ceelayohoyoo
Nomads-
Content Count
80 -
Joined
-
Last visited
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by ceelayohoyoo
-
The people of Maakhir have spoken propaganda "implodes" from Garowe the land of the foreign Pirates are chapters to reer Maakhir. If a clan wants to sink another clan they should expect a good fight that lays ahead. Militias allied to Ilka Jir and other clan militias keeping the peace in Sanaag-Western Bari will not allow lackeys to bankroll and scar an entire clan for their own personal gain. We've been nice to them I honestly believe Puntland won't survive well as a functioning state in the next 16 months.
-
Originally posted by Nassir: He sounds more like Garaadka Garowe.. Agree. The divison does not exist on land. Rather the symptoms which Pirateland feared of the majority have spoken. The power brokers and clan power which has been boldly underminded, under represented, no presence except where Piratelands hijackers have benefited themselves. The people of Maakhir (Sanaag & Western Bari) can't be taunted while they become prisoners of their own land by their so-called "tol" whose used them strategically as crutches. In Somalia its ever man for himself and this applies to the people of Maakhir and if their enemies demise is its destruction to survive and thrive. Then so be it. It is obvious that the people of Maakhir and the diaspora are all on the same page, if blood needs to be shed it shall be for they have attacked. We've been given a right of passage. General Duke aka Cowke, take a trip to Bosaaso the Puntland you parade just as Faroole shouted Ataams name is the Puntland I know. One that is surviving because we've tolerated its putrid existence. This is the re-naissance of the Maakhir people and Makhar-land which will see a bloody battle that will draw the lines between our foe. A parasite ugly sucking the life from its host. Divide and conquer between the unresting shaacab of Maakhir is a testament of the bitter sweet struggle that we must win and past. Inshallah we shall make our enemies quiver and shout as each and singular our names are screamed out by them.
-
Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland mudane C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa qudbadii shalay ee sanad guuradii 12’aad ee maamulka Puntland si toos ah u weerarey wariyeha VOA’da Cali Maxamed Xaraare. Madaxweynaha ayaa ku sheegay Cali Xaraare inuu yahay nin qabyaaladi ay wado, uu wareysigii Maxamed Siciid Atamna uu isaga qurxiyey. Dad badan oo reer Puntland ah ayaa is weydiiyey hadalkii madaxweynaha Puntland oo uu lahaa shabaab ayaa nagu soo duuley, iyadoo haatana uu ku sheegay in qabyaaladi jirto, maadaama uu ku sheegay in ninka Atam wareystey ay isku reer yihiin. Arintan ayaa waxay noqotey hadal heynta ugu badan qudbadihii shalay iyo dabaaldegii dadka reer Puntland. Hadii aad dhagaysato wareysigii Sh. Maxamed Siciid Atam, waxaa la oran karaa in uu su’aalaha ku adkeynayay Cali Xaraare. Wariyaha Cali xaraare ayaa si toos ah u weydiinayay su’aalaha iyadoo uusan u weydiinin qaab af u galin ah. Tusaale ahaan: 1) Wuxuu weydiiyey adigu Alshabaab ma tahay mise ma tihid? Bal aqristoow eeg sida uu su’aasha u weydiiyey. Hadii uu la jirsanayo dhanka Atam, wuxuu u weydiin lahaa sida soo socota: 2) Dadka intiisa badan waxay leeyihiin Atam waa nin dadka deegaanka u dagaalamaya iyo dulmiga lagu hayo, arintaasi maxaa ka jira? Bal isku fiiri labada tusaale. Cali Xaraare wuxuu ka midyahay wariyayaasha dhex dhexaadka ah oo lagu tilmaamo wariyayaasha Soomaaliyeed kuwa ugu aqoonta badan. Waxaana orankaraa in uu u weeraray Madaxweyne Faroole arin qabiil owgeed. Ma aha markii ugu horeysay oo uu Faroole arinta qabiil ka dhigo, waatii uu qudbadii ka horeysay tan oo ahayd markii dagaalka uu dhacay uu kiciyey qabaa’ilada oo uu yiri “beelaha hubkooda ha qaataan, shalay kuwii hubka isku heystey oo bari ku dagaalamayay hubka ha qaataan”. Sidoo kale ayaa waxaa madaxweyne Faroole uu ku caanbaxay dagaalada Qabiilka, isagoo lagu xusuusto in uu hada ka hor wiilal kasoo jeeda Sool uu ku laayay Garoowe. Waxaa kaloo lagu xusuustaa in uu hada ka hor ku dagaalamay Garoowe kadib markii jagada laga qaadey, isagoo sheegay in uu yahay beel Garoowe degta isla markaana uu xoog ku joogayo xafiiska xilkii laga qaadey. Waxaan umada reer Puntland ee nabada jecel kula talinayaa, dabka uu wado madaxweyne Faroole in ay ka hortagaan. Isla markaana aysan caadifada uu wato aysan qaadin. Waxaan u sheegayaa umada reer Puntland in aysan waqtigan dagaal qabiil u durbaan tuman. http://galgalanews.com/index/?p=3405
-
Jamac Donyale:(AUN) Weligeed Rag waa go’i Jirey Kanise Waa Gaar e
ceelayohoyoo replied to ceelayohoyoo's topic in Politics
The BurcadBadeedland has its own coffin to lay in. Targetting and fabricating stories without consequence will be their demise. We will see how this unfolds with reer Maakhir in the coming months as this has certainly ignited a wild fire. -
Rag badan ayaa ku hoobtay dagaalkii dhowaan ka dhacay Bosaso nawaaxigeeda. Inkasta oo Somalidu caada xun leedahay oo qoloba u ducayso intii dhinaceeda ka galbatay, waxaan leeyahay, illaahay ha u wada naxariisto. Intii dhimatay iyo kuwii dhaawacmay, mid walba sabab u gaara ayaa goobta keentay. Qaar dalkooda ayey u arkayeen in lagu dulaan yahay oo difaacayeen, kuwana quruskoodii ayaa askarinimo galay oo dagaalku shaqodoodu ahaa. Somalidu waxay ku maahmaahdaa, dagaal wiil kuma dhashee wiil baa ku dhinta. Markay labada will oo is dilayaa walaala yihiinna, nina ma guuleesto oo Guul iyo guuldarro faraq uma dhexeeyo. Waxa laga hayaa Duke Wellington oo hogaaminayey ciidamadii dagaalkii Waterloo ku jebiyey Napoleaon inuu yidhi, ” guul dagaal wax la sheegi karo kama murugo yara guuldarro. Inkastoo raggii go’ay oo dhan go’oodu ahaa nasiib xumo, haddana dilkii Jamac Donyale ayaa meel gaara i xunuujiyey. Marxuumku qabiil ahaan iigama xigo raggii labada dhinacba ka dhintay, ee sida la soo wariyey in dillkiisu u dhacay ayaa muruga baaxadweyn ah. Madaxweynaha puntland ayaa addunnkoo dhan u sheegay in Jaamac la qabtay. Dabadeedna, Waxa la soo wariyey in Jamac isagoo dhaawac ah, dhakhtarkana yaal, askarta PIS loo yaqaan dhakhtarka kala baxeen, dabadeedna xeradooda la tageen. Xeradooda markay geeyeen waxa la yidhi way jidh dileen, dabadeedna intaa kuma joogine way ceejiyeen oo aakhiritaankii wajiga ka toogteen! Sida loo dilay marxuum Jamac Donyale waxay ka baxsan tahay xeerka kasta oo Somaliyi ku dhaqanto iyo axdi kasta oo adduunka u yaal. Waa waajib saaran Madaxweyne Faroole in la baadho oo laga gungaadho siday arrintani u dhacday. Waayo, nabadgelyada iyo mustabaqbalka puntland midna dani uguma jirto in NSStii dib uga dhalato bosaso. Haddaaney nimanka PIS u shaqeeyaa ixtiraamin xeerka maamulka, banidaadamka, iyo ummadaba, waxay khatar ku yihiin jiritaanka maamulka. Haddaanu jirin nadaam xeeriya falalkooda, ciidanka PIS, tan hadda dhacday iyo mid ka darran ayey ku kici doonaan. Haddaan la baadhin, oon ama la caddayn in wararka la sheegayaa inaaney run ahayn ama aan abaalkiisa la marin qofkii falkan nacasnimada ah ku kacay, puntland aargoosasho iyo sharci darro ayey jideysey. Puntland waxa loo unkay in laga gudbo beelo iyo qabiil, lana dhiso nidaam u dhexeeya dadka oo inta badan danta guud ilaaliya. Haddii maamulku ka soo bixi waayo xilkii loo igmay, waxay keeneysaa in dowladdii lagu kala dhaqaaqo oo beelnimadii lagu noqdo. Sideedaba, dowlad marka la sameeyo waa marxalad horumarineed. Waxa laga gudbey marxaladdii qof waliba ama qabiil waliba sidey la ahaato an awooddiisu tahay wax uga qabto arrimaha soo foodsaara.Dowladdu waxay samaysaa nidaam sida askar, maxkamado iyo kuwa kaloo fuliya hawlaha qaranka. Markii dowlad la sameeyo, bulshadu waxay samaysay dad gaara oo umadda uga aargooya qofkii dil, dhac, tuugo iyo denbi kaleba bulshada ka gala. Maamulka puntland wuxu leeyahay laamihii dowlad laga filayey oo dhan,inkastoo dowladdu aaney wax u qaban sidii dadku ka filayey, inta badanna dowladdu aaney dadkaba u shaqayn. Xagga ammaanka waxa jira askar, maxkamado la yidhi way kala sarreeyaan iyo xeer ilaaliyayaal. Laakiin xafiisyadan dowladda caddaalad lagu fuliyaa way yartahay. Qofkii nasiib darro ku habsato oo dembi lagu soo oogo, haddaanu meel ku tiirsanayn, xeer ilaaliyuhu wuxu maxkamadda ka codsado ayaa xaakimku oofiyaa. Iska daa qof noole, hadduu xeer ilaaliyuhu dembi ku soo oogo tulud geela, waxay u badan thay in garssoruhu xadhiguu xeer ilaaliyuhu codsaday oofin lahaa. Shaki kuma jiro in marxuum Doonyaale liddi ku ahaa dowladda puntland, waayo dagaal ayuu la galay. Dawladda puntlandna daw ayey u leedahay inay difaacdo daneheeda, dadkeeda iyo dhulkeeda. Dowladdu boqol sharci ayey ansaxin kartaa si loola xaalo dadka ay u argato iney khatar gelinayaan dalka. Laakiin, waxay dowladdu samayn lahaydba waxa ka soo hormaray nimankii loo dharshay inay sharciga dalka ilaaliyaan oo bulshada u dhexeeyaan. Nimankii Jaamac dhakhtarka kala baxay waxay sugi waayeen inta la hirgelinayo sharcigay dharka gaarka u gashadeen iney sugaan, oo waxay dowladda ay musharada ka qaataan ka door bideen dowlad la’aantii qof waliba gacantiisa ku aarsan jirey. Ninkii ama nimankii Jaamac diley waxay noqdeen askarigii wax xidhay, xaakinkii sharciga goyey iyo kii amarka xaakinka fuliyey. Haddii reer puntland isku afgarto in sharciga waddanka la dhinac maro oo lays ugaadhsado, waa arrin u taal reer puntland. Haddiise weli meesha sharci ka jiro waa in nimankii dhacdadan ka danbeeyey wax laga qabtaa. Sidaan hore u soo sheegay, marka hore waa in baadhis dad cadaalad lagu ogyahay oo dhexdhexaad ah ay hagayaan la sameeyaa. Haddii wararka la sheegayaa ay been noqdaan, dadkii la eedeeyey waa in la raalli geliyaa. Haddayse run noqdaan wararka la soo tebiyey, waa iney dowladdu tallaabo adag qaadda. Siyaasad ahaan aad bay ugu adag tahay maamulka hadda jira inuu wax ka qabto ciidanka PIS. Hadda waxayba ku doodayaan iney yihiin kuwa keliya ee ayaantii dhoweyd bosaso badbaadiyey. Haddii maamulku ka caga jiido in arrinta wax laga qabto, dowladdu waxay ansixisay in qof walbi/qabiil walbi caddaalad gacantiisa ku guto. Jidkaasina ma aha mid in la raaco ay cidina dani ugu jirto. http://galgalanews.com/index/?p=3400
-
Popular Contributors