MoonLight1
Nomads-
Content Count
2,492 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by MoonLight1
-
oba hiloowlow;858323 wrote: Daayaxnuurow sxb you said sheikh shariifs golden team are the warlords? Sax? Marka Proof aan rabaa, if you can provide some proofs i will never argue against you, if you cant find proofs waa isku ciyaartay. Madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in guddiga farsamada shaqadooda ay tahay kaliya inay hubiyaan in xubnaha baarlamaanka Soomaaliya ka mid noqonaya ay buuxiyeen sharuudaha laga rabo ee lagu heshiiyay shirarkii Garoowe, Gaalkacyo, Addis Ababa iyo Nairobi. Madaxweyne Shariif Sheekh Axmed oo maanta Muqdisho kulan kula qaatay ergeyga qaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Dr. Augustine Mahiga ayaa sheegay in aan la aqbali karin in shaqsiyaad gaar ah la bar-tilmaameedsado oo loo diido inay baarlamaanka ka mid noqdaan. Madaxweynaha oo ay saxaafaddu weydiisay in baarlamaanka cusub ay ka mid noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay inaan la siyaasadeyn arrinta ee loo fiiriyo qof kasta in uu buuxiyay wixii lagu heshiiyay. Danjire Mahiga oo isna sheegay in mas’uuliyadda soo xulidda baarlamaanka ay leeyihiin kaliya odayaasha dhaqanka, isla markaana ay tahay waxa aan la qaadan karin in si gaar ah loo bar-tilmaameedsado shakhsiyaad gaar ah. http://www.bar-kulan.com/2012/08/17/madaxweyne-shariif-guddiga-farsamada-shaqadooda-waa-hubin/ ..Madaxweynaha oo ay saxaafaddu weydiisay in baarlamaanka cusub ay ka mid noqon karaan hoggaamiye kooxeedyadii dalka ayaa sheegay in loo baahan yahay inaan la siyaasadeyn arrinta ee loo fiiriyo qof kasta in uu buuxiyay wixii lagu heshiiyay... This is from Barkulan the mouth-piece of the government, now do you need more proof Mr Oba.
-
oba hiloowlow;858318 wrote: Aniga meel ay tolka cumar finish ku rabaan ma arkine ma heysaa wax source ah, oo aan aheyn shacabkamedia,raxanreeb, puntlandi?? Shariif sakiin Seedigiis waa Qanyare marka i dont have to explain more than that horaa loo arkay, dacaayaddaha naga dhaafa yaaqee. P.s wali cadayntu waan sugayaa War jiraaba waa la arki doonaa. laakiin ogow this news source is Dayniile.com not Puntlandi or RR. and dayniile is pro warlord pro shariif and they maybe have good insight info.
-
Oba, labadeena adigaa beenta lagugu qabtay markaa tiri tolka will never bring warlords in to the parliament, hadda waa ujeedaa in tolka uu rabo cumar finish in lasoo celiyo lol:) tuug la qabtay dheh. warlordska xamar jooga waa la ogyahay cideey rabto inay u codeeyaan and that is sh.shariif, waan wada ognahay in Qanyare iyo Sh.Sakiin aysan is arki karin, marka qofka kaliya ee dabada ka wado in qanyare uu soo noqdo waa sh.shariif. Fahimta.
-
I heard this is due to Sheekh Shariif speaking to his big buddy Musavini to intervene which he did and asked Mahiga to relax the rules. Now the Sheikh Shariif's golden team are back on track. shame.
-
Maxamed Qanyare Afrax oo dib loo ogolaaday in xildhibaanada cusub uu ka mid noqdo War hada soo dhacay ayaa sheegay in xildhibaanada cusub ee caawa la gudbiyey u ka mid noqday mudane Maxamed Qanyare Afrax oo ah siyaasi roog cadaa ah muda ku jiray siyaasad Soomalaiya lehna cod adag Maxamed Qanayre oo beel ahaan ka soo jeeda beesha karanle ayaa caawa sida la sheegay la gudbiyey magaciisa oo muda lagu mursanaa iyadoona sida muuqata caawa beesha mursade liiskeeda uu dhan yahay Xasan maclina caawa isagana la gudbiyey Sida warka lagu helaay 7 xildhibaan ee beesha Murusade ayaa dhamaan la gudbiyey halkaana waxa meesha uga baxaayo hadalkii horay loo shaaciey in aysanba hogaamiyasha Muqdisho ka mdi noqon karin xildhibaanada waxaa kale ka mid ah liiska caawa la gudbiyey hogaamiyaasha Muqdisho Cumar Fiinsh oo horey xildhibaan u ahaa Ogolaanshada Hogaamiyasha Muqdisho qaar ayaa ka danbeysa kulan caawa ka qeyb galeen wakiila ka socda beesha Caalamka iyo Madaxweynaha Soomaaliya kaa oo qaatay muda badan oo keenay in leysla ogoladp dadka liikooda la sooceliyey een danbi ka galin dalka in lagu daro xildhibaanda cusub
-
Good to see life coming back to my birth place. Go Muqdisho go.
-
Ciid Wanaagsan to all muslims around the world, .
-
Puntland Farming Community Utilizing Different Harvest Techniques. PICS
MoonLight1 replied to Dr_Osman's topic in Politics
Apophis;858157 wrote: What's the name of the yellow fruit? that's dates just before it matures fully. nice taste though. -
Sheekh Xariif's camp surrender before the battle start.
MoonLight1 replied to MoonLight1's topic in Politics
oba hiloowlow;858023 wrote: if Gaas actually has a agreement with sakiin he is nothing but a crook loooooooooooooooooooooooooooooooooooooool Oba maxaa kugu dhacay, adigana ma is dhiibtay. Sheekha intuu diyaarad ka laalaaday baa xargihii la isku xirxiray, hadduu soo baraarugay. -
Sheekh Xariif's camp surrender before the battle start.
MoonLight1 replied to MoonLight1's topic in Politics
-
Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa u muuqda mid looga badiyey dagaalka siyaasadda ee ka jira dalka Soomaaliya iyadoo aad loogu yareeyey baarlamaanka dadka uu is leeyahay taageero iyo abaabul waa kuu sameyn karaan wuxuuna u muuqdaa madaxweyne shariif inuu ku mashquulsanaa madaxweynimadda oo madaxiisa ka weynaatey markii la dajineyey khariidadan hadda soo istaajisyey meesha maran asaga oo jooga xaalada maahmaahda Soomaaliyeed ee oraneysa : " Markaan tabar haayey talo ma heyn maanta oo aan talo haayana tabar ma haayi" laakiinse su'aasha waxa ay tahay sheekh Shariif oo kasoo badbaadey shirqoolo badan oo siyaasadeed malaga yaabaa markaan inuu ka badbaado dabinkaan adag ee uu ku dhacay. Waxaa jira warar kale oo sheegaayo in Cabdiweli Gaas iyo Shariif Xasan ay ku heshiiyeen in gudoomiye Baarlamaan laga dhigo qof ka soo jeeda beesha ****** halka Shariif Xasan uu noqonaayo Madaxweyne isla markaana Cabdiweli Gaas uu kusoo noqonaayo jagada uu aad u jecleystey ee raiisul wasaarenimadda iyaga oo qorsheynaayo in sheekh Shariif ay u codsadaan inuu ku noolaado dalalka Khaliijka meel ka mid ah. http://dayniile.com/
-
Mooge, any news of the remaining MPs?
-
Abwaan;857875 wrote: I never heard Sharif Axmed seeking a parliament seat so I don't know what some peope are talking about. Few questions here: . Abwaan, Shariif being MP is important, it means if he lost presidecy he will still have chance to make deals and become PM. to become a PM you need to be an MP. Abwaan;857875 wrote: if this is the accurate list, isreereebka hore waxaa wax ka beddelaya qaabka loo soo dhamaystiro xildhibaannada, then qofka noqda guddoomiyaha Baarlamaanka (Mustaf Dhuxuloow? Jawaar? Gallayr?Xasan Abshir? Markaas ka dib ayaa prediction madaxweyne la samayn karaa aniga aragtidayda. Believe me if Galeyr or Xasan Abshir won the parliament chairmanship they will be labeled as traitors by the entire bloc as that means a demotion for their pride. I don't agree with this but that is what they will be labeled.
-
Waranle_Warrior;857855 wrote: I don't see Prof. Galayr, Farmaajo or Abdikarin in the list? How can Galayr become a speaker when he's not even in the list?? The Zack;857855 wrote: The entire Sub clan of Galaydh are not in yet. There is a dispute on kuraastaas. They're list is being vetted by Faroole. If Shariif is not included in the remaining of the list that means he will retire if he lost presidency as he can not be chosen as PM unless he gets a M.Dheere & Geedi style concession from his kins.
-
Abwaan;857798 wrote: Waxaaba ugu daran, ciiddii baba Axadda ku soo aadi rabto so I doubt sida doorasho u dhici karto. those who scheduled got the date wrong, they should've know it was Eid festivs.. I saw today even Aljazeera arabic are advertising the elections coverage.
-
+1
-
Abwaanoow, maashaan bal fiiri, Yusuf garaad, C/Raxman C/Shakur, Max'ed nuur Galaal. Maadeey kaliya uunbaa ka maqan.
-
Abwaan;857792 wrote: loool...Moon, weli wakhti ma helin runtii. Warka iskama soo abuurto dee, fadhi-ku-dirirna ma tago. I try my best to get the most accurate update. Busy with work and tired lately. To be honest issues on Somali politics were not on the top of my list in the last few days, laga yaabee xitaa Illaa ciidda inaanan isku mashquulin. I am just reading comments over here. Adigu maxaad haysaa? Mooge ayaantaan waa la waayey isagana, malaha dhexdhexaadin arrintii kuraasta baarlamaanka ayuu ku maqan yahay. Moon, I enjoy being dhexdhexaad on the current top leaders issues. Of course I still support Dr. Bashir Loyan. aniga waxaan filayaa in 20ka bahashu inala dhaafi doonto, ilaa iyo hadda waxaa la hayaa 190 xldh oo kaliya ciidiina waa na heysaa, marka waxey u badantahay in maalmo dib loo dhigi doono. waxaan kaloo filaa in 21da musharax ee ilaa iyo hadda sharaxan isugu soo ururi doonaan laba group oo kala ah shariif iyo c/wali oo deal badan lakala iibsan doono. ragga qaarkoodna ilaa iyo hadda lagamaba hayo wexey rabaan sida yuusuf garaad oo kale, meesha ma wuxuu u maleeyaa in war la aqrin doono;). anyway we'll see what happens. 1-Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo 2-Sheekh Shariif Sheekh Axmed 3-Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas 4-Shariif Xasan Sheekh Aadan 5-Cabdulaahi Axmed Cadow 6-Cabdi Raxmaan Maxamed Baadiyoow 7-Xasan Sheekh Maxamuud 8-Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur 9-Maxamed Nuur Galaal 10-Maslax Maxamed Siyaad Barre 11-Xasan Abshir Faarax 12-C/Waaxid Cilmi Goonjeex 13-Cali Maxamed Geedi 14-Prof Axmed Ismaaciil Samatar 15-Xuseen Khaliif Xaaji Jaamac 16-Maxamed Maxamuud Gacmo Dheere 17-Salaad Cali Jeelle 18-Yuusuf Garaad Cumar 19-Xaaji Maxamed Yaasiin Ismaaciil 20-Yaasiin Maaxi Macalin 21-Jeneral Cismaan Xaaji Cumar Falco
-
Abwaan;857790 wrote: Moon waa runtaa oo wuxu waa siyaasad laakiinse isaga ragga kulaylka ku haya waa Aala-Shiikh iyo rag lacag iyo magac qabiil ku faani rabey oo ku soo bixi rabey oo isaguna uu gadaal ka riixayey. Anigu sidaan qabo, ninka ka xumaaday in la saaray dagaal-oogeyaasha waa Shariif Xasan. haye adiga waa booteyneysay xaley, maxaa xog ah ood heysaa?
-
Abwaan;857787 wrote: MoonLight1....tan waa kaa hallawday. Aniga aragtidayda Shariif iyo Warlords isma jecla. Aala-Shiikh iyo Warlords heshiis ma ahan. Intii dowlad la dhisaayey sannadihii Shariif ahaa madaxweynaha hal warlord oo ka mid ah kuwii ugu caansanaa maku aragtay? Taas baa kuu daliil ah. Nimankii xildhibaannada ee Shariif Xasan ceyrin rabey markii ay madaxweynaha isku dhinaca ahaayeen waxaa hoggaaminayey warlords...Idaacadaha inay "Najis Najis dhalay ka lahaayeen rag ka mid ah marag baad ka tahay":D Oba siduu sheegay Maxamed Dheere waa la xiray, Salaad Jeelle is anti-Sharif, etc. Abwaan ogow waxani waa siyaasad, "no eternal friend or enemy but eternal interest" shariif hadafkiisa koowaad iyo kiisa labaadba waa suu ku heli lahaa kursiga 4 sanoo danbe, haddii ibliis uu soo gali karo baarlamanka oo uu u balan qaado codkiisa shariifka wuu u doodi lahaa siduu kusoo galo baarlamanka. Marka shariifka wuxuu dareemay nimankii ballamaha ka qaaday oo irida lagu wada heysto.
-
oba hiloowlow;857770 wrote: loooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooooool@thread moony i expected more from you, fahanka kugu yar, you do realise that these would never vote in favour of shariif, shariif miyuusan aheyn ninkii ragaan hub ku dhigis ku sameeye in 2006, muuse and qanyare who had more than 200 teknikos ayaa hal maalin doon ka raacay Liido, and you actually believe they'll vote for the man who ruined their business, adeer naga daa dee Oba correction, Qanyare & co were disarmed by the maxaakim back in 2006, and by the time they came back to Muqdisho AY era the Ethios then Amisom made them toothless, marka naga daa sheekada ah shariif baa hubka ka dhigay. shariifka is messing things up by claiming these baseless claims on wich-hunt of certain groups.
-
The guy knows he can not survive with an educated clean parliament. he want the likes of xaaraan kunaax, Yaloxow and Qanyare who will jump on his wagon to be elected as MPs.
-
Madaxweyne Sheikh Shariif oo ka hor yimid in dad gaar ah la bar tilaameeysto si looga saaro liiska xildhibaanimada Madaxweyne Sheikh Shariif Axmed oo kulan la qaatay ergayga gaarka ah ee QM ee Soomaaliya, Augustine Mahiga ayaa u sheegay in qalad tahay in qof odayshaa dhaqanka Soomaliyeed soo xuleen in ay liiska ka saaraan gudiga dib u eegida xildhibaanada taana waxuu yiri in aysanba awood u laheen uusana dhigeynin heshiisyadii Garoowe 1 iyo 2 Madaxweynaha ayaa sheegay in aan la qaadan karin in shaqsiyaad gaar ah la bar tilaameysto oo liiska laga saaro iyadoona sharci daro tahay buu yiri qof aan danbi lagu soo oogin in leyska xukumo oo liiska laga saaro Kulanka lagu falan qeynaayey xildhibaanda la soo celiyey oo u badan kuwa koonfurta Soomaliya ayaa waxay isku raceen Madaxweynah Soomaliya iyo Mahiige in ay la raaco heshiiskii Garoowe loogana danbeeyo xildhibaanada soo xuludooda Odayaasha dhaqanka lagana daayo fara galinta lagu haayo xildhibaanda ee la bar bar tilaameysanaayo Xildhibaano qaas ah oo odayaashoo soo xusheen Hadalkaan mahiige iyo Sheikh Shariif ayaa ku soo aadayo Xildhibaano ay soo culeen odoyaasha dhaqanka dib loga saaray liiska laguna eedeeyey in ay hayeen hogaamiyasha dagaalka taa oo hada mooda in meesha laga saaray madaama aysan jirin cid si qaas ah maxkamad loo saaray oo danbiile iyadoona la sheegay Soomalida dhan in ay yihiin dagaal oogayaal madaama ay qaab qabiil isku dagaleen oo aysan jirin cid si qaas ah taa loogu eedeyn karo
-
oba hiloowlow;857742 wrote: ^^ Exactly konfur maha ee waa caasimadda kaliya problemka xagga heysta waa layska yaqaan nabad-diid badan ayaa joogo oo maanta waxa ay heystaan waayi doono marka dadka noocaas baa hurinaayo dowladda cusub waxaa la rabaa dadka nabad-diidka gacan bir iney ku qabtaan, somali waxaa ku fiican nin aan uu naxeynin. Oba I am sorry but dadka Nabada diidka ah tolka ayaa ku taageersan inay nabadda diidaan, take forexample, Qanyare's clan, they are insisting him to be made an MP. this guy who was suckling Muqdisho's blood for the last 20 years is a hero in their eyes.