Count
5,348 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Naxar Nugaaleed
-
Xukuumadda Somaliland oo ku fashilantay siyaasad ay ku hanato Gobolka Sool March 7th, 2008 [News] | Hargeysa (Somaliland.org) - Warbiximo laga jeediyey labada aqal ee Baarlamaanka Somaliland ayaa muujiyey in xukuumaddu ku fashilantay inay la timaaddo siyaasad mug leh oo lagaga hawlgalo gobolka Sool iyo deegaamada la xidhiidhi oo muddo 4 bilood iyo badh ah gacanta ugu jirey Somaliland. Waxayna ka digeen in haddii xaaladdu sidaa ku sii socoto in dadka gobolkaasi ay sii fogaanayaan. Labada gole ee Baarlamaanka Somaliland, Guurtida iyo Wakiillada oo kalfadhiyadooda caadiga ah ay ku jiraan ajandahooda warbiximo ku saabsan xaaladda dalka, ayaa lagu dhegeystey warbiximo ku saabsan xaaladda gobolada Sool, Sanaag-bari iyo Buuhoodle oo ay golayaashaas hortooda ka jeediyeen xildhibaanno ka soo jeeda gobolka Sool, isla markaana ka mid ahaa weftigii golayaasha qaranka ee hawlgalka u tegey magaalada Laascaanood. Waxayna xildhibaanadu warbiximahooda isku raaceen in aanay jirin wax siyaasad ah oo barbar-socota tallaabadii ciidanka Qaranku kula wareegey gacan ku haynta magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool, si loo kasbado dadka reer gobolkaas iyo in aanu jirin wax ilaa iyo hadda loo qabtay dadka deegaankaas. Xildhibaan Cabdulqaaddir Maxamed Xasan (Indho) oo ka tirsan Golaha Guurtida, kana mid ahaa weftiguu ugu horreeyey ee tegey magaalada Laascaanood, waxyar kadib markii ciidanka Somaliland ka saareen ciidan iyo maamulkii Puntland ee ka talinayey magaaladaas muddo 5 sannadood ah ayaa warbixin uu ka jeediyey Golaha Guurtida dhowaan waxa uu sheegay in markii ay magaalada tageen ay ahayd magaaladu meel cidlo ah oo badiba dadku ka qaxay, waddooyinkana ay yaalleen dhagaxaan iyo kaabado lagu kala xidhay, balse ay ku guuleysteen inay dadka dejiyaan, waddooyinkana furaan. Waxa uu sheegay in ay Madaxweynaha ka soo dalbadeen in uu u soo diro Laascaanood wefti xukuumadda ah oo aan ahayn xubnaha beesha u dhashay. Sidaas darteedna uu u soo diray Wasiirro, kuwaas oo qiimayn ku sameeyey dhismaha laamihii wasaaradahooda ee gobolka iyo xafiisyadoodii. Waxana uu sheegay in 4 Wasaaradood oo keliya ay dhiseen xafiisyadoodii, balse, wasaaradihii kale aanay dib ugu noqon. Waxa kale oo uu xusay qaadhaankii dhaqaale ee loogu yaboohay dib u dhiska gobolkaas, kaas oo uu sheegay inuu ahaa mid aad u dhiirrigeliyey iyo sidoo kale raashin xukuumaddu ugu deeqday dadka gobolka. “Bishii hore waxaad moodeysey in hawshu xawli ku soconeysey,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilqaaddir. Balse, waxa uu sheegay in bishii u horreysey kadib uu xawligaasi gaabiyey, isaga oo xusay in ciidankii iyo maamulkii Puntland ee laga saaray magaaladu ay fadhiyaan meel la yidhaahdo Tukaraq oo 60 km u jirta Laascaanood. “Runtii waxaad moodeysey in siyaasaddii hoggaamin lahayd ka maqan tahay ciidanka,” ayuu yidhi Xildhibaanku. Waxaana uu sheegay in loo baahan yahay xilligan hawlgal qaran oo siyaasi ah, maadaama ciidanku uu ku guuleystey hanashada gobolkaas. Xildhibaanku waxa uu xusay in dhammaan Isimadii beeshu ay maqan yihiin oo ay ka soo horjeedaan Somaliland, loona baahan yahay in laga dabatago, isaga oo isla markaana si gaar ah ugu tirtirsiyey Golaha Guurtida inay kaalintaa qaataan oo ay soo qanciyaan Isimada. “Gabadh dudday ayaaba laga daba tagaa, ee waa in Guurtidu hawshaa gasho,” ayuu yidhi Xildhibaan Cabdilqaaddir Indho. Sidoo kale, Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore oo ka mid ah xildhibaanada Golaha Wakiillada ee Gobolka Sool ayaa isaguna warbixin uu toddobaadkan ka jeediyey Golaha Wakiillada hortiisa ku sheegay in gobolka Sool uu u baahan yahay hawlgal miisaan leh oo siyaasadeed, dadkana la tuso waxqabad ay kaga raystaan maamulkii hore ee gobolkaa haystey. “Waxaa dhegta dadka aad looga maqashiiyey inay jirto 2%, xukuumadduna soo jeedisey, Goluhuna halkan ku ansixiyey iyo lacagayow badan oo dadweynaha Somaliland oo dhami ururiyeen oo la gaadhsiiyey iskuuladda iyo wax noocaas ah ilaa xadkaa, weli lacagtaa mawqif siyaasi ah ama mawqif cad iyo qaab ilaa iyo hadda loo jiheeyey dadku ma maqal annaga iyo masuuliyiintuna ma maqal,” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan. “Waxaanad mooddaa in waxoogaa wakhtigeedii daba dheeraaday, dadkuna ay leeyihiin waar maxaa ku dhacay,” ayuu raaciyey. Waxana uu soo jeediyey in lacagtaas cad oo dadku ku qanco loo soo bandhigo, loona jiheeyo. Waxa kale oo uu sheegay Xildhibaan Saleebaan Yuusuf Cali Koore in ay haboon tahay in si buuxda oo miisaan leh loo dul tago gobolkaas si loo dhaqaajiyo dhammaan hay’adaha dowladda, maadaama gobolkaasi muddo dheer uu ku jirey gacanta maamul kale. Waxana uu tusaale u soo qaatay dagaaladii sokeeye kadib sidii looga hawlgalay Gobolka Togdheer oo uu sheegay in muddo Lix bilood ah uu fadhiyey Burco Madaxweynaha xilligan Daahir Riyaale Kaahin oo markaa ahaa Madaxweynekuxigeen iyo sidoo kale, Guddi wasiirro ah oo uu hoggaaminayey Axmed Siilaanyo oo iyaguna fadhiyey Burco muddo 4 bilood ah. “Way u baahan tahay Sool haddii aanu tagnay dad xooggan iyo guddi xooggan oo isugu jirta mid siyaasadeed iyo mid farsamo oo Somaliland ah oo wakhti fadhida aaad iyo aad bay u haboonaan lahayd,” ayuu yidhi Xildhibaan Saleebaan. Waxana uu sheegay in loo baahan yahay inay guddidaasi ka hawlgasho dhismaha maamulka iyo dhinaca siyaasaddaba, isaga oo xusay inay jiraan caqabado badan oo u baahan in la wajaho. “Sool iyo dhibta jirta iyo abaaraha ka jira wax Mucaarid iyo Muxaafid wakhtigan lagaga hadli karo maaha, waa arrin qaran oo taagan oo lagu xallili karo in si wadajir ah oo buuxda gacanta la isu qabsado,” ayuu yidhi Xildhibaanku. Labada xildhibaanba waxay si weyn uga hadleen dhibaatada dhaqaale ee gobolkaas ay ku hayso lacagta Shilin Somaliga been abuurka ah ee lagu daabaco magaalooyinka Puntland iyo abaaraha iyo biyo la’aanta xilligan ka jirta gobolka, inkasta oo ay sheegeen in duruufahani ay yihiin kuwo ay la wadaagaan gobolada kale ee Somaliland qaar ka mid ah. Si kastaba ha ahaatee, dad badan oo reer Sool ah ayaa waxay is weydiinayaan ujeeddada xukuumadda Somaliland ka lahayd gacan ku dhigista Laascaanood, kadib markii ay waayeen siyaasad firfircoon iyo dedaal ay xukuumaddu ku kasbanayso dadka gobolkaas oo waxqabad ah. Dadka qaarkood ayaa u arka in xukuumaddu aanay marka horeba raalli ka ahayn gaadhista Laascaanood, balse, ay ahayd arrin ay wadatey cid kale. C/risaaq M. Dubbad, Somaliland.org, Hargeysa. Somaliland.org
-
^^ we can be more specific than that, he was a Somali galbet.
-
8th March 2008: Mogadishu new PICS: Who is in control?
Naxar Nugaaleed replied to General Duke's topic in Politics
Originally posted by Nephthys: quote:Originally posted by Naxar Nugaaleed: "Unfrigginbelievable! Meeshii taaladii Halyeey Xaawo Taako ka taagnaan jirtay lagu dhajiye this octogenarian stooge's airbrushed cult-like almost caricature? I just can't believe this." Lol, blasting pics of your self every where is a dictatorial tendency but i also think its a Somali tendency because i know no better democrat in Somalia then Yusuf, its all down hill after him. in But why does the one with the pic look smaller or is the pic that big? NN, it's easier to just hit the quote button rather than cut-n-paste a sentence. Makes it clear to which previous poster you're refering to. It's on the top right of any post you want to quote and it looks like this: Try it sometimes, brother. is daji walaal, is daji. don't worry about the way i write but for future reference, if i want to quote part of what someone has written, they will have things that look like "" around them. -
"Midka sadexaad waa xabsiga dekeda oo ah Koonteenaro dadka lagu soo xiro, kuwaas oo geesaha ku leh doloolo ay dadka ka neefsadaan." You made my day KT.
-
Women in TFG : What about the oppostion? PICS
Naxar Nugaaleed replied to General Duke's topic in Politics
if people were to use logic, no woman in sol would support those terrorist who would perform all kind of honer killings and public floggin for things as small as a woman's leg showing, yet some in this forum and in fact call TFG supporters clanish. che, what did you want them to do? is it not better for the tfg to appiont them to those few tiger positions in the virtually non-existent entity then the virtually non-existent, foreign based terroristic entities not appionting them to a few tiger positions? give credit where is do sxb! -
never mind, this is how goods reach Somalia ceel macaan
-
i have read that some Americans in the west have made modern houses out of those ubiquitous chinese containers, perhaps the bososans are testing that idea with jails first.
-
this should only surprise few die hard dowladdiid and Somalidiid in SOL. but seriously, the men is old enough to retire after his first term, like putin appointing dmitry medvedev, yusuf needs to find an able bodied member of his inner circle to continue with his vision of a democratic,progressive, federal and a united Somalia at peace with itself and the rest of the world.
-
still lol @ "konteenar aya lugu xirey"
-
8th March 2008: Mogadishu new PICS: Who is in control?
Naxar Nugaaleed replied to General Duke's topic in Politics
"Unfrigginbelievable! Meeshii taaladii Halyeey Xaawo Taako ka taagnaan jirtay lagu dhajiye this octogenarian stooge's airbrushed cult-like almost caricature? I just can't believe this." Lol, blasting pics of your self every where is a dictatorial tendency but i also think its a Somali tendency because i know no better democrat in Somalia then Yusuf, its all down hill after him. in But why does the one with the pic look smaller or is the pic that big? -
8th March 2008: Mogadishu new PICS: Who is in control?
Naxar Nugaaleed replied to General Duke's topic in Politics
occupation, occupation, occupation, for the love of god we get it, you think the country is occupied by the ethios, clearly, some here don't and repeating is not gonna make your argument any more sound or a reality, lets just agree to disagree, realize words on sol's forums wont change reality and that we should discuss how to move forward. Duke good pics, the mog is looking a little better and cleaner but there is a lot of work to be done. Slanders, stop instigating and focus on your "country" rather then taking sides. Somalia being your enemy and the "kid born in addis" being closer to hargeisa then the one in Muqdishu, why should it matter to you guys wither the leader of Somalia is the "abu hebels" or Yusuf? miss lane, America and Somalia are allies in fighting extremist so there is no need to explain the bombing of the hut of terrorist hiding in the jungles of southern Somalia. that info is most likely classified and for all we know, Somalia was the one that give the order to bomb those huts. Can you imagine white cia agents running around that area collecting info on these people. -
Warbixin Ku Saabsan Isbitaalka Buuhoodle +SAWIRRO Mar 07, 2008 By: Buuhoodle(Jidbaale.com):-Saaka subaxnimadii ayaa waxaa booqasho gaaban kaga soo laabtay Cisbitaalka Daryeel ee duleedka magaalada Buuhoodle bahda shabakadda warbaahinta Allcyn, halkaasi oo sida looga soo dhaweeyay saaka wariyayaasha allcayn ee tagay Cisbitalkaasi soo dhawayn iyo salaan dabacsan, kadib ayaa waxaanu la kulanay Maamulka Cisbitalka guud ee Daryeel, kaasoo nooga warbixiyay xaaladda guud ee Cisbitalkan oo iminka in muddo ah shaqaynayay. Dhisitaanka Cisbitalkan oo ay ka qayb qayb qateen qaar ka mida waxgaradka iyo aqoon yahannada ka soo jeeda G/cayn ee ku hawlan horumarinta deeganka ayaa ku guulays inay ka dhisaan duleedka magaalada Buuhoodle Cisbitaalka ugu wayn gobollada Puntland.iyo Soomaliyaba Waxgaradka iyo aqoon-yahannada dhisitaanka Cisbitaalkan ku hawlanaa muddada dheer oo uu hormuud u ahaa Saleebaan Ciise Axmad, oo ah shaqsi aad u jecel horumarka iyo waxqabadka, ahna Mudane waddaniyadiisu sarrayso, haatana u sharraxan madxwayna nimada D/G/puntland ayaa waxaa lagu tilmami karayaa horumar iyo waxqabad ballaadhan oo usoo hoyatay dadwaynaha Gobollada SSCayn. Waraysisi dheer ka dib oo uu mamulaha Cisbitalku allcayn siiyay ayaa wuxuu mahadnaq ballaadhan usoo jeediyy dhammaanba ciddii ka qayb qadatay dhisitaanka Cisbitaalkan, isagoo si gaar ahna ugu mahad naqay Mudane Saleebaan Ciise Axmad, oo ah mulkiilaha haatan Cisbitaalkan u dhisay dadwaynihiisa muddada dheer ay daashatay baahida caafimad. Warbixinno Sawirro kale wadata dib ayaan idiinka soo gudbin doonaa. Xigasho-allcayn.com Jidbaale.com
-
OGAYSIIS, SHIRKA MUSHARAXA MADAXWEYNAHA PUNTLAND.WAXAA LA OGAYSIINAYAA JAALIYADDA REER PUNTLAND EE {COLUMBUS, OHIO} Musharaxa Puntland Dr.Suleymaan Ciise Ahmedkaar Mar 07, 2008 By:Jidbaale Columbus(Jidbaale)Waxaa la ogaysiinayaa dhamaan jaaliyada reer puntland ee Columbus,Ohio in la qaban doono shir ballaadhan maalinta Axadda {sunday}ee taariikhdu tahay 03/09/08. Waxaa halkaa ka hadli doona musharaxa jagada madaxweynanimada Puntland Dr.Suleymaan Ciise Ahmedkaar,isagoo halkaas ku soo bandhigi doona afkaartiisa iyo nidaamkiisa waxqabad. Hadaba waxaa dhamaan jaaliyadda reer puntland iyo dad waynaha soomaaliyeed ee sharafta leh laga codsanayaa inay ka soo qayb galaan kulan kaas muhiimka ah. Shirku waxaa uu ka dhacayaa Taageer is badalka Cusub Puntland Wakhtiga300:pm Maalinta Sabti 8/3/2008 1744 huy, road columbus Ohio Next Xamar Weyne store 207-766-1984 ama 614-743-0673. kala xidhiidh Wixii faah faahin ah oo dheeraad ah kala soo xidhiidh. Jidbaale.com@gmail.com
-
Buuhoodle(Jidbaale)Saaka subaxnimadii goor hore ayaa waxaa dhaman dadwaynaha kunool buuhoodle ay isuugusoo baxeen banaanbax baladhan oo lagu tageerayo mudane Saleebaan Ciise Axmad oo hatan usharxan jagada madaxwayne nimada Puntland Banaan baxan oo ubilawday si habsamile ayaa waxaa lagasoo bilabay xaafada isweeto ee magaalada buuhoodle iyadoo markii danbe ay dadwaynaha kasoo qayb galay oo ay kujireen madax iyo masuuliyiin sare socod lug ah kusoo wada mareen xaafadaha magaala oo dhan. Majirin wax buuq iyo qaylo ah oo kuyimid intuu uu soconayay banana baxan oo lagu tilmaahi karayo kii ugu waynaa banaanbaxyadii kadhacay G/cayn, iyadoo dadwaynaha shacabka ahina ay safnaayeen wadada dacaladeeka iyagoo lulayay caleemo qoyan iyo sawirada mudane Saleebaan ciise axmed . Dadka banana baxayay oowatay calamada D/G/Puntland iyo sawirada musharaxa ayaa waxay ku dhawaaqayeen halku dhigyo ay kamid yihiin. DANAYSTAHA INTAAD DABA SOCONLAHAYD DOORO NINKII KUDARYEELI, DOORO AQOONYAHANKA DEEGAANKAAGA SALEEBAAN DARYEELE iyo halku dhigyo kale oo aan halkan lagusoo koobi karin . Socod dheer oo cagta lugta lasoo wada mariyay xaafadaha magaalada kadib ayaa waxaa dadwaynah laysuugu yeedhay Fagaaraha hore ee dugsiga hoose dhexe ee darwiish school, halkaas oo ay khudbado iyo odhahyo gaagaaban kajeediyeen madaxda sarsare ee Degmada buuhoodle oo uu kamid ahaa duqa dagmada Saleebaan Barkhadle Afrax.. sidoo kale waxaan iyana meesha ka maqnayn ururada dhalinyarada,waxbarashada,caafimaadka, iyo dhamaan odayaasha iyo waxgaradka deegaanka . http://allcayn.com/admin/images/stories/1.jpg Qaban qaabad banaanbaxan ayaa waxaa siwyan usoo abaabulay oo kaqayb qaatay dhamaan qaybaha arimaha bulshada ee G/cayn sidoo kale waxaa door muhiima kaqaatay bahda shabakada warfaafinta ee Allcayn.com xafiiskeeda buuhoodle. Sida ay warfaafinta usheegeen xubnaha soo abaabulay banana baxani kuma ekaan doono maanta too kaliya waxaana lawadi doonaa maalmaha soosocda iyo todobaadkan oo dhan .
-
Looool @ " Nabadoonka ayaa waxaa lagu xirey siday noo sheegeen dadkii goobtaasi ku dhowaa, Konteenar ku yaala dekeda Boosaaso." i swear, these "journalist" would make a lot more money as authors of fiction.
-
what is it with you, rer SSC and their Garaads? Just leave it to those people to determine their relationship.
-
perhaps more then division, its names like abu hebel and al hebel. al ameriki? sounds like he should be in America.
-
Lol, if by "politics" you mean determining your future, then no, they should not stay away from but lead their communities. further more, i think you are a little ungrateful to your Sultans, were it not for them, hargeisa would have been the same as mogadishu, with or without those "governmental systems". they have lead you guys through a very turbulent times where those "politicians" have failed and continue to fail. lets not discount their accomplishments yet. as for SSC, more then anytime before, they are needed now. they are human, have made and will continue to make mistakes yet there is no better mechanism to deal with the problems that affect those regions, to bring those people together, deal with treaters within such as Maakhirites and darwiishlanders and neighbors that for some reason insist on aggression and to bring a solution on how to deal with the states apparent inability to deal with an incompetent and even destructive administrations such as Cade muuse's one in garowe.
-
well, all we are doing is thinking so am not explaining any think for the Issims of SSC but i think you would be mistaken to think that they need a justification or that their people need an explanation. I think its very simple for these people and their Issims, what i don't understand is why people like afnugaal and perhaps you see an interest in instigating? clearly we see what has happened and can take a lesson from what has happened in the south with breakdown of traditional systems and disregard for elders. were it even possible to set the people against their issms, what do hope to accomplish and Is this the supposed "development" that sland is trying to buy people with?
-
scared is the wrong word jb, more like not willing to surrender. I will arrest you and you should come see me are two things that just do not go together.
-
because i find all S-Landers slanderous