Duufaan

Nomad
  • Content Count

    2,127
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    14

Everything posted by Duufaan

  1. Well done Shariif this time. what are the benefit of forieng army?. rIght ,shariif may have saved his goveverment, Even things was going bad Amison for last few days.
  2. Those pictures are old, It is Riyaale the election time. Majority of Boorame people did not celebrated the event.
  3. This has only to do the pirates and nothing else, after the plane landed Hargeysa airport. of course poor Siilaanyo will get the shieks gift.
  4. http://www.jidbaale.com/index.php?option=com_content&view=article&id=1510:picture-of-the-week-siilaanyo-oo-magan-u-noqday-calanka-quruxda-badan-ee-soomaaliya-&catid=42:wararka-af-somali
  5. Siyaasiga Cali Khaliif Galaydh Oo Mudanayaasha Gobolka Sool Kaga Jira Guurtida Culays Ku Soo Saaray Inay Is Hortaagaan Xeerka Isgaadhsiinta “Wey Jiraan In Rag Ka Socda Galaydh Ay Na Yidhaahdeen Xeerkaa Isgaadhsiinta Ka Codeeya, Lacago-na Waa La Idin Siinayaaye” Mid Ka Mid Ah Xildhibaanada Sool Hargeysa, April 27, 2011 (Haatuf) - Siyaasiga Somaliland diidka ah ee Cali Khaliif Galaydh ayaa la sheegay inuu Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland ugu jira Gobolka Sool, Xidhiidh qarsoodiya kula soo sameeyay inay is hor-taagaan Xeerka Somaliland ee Golaha Wakiiiladu soo ansixiyay, iyadoo ilo-wareedyadu-na intaa ku dareen in Xubno ka tirsan Golaha Wakiilada oo ay isku Beel yihiin ay ololahaasi uga dhex wadaan Mudanayaasha Golaha Guurtida ee Gobolka Sool, culays-na ku saarayaan inay ka codeeyaan Xeerkaasi ansixintiisa. Ma jiro ilaa hadda war *****lka ka qaadaya in Siyaasiga Cali Khaliid Galaydh oo ku sugan dalka Ingiriiska danta uu ka leeyahay is hortaaga Xeerka Isgaadhsiinta. Ilo xogogaal ah oo lagu Kalsoon yahay ayaa Wargeyska Haatuf u xaqiijiyay in Cali Khaliif Galaydh oo la sheegay inuu Sheer ku leeyahay Shirkada Dalcom Somalia uu Xidhiidh la soo sameeyay Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah Xildhibaanada ay isku Haybta yihiin ee Golaha Wakiilada, isla markaana ka mid ahaa Xildhibaanadii ka codeeyay ansixinta Xeerka Isgaadhsiinta xiligii Golahoodu ansixinayay, isla markaana ka mid ah Xildhibaanada ay isku Jifada yihiin la sheegay in Todobaadkan u dambeeyay Xidhiidh uu la soo sameeyay Mr Galaydh ugu soo jeediyay inuu ka hawl galo sidii ay Xildhibaanada Beesha *********** ee Golaha Guurtidu ay u hor istaagi lahaayeen Xeerka Isgaadhsiinta qaranka, isla markaana ay uga codayn lahaayeen ansixintiisa, iyadoo tibaaxuhuna intaa ku darayaan in Shirar doceedyo Xildhibaan Dhakool maalmahan ugu dambeeyay la yeeshay 10-ka Xildhibaan ee Golahaasi kaga jira Gobolka Sool ugu gudbiyay soo jeedin ku saabsan sidii ay Xeerkaasi Isgaadhsiinta u hor istaagi lahaayeen, iyadoo ilo-wareedyaduna sheegayaan in balan qaadyo Lacago ah ugu balan qaaday in la siin doono haddii ay fuliyaan qorshahaasi is hor taaga Xeerka Isgaadhsiinta. Xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida oo ka soo jeeda Gobolka Sool oo ka cudur daartay in Magaciisa la shaaciyo ayaa Wargeyska Haatuf u xaqiijiyay in qorshahaasi is hor taaga Xeerka Isgaadhsiinta Lacago-na loo soo bandhigay, balse ay ku kala qayb sameen arinkaasi, waxaanu yidhi “Wey jirtaa in xaga Cali Khaliif Rag ka socda ay noo la yimaadeen inaanu Xeerkaasi Isgaadhsiinta ka codayno marka Golahayagu Fasaxa ka soo noqdo, laakiin se Nin iyo Garashadii ayay noqotay waana lagu kala qayb samay, Rag Lacag loo balan qaaday-na wey jiraan” Dhinaca kale Cali Khaliif Galaydh oo isagu Raysalwasaare ka ahaa dawladii Carta ee uu Cabdiqaasim Salaad Xasan Madaxweynaha ka ahaa ee lagu soo Cumaamaday dalka Djibouti, isla markaana xiligii Sheekh Shariif-ka Somalia Shirkii Djibouti lagu qabtay isku Sharaxay Jagada Madaxweynaha Somalia ayaan ilaa hadda isagu wali ka soo noqonin mab’di’isii Soomaaliweyn ee uu kaga soo hor jeeday gooni isku taaga Madaxbanaanida Somaliland.
  6. Xaaji Xunjuf;712536 wrote: Dee meeshi lugu khamarayey uun ba inaga maqan somaha Yes, you already have the famus F street
  7. What is your point? is not Siilaanyo the worst follower of the Colonial governor?
  8. Written by Jidbaale Thursday, 07 April 2011 17:57 Buuhoodle(Jidbaale):- Koox dhalinyaro ah oo watay labo gaadhi oo ka mid ahaa ciidanka qaran waxa loogu yeedho ee maamulka hargaysa ayaa goor casar liiqii ahaa la soo goostey labo gaadhi kana soo tagay maleeshiyadii ay ka mid ahaayeen. Ciidanka caawa usoo galay SSC ayaa waxay tiro ahaan yihiin 9 askari, si aad ayaa ciidankaas loo soo dhaweeyey waxayna hada ku sugan yihiin xeryaha ciidamada. Askartan markii saraakiisha ciidanka buuhoodle waraysateen,waxay u sheegeen in meesha qabiil lagu dagaalamayo, oo ciidanka ay la joogaan muusanow qabiil iyo reer hebel ay meesha ku hayaan wax qaran ama dawlad ah oo u muuqata aysan ku dhex arkin xeryaha ay ku sugnaayeen. Askari ka mid ahaa ciidankii usoo wareegay Ciidanka buuhoodle ayaa yidhi Maadaama aanu aragnay in aanan ahayn labada qabiil ee meesha isku dilaya ayaanu waxaanu go'aan sanay in aanu iska soo tagno oo u wareegno dhinaca buuhoodle oo taariikh ahaan wax xumaan ah aynan na dhex marin hadalkaas waxaa yidhi nin dhalinyaro ah oo sheegay in uu ahaa ninkii horjoogay ciiidankan soo goostey magaciisana noogu sheegay Maxamed Cumar Maydhane. Saraakiisha Buuhoodle ayaa u balanqaaday ciidanka caawa usoo Galay Xeryaha ku teedsan Cayn in wax kasta oo waajibaakooda ciidan ahaan ay heli doonaan baabuurta ay la yimaadeena abaalgud weyn laga siin doono, Sarkaal Ciidanka u hadlay ayaa u sheegay in dhalinyaradan reer Awdal ay yimaadeen dhulkooda isla fiidkii ayaa askartaas loo gudbiyey hotelada waa weyn ee ku yaal magaalada buuhoodle.
  9. Assume, there are no meat? but there are some wild bigs
  10. Xaji They media people were arrested you will deffinatley get the picturess of Awdal diaspora from around the world.
  11. Xaji The local news is, what it matters War Deg Dega | Mudaharaaddo Boorama Gilgilay + Dad Loo Xidhxidhay Waxaa ka bilawday dhamaan daafaha magaalooyinka iyo dagmooyinka AWDALSTATE mudaharaaddo xoogan oo muujinaya taageerada muga wayn ee loo hayo maamul goboleedka AWDALSTATE ee dhawaanta loo wan qalay. Dad wayne tiro badan ayaa maanta iskugu soo baxay fagaaraha xoriyada (saaxatul taxriir) ee badhtamaha caasimada maamul goboleedka AWDALSTATE. Dadwaynahaasoo dhamaantood si qiiro iyo farxad iskugu jirta ugu dhawaaqayay ereyo ay ku taageerayaan maamulka AWDALSTATE. waxaa sidoo kale aad ka arkaysay meelo farabadan oo magaalada ka mida calanka iyo calaamada sumada u ah AWDALSTATE oo babanaaya meel kasta. Waxaase wax lala yaabo ah in dadkii shicibka ahaa lagu adeegsaday cudud milatari iyadoo jabhada SNM ay kula kacay xadhig iyo caga juglayn oo la qab qabtay dhalinyar fara badan oo aan waxba galabsan iyagoo qaarkoodna lagula kacay jidh dil iyo waxyaabo ka baxsan bini aadantinimada. Umad waynta ka soo jeeda carliga ADAL guud ahaan marnaba raali ka noqon mayso in mar kasta dhalintooda loola dhaqmo sidii dad cadaw ah oo kale iyagoo lagu cabudhinayo dhulkii awoowyaashood. Shalay ayay ahayd markii birta la mariyay biri ma gaydayda , markii habeenka madaw la mirtay qoysas hoygooga ku xasiloon oon cidna wax u dhimin ,, markii dhalintayda jeelka lagu ururinayay iyagoon waxba galabsan. Waxan caalamka ugu baaqaynaa inay si dhaqso ah ugu soo gurmadaan shicibka AWDALSTATE ee lagu hayo xadhiga, dilka , iyo caga juglaynta joogtada ah. Maamulka hargaysana waxan u sheegaynaa inuu ka waantoobo caga juglaynta uu ku hayo shicibkayaga si dhakhsa ahna faraha ugala baxaan hadii kale waxa ka gaadha ay ka sheekayn doonaan caaqib xumada ka gaadha wixii war ah ee ka soo kordha gudaha AWDALSTATE kala soco codka shacabka AWDALSTATE.COM
  12. Xaaji Xunjuf;708626 wrote: soo wariyaal bala xidhay the waaheen editor isba wa la xidhay qofka sharicga qaranka jabbiya wala xidhaya. Journalist protocol bey leeyihin qaabka ay wax u qoran. Was not somaliland A demoqratic? Free expresion? Xaji. The German got his freedom. It is D standard with Awdal Jaurnalist and students.
  13. People in AWDAL, do not really like Somaliland and that is through. This Sunday afternoon, I am my way to one of their Xaflad
  14. Ciidamada Bileyska Boorama Oo Xabsiga Dhigay Dhalinyaro Iyo Saxafiyiin La Sheegay Inay Abaabulayeen Mudaharaad Lagu Taageerayo Fikiro Ay Wataan Koox S/land Diid Ah Boorama, April 3, 2011 (Haatuf) – Ciidamada Amaanka ee Magaalada Boorama ayaa shalay xabsiga u taxaabay Dhalinyaro iyo Suxufiyiin lagu eedeeyey inay abaabulayeen, isla markaana taageerayaan firo ay wataan dad Somaliland diid ah oo ku dhaqan Waqooyiga dalka Maraykanka, kuwaas oo ka soo jeeda gobolka Awdal. Dhalinyaradan ayaa la sheegay inay magaalada Boorama ay ku daadiyeen waraaqo ay ku xardhan yihiin Awdal State oo ka dhan ah qaranimada iyo Jiritaanka Somaliland, taas oo wararku ay intaa ku dareen in kooxdan fikirkan wadataa oo qurba joog ahi ay ka soo horjeedaan gooni isku taaga Somaliland, isla markaana ay u olalaynayaan wax ay ugu yeedheen maamul goboleedka Awdal (Awdal State). Suxufiyiiinta Jaabir Cali Cumar iyo Jirde Axmed oo ka mid ah weriyayaasha ka hawlgala magaalada Boorama iyo lix kale oo dhalinyaro ah ayay ciidanka Booliska ee magaalada Boorama ku xidheen saldhiga dhexe ee magaalada Boorama, sida uu ku soo waramayey wariyaha Haatuf ee gobolkaasi Awdal Hashim Goth, ayaa mar uu la xidhiidhay Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Awdal Maxamed Cabdi uu u sheegay in saxafiyiintaas iyo dhalinyaradaasba loo haysto waraaqo ay ku qornaayeen arimo ku lidi ah Somaliland, isaga oo arimahaas ka hadlaya, waxa uu yidhi “Warka oo gaaban nimankaasi way xidhan yihiin, waana eedaysanayaal, haddii wax lagu waayana waa la iska soo dayn, hadii kale Maxkamad ayaa la horgayn doonaa, waana 8 dhalinyar ah marka la isku geeyo”. Mar aan weydiinay in dhalinyartaa loo Haysto Waraaqo la sheegay in lagu daadiyey Boorama oo ay ku qornaayeen Awdal State ayuu taliyuhu carabka ka dhawray in uu faahfaahin intaas dheer ka sii bixiyo wuxuuna yidhi ” Waa sidaas”. Labada Weriye ayaa ka kala hawlgala qaybaha kala duwan ee warbaahin ee magaalada Boorama, Wariye Jaabir ayaa isagu ka hawlgala Shabakada wararka Booramanews iyo Jirde oo ka hawlgala mid ka mid ah Wargaysyada. Sidoo kale Wararka Qaar ayaa sheegaya in weriyayaashani ay sawiro ka qaadayeen dhalinyaro damacsanayd inay mudaharaad ku taageeraan koox qurba jooga reer Awdal ah oo maamul goboleed AWDAL STATE ah kaga dhawaaqay Waqooyiga Maraykanka. Arimahan ayaa ku soo beegmay wakhti ay dadka reer Awdal dhaliilayaan maamulka gobolka Awdal ee ay xukuumada Somaliland u soo magacawday, taas oo ay dad badani saluugsan yihiin masuuliyiinta ugu saraysa ee gobolka. Dhinaca kale Axmed Muumin Seed oo ka mid ah gudida fulinta ee xisbiga UCID ayaa cambaareeyay xadhiga weriyayaasha, isla markaana ku tilmaamay cabudhin ay xukuumadu ku samaynayso warbaahinta, wuxuuna ku baaqay in degdeg loo sii daayo. Mr Seed oo wargeyska Haatuf kula soo xidhiidhay khadka Telefoonka isaga oo jooga Hargaysa, ayuu cambaareeyey xadhiga weriyayaashaas. Dhanka kalana waxaa jira shaqo la’aan baahsan oo ay ka cabanayaan dhalinyarada reer Awdal gaar ahaan qolyaha ka soo qalinjabiyay jaamacadaha Dalka, dhalinyartaas oo inta badan ku andacooda in aan shaqo laga siin dhanka Xukuumada dhexe hay’adaheeda, isla markaana lagu sameeye hayb sooc, taas oo ay sheegaan in Siyaasiyiinta Awdal ee Dawlada dhexe iyo dhalinyaradu aanay lahayn xidhiidh ka dhexeeya, isla markaana aanay haysan Wasiiro shaqo geeya. Si kastaba ha ahaatee Hawadan cusub ee kaga imanaysa qaar ka mid ah Dhalinyarta gobolka Awdal dhanka qurbajooga Awdal ee dibada ku dhaqan qaarkoood ayaa noqon karta in ay dhalinta qaarkood u dheg raariciyaan isla markaana run u qaataan. Isku soo wada duuboo waxa xukuumadda Somaliland la gudboon in dagdag baadhitaano badan loogu sameeyo cid dhabta ah ee ka danbaysay falalkan ka dhacay magaalada Boorame oo dhaawac wayn u gaysan kara Sumcada Somaliland haddii aan waxba laga qaban.
  15. Xaji Dadkan markayn dhintaan waa qarisaan, hadana waa mujaahidiin, taasi waa dhaqankii xabashida.
  16. Somaliland is facing big probelm, since Kalshaale war started and The beggining of SSC movment. Thay are losing path.
  17. wixii lasheego waxbaa kajira Madaxweyne Siilaanyo oo Itoobiya looga Yeedhay Iyo Nuxurka Arimaha Lagala Xaajoon Doono Written by Yool Mar 28, 2011 at 10:47 AM Madaxweyne Siilaanyo oo Itoobiya looga Yeedhay Iyo Nuxurka Arimaha Lagala Xaajoon Doono Hargeysa(Yool)-Warar Warageyka "Yool" uu ka helay ilo-dublamaasiyadeed, ayaa sheegaya in Xukuumaada Adiss-ababa ay Todobaadkii ina dhaafay qoraal u soo dirtay Madaxweyne Siilaanyo, kaasoo ay kaga dalbanayaan inuu socdaal gaaban ku yimaado dalka Itoobiya. Ma jiro war amuurtaa ku saabsan oo ka soo baxay dhinaca Somaliland. Haseyeeshee, sida ilo-wareedyadaasi tibaaxeen qoraalka Itoobiya oo soo gaadhay Madaxtooyadda Arbacadii hore, ayaa dulucda qoraalku waxa ay ahayd mid ku kooban yeedhmo kaliya, isla markaana aanay wehelin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan ujeedada safarka Madaxweynaha loogaga yeedhay Adiss. Sidoo kale, waxa ilahaasi xuseen in qasdiga dawlada Itoobya ka leedahay booqashada Siilaanyo uu salka ku hayo dhowr arimood oo ay ka mid yihiin dhamaystirka heshiis dhex mara Somaliland iyo Shirkad Shiineys ah oo itoobiya gadh-wadeen ka tahay, xal u helida shaqaaqada deegaanka Buuhoodle iyo amuurta sadexaad oo la sheegay inay tahay sidii Somaliland uga qayb geli lahayd shir dib u heshiisiina oo la qorshaynayo in Soomaali la isugu keeno. Shirkaasoo ay hadda u gogol-xaadhayaan qaar ka mid ah dalalka reer galbeedku, isla markaana la rajaynayo in lagu qabto dalka Kiiniya. Haddaba inkastoo, aan si dhab ah loo ogayn talaabada Madaxweyne Siilaanyo ka qaadan doono codsiga dawlada itoobiya, haddana sida ay Wargeyska "Yool" u sheegeen ilo ku dhow-dhow Madaxtooyadda, waxay u muuqataa in Madaxweynahu Ayiday codsigaa, sidaa darteedna la filayo in uu maalmaha fooda inagu soo haya u duuli doodno dalka Itoobiya. Si kastaba ha ahaatee, safarkan aan la hubin, balse sida la sheegay Madaxweyne Siilaanyo ugu bixi doono itoobiya, ayaa ah mid ku soo beegmay waqti xaasaasi ah oo dalka gudahiisa iyo debadaba ay ka jiraan duruufo qalafsan, kuwaasoo haddii aanu Madaxweynahu isaga ilaalin si taxadir leh sababi kara kacdoon siyaasadeed oo ay adag tahay xakamayntiisu.
  18. Ali Khaliif is pro-somaliweyn. He has more stake in Moqdisho than Hargeysa even bussiness issues. It seems Siilaanyo is moving to Somaliweyn and needs Ali help Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow)Hargeysa, March 28, 2011 (Haatuf) - Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo ka mid ah madaxdhaqameedyada beesha bariga Burco ayaa Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo ku eedeeyey inay damacsan tahay in Somaliland ay la midayso kooxaha Somalia, isla markaana ugu baaqay beeshooda inay horseed ka noqoto dibad bax Salmiya oo Xukuumadda Siillaanyo lagaga dalbado inay Xilka iska casisho, isagoo intaa ku daray in madaxweynaha ay ku xeeran yihiin koox uu ku tilmaamay in aanay wax khibrad iyo waayo aragnimo ah u lahayn Dawlad nimada, balse ku tilmaamay in dibadaha laga soo waariday.Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buur-madow) waxa kale oo uu ka dayriyay xaaladaha nabad-galyo, Dhaqaale, Abaaraha iyo biyo la’aanta ku habsatay dalka oo uu ku tilmaamay kuwo keeni kara kacdoono Shacbi, isagoo dhinaca kale-na ku eedeeyay Xukuumadda in Meeqaamkii Dawladnimo ee Somaliland ay kala mid dhigeen kooxaha Somalia ee Shirarka loo qabto, waxaanu ka digay in Somaliland ay wax dhaafsiisan xidhiidh Jaarnimo ay la yeelato dalka Ethiopia.Boqor Buur-madow oo Xalay khadka Telefoonka kula soo xidhiidhay Wargeyska Haatuf, isagoo ku sugan dalka Imaaraadka Carabta ayaa isagoo ka hadlaya arrimahaasi, waxa uu yidhi “Madaxweyne Siillaanyo iyo Guruubka ku xeeran ee bilaa khibrada ah, haddaan maanta layska qaban waxay ku wadaan Somaliland oo ay doonayaan inay si bilaa qiimo ah ku geeyaan Somalia, ma Nimanka inala fadhisiyay shan maamul goboleed oo Habar –Gidir iyo ****** ah iyo Sodon urur oo reer Koonfureed ah halkaynu Somalia ka ahayn laba Dawladood oo kala gaar ah Somaliland iyo Somalia Meeqaamkaasi ayay maanta ina marinayaan maamulkani, sidaa darteed waxa aan diyaar u ahay in aan bad-baadiyo Somaliland iyo Beeshayadaba oo aan qaadano kaalinta ay qaateen Sheekh Axmarka iyo Qabiilka Xaashidka ee Yemen-tu ee ay kaga soo horjeesteen Cali Cabdale Saalax oo ka soo jeeda Raaskooda oo ay ku biireen kacdoonka ka socda dalkaasi, sidaa darteed waxaan beeshayada Habar-jeclo ugu baaqayaa inay horseed ka noqoto dibad bax Salmiya oo lagaga soo horjeesto Xukuumadda Siillaanyo ee ay ku xeeran yihiin Kooxo aan aqoon dawladnimo iyo waayo aragnimo toona lahayn, balse aqoontoodu aanay dhaafsiisnayn Xasarad iyo kala fogaynta Shacbiga Somaliland, oo Wakhtigan xaadirka ah ay haystaan duruufo Dhaqaale xumo, Sicir barar iyo Abaaro baahsan oo biyo la’aani u dheer tahay, isla markaana deegaanadii bariga Sanaag dalka intiisii kale laga gooyay, Xasiloonidii iyo amaankii dalku-na faraha ka baxay, isla markaana Colaado laga dhex abuuray Shacbigii Walaalaha ahaa waxa loo baahan yahay in maamulkan iyo kooxdan ku xeeranba ummadu ka Midawdo sidii ay ugu foojignaan lahaayeen qorshayaasha ay ku doonayaan in Somaliland ay si ka liidata midnimadii bilaa Shuruuda ahayd ee 1960-kii Somalia”Buurmadow mar uu ka hadlayey in xukuumadda Siilaanyo u kala qaybsan tahay kooxo kala duwan waxa uu yidhi “Xukuumadda Siillaanyo-na waxay u qaybsan tahay saddex kooxood oo kala ah, Shabaab Nasaqan, Basaasiin Mutadawiciina oo dibadaha laga soo waariday oo Dawlada lagu soo darsaday iyo Niman madaxweynayaal doonaya oo u sharaxan oo iyagu-na aan daacad ka ahayn dalka, Somaliland haddii aanay saddex Wado maanta ka tashanin oo aanay u Midoobin mid ka mid ah dib loo arki maayo inaynu* Shabaabka Asalka ah ee aan Nasaqnayn la Midowno, inaynu maamulkan doonaya inay si bilaa qiimo ah inagu geeyan Somalia aynu inagoo qiimo leh maanta tagno iyo in aynu maamulkan iska ridno, Xalku-na waxa uu ku jiraa in ummaddu u Midowdo Masiirkeeda sidii ay u badbaadin lahayd”.Mar aanu weydiinay in loo arki karo baaqiisa ku aadan Xukuumadda iyo beesha uu ka soo jeedo madaxweynuhu mid qalalaase iyo fidmo ka dhex abuuri kara Somaliland, waxa uu yidhi “Horta madaxweynaha waxa isku xeeray oo Qol madow ku xidhay oo uu ka shaqayn kari laayahay koox aan aqoon dawladnimo lahayn, arinkaygu-na maaha mid fidmo aan ku kicinayee waa mid aan leeyahay dibad bax Salmiya ha lagaga dalbado, sidan u hadda dalku ku jiraa-na ayaa ba keeni karta in Shacbigu kacdoon ku sameeyo maamulka maanta jira oo Hargeysa ayaa Gaajo loogu dhimanayaa oo Maceeshadiiba cirka isku shareertay, Somaliland oo la waayo iyo Maamulka Siilaanyo waxa ka weyn Qaranimada oo waxa fudud in maamulkani meesha ka baxo”.Mar* aanu weydiinay maadaama madaxweynuhu sheegay in aanay Somaliland qaranimadeedu gorgortan gali karayn oo aanay marti uga noqonaynin in kooxaha Somalia ay gogol kula fadhiistaan waxa uu ku cadaynayo eedaha uu uga soo jeedinayo in Xukuumaddu wado qorshe lagu midaynayo Somaliland iyo Somalia, waxa uu yidhi “Xeerkii labada gole ee Baarlamaanku Somaliland ku xaaraantimeeyeen ka qayb galka Shirarka loo qabto kooxaha Somalia waa kuwii baabiyay ee dhex fadhiistay 30 urur oo kooxaha Somalia loo qabtay, Siyaasadeenii Khaarajigu-na meel liidata ayay maraysa oo Baasaboorkeenii dalalka Caalamka lagu gali jiray waxa ka qiimo batay Baasaboorka Dawlada TFG-da, deegaanada Kal-shaale ee beelaha Walaalaha ah Colaad baa laga abuuray oo waxa ku dhintay 300 Somalilanders ah, waxaanan qabaa in Dambigaasi ay leeyihiin Xukuumadda Somaliland iyo kooxda nabadiidka Buhoodle”.Mar aanu weydiinay inuu magacaabo kooxda uu ku eedaynayo inay ku xeeran yihiin madaxweynaha, waxa uu yidhi “War la qabaa xiiso ma leh, Ilaahayna wuu yaqaanaa dadku-na way ogyihiin waana Xubnaha labada Waji leh ee ah Shabaabka Nasaqan, marna iska dhiga Cilmaaniga”.Mar aanu weydiinay maadaama Xukuumadda madaxweyne Siillaanyo muddadii 9 Bilood ahayd ee ay Xilka haysay ay ku talaabsatay Mushahar kordhin ay Shaqaalaha iyo Ciidamada ay u samaysay waxyaabaha uu dhaliisha ugu soo jeedinayo, waxa uu yidhi “Waxay keeneen Miisaaniyad bilaa qorshe ah oo meel Dakhligeedu ka soo xeroonayo aan la ogayn iyo Kharashaad faro badan oo meel loo raaco aan lahayn oo si indho la’aan ah oo bilaa Khibrad ah ay u soo dhigeen Xubnaha ku xeeran oo qaarkood inta Jawaano lagaga soo Waariday dibada iyagu ilaalinaya danaha Dawladaha shisheeye ee heshiisyadii Shidaal qodista lala galay Shirkadaha Shafron iyo Conoco loogu soo darsaday Dawlada”Mar aanu weydiinay mawqifkiisa ku wajahan xidhiidhka Somaliland iyo Ethiopia ka dhexeeya, waxa uu yidhi “Ethiopia iyo Somaliland in xidhiidh laba dal oo daris ahi inaga dhexeeyo waa mid waajiba ah, muddo dheer-na Cilaaqaad baa inaga dhexeeyay, balse Ethiopia maaha in aynu noqono Shuraako oo haddii aynu Shuraako noqonana wey inaga badan yihiinoo weyn ina liqayaan”.
  19. Who is sick Haji? Do not worry is only between Nomads Landers do not like somebody using their tactics. They were doing this for 20 years. I do not see why this kind of article benefit anybody. They are challanged in all front. The Awdal group is also coming soon too
  20. Gmail account? and personal letter They could make it little bit more pro with logo and private email
  21. Ina Kaahin was killed in Kalshaale with name of Ali Kaahin, a brother of Mohamed Kaahin, the second one in his family Faysal Ali Waraabe is done! Good job