MoonLight1
Nomads-
Content Count
2,492 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by MoonLight1
-
KENYA (BLM) Wasiirka Arimaha Dibada Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo ka qayb galayey shir looga hadlayey ganacsiga Somaliya ayaa waxa murugo ku noqatay jaaliyada Somaliland ee ku dhaqan Nairobi in wasiirku uu biladii Calanka Somaliland iska saray iyada oo madaxdii Soomaaliya ay u suran yihiin calankoodii. Wasiirka waxa Shirka kala qeyb galay Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Maxamed Cabdulaahi Jaamac Sifir oo isna aan suran astaanta somaliland oo meesha gebi ahaanba ka maqnayd. Shir kan oo looga hadlayey ganacsiga Soomaaliya ayaa dhamaan waxa ka muqday astaanta calanka soomaaliya. Wasiirka arrimaha Dibedda Somaliland Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar oo aan Xirneyn Calanka Somaliland intii lagu gudo jiray Shirka iyo Safiirka Soomaaliya ee Kenya Maxamed Cali Ameriko iyo Masuuliyiintii wehelisay oo xiran Calanka Soomaaliya HOOSTA KA EEG Now you see it (outside the conference hall) Now you don't. Now you don't http://baligubadlemedia.com/2013/05/fadeexad-daawo-wasiirka-arimaha-dibada-somaliland-oo-ka-qeybgalay-shir-lagaga-hadlayay-ganacsiga-somaliya-iyo-fadeexada-ka-dhalatay-wasiirka-oo-iska-saaray-calanka-somaliland-mudadii-shirku-socdaysaw/
-
Xaaji Xunjuf;956597 wrote: :D when your entire future is dependent on the Kikiyus this is what happens. and when your entire future depends on Queen Elizabeth you end you dead end;)
-
Xaaji Xunjuf;956557 wrote: Source daynille bal ku noqo:D http://universalsomalitv.com/node/3888 http://saadaalnews.com/2013/05/29/dhagayso-madaxtooyada-somaliya-oo-beenisay-in-24-saac-loo-qabtay-ciidamadda-kenya-iyo-ethiopia-ee-ku-sugan-somaliya/ http://gaafo.com/210109/dowlada-oo-beenisay-in-ciidamada-kenya-loo-qabtay-48-saac-dhageyso/ http://raadraacnews.com/Raadraacnews/2013/05/madaxtooyada-soomaaliya-oo-beenisay-in-dowladda-federalka-ay-48-saac-u-qabatay-ciidamada-kenya-iyo-itoobiya-dhagayso/ xaaji do you still need more source, listen to MR Faarax the new shariif sakiin denying your early bogus and hoax news.
-
http://www.somaliaonline.com/community/showthread.php/71566-Breakingnews-President-Hassan-of-Somalia-wants-the-Kenyan-troops-out-of-Somalia-with-in-48-hours this was xaaji habaar's dramatic hysterical wishful thinking news earlier on the day.
-
Madxtooyada soomaaliya oo beenisay in madax weynuhu amar ku bixiyay ciidamada keenya inay ka baxaan dalka Wasiiru dowlaha Madaxtooyada Soomaaliya ayaa beeniyay warar la xiriira in Madaxweynaha Soomaaliya uu ku war geliyay Ciidamada Kenya iyo Itoobiya inay muddo labo maalin gudaheed isaga baxaan dalka, kaasoo ahaa war si weyn maanta u hareeyay magaalada muqdisho. Warkan ayaa duhurnimadii maanta waxaa sii deysay idaacadda Kulmiye ee magaalada muqdisho oo sheegtay inay kazoo xigatay website ku hadla codka dowladda oo la yiraahdo somaligov.net Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Faarax Sheekh C/qaadir oo gelinkii dambe ee maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ayaa sheegay in warkaas uu ahaa been abuur isla markaana ay faafiyeen qaar ka mid ah warbaahinta ka howl gala magaalada Mudisho. Faarax C/qaadir ayaa sheegay in wararka been abuurka ah ay yihiin waxyaabaha la doonayo in qal qal lagu geliyo ammaanka shacabka iyo dalalka deriska. "Qaar ka mid ah warbaahinta madaxa bannaan ayaa faafiyay warar been abuur ah oo la xiriira in madaxweynaha ka codsaday dowladaha deriska inay ciidamadooda kala baxaan dalka ayaa waxaan dooneynaa in madaxtooyada ka caddeyso halkaan in warkaas uu yahay mid aan sal iyo raad toona lahayn " ayuu yiri Faarax C/qaadir. Dhinaca kale wasiiru dowlaha ayaa sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta. "xiriirka ka dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladaha deriska waa mid aad u wanaagsan todobaadyadii u dambeyay Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya wuxuu la kulmay Madaxda dalalkaas muddo shan jeer" ayuu yiri wasiiru dowlaha madaxtooyada. dayniile.com
-
Hiiraan Region Withdraws From Somali Federal Government
MoonLight1 replied to xiinfaniin's topic in Politics
Haatu;956538 wrote: If you look at their demands (just a few more seats in the local council and salary for the local troops), you can't help but wonder if Culusow is being spiteful on purpose. For the Interior Minister to not be able to handle such small requests, means he is either highly incompetent or a big time qabiilist. I was also hearing on the TV yesterday that isbitaalka Hooyooyinka iyo Dhallaanka ee Banaadir had all the contracts it had with relief companies terminated and is currently lacking skilled workers and medicine and the Ministry of Health (or whatever it's called) is not doing anything about it after terminating the contracts! Haatu seems to be awaken. -
Hiiraan Region Withdraws From Somali Federal Government
MoonLight1 replied to xiinfaniin's topic in Politics
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar;956526 wrote: Xishoodka looma dhasho, waa dhaqan. oo ma magan allay baa dhaqan wanaagsan ah, waryaa MMA dadka kaa waaweyn afka haku taagin sxb, this is politics for grown ups. -
Hiiraan Region Withdraws From Somali Federal Government
MoonLight1 replied to xiinfaniin's topic in Politics
I love these Somali ginger vikings, Yeelimaa in a serious note this is a big blow for the SFG as it always bragged about how successful their new admin in hiiraan & bay regions are, now we can see Jubbaland is vindicated. -
proud moment for every muslim.
-
http://www.bbc.co.uk/news/uk-england-york-north-yorkshire-22689552
-
Kenyan MPs reward them selves with $10.000 per month salary.
MoonLight1 replied to MoonLight1's topic in Politics
what a pity, a country of such poverty and unemployment and they award themselves such salaries, oh africaaaa. i understand now why the late elections were fought fiercely. -
http://www.bbc.co.uk/news/world-africa-22690820
-
Xaaji Xunjuf;956202 wrote: Moonlight sh sharif was as extreme as Alshabab he just changed his mind because he was promised something Sh sharif called for the killings of the foreigners so did Abu Qutayba and his other friends. I believe if talks happen they can agree , by the way there are extreme members in Alshabaab but there are other elements to.President hassa has spoken about it he wants peace with shabaab, He wants the foreigners out but he wishes to reach an agreement with shabaab. Sheekh shariif never held AQ ideology, he was a normal islamic teacher and a member of the Islamic courts but was angered by the ethiopian invasion and took arms, but these alshabab guy who were under ceyrow broke away from the main stream of ICU and formed their own group, look at the history of AQ groups in the islamic world e.g Afghanstan, Iraq, Mali, Algeria, they never sat with authority or negotiate with them, even if they do, as we know the leaders of these groups are wanted by the USA and they know they will be handed over the minute they disarm, so for them its a matter of life or death.
-
Xaaji Xunjuf;956195 wrote: Its not rocket science a big portions of the islamic courts union joined the TFG. you are comparing apples with oranges as you always do, the ICU were led by moderate leaders such as sheekh shariif & sheekh m.ibrahim, but Alshabaab holds alqaeda ideology which is to fight till death or victory as they see all regimes as DAAQUUT, there is no way Alshabaab will be incorporated into the government. these guys are hard core man.
-
Waxaa maanta xariga laga jaray dhismaha casriga ah ee bankiga dhexe ee iftin group, oo muddo labo sano uu ka socday dhismahiisa magaalada Bosaso ee xarunta gobolka Bari. Dhismahan oo noqonaya xarunta dhexe ee Bankiga iyo xawaaladda Iftin, ayaa waxaa xaflad xariga looga jarayey ayaa maanta (Talaada) ah dhacday, waxaana kasoo qayb galay maamulka sare ee Shirkadda Iftin iyo madax ka socotey dowladda Puntland. Mas’uuliyiintii xafladdaas kasoo qayb galayna waxaa kamid ahaa: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland, Wasiirka amniga, Wasiirka maaliyadda, Wasiirka ganacsiga, Wasiirka dekedaha, Guddoomiyaha gobolka Bari iyo maamulka rugta ganacsiga iyo warshedaha Puntland. Sidoo kale, waxaa goobta ku sugnaa in badan oo kamid ah issimada iyo madax-dhaqameedka deegaanada Puntland, ganacsato iyo marti-sharaf kale oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee bulshada. Ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha guud ee shirkadda Iftin Group Aadan Cabdilaahi Ilka-case, wuxuuna si kooban uga warbixiyey sababta ku kaliftay in dhisme noocan oo kale ah ay dalka ka dhistaan iyo weliba ujeedada ugu weyn ee ay arintaas ka leeyihiin. Mudane Aadan Ayaa sheegay in ujeedada koowaad ee ay shirkaddu dhismahan ka lahaydi ay tahay, sidii uu dhiiri gelin ugu noqon lahaa ganacsatada kale, islamarkaana uu saldhig dhexe ugu noqon lahaa shirkadda Iftin oo horay xarunteeda u weyni ay ahayd dalka Imaaraadka. Inj. Cabdirisaaq oo ka socdey shirkadda qaadatay qandaraaska dhismaha gurigan ee Mubaarak, ayaa isna dhankiisa sharraxaad kooban ka bixiyey waxa uu kaga duwan yahay dhismayaasha noocan ah ee sanadihii u danbeeyey dalka laga hirgeliyey. Injineerka ayaa xusay in dhismahani uu yahay kii ugu horeeyey ee noociisa ah ee dalka oo dhan laga taago, islamarkaana uu ku qalabeysan yahay tiknoolojiyaddii ugu danbeysey dhinaca dhismaha. Waxyaabaha uu sida gaarka ah farta ugu fiiqay waxaa kamid ahaa: qalabka dab-demiska, kaamirooyinka ilaalada, korontada iyo qaboojinta. Ugaas Xasan Ugaas Yaasiin oo isna ku hadlayey magaca issimmada ayaa arintan ku tilmaamay tallaabo soo dhoweyn mudan, isagoo sheegay in shakhsiyan uu isagu si aad ah ugu farxay ayna sharaf u tahay in uu kasoo qayb galo xaflad lagu daah furayo dhisme noocan oo kale ah. Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Jeneraal Cabdisamed Cali Shire oo isagu dhismahan si rasmi ah xarigga uga jaray, ayaa ku booriyey ganacsatada – gaar ahaan kuwa gobolka Bari- in ay maalgashtaan mashaariicda noocan oo kale maadaama ay iyaguna faa’iido ka helayaan dalkana ay horumar u tahay. Dhismahan oo ka kooban saddex dabaq ayaa ah mid aad u bilicsan, waxaana iska leh shirkadda Iftin Group oo isugu jirta dhowr qaybood oo kala ah: xawaalad, Bangi iyo qaybta maalgashiga dhismaha. Horseed Media News Desk
-
http://ewn.co.za/2013/05/28/45-people-arrested-in-Diepsloot
-
Ngonge I will answer you, the imam is confident for his public support of JL project since he has the entire support of PL population plus over 85% of D bloc (except few renegades from Caabudwaq enclave), also he has regional allies with this issue such as Kenya and the kililka 5aad government, its a big gamble but it seems he has what it takes to pay the consequences.
-
the constitution has been amended illegally and secretly, Mr Culusow admitted it and did not see it as a big deal when asked, The constitution can be changed but needs the correct procidure, it needs to be looked at by a committee of law makers and any article being changed needs to be debated thoroughly publicly, after that it needs to be put to the parliament to be passed, but what did Culusow and co did? they forgot we are in an era where you need only two clicks to get the real draft. here is some of the illegal change. 1.QODOBka 9,aad, ee ka hadlaya Magaalo madaxda qaranka, waxaa lagu kordhiyey (magaalo madaxda jamhuuriyada soomaaliya waa mugdisho), halka nuqulkii lagu heshiiyey dhigayo,( maqaamka magaalo madaxda federaalka soomaalia waxaa go’aan laga gaari doonaa dib u eegista dastuurka). 2.QODOBka 26,aad, ee ka hadlaya hantida.Waxaa laga saaray faqrada sadexaad ee nuqulkii rasmiga, ahaa, taasoo u qoran sidan: 3. faqrada 1, iyo 2, ee qodobkan laguma dhaqayo arrimaha ku xusan qodobka 49,aad. 3.QODOBka 44,aad ee ka hadlaya dhulka, hantida iyo deegaanka. Ee nuqulkii rasmiga ahaa wuxuu ka koobnaa 6 faqradood, ama prograph, waxaa laga tirtiray faqrada 5,aad, oo u dhigan sidan: 5, kala qeexida awoodaha dawlada federaalka iyo dowladaha xubinta ka ah dowlad federaalka ee la xiriira maamulka iyo maaraynta waxay ku tilmaaman yihiin lifaaqa. 4.QODOBka 50,aad ee ka hadlaya, tirada iyo xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federalka, faqradiisa 5,aad oo u dhigan sidan: 5, xuduudaha dowladaha xubinta ka ah dowlada federaalka waxay ku salaysnaan doonaan xuduudihii gobolada ee jiray 1990-kii, (waxaa loo bedelay 1991’kii). 5.QODOBka 55,aad ee nuqulka rasmiga kana hadlaya Kala qaybinta Awoodaha, waxaa lagu siyaadiyey ( oo ay awooddeeda iyo mas’uuliyaddeeda yeelaneyso xukuumada federaalka). 6.QODOBka, 69,aad. Nuqulka rasmiga ah ee dastuurka, kana hadlaya, Xeer-hoosaadka Golaha shacabka, faqradiisa 4,aad, waxay u qoran tahay sidan: 4. Mashruuc sharci oo Goluhu diiday dib looguma soo celin karo Golaha ilaa ay ka soo wareegto lix-bilood maalinta Goluhu diiday,(waxaa loo bedelay 30,maalmood). 7.QODOBka 72,aad ee ka hadlaya aqalka sare , waxaa laga saaray ama laga tirtiray faqrada u danbaysa xarafka (J), in ay gutaan waajibaadka kale ee dastuurku ku farad yeelayo si loo sugo in dastuurku si habsami ah u hirgalo. 8.QODOBka, 81,aad. Ee ka hadlaya curinta sharciyada, waxaa lagu siyaadiyey ama lagu daray faqrad cusub, oo aan horey ugu jirin nuqulka rasmiga ah ee dastuurka. Oo ka kooban A iyo B, una dhigan sidan: 2. Sharciyada qabyada ah waxaa Golaha sare e barlamaanka federaalka ah u soo bandhigi kara( A) ugu yaraan hal wakiil oo ka socda dowladaha xubinta ka ah federaalka ama (B) Guddi kasta oo ka mid ah aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah. 9.QODOBka, 82,aad, ee dastuurka kana hadlaya, Go’aamo siyaasadeed, faqradiisa 3,aad ayaa si kale loo siyaadiyey, sidii la isla ogaa nuqulka rasmiga ah waxay u qorayd sidan 3. In la helo qodob saamaxa iswaafajin iyo isu soo jiidka labada aqal, haddii aan wax heshiis ahi dhicin.) waxaa loo dhigay sidan 3) haddii labada aqal ee baarlamaanka federaalka ah uu dhex yimaado khilaaf ku saabsan sharci qabyo ah, mid kasta oo ka mid ah labada aqal ayaa Guddi wadajir ah oo ka kooban labada aqal ugu baaqi kara in uu isku dayo in uu xalliyo khilaafaadka iyo in uu labada aqal u soo jeediyo sharci qabyo ah, oo la is-waafajiyey iyada oo laga duulayo iskaashiga dowladaha ee ay dhigayaan qodobbada 51,aad iyo 52,aad. 10.QODOBka 91,aad. Ee ku saabsan, Muddada xil-haynta Madaxweynaha federaalka. Soomaalia Madaxweynaha federaalku wuxuu xilka haynayaa muddo shan (5) sano, (waxaa loo bedelay 4,sano) 11.QODOB cusub (131 ah),Waxaa la soo geliyey qodob cusub oo (131) oo aan dastuurka nuqulka rasmiga ah hore ugu jirin kuna saabsan xaalad deg degga ah, kana kooban 7 faqradood. 12.QODOB’ka 199,aad. Ee ka hadlaya wax ka bedelka dastuurka, faqradiisa 3,aad, ugu yaraan (440.000,) oo muwaadiniin ah ayaa lagu bilaabi karaa habraaca wax ka bedelka dastuurka, (waxaa loo bedelay 40,000). 13.QODOBka, 210,aad ee Ciwaankiisu yahay Qodobbada is-khilaafsan, oo labo (2) faqradood ka kooban, ayaa meesha laga saaray. 14.QODOBka 204-aad, ee ka hadlaya dhaqangalka dastuurka oo ahaa Hal farqad ama prograph. Waxaa lagu kordhiyey farqad cusub. Oo u qoran sidan: (2) dhaqangalka qodobada la xiriira aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka meelaha lagu xusay Dastuurkan, dib ayaa loo dhigay inta laga gaarayo samaynta dhammaan Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Faderaalka ah iyo inta kuwa matalaya loo dhaarinayo xilka ayagoo ah xubno ka tirsan xubnaha aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka. Inta uu laalan yahay samaynta aqalka sare ee Baarlamanka Federaalka, Golaha shacabka ayaa qabanaya dhammaan waajibaadka iyo hawlaha dastuurkan siisay aqalka sare wuxuuna u shaqaynayaa sida Baarlaman ka kooban Hal-aqal, si daacad-nimo ku jirtana maanka ugu haynayaa mabaadi’da aasaasig ee awood qaybsiga ee nidaamka Federaalka lagu qeexay qodobka (3) ee dastuurkan iyo danaha Gobolada Soomaliyeed marka la gaarayo go’aanada. 15. Waxaa kaloo la khalday qaarna laga saaray Jadwalada kala guurka ah (A. iyo B. iyadoo lagu bedelay Calanka iyo astaanta) iyo wax yaalo kale oo aan meesha ku jirin. http://www.puntlandpost.com/akhrisoq...u-eedaysay-df/
-
Dowlada Federaalka iyo Jubaland Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole ayaa si qoto dheer uga hadlay arrimaha dowlada Federaalka gaar ahaan qodobada la xariira Dastuurka iyo xiisada ka taagan Jubaland. Faroole ayaa soo dhaweeyey dhismaha iyo maamulka Jubaland wuxuuna sheegay in looga baahan yahay dowlada Federaalka inay taageerto maamulka Jubaland. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dhankooda diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan shirka heshiisiinta ee loo dhigayo Jubaland iyo Federaalka. “…Shucuurta shacabka Jubaland hala tixgeliyo, muddo dheer baa loo fadhiyey dhismah maamulkaasi, maaha in maanta la abuuro colaad sokeeye….” ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Cabdiraxmaan Faroole. “…Raysalwasaaraha (Saacid) markuu halkan noogu yimid waxaanu niri (Yaan Wax la sheeg Sheegin)…hada mudo waanu aamusneyn balse hada waa bilownay inaan hadalo markii hadalka la joojin waayey…” ayuu yiri Cabdiraxmaan Faroole. Madaxweyne Faroole ayaa si kulul uga hadlay Dastuurka Federaalka Soomaaliya oo uu sheegay in wax laga bedalay, wuxuuna isagoo gacanta ku haya Nuqul Dastuurka ah uu sheegay in Puntland heysato kii saxda ahaa kuna dhaqmi doonto midkaas uu gacanta ku hayo, isagoo intaasi sii raaciyey inay ka shaqeyn doonaan difaacida Dastuurka Federaalka iyo in aysan dhaqan gelin isbedaladii ay xukuumada Federaalka ku sameysay dastuurkii la ansixiyey 1dii Agoosto 2012. Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in 33 qodob oo kamid ah Dastuurka Federaalka la bedalay arrintaasina aan la qaadan doonin. “…Hadii dowlada Federaalka ay farog-gelinta joojin weydo, iyada lafteeda ayaa laga tashanayaa….” ayuu yiri Faroole oo la hadlaya xubno lasoo xulay oo xalay ka qeyb galay munaasabada ka dhacday xarunta PDRC. http://horseedmedia.net/2013/05/28/faroole-dib-baa-loogu-noqonayaa-dhismaha-dowlada-federaalka-hadii/
-
Mr President, where is the Federal Electoral commission!?
MoonLight1 replied to Mario B's topic in Politics
errrrr, are you nuts Mario,The president is busy on Jubbaland, he eats, drinks, and sleeps on Jubbaland, his HAG and MUG energy is consumed by Jubbaland, he sends ministers left and right to disturb Jubbaland, all problems of the republic he diagnosed them as Jubbaland. -
Gaalkacyo (Pi):- Gudoomiyaha Gobolka Mudug Maxamed Yuusf Jaamac Tigey ayaa Booqasho ku tagay Deegaanka beeraha caanka ku ah ee Roox. Gudoomiyaha Gobolka Mudug maxamed ayaa booqashadiisa deegaan beereedka Mudug waxa ay kuslaaysnayd dhiira galinta dadka beeraha kuleh deegaankaas kuwaas oo uu ku amaanay hasha ay ka hayaan Gobolka. ” waxaan dhiro galinayaa dadka beeralaydaa waxaan amaan usoo jeedinayaa haatan dadka iyagu arinkaas ku dhiiraday waana arin kudayasho wanaagsan mudan markastana dadka mudug aan talo kusiinayno inay Gobolkooda hormariyaan” sidaas waxaa yiri Gudoomiyaha Gobolka Mudug. Gudoomiye Maxamed Yuusuf ayaa Dhamaan Bulshada Gobolka ugu baaqay inay ka faa’iidaystaan khayraadka dalka eebe kumanaystay isagoona sheegay in Gobolka Mudug uu hodan ku yahay Beeraha iyo wax soosaarka dabiiciga ah. Booqashada Masuulka ugu sareeya Gobolka Mudug ayaa ah mid dhiiro galin wanaagsan unoqonaysa dadka beeraha kuleh Deegaanka Roox ee Gobolka Mudug.