MoonLight1
Nomads-
Content Count
2,492 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by MoonLight1
-
I listened to sh.UMUL interview tonight on Universal TV news, when he was asked who's right and who's wrong on the muqdisho conflict he answred something like "We don't know the intensions of the waring sides.....but the situation is not easy to say who's right and who's wrong.....the situation needs to be studied then decided the outcome..." these are not his 100% accurate quotes but it was something like that. I will try to post universal link if they upload the video on their website. It reminded me of the Muqdishani famouse phrase "CALINA GAR LEH, CAYDIINA JID LEH" I was really disappointed with the sheikh, times like this the Ulamaa shouldn't shy away to say whos right and whos wrong, my 4 years old son knows it when he said to me few days ago when he saw the fighting in muqdiho on tv "Dad why are they fighting, are they not muslims", its clear to everyone whats happening in xamar is pure greed and power hunger compitition nothing more nothing less.
-
This interview was aired yesterday, hosted by Fahad Yasin, very interesting. watch carefully at the end where he prises Afawarki and he says "Jazahumullahu khayran" meaning "Allah reward them with his blessing". To say that about one of the most anti Islam regimes in Africa who wiped out the muslim fighters who were fighting for their rights in mid 1990s, and at the same time calling Shariif a murtad who's blood should be spilled is utterly Kharijite mentality.
-
Breaking News: Alshabab HI kicked out of Mahadaay.
MoonLight1 replied to MoonLight1's topic in Politics
Maxkamadaha islaamiga ee taabacsan dowalada kmg oo dib uga laabtay magaalada Mahadaay oo ay saakay la wareegeen iyo Ciidamo ka tirsan Al shabaab oo degmadaasi gaaray. Posted: 6/4/2009 8:23:00 PM Shabelle: MAHADAAY Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ee taabaxsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa dib uga laabtay degmada Mahadaay kadib markii saakay ay la wareegeen degmadaasi. Dagaal degmadaasi ka dhacay ayaa inta la ogyahay waxaa ku dhintay ilaa 3-ruux oo ahaa dhinacyadii halkaasi saakay ku dagaalamay. Gudoomiyaha maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Sh/dhexe Sheekh Daahir Cadoow Calasoow oo saakay Idaacadda Shabelle la hadlay ayaa waxaa uu sheegay in dagaalkii saakay ka dhacay degmada Mahadaay uu ahaa in ay la galeen kooxo uu ku tilmaamay in ay yihin Islaam diid sida uu hadalka u dhigay. Kadib markii ciidamada Maxkamadaha ee taabacsan dowladda KMG ay barqanimadii maanta isaga laabteen degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ayaa kadib waxaa gaaray ciidamo ka tirsan Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo kuwa ka tirsan Xisbul Islaam. Gudoomiyaha Maamulka Al Shabaab ee gobolka Sh/dhexe Sheekh C/raxmaan Xasan Xuseen ayaa insa xili uu la hadlayay Idaacada Shabelle waxaa uu sheegay in ay go’aansadeen in ay sugaan Ammaanka dadka ku dhaqan degmada Mahadaay oo uu sheegay in ay qal qal galiyeen ciidamadii saakay weerarka ku soo qaaday. Si kastaba ha ahaatee waxaa aad u kacsan xiisadda degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe,waxaana qaar ka mid ah dadka halkaasi ku nool soo fod saartay cabsi ay ka qabaan in dagaalo ay halkaasi ka dhacaan maadaama sida la sheegay labada cidanba ay wadaan dhaq dhaqaaqyo ciidan. Aqriso oo la soco Shabelle.net -
War deg deg ah: Ciidamada Maxaakiimta Islaamka oo dib ula wareegay goor dhoweyd degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe oo saaka ay dagaalo ka dhaceen Ciidamada Midowga Maxkamadaha Islaamka ayaa goor dhoweyd abaarihii 9:00 subaxnimo ee saaka la wareegay maamulka iyo gacan ku heynta degmada Mahadaay ee gobolka Sh/dhexe ka dib dagaalo muddo kooban socday oo halkaasi ku dhexmaaray iyaga iyo xoogaga Xisbul Islaam ee halkaasi labo todobaad ka hor qabsaday, sida wararka halkaasi naga soo gaaraya ay sheegayaan. Dagaalkan oo bilowday ka dib markii ciidamada maxaakiimta Islaamka ay weerar lama filaan ah ku soo qaadeen degmadaasi ayaa keenay in halkaasi ay isku fara saaraan iyaga iyo ciidamadii horey degmada ugu sugnaa ee ururka xisbul Islaam, waxaana labada dhinac ay isku adeegsanayeen dagaalka hubka noocyadiisa kala duwan oo ay ku jiraan madaafiic darayankooda laga maqlayo goobo ku yaala hareeraha degmadaasi waxaana warar daqiiqado ka hor soo baxay ay sheegayaan in ciidamada maxaakiimtua la si buuxda ula wareegeen degmadaasi laguna arkayo wadooyinka iyo Suuqyada degmadaasi iyagagoo wata gaadiidka dagaalka, Macalin Daahir Cadoow Calasow oo ahaa Gudoomiyaha maxkamadaha islaamiga ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in ay in ay kala eryeen xoogagii halkaasi ku sugnaa ka dib weerar ay ku qaadeen degmadaasi isla markaana la wareegeen xoogaga Maxkamadaha islaamiga, waxaana wararku ay sheegayaan in dagaalka uu weli ka socdo duleedyada degmadadaasi lamana oga ilaa hada qasaaraaha ka dhashay dagaalkaasi.
-
Somali Bantus gain Tanzanian citizenship in their ancestral land
MoonLight1 replied to Goodir's topic in Politics
first there was brain drain in somalia. now its muscle drain coz these people used to do all heavy manual jobs that skinny nomads couldn't do, e.g faryaamo, fuundi, gaari gacanle,beeraleey etc. great loss, wish them well. -
Puntland Oil Gas update + learn about new players.
MoonLight1 replied to General Duke's topic in Politics
All this, is hot air from these dodgy companies. I believe they are reliesing these useless information to boost their share prices. I think there is plenty of oil in Puntland, but to drill it out you need a stable central government to do deals with, and to cover all legal issues and gurantees, thats how big reliable companies work such as TOTAL, SHELL, BP, ELF, TEXACO and so on. -
Wasiirka Amniga dowladda iyo masuuliyiin la socda oo galabta gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Posted: 6/2/2009 9:05:00 PM Shabelle: BALADWEYNE Wararka laga helayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobolak Hiiraan ayaa sheegaya in galabta ay magaaladaasi gaareen Masuuliyiin uu horkacayo Wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan. Xubnahaani uu hor kacayo wasiirka Amniga Qaranka dowladda KMG Soomaaliya ee gaaray Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxaa ka mid ah gudoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar (Yuusuf dabageed) iyo C/kariin Faarax Laqanyo oo ka mid ahaa dowladam KMG iyo masuuliyiin kale. Masuuliyiintaani ka tirsan dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa gudaha Magaalada ku soo dhaweeyay islamarkaana u soo galbiyay Maamulka Maxkamadaha Islaamiga ee halkaasi ka arimiya iyadoo Ammaanka Magalaada iyo deegaanad ku dhow dhowna si weyn loo adkeeyay. Masuuliyiintaani ayaa waxaa la dajiyay Hoteelka Madiina ee Magaalada Baladweyne halkaasi oo ay kulamo kula qaadanayaan Gudoomiyaha xiligaani ee gobolka Hiiraan ee Midowga Maxkamadaha Islaamiga iyadoo aan la ogeyn waxyaabah ay kaga wadahadlayaan kulankaasi. Wadooyinka Waa weyn ee Xaafadaha Magaalada Baladweyne ayaa waxaa la dhigay ciidamo fara badan oo ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga kuwaasi oo si weyn u sugayay Ammaanka Magaaladaasi.
-
Col. Cumar Xaashi Aadan oo wata maleeshiyo fara badan oo uu kala soo talaabay xadka Itoobiya ayaa soo gaaray gobolka Hiiraan Maleeshiyaad boqolaal gaaraya kuna hubeysan gaadiidka dagaalka iyo hubka noocyadiisa kala gedisan ayaa soo gaaray saaka isgoyska Kala beyrka oo ku yaala meel illaa 20-km dhinaca bari kaga toosan magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ay maalmahanba ay joogeen ciidamada Itoobiya. Maleeshiyadan oo ahaa kuwo bilo ka hor laga aruuriyey qaar ka mid ah gobolada dalka mudooyinkankana tababar ku qaadanayey gudaha dalka Itoobiya ayaa la sheegay inuu hogaaminayo wasiirka amiga qaranka ee Dowlada Somalia Col. Cumar Xaashi Aadan waxaana la socda sida wararku ay sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan maamulkii TFG-dii hore ee gobolka Hiiraan sida Aadan Garaase iyo Yuusuf Dabageed. Lama oga illaa hadda ujeedada Col. Cumar Xaashi iyo ciidamada uu wato ay u yimaadeen gobolkaasi hase ahaatee waxa ay ku soo beegmaysaa xili la hadal hayo in abaabul dagaal oo ka dhan ah xoogaga ah ee gacanta ku haya inta badan gobolada dalka uu ka socda degmada Doolow, dhinaca kalena ay faraha ka sii baxayaan dagaalada ka socda magaalada Muqdisho ee u dhexeeya ciidamada DF iyo xoogaga ka horjeeda kuwaasoo maalin kasta ay ku dhintaan dad aad u fara badan, kuwo kalena ku dhaawacmaan.
-
Horta waa idinka adeer isleh ee keebaa adeer loo yahay.
-
I think the flag will be great if you add something which is part of Puntland's heritage, e.g Geedka fooxa & beeyada, or timirta, or aargoosatada, or cawda or something like that. You need to be as creative and original as Cawaale Liibaan was. But I still don't understand why Puntland need a flag since they are the ones who desgned the White star ad the blue sky flag of the nation.
-
Meiji bro don't put all your eggs in one basket, what makes you think the ahlusunna guys will behave properly once they test victory, Somalis are not good with being victorious, because once they test it they think they own the whole world, I fear the Sufis might even be wrost than the shababs, once they conquare land they may order everyone to attend Ziyaro every wednesday or youll be lashed, or they may enforce everyone to wear Big Tusbax in public. You never now.
-
The scelaton is Piracy. The black is alshabab. and the two swords are Hizbul Islam. Sorry guys I'm just joking. My Question is why Puntland have to have a FLAG, or does Awmuuse know something we don't.
-
Guns and intervention have failed; let Somalis talk to each other
MoonLight1 replied to Jacaylbaro's topic in Politics
Somalis in Somalia and elsewhere are my brothers and sisters .... we share a blood. I feel their pain sxb regardless of your cuqdad. What I always read from your posts say a totally different thing,a man who celebrates every disaster in the south, a man who grins on their sufferings. Mise waa iska dheh waxaagu, I don't believe you feel their pain, but love their pain to continue, so you may be recognised. -
Ahlusunnah Pariorities 1- in maanta wixii ka dambeeya aan maamulka dhexdiisa lagu kaxaysan karin gaari muraayadihiisu midab qarsoon leeyihiin 2- in aan dhuxusha iyo dhirta qoyan mar dambe la jari karin 3- in aan Xawaaraha baaburta ee maraya magaalooyinka la dhaafin karin 30 k/h Alshabab Pariorities 1- Dumar iyo rag baabur islama raaci karaan. 2- Kubad lama ogola in la ciyaaro 3- Qubuuraha waa in la burburiyaa. This is what I call S.T.U.P.I.D Prioritisation. Moonlights Pariorities 1- Help the victims of the war and people who were displaced. 2- Talk to your enemy, even when they are pointing the gun at you.(never give up). 3- Build a strong army to bring law and order.
-
Good news, hope there will be jobs for them when they come back, otherwise it would've been a waste of talent and energy.
-
Mogadishu: 2008-2009 School exams start for more than 10.000 students
MoonLight1 replied to Meiji's topic in Politics
At last a cool fresh air, the key to a prosperouse future is with these students.inshalah -
This kind of blockade will starve Alshabab from vital, much needed income to boost their war efforts, but innocent people will suffer greatly as well.
-
Markab shixnad ganacsi u waday Dekeda Magaalada Kismaayo oo ay is hortaageen Diyaarado iyo Maraakiib dagaal Dowladda Federaalka KMG ayaa maanta ka dhawaajisay in Ciidamada shisheeye ee ku sugan Xeebaha Soomaaliya ay is hor tag ku sameeyeen Markab shixnad ganacsi u soo waday Dekeda Magaalada Kismaayo. Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Maxamed Ibraahim Xaabsade oo Wariyeyaasha kula hadlay maanta Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Ciidamada caalamiga ay bilaaban fulinta go'aamadii ka soo baxay IGAD iyo Midowga Afrika, kaas oo ahaa xayiraad la saaray Dekedaha iyo Garoomada diyaaradaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha Mucaaradka. Xaabsade ayaa sheegay in diyaarado iyo Maraakiib dagaal ay dhex ka soo celiyeen Markab shixnad ganacsi u waday Dekeda Kismaayo, kaasoo oo uu sheegay inuu horay wax ugu soo dajiyay Dekeda Muqdisho, dabadeedna inta hartay uu doonayay inuu ku dajiyo Dekeda Kismaayo. Wasiirka Deledaha iyo Gaadiidka Badde Maxamed Ibraahim Xaabsade ayaa digniin u diray Ganacsatada, isagoona uga digay in Dekedaha ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay wax ka soo dajiyaan, waxaana uu cadeeyay in hadii ay oofin waayaan go'aankaas ay tallaabo ka qaadayaan. "Waxaan ugu baaqayaa Ganacsatada inay adkeystaan mudada ay xayiraada soconeyso, kadib xaalada ayaa hagaagi doonta haduu alle idmo"ayuu yiri Maxamed Ibraahim Xaabsade isagoona intaa ku daray in Ganacsatada ay wax kala soo dagi karaan Dekeda weyn ee Magaalada Muqdisho. Is hortaagan ay ku sameeyeen Ciidamada Caalamiga ee ku sugan xeebaha Soomaaliya Markab ku wajahnaa Dekeda Magaalada Kismaayo, ayaa muujineysa sida ay u fuliyeen Go'aanadii xayiraada ee ka soo baxay IGAD iyo Midowga Afrika, kaasoo ahaa in cunaqabateyn lagu soo rogo Garoomada Diyaaradaha iyo Dekedaha ay gacanta ku hayaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.
-
Sheikh C/qaadir Xamza Abuu Qataatoow oo dhawaan la qaarajiyey xili uu dhawaan ka soo goostay Waxaa dhawaan gudaha suuqa Bakaaraha lagu dilay sargaal sare oo ka tirsana a Maxkamdaha garabka Sheikh shariif lakiin dhawaaan ka soo goostay dhanka shariifka kuna biiray xoogaga xisbul Islaami Dilka sarkaalkani ayaa waxaa u xaqiijiyay saraakiil sar sare oo ka mid ah Ururka Xisbul Islaam oo uu ka tirsanaa,waxaana ay intaasi raaciyeen in aan la garanayn Sababtay loo dilay iyo Cida dishay Intaba. C/qaadir Xamza Qataatoow oo ahaa shaqsi siweyn ula diriy Itoobiyaanka ayaa dilkiisa waxaa la dhihi karaa mid siweyn looga xumaado mar hadii dhiiga mujaahidiinta sidaa sahal loo dilaayo iyadoo laga doonaayo in illaha aloogu dhawaado C/qaadir Xamza Qataatoow waxaa uu ka mid ah saraakiishii Muqaawamada xiliyada adag dagaalada kula jiray Ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Ethiopia,waxaana markii dambe uu ku biiray dhanka dowladda kadib markii la soo doortay madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyadoo Isbuucaan horaantiisana uu ka soo tagay dowladda islamarkaana uu ku biiray Ururka Xisbul Islaam. dayniile.com
-
Murder:::Sheikh hotel's militia start killing compaign, 3 youth murdered
MoonLight1 replied to Emperor's topic in Politics
Maxaa laga rabaa yey siyaaradii duq jabartiyow wali jiraaye,aryaa dadkan nin siyaaro aaday oo iska buneysahaayo xataa maka baxsanaayo, yaaya. Malaha odaygu habeen iyo maalin qabriga asoo kor fadhiyuu xamar habaar ku oo tuuraa. -
Taageerayaasha Madaxweynahii hore ee Somalia Abdullahi Yusuf Ahmed ayaa kooxaha Khawaarijta Shabaab iyo Xasan Dahir Aweys oo ay hore u necbaayeen hada ku tilmaamaya Mujaahidiin xaq u dirira. Abdullahi Yusuf Ahmed oo guri laga siiyay Yemen oo uu ka helay Magangalyo siyaasadeed ayaa la xaqiijiyay inuu tiro ka laba jeer wada hadal khadka telefoonka kula yeeshay Korneyl Xasan Dahir Aweys. "Abdullahi Yusuf iyo taageerayaashiisa waxay Shabaab iyo Xasan Dahir u taageerayaan laba waxyaabood oo ay u arkaan guushooda,waxaana muuqato in qorshahii ay lahaayeen loo fuliyay oo kooxda Shabaab iyo Xisbul Islaamka Xasan Dahir u fuliyeen,waana nasiib daro taariikhiya"ayuu yiri Faysal Gacameey oo ka mida dhalinyarada u ololeeya arrimaha nabadda kuna nool dalka Holland. Faysal Gacameey oo ay isku reer hoose yihiin Xasan Dahir wuxuu tilmaamay in Abdullahi Yusuf iyo taageerayaashiisaba guushooda siyaasadeed tahay laba waxyaabood oo kala ah:- 1- In kursigii laga fara maroojiyay nabad ugu fariisan nin ka dhashay beesha ******.ama maamul uu dhalin waayay uu dhaliyo Shariifka. 2- In tacadiyadii uu geystay lagu hilmaamo kuwa hada socda ee Xasan Dahir Aweys iyo Khawaarijta ka wadaan Somalia maxaa yeelay allaha u naxariistee Mohamed Siyaad Barre oo nasaqay aayad qur'aana waxay Somalida ku sheegaan nin loo darsaday marka la qiimeeyo dhibaatadii gadaashiis ay ku kaceen qabqablayaasha dagaal gaar ahaan beesha ******. Odayaasha ****** ayaa todobaadkii la soo dhaafay ka dhawaajiyay qirasho hordhaca taas oo ay ku sheegeen inay ka shalaaynayaan baaqyadii ay jeedinayeen xilligii Dowladda Abdullahi Yusuf ee Melleteriga Ethiopia dalka Somalia joogay.
-
This reminded me when I was a kid, if another child troubles you we used to say, banaanka is keen.lol
-
Afhayeenka Milateriga "Hadii ay wax isku hayaan Mucaaradka, banaanka ha is keenaan, waxba yeysan shacabka dhexdiisa uga dagaalamin" Afhayeenka Ciidamada Milateriga Dowladda KMG Farxaan Casaanyo oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Ciidamada Dowladda ee dhowaan la geeyay Degmada Dharkeenley arrimo ammaan loo geeyay, waxaana uu xusay in aan iyagu dooneyn inay shacabka dhexdiisa ka dagaalamaan. Afhayeenka ayaa ka codsaday Kooxaha Mucaaradka ee Dowladda ka soo horjeeda inay banaanka is keenaan oo aan shacabka dhexdiisa lagu dul dagaalamin si dagaalka u soo afjarmo. "Hadii ay wax isku hayaan Mucaaradka, banaanka ha is keenaan, waxba yeysan shacabka dhexdiisa uga dagaalamin, maxaa yeelay xasuuqa shacabka ayay doonayaan"ayuu yiri Afhayeenka Milateriga. Sidoo kale waxaa uu sheegay in kooxaha ku dhuumaaleysanaya Bulshada dhexdooda ay muujineyso fuleynimadooda iyo in ay xasuuq la doonayaan shacabka Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay. Waxaa uu kaloo sheegay in kooxaha sheeganaya Mucaaradka laga doonayo in banaan weyn ay iskeenaan si loo ogaado cidda wax isku heysa isla markaasina loogu kala boxo dagaallada Dagaallada Muqdisho ka soconaya ee soo noq noqday ayuu sheegay ay ugu wacan tahay iyadoo aan lagu dagaalamin meel fagaare ah oo aanu cidina joogin, sababta ugu weyn ee ay dagaalada wali uga socdaan Muqdisho ayuu ku macneeyay inay tahay in shacab dhexdiisa lagu dagaalamayo, isla markaana koox walba ay ku hoos dhuumaneyso daaraha, taasna ay tahay waxa uu wali dagaalka u soo afjarmi la'yahay. Jowhar.com