MoonLight1

Nomads
  • Content Count

    2,492
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by MoonLight1

  1. Xisbu Islaam oo ku dhaaratay hadii weerar kale lagu soo qaado Axmed Madoobe ay mowqif cad qaadan doonaan This reminds of of Af MaayMaay saying "Car iinka naqbo" which means "come on do it again and I will.."
  2. Xisbu Islaam oo ku dhaaratay hadii weerar kale lagu soo qaado Axmed Madoobe ay mowqif cad qaadan doonaan Inkastoo wali mowqif mideysan aanay ka qaadan Hogaanka Xisbul Islaam dagaaladii shalay ka dhacay Magaalada Kismaayo ee hilfaha loogu qaaday Axmed Madoobe ayaa hadana Saraakiisha Xisbul Islaam ay ku hanjabeen in hadii mar dambe uu dhaco weerar kale ay mowqif cad qaadan doonaan. Sheekh Maxamed Macalin Cali oo ka mid ah Saraakiisha Xisbul Islaam ahna Xogyahaha Xafiiska Warfaafinta ee Maamulka Xisbul Islaam u qaabilsan Gobolka Banaadir ayaa shir jaraa'id uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu mar kale ku celiyay dagaal ka dhan ah Axmed Madoobe uu ku tilmaamay mid lagu soo qaaday Xisbul Islaam. Waxaa uu uga digay Xarakada Alshabaab in ay joojiyaan dagaalada ay ku qaadayaan sida uu sheegay goobaha ay ku sugan yihiin Mas’uuliyiinta Xisbul Islaam, waxaana uu sheegay in Mowqifka Xisbul Islaam uu yahay ku dhaqanka Shareecada Islaamka balse ay mowqif qaadan doonaan hadii weerar danbe uu dhaco sida uu hadalka u dhigay. Hadalka Xoghayaha Xafiiska warfaafinta ee Maamulka Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin Cali ayaa imaanaya xilli maalinimadii shalay Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka Jubadda hoose ay isku fara saareen Ciidamo ka tirsan Xarakada Alshabaab iyo Ciidamo uu hogaaminayay Sheekh Axmed Madoobe oo kamid ah Saraakiisha sar sare ee Ururuka Xisbul Islaam, kaasoo laga awood roonaaday. jowhar.com
  3. You, me, him, her, all of us somalis.
  4. Maleeshiyaadkii Xasan Turki oo intooda badan isku dhiibay Alshabaab Qeyb ka mid ah Maleeshiyaadka Raaskambooni ee taabacsanaa Wadaadka caanka ah Sheekh Xasan Turki ayaa xalay fiidkii isku dhiibay Xarakada Alshabaab, taasoo ka dambeysay markii lagu kala baxay dagaalka Kismaayo. Maleeshiyaadkan oo ku sugnaa duleedka Magaalada, isla markaana horay uga baxay dagaalka markii uu ka dhex qarxay Axmed Madoobe iyo Alshabaab ayaa la sheegay in xalay isu dhiibeen. Wararka ayaa intaa ku daraya inuu jiray gor gortan iyo is faham u dhaxeeyay labada dhinac, taasoo ka dambeysay in dagaalka lagu cidleeyo Axmed Madoobe, deetana hilfaha loo qaado. Saraakiisha sar sare Xisbul Islaam ayaa hada ay ka dhex oogan tahay khilaaf ba'an, kadib markii ay isu gurman waayeen, ayna cadeyn waayeen Mowqifkooda dhabta ah, taasoo keentay in Maleeshiyadii Caanoole ay keymaha aadaan, markii looga dilay dagaalka Taliye Kuxigeenkooda. Sheekh Xasan Turki oo ku sugan dhulka keynta ee uu gabaadsado ayaa wali ka hadal dagaalkii Kismaayo, iyadoona Maleeshiyaadkiisa ay kala firqoobeen kuwaasoo uu muddo soo carbinaya. Lama oga halka ay ku dambeyn doonaan Mustaqbalka Xisbul Islaam iyo Kooxda Raaskambooni ee horay majaraha u heysay dagaalkii Dowladda lagu wiiqay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho, waxaase arrinka u muuqataa in ay soo if baxday hadal heyntii Kismaayo ee maalmo ka hor aheyd Imaa Shariif, Imaa Shabaab Wa Imaa Shacab www.Jowhar.com
  5. Saraakiil iyo xildhibaano ka tirsan dowladda KMG oo ka tagay Magaalada Baladweyn oo ciidamada Puntland ay u diideen inay galaan magaalada Gaalkacyo Shabelle October 1, 2009 Markacadeey Taliyihii ciidamada dowladda KMG ee gobolka Hiiraan Muqtaar Xuseen Afrax iyo mid ka mid ah xildhibaanada Barlamanka KMG ee Soomaaliya ayaa xalay gaaray magaalada Gaalkacyo kuwaasi oo lagu qabtay contaroolka koofureed ee Magaalada Gaalkacyo halkaasi oo au ku sugnaayeen ciidamada nabad sugida ee maamulka Puntland. Muqtaar Xuseen Afrax iyo Mudanaha Barlamanka ayaa sakarkooda waxaa ku wehlinayay kolanyo gaadiidka dagaalka ah kuwaasi oo doonayay in ay gudaha u soo galaan magaalad hase ahaatee ciidamada amaanka ay ku amreen in ay ku hakadaan contarolka si ay ula socodsiinayaan masuuliyiinta Maamulka Puntland oo uu ka mid yahay madaxweynaha maamulkaasi C/raxmaan Faroole si ay fasax ugu helaan in ay gudaha u galaan magaalada Gaalkacyo. Daqiiqado kadib ayaa taliyaha iyo xildhibaanka Barlamanka waxaa ay dib ugu laabteen halkii ay ka yimaadeen,waxaana tliyaha qeybta mudug ee Maamulka Puntland Muuse Xasaasi uu sheegay in ay jiraan hakinta ciidamada ay ku sameeyeen taliyihii ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan islamarkaana ay doonayeen amar la’aan ay ku galaan magaalada Gaalkacyo. Warar kala duwan oo aan ka helayno saraakiisha amaanka ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in taliyaha ciidamada dowladda ee gobolka Hiiraan iyo mudanaha Barlamanka ay doonayeen magangalyo siyaasadeed maadaama magaalada Baladweyn ee gobolka Hiiraan ay la wareegeen Ururka Xisbul Islaam oo ka mid ah Ururada ku kacsan dowladda KMG ee Soomaaliya. markacadeey.net
  6. I thnk this is bad news for the TFG, I guess they would've not wanted a quick result, and they would've preffere HI to win.
  7. Whts wrong with this guy Faroole, can't handle free speech.
  8. Puntland oo Hakisay Hawlihii Warbaahineed ee V.O.A-da Puntland oo Hakisay Hawlihii Warbaahineed ee V.O.A-da | read this item Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Isgaarsiinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Mudane Cabdishakuur Mire Adam ayaa maanta xafiiskiisa ka soo saarey wareegto shaqada looga joojinaayo, Warbaahinta V.O.A, amarkan ayaa si toos ah ugu socda dhamaan weriyaasha ka hawgla Puntland ee u shaqeeya V.O.A iyo cidkasta oo isku dayda in ay war u tebiso V.O.A. Amarka ka soo baxay Mudane Cabdishakuur ayaan lagu caddeyn sababta shaqada looga joojinaayo, waxaase uu cuskadey xeerka saxaafadda Puntland kaas oo soo baxay sanadkii 1999-kii. Warar aanu ka helayno ilo lagu kalsoonaan karo ayaa shegaya in Warbaahinta V.O.A waraysatey nin isku magacaabay in uu afhayeen u yahay Ahlu Sunna Walajaamac ururka la baxay ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya kaas oo la yiraahdo: Khaliif Cali Ciiraale kuna sugan Garowe. Read the minister's decree
  9. Axmed Madoobe oo laga saaray magaalada Kismaayo Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo baxaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya inu magaalada Goor dhoweyd isaga baxay Axmed Madoobe oo ah Hoggaamiyaha Maleeshiyo Qabiileedka Xizbul Aslaam maalmahan dambe qas iyo dhibaato ka woday magaalada Kismaayo Waxana la soo sheegaya in Axmed Madoobe u banaanka hore ee magaalada u baxay in kasta oo weli dagaalku ka socdo magaalada Banaankeeda, Dagaalkan oo bilowday Saaka subaxii hore ayaa la sheegay inay ku geeriyodeen Saraakiil ka kala tirsan Xizbul islaam, Dhanka dadka shacabka ah ayaa al sheegay inay ka geeriyoodeen Saddex ruux, Waxana ku dhaawacmay dad shacab ah oo dhan Ilaa 20 ruux Dhanka Xizbul Islaam ayaa la sheegay inay ka geeriyooden ilaa 9 Askaari oo u ku jiro Sarkaal sare, waxa kale oo ka dhawaacmay in ka badan 25 Ka tirsan Maleeshiyadooda Magaalada ayaa la sheegay in xiligan aay dhamaan wadooyinka ku sugan yahiin Ciidanka Mujaahidiinta Alshabaab, Dhanka Garoonkad diyaaradaha ee Kismaayo ayaa la sheegay inay ku sugan yahiin ciidamo ka tirsan Jabhada Caanoole waxana jira warar sheegaya in caanoole ka baxay Fikirkii hore ee la dagaalanka Mujaahidiinta waxana la sheegay inay isku dhiibeen Alshabaab Almujaahidiin Boondheere.com
  10. Xasan Daahir oo ay soo wajahday cabsi wayn kadib markii ururkiisa looga adkaaday Kismaayo dagaalo gaaban ay la galeen ururka Al shabaab. Warar aan ka helnay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in hogaamiyaha Xisbul Islaam la soo daristay cabsi wayn eek u aadan nolashiisa kadib guur darada ka soo wajahday ururkiisa dagalada ay kula galeen ururka Al shabaab magaalada Kismaayo, ayadoo la sheegayo in uu bilaabay dhuumasho lagana dareemay cabsi aan horay loogu aqoon Xasan Daahir oo ahaa ninkii ka danbeeyay dhibkii dagaalada ka socda magalada Muqdisho. Wararka qaar ayaa sheegaya in dhamaan madaxda ururka uu hogaamiyo Xasan Daahir xalay laga wada waayay guryahooda, ayadoo lagu macneeyay cabsi ay ka qabaan ururka Al shabaab oo la sheegay in ay bilaabeen in ay horaba u tageen guryo ay daganayeen madaxda ururka Xisbul Islaam xalay saqdii dhexe, ayadoon la sheegayo in ay ku jiraan dhuumasho ama qaarkood bilaabeen xiir toos ah la sameeyaan dowlada si ay naftooda u bad baadiyaan. Goolaha Alshabaab ayaa lagu macneeyey dad mada leh halmeeelna isku la dhimanaayo madaxooda iyo askari waana tan keentay guusha aan dhamaadka laheyn IDhinaca kale waxaa la sheegaya ururka Al shabaab oo qaabaynaya in ay ka taqa lusaan dhamaan madaxda Xisbul Islaam iyo kuwa maal galiyo ururkaas oo ay ka mid yihiin Abuukar Cumar Cadaan oo la sheegay in madaxda Al shabaab in ay amreen qabashadiisa kadibna la gowraco , ayagoo ku macneeyay mid maal galiya waxa ay ugu yereen kuwa ridoobay oo ka soo horjeestay fulinta diinta Islaamka waa sida ay hadalka u dhigeene. Xarakada Alshabaab oo xiligaan ah awoda ugu sareysa Soomaaliya lana dhihi karo waa dalabaankii Soomaaliya ayaa la sugayaa in ay hubka ka dhigaan Xoogag Xusbul islaamiyiinta madaama horay uga dhigeen hogaamiyaashii kooxa iyagoona qabo in dalka oo dhan ay ku adkadaan. dayniile.com
  11. WAR DEG DEG: Dagaalka Kismaayo oo lagu kala baxay, Meydad iyo dhaawacyo daadsan wadooyinka Dagaalkii saaka waabarigii ka dhacay Magaalada Kismaayo ayaa goor dhow soo gaba gaboobay, kadib markii Xarakada Alshabaab ay la wareegtay guud ahaan magaalada oo ay ka awood roonaatay dhinacyadii ay la dirireysay. Wararka ayaa xaqiijinaya inuu jiro qasaare dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray, waxaana jira qasaare xoogan oo shacabka lagu dul dagaalamayay soo gaaray. Ilaa 9-ruux oo isugu jiray dhinacyadii dagaalamay ayaa la xaqiijiyay inay ku dhinteen dagaalka, halka 40-kalena ay ku dhaawacmeen dagaalka oo ahaa mid saf ballaaran ku socday. Xoogaga Alshabaab ayaa lagu arkayaa goobihii dagaalka saaka ka bilowday ee ay ku sugnaayeen maleeshiyaadkii uu watay Axmed Madoobe, gaar ahaan Aargada, Xeradii Koongo iyo Xaafada Via Afmadow. Sidoo kale waxaa la soo sheegayaa in xaalada magaalada ay degan tahay, dadkuna ay isugu soo baxeen wadooyinka si ay xaalada u ogaadaan, kadib markii saacado dagaalo xiriir ka socdeen. Dhinaca kale Ciidamadii uu watay Axmed Madoobe ayaa dibada uga baxay magaalada Kismaayo, iyagoo qabtay dhanka Dhoobley oo markii hore ay ka yimaadaan. Ma jirto wax war ah oo labada dhinac ka soo baxay oo ku aadan dagaalada, hase ahaatee dagaalka ayaa rasmiyan u muuqda mid lagu kala baxay oo qolo ay dhankeeda xigsatay magaalada. Wixii ku soo kordha kala soco wararkeena dambe www.Jowhar.com
  12. War Deg-Deg ah: Cabsi dagaal oo ka taagan Afmadoow KN: Warar goor dhaweyd naga soo gaaraya degmada Afmadow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in ay caawo heegan ku jiraan ciidamadii maamulka degmada xilli ay taagantahay cabsi dagaal, ciidamo Al-Shabaab ayaa kasoo duulaan tagaya degmada Xagar Ciidamo uu hogaaminayo taliye ciidan oo lagu magacaabo Sheekh Badal oo muddo bilooyin ka hor ah dagaal looga saaray Afmadow ayaa la sheegayaa in lasoo dhoobey degmada Xagar halkaasi oo la filayo in ay kaga soo duulaamaan degmada Afmadow . Xariiro aan la sameeyney maamulka guud e Xisbul Islaam ayaa noo sheegey in ciidamada maamulka heegan la galiyey si ay isaga difaacaan ciidamada kusoo duulaya. Ciidamada Xagar ku sugan ayaa la filayaa in ay ka yimaadeen dhanka gedo gaar ahaan degmada Ceelwaaq oo maanta ay kasoo ambobaxen ciidamo gaadiid dagaal ku jooga sida ay KismaayoNews u sheegeen illo madax banaan oo magaalada ku sugan. Dhawaan ayay ahayd markii degmada Afmadoow maamul cusub uu ka dhisey Sheekh Axmed Islaam oo gudoomiye u magacaabay Sheekh Bashiir. Cabsidan waxay kusoo beegmeysaa xilli dagaal uu ka qarxay Kismaayo, lagana yaabo in ciidamadan Afmadoow weeraraya ay dhabar jabin ku yihiin kuwa Xisbul Islaam ee Kismaayo ku sugan Wixii kasoo kordha kala soco KismaayoNews.com
  13. This shows what a bunch of !diots these shabaabs are, they never learn from history, and Afghan mujahideen civil war is not far from us, no one can win thee sort of wars. But its good news for the caravan I guess.
  14. Gen Morgan 1991-1991 Gen Aideed 1991-1992 Gen Morgan 1992-1994 Col Jees 1994-1995 Gen Morgan 1995-1997 Col Hiiraale 1997-2006 Maxaakimta 2006-2006 Col Hiiraale 2006-2008 Sh.Turki 2008-2008 Sh.Yacquub 2008-2009
  15. Beesha caanoole iyo beesha raaskamboni, lol what a smart way to avade SOL monitors.
  16. 1- Take Somalia out of the Arab league. 2- Introduce Shoot on spot policy on anyone cought with bililiqo. 3- Introduce welfare system. somalis love this easy money. 4- Introduce a government with only 5 ministes (Intirior, Health&Education, Finance, Foriegn, and Diffence),no bulsh!t ministerial such as (Wasiirka Duurjoogta, Wasiirka Jaaliyadaha, Wasiirka Mukulaalaha). 5- Force every somali to eat fish at least 3 times a day. this camel meat is what is diroying our brains.
  17. Juje, it is not confusing, if you read the full content of the above article its the alshabaab guy Yacquub who said the quote you posted not Hizbul Islam guy, I think the two Hassans agree on this issue for the moment, but once the Alshabaab factor is out of the way watch the space, the war is going to be between them. this is the whole quote fro Alshabaab spokesman. Afhayeenka maamulka Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo goor dhoweyd ka hadlay idaacada ku taala magalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa ku dhawaaqay iney dagaal is difaacid ah kaga saari doonaan magaaladaasi dhinaca ka soo horjeeda ee uu hogaaminayo Sheekh Xasan Turki gudoomiye ku xigeenka ururka xisbul Islaam Waxaa uu intaa ku daray in dagaalka ay ku qaadi doonaan kooxo uu ku sheegay iney qaab beeleed ugu soo duuleen magaalada Kismaayo, khal khalna geliyeen amaanka magaalada wuxuuna intaa ku daray in wixii intaa ka dambeeya aysan u dulqadan doonin duulaanka noocaas ah aysana dhinacooda iyo dhinaca kale wada joogi doonin magaalada Kismaayo, isagoo ku eedeeyay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) in uu bur burinayo Maamulka Islaamiga ee ka jira magaalada Kismaayo.
  18. Fu'aad Shongole oo cadeeyay sababta Jihaadka u gaarsiin waayeen Puntland, balse sheegay inay howl galo ka wadaan. Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf (Fu'aad Shongole) oo xalay qudbad saacad qaadatay ka jeediyay Masjidka Abuu Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ayaa ka hadlay arrimo oo ka mid ah howlaha Jihaadiga, isagoo farad-yeelay Jihaadka lagula jiro Ciidamada AMISOM iyo Dowladda KMG. Muxaaradada Sheekh Fu'aad oo intiisa badan uga hadlay Jihaadka, marna si siyaasadeysan wax u qaloocinayay ayaa boqolaalka ruux ee dhageysanayay Khudbadiisa oo aheyd mid taabaneysay dhinacyo badan waxaa uu ku soo hadal qaaday arrinta Puntland iyo Somaliland oo ah deegaano Soomaaliyed. Fu'aad Shongole ayaa ka hadlay eedeymo loo jeediyo Ururkooda oo ku wajahan qaabka ay socdaan howlaha Jihaadka, isagoo naqdiyay hadalo ka soo yeeray Odayaal dhaqameedyo xilli ay kula kulmeen Degmada Maxaas. "Anaga cid kama heebeysaneyno inta gaalo dalkaan joogto dagaalka waa wadeynaa in odayaal iyo wadaado xumayaal aanay ka yeeleyn ka joojiya dagaalka Ugaadeyska iyo Maleeshiyada Kooxda Shariifka, oo waa la dagaalameynaa waana isku qarxineynaa"ayuu yiri Fu'aad Shongole oo qudbadiisa socotay muddo saacad ka badan. Mar uu soo hadal qaaday Kulankii Alshabaab iyo Beesha Xawaadle ku dhex maray Degmada Maxaas lagu weydiiyay waxa jihaadka isaga iyo Abuu Zubeyr ugu safri la'yihiin deegaanada ay ka soo jeedaan ayuu sheegay in markii hore ay ku socdeen wadadaas laga hor istaagay. "Socdaalkii aan Maxaas ku tagnay Mid ka mid ah Odayaasha reer Abtiyaashee ayaa na weydiiyay waxa nagula xanto ee ah Jihaadka oo aan u geyn la' nahay anaga iyo Abuu Zubeyr deegaanadeena"ayuu yiri Fu'aad Shongole oo intaa ku daray in markii hore Jihaadka laga soo celiyay Bandiiradleey xilli uu ku soo jeeday deegaanada Puntland sida uu hadalka u dhigay. Fu'aad Shongole ayaa si hoose i iftiimiyay in Beesha ****** qudheeda ay Jihaadka ka soo celisay Puntland xilligii Midowgii Maxkamadaha ay ku sii jeedeen Puntland, xilligaasoo ay gaareen Maxkamadihii ay qeybta ka ahaayeen Alshabaab, inkastoo Rag uu ka mid ahaa Cabdi Qeybdiid ay dagaal kala hor yimaadeen deegaanadaas. "Qorshayaal dagaalo jihaad ah ayaan ka wadnaa Puntland iyo Somaliland deegaan gaar ah iyo maamul gaar ah oo aan naqaano ma jiraan hadafkeena waa in aan shareecada islaamka gaarsiinaa min Raaskambooni ilaa Raas Casayr"ayuu yiri Sheekh Fu'aad Maxamed Khalaf Shongole oo intaa raaciyay inay howl galo ka wadaan deegaanadaas ayna u joogaan Wakiilo sida uu hadalka u dhigay. Hadalka ka soo yeeray Sheekh Fu'aad Shongole ayaa noqonaya kii u horeeyay ee uu si toos uga hadlo arrimaha Puntland oo marar badan lagu eedeyn jiray in deegaanada uusan ka soo jeedin ka wado hurinta dagaalo, bedelkii ay dhulkiisa ay nabdoon yihiin www.Jowhar.com
  19. oo nala yiri waa martadiin, dhiigeenana la baneystay I like the way he is complaining and moaning about being called murtads while his group call others who disagree with them murtads. what goas around comes around. We are waiting a reply from hiphop Jihdis to decide which one of the waring groups is the Murtad and who will be crowned "Cadowga Ilaahey" after that title was held by Shariif for 9 monthes.
  20. Sh. Ismaaciil Xaaji Caddow “Umada Somaliyed waxaan u sheegeynaa in haddii aan nahay xisbul Islaam dagaal la inagu iclaamiyey oo nala yiri waa martadiin, dhiigeenana la baneystay” Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow oo ah gudoomiyaha golaha shuurada ee ururka xisbul Islaam oo ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dagaalka ay maamulka Kismaayo ku dhawaaqeen iney ku soo qaadi doonaan Axmed Madoobe oo ka tirsan xisbul Islaam, iyadoo buu yiri cadowgu umada Soomaaliyeed uu weli ku sugan yahay meelo ka mid ah dalka Somalia wuxuuna sheegay haddii ay ku baaqeen iyagu dagaal ay iyana nabad ugu baaqayaan. “Umada Soomaaliyed waxaan u sheegeynaa in dagaal la inagu dul iclaamiyey iyadoo nala leeyahay waa martadiin diinta Islaamka ka baxday dhigeenana waa la baneystay waxaana u sheegeynaa walaalaha dagaalka ku baaqay haddii ay Kismaayo dagaal ka bilaabaan in meel kasta oo labada dhinac ay isla joogaan u dagaalku ku fidi doono waana iney ka digtoonadaan arintaas dhiigiina waa naga xaaraam baan leenahay, keenana waa idinka xaaraam hadaad na soo weerartaana waan idinla jihaadeynaa ” ayuu intaa ku daray Sheekh Ismaaciil Xaaji Caddow. “Maanta waxaa Kismaayo ka socota waa cidii aan xisbigayaga ka mid aheyn waa gaal, cidii naday weysaana iyadaa iskeed noo daynaysa Al Xisbul Islaami dhulka uu joogo waa la yaqaan, Walaalaha Shabaabna dhulka ay joogaan waa la yaqaan wixii Kismaayo ka dhacana haday xabad bostoolad ah noqoto waxaan u sheegaynaa meel kastoo aan joogno uu mujaahidiinteenu ay joogaan in uu dagaalka ka dhici doono nafteenana difaaci doono”ayuu yiri Afhayeenka Shuurada ee Xisbul Islaam Sheekh Ismaaciil Cadoow Afhayeenka maamulka Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo goor dhoweyd ka hadlay idaacada ku taala magalada Kismaayo ee gobolka J/hoose ayaa ku dhawaaqay iney dagaal is difaacid ah kaga saari doonaan magaaladaasi dhinaca ka soo horjeeda ee uu hogaaminayo Sheekh Xasan Turki gudoomiye ku xigeenka ururka xisbul Islaam Waxaa uu intaa ku daray in dagaalka ay ku qaadi doonaan kooxo uu ku sheegay iney qaab beeleed ugu soo duuleen magaalada Kismaayo, khal khalna geliyeen amaanka magaalada wuxuuna intaa ku daray in wixii intaa ka dambeeya aysan u dulqadan doonin duulaanka noocaas ah aysana dhinacooda iyo dhinaca kale wada joogi doonin magaalada Kismaayo, isagoo ku eedeeyay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) in uu bur burinayo Maamulka Islaamiga ee ka jira magaalada Kismaayo. Dhinaca kale, Sheekh Ismaacil ayaa sheegay in ciidamada ururka Xisbul Islaam ay la wareegeen gacan ku heynta magaalada B/weyne ee gobolka Hiiraan saaka ka dib markii ay xalay halkaasi isaga baxeen ciidamadii Dowlada Somalia ee halkaasi laa wareegay labo maalin ka hor, kuwaasoo dib ugu laabtay deegaanka Ceel gaal oo 15-km dhinaca woqooyi kaga beegan magaalada B/weyne.
  21. The guy filling the tank looks like Amin Amir.lol
  22. Qudhac I am not from Puntland but your going too far by milking a tragic story involving a very young girl, leave it to the concerned autority bro. there are lots of other weaknesses from puntland you can exploit, but this one is a personal tragidy involving a minor.