AYOUB

Nomads
  • Content Count

    4,362
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by AYOUB

  1. nuune;694573 wrote: You meant hablaha aamusan , Vy not? Never mind over emotional kids and dacar-ooge old men like Xiin. Who wants to hear more of his doom and gloom he has been predicting for SL for five years anyway? If SL came through civil strife even stronger in the mid-90s; who says it wont - should Xiin woof cries turns out to be true (wanacuudubillah). More importantly, the two ladies have proved to be are much wiser, calmer and never would they sell their "peace caravans" and principles to mercenaries like Saracen Inernational like you know whom. Hablahaani waa rageedii, weliba lamid islaamihii reer Mudug ahaa ragga garta la naqi jiray.:D:D What I want to ask the wise ladies is; what caused this crisis in your opinion? I've got my theories but it would be side to hear from the quiet ones first. later' I'A
  2. SSC Ma Argagixisaa?! Mayee waa niman xayraan ah. Joking aside, well said Maxamed Baashe.
  3. Taleexi;694827 wrote: Monolithic view of Somalis' recent history indeed but still a dark chapter of our history! I know exactly what you mean because what prompted me to revive this topic was someone who wrote "we wish we had a dictatorship to revolt against". Just wanted to remind some folks that we DID have a dictator. When some of his citizens decided volunteering and creating peaceful "self-help organisations" to overcome the harsh consequences of his policies, they were arrested. When young people protested against the arrests, they were massacred by the ill-educated soldiers. So there was a comparison with the events in Egypt, the difference being the actions of the soldiers who were sent out by the dictator. A lot of people have also spoken and written about the comparison between Mengistu and Gen. Barre's last days. The Ethio dictator flew out of unscathed capital - on a national airliner and returned it , while the other was chased out leaving chaos and destruction as he vowed as would. But that's all one side of story with 3 sides. Feel free to give us your side of "dark chapter of our history" because that's what I'm here for.
  4. Galab gaaban oo ay barrayaashuu u diyaar garoobayeen inay magaalada u baxaan ayuu General Madoobe iskugu yeedhay una sheegay inaanu jirin fasax danbe hase yeeshee cod kor u qaadan ayaa ka soo baxey. Barayaashii mid ka mid ah ayaa ku dhawaaqey “dib u jeeso , hore u soco” Waxay markan fooda saareen magaaladii joogsana lama maqal. Sidaasaa maalintaa lagu jabiyey.. xeerkii la rabay in la fuliyo ee fasax joojinta ahaa. Arinkii wuxuu gaadhay ilaa maamulkii sare oo uu ka mid yahay habaarqabe ina Siyaad, sidoo kale waxaa soo gaadhay maansadii oo ilaa boqol tudub maraysa sidii ruuxba in ugu darayey oo ilaa dadkii Xamar deganaa ka qayb qaateen . Warbixinta qaab waydiimeed u dhignaa ee waqtigaa Loogu deeqay Ina Siyaad waxaa ka mid ahaa inuu waligii arkay saajin kuu tababaray iyo kuu sii tababaray meel la iskugu keeno ooy isku darajo yihiin mushahar isku mid ahna wada qaataan , waxaanu ku jawaabay maya loona celiyey inay halkan ku jiraan saddex macalin oo midba mid macalin u sii ahaa.Wuxuu maalintaa ku dhawaaqey ina Siyaad: -in mushaharka barayaasha loo kordhiyo. -in loo ogolaado barayaashu inay gali karaan jaamicada haddey ku gudbaan imtixaanka. Barayaashaasi uu Maxamed Muxumed Liibaan ka mid ahaa waxay halkaa ku sugnaayeen muddo lix bilood aheyd kuna beegnayd ilaa dabayaaqadii 1971 kii Aqoonyahanka Maxamed Rashiid . Sh.Xasan ahna gudoomiye ku xigeenka xisbiga UCID oo dugisgaa ka waramyey ayaa sheegay sidan: “In the early years, civil servants, including ambassadors and students after they finished secondary schools, were sent to a military orientation camp Halane situated at the outskirts of the capital. In Halane, they were given basic military training and ideological seminars for six months. The regime considered these as socialist lessons to brainwash them out of what the regime described as the past imperialist and capitalist values. In reality the training was a screening operation to identify people as supporters of the so-called revolution "Kacaan”, and those who were regarded as anti-revolution “kacaan diid". At the end of the training a personal report was compiled on each person and this file was kept by the regime to be used anytime it desired. The program also had another objective: it was designed to humiliate educated people and bring them under military psychological control. Any civil servant who questioned or refused to go to this orientation military camp was suspended immediately, and he or she might be sent into prison for refusing to be a part of a national program. These programs were typical of Stalinist style of dehumanization of the educated”. Markuu ka soo baxey aqoon korodhsigaa kacaameysan ayaa 1972kii uu maxamuud barre ka noqday magaalada Boorama.Hase yeeshee dabayaaqadii gu’gii 1972kii ayaa loo fadhiistay imtixaankii jaamicada Lafoole uuna ku ku guuleystay ka mid noqoshada ardeydii ay xilligaa qaadatey jaamicadaasi.Wuxuu halkaa dhameystay horaantii 1976 ,kuna bartay culuunta sayniska oo takhasuskiisu ahaa Bio -Chemist,waxaana barre ahaan Loogu qoray dugsiga 1da July ee ku yaala magaalada Hargeysa (waa halka iminka Jaaamicada Hargeysii ku taalee). Hase yeeshee isla dabayaaqadii gu’gaa 1976kii ayaa loo badaley inuu barre ka no-do dugsiga sare ee Timacade oo uu 1978-1979kii uu ka noqdey maamule. Mar labaad ayaa loo soo badaley magaalada Hargeysa uuna maamule ka noqdey dugsiga Faarax Oomaar oo ku sugnaa ilaa dabayaaqadii 1984kii Xilligan waxaa xadhkaha goostey cadhadii iyo gadoodkii xaq u dirirkii ay hogaanka u hayeen dhalinyarada. Waxaa magaalada Hargeysa gilgilay dhacdadii dhalinyaradii UFFO, waxaa wacdaro dhaliyey dhagaxtuurkii ardeydii, waxaa xoogeystay ururkii SNM oo hawlgalo badan fuliyey. Dawladii xilligaasi waxay xal u aragtay in maamulayaasha dugsiyada sare ee magaalada Hargeysa oo markaa reer woqooyi ahaa laga badalo : -Faarax Oomaar waxaa joogay Maxamuud Maxamed Liibaan -26ka Juun waxaa joogay Ibraahin -Gacan Libaax waxaa joogay Muuse Axmed “Musse Madoobe”. -Maxamuud Axmed Cali waxaa joogay Cabdi Cabaade . Markay dhacday arintaasi , Maxamed Muxumed Liibaan wuxuu tagey Xamar oo berigaa aheyd meesha kaliya ee talo ka go’i karto,loona baxsan karo.Waxaa markaa loo soo magacaabey inuu noqdo kormeere,kana hawlgalo magaalada Hargeysa ee uu markii horeba joogay. Aroor hore oo aheyd bisha May 25, 1985 kii ayaa koox ka socotay nabad sugidii ugu tagtay gurigiisa, albaabka horena xoog ku soo jabiyeen .Hase yeeshee wuxuu Maxamed array inaaney usku dhiibidi haboonayn si wanaagsan abanu ula hadlay isagoo u sheegay inuu guriga wax ka soo qaadanayo,waxaanu ka baxey albaabka danbe. Socdaal dheer oo rafaad badan lahaa qaateyna muddo dheer dabadeed wuxuu gaadhey magaalada Jabuuti ee dalka Jamhuuriyada Jabuuti. Bishii Luulyo horaanteedii,gu’gii 1985 kii ayey ogolaatay hay’ada qaxootigu inay ku qaabisho Jabuuti,ka dib markay warbixin ka heshay xafiiskeedii ku yaalay magaalad Hargeysa, kuna sheegay in maydkiisii la raadinayey ee haddii aad nolol ku hesheen ku faroadeyga. Si nabadgalyadiisa loo sugo ayaa bishii Luulyo dabayaaqadeedii, gu’gii 1986 kii wuxuu noqday. dadkii ugu horeeyey ee ay hay’addi dalka ka saarto siisana dajin dalka Canada oo uu ilaa iminka degan yahay . Wuxuu leeyahay toban caruur ah oo laba hablo yihiin sideedna wiilal yihiin, Wuxuu awoow u yahay ilaa saddex caruur ah. Ardeyda uu wax barey waxaan ka tilmaami karnaa kuwan oo runtii iminka nolosha meelo sarsare ka gaadhey: Dugsiga Faarax Oomaar ee Hargeysa : Ismaaciil Maxamed Jaamac, Jaamac Muuse Jaamac , Cabdirisaaq Sh.Abuubaker, Jamaal Cali Xuseen , Kaltuun Xaaji Daahir (former first lady of Somaliland), Ismaaciil Maxamed Jaamac, Cali Ducaale, Mustafe Aw Aadan Cabdale ,Xamze Muuse Yuusuf,iwm. Dusiga Timacadde ee Gabiley : Dr.Maxamed Yuusuf , Engineer Xasan Jaamac Diiriye, Dr.Muuse Qaasim, Dr.Maxamed Xaashi Abiib, Dr. Aadan Ismaaciil (ina Beergeele), Dr.Maxamed Cali Faarax ,Engineer Cabdikariim Xaashi Abiib , Engineer Cabdilaahi Xaashi Abiib, Engineer Maxamed Cilmi Aboor ( Dr.Aboor) IHUN, , Axmed Ismaaciil Casoowe, Prof. Maxamed Axmed Sh.Muuse(Shaadh Gaan ),Dr.Siciid Muxumed Maax , Maxamed Cali Gacan –MBA-, Tixraac: -Qoraalka “1969 Military Coup In Somalia ” Dr.Maxamed-Rashiid Sh.Xasan - “Taxanaha Maansooyinka Siinley” Fu,aad Sh.Abuubaker (Bahda Mareegta Farshaxan) -Wareysi lala yeeshay Maxamed Muxumed Liibaan Fu,aad Sh.Abuubaker (Bahda Mareegta Farshaxan) Wixii talo,tusaale iyo tilmaanba ah u soo gudbo xubnaha mareegta Farshaxan (somaliland@farshaxan.com) Qalinkii : Fu,aad Sh.Abuubaker Bahda Mareegta Farshaxan http://www.farshaxan.com
  5. Halkan waxaa xusid mudan in mar walba ay jiraan dad dhiiran oon xilka la siiyey iskaga taga hadaanu ku dhisnayn danta ummada, xukuumadii habaarqabto ee 1969kii wasiiradii ay magacawday may ka dhiidhiyin falalkii xumaa, dadkuse kala indhadheeree 12dii July 1970kii waxaa xilkii xoghayenimo(wasiirnimo) ka digorogtay dhawr ka dib markii xukunkii milatari doonay inuu manhajka waxbarasho wax ka badlo .Waxaana ka mid ahaa kuwaa dareemay xumaanta Xasan Cali Mire oo ahaa Xoghayihii Wasaarada Waxbarashada iyo Barbaarinta oo lagu badalay Gaashaanle Cabdirisaaq Maxamed Abokor. Bal dib aan u celino giraanta taariikhda dalka, sooyaalka bulshadeenu wuxuu sugayaa in Maxamuud Axmed Cali oo kormeer hawleed ku maraya dugsiyada uu soo maray Cabdirisaaq Maxamed Abokor oo ahaa barre dayaan kuna dhex jira dhigistiicasharka. Waxaa maalintaa Maxamuud Axmed Cali u cuntami wayday heerka waxbarasho ee Cabdirasaaq oo aad u liidatay iyadoo waliba hab gudbintuna laheyd dhaliilo badan .Sidaa darteed wuxuu go’aan ku gaadhey in uu shaqada ka fadhiisiyo. Muddo ka dib ayaa Cabdirisaaq Xaaji Xuseen oo ay isku dhawaayeen reer ahaan uu u diray kuliyada caskariga ah ee Qaahira kol hadduu aqoontii meel laga soo galiyaa ay muuqan wayday. Waxaa maanka ardeydii barigaaa ku sii hadhey qaabka loo xasuusan jiray Cabdirisaaq Maxamed Abokor oo aheyd in lahu timaansado qalinduure la qabsan waayey sabuurada isticmaalkeeda una qoray si gudban (diagonal). Waxaa kalo xusid mudan in mar uu Cabdirisaaq Maxamed Abokor oo ahaa wasiirkii waxbarashadu booqasho ku yimid dugsiga sare ee Faarax Oomaar kuna yaala magaalada Hargeysa uuna soo galay fasal (Chemistry lab) ay ardey ku jiraan, waxaanu fahmi waayey qaabka uu ahaa fasalkaasi iyo qalabka yaalay kuna dhawaaqay oo “meeshan maxaa lagu bartaaa”, isagoo sii wata kormeerkaa hawleed ayuu u gudbay dugsiga sare ee Camuud uunaarkay qaab dhaqameedka ardeydaa oo aad uga duwanaa xeryihii ciidamada milatariga markuu sarkaal yimaado kuna yidhi “oo idinku kacaanka lama socotaanbee waa sidee” . Wuxuu u sii gaalabixiyey safarkiisii magaalada Sheekh. Hase yeeshee waxaa xusid mudan in uu gaadhay magaalada Xamar maalin Jimce ah oo la sii dayn jiray barnaamij dhamaan gobolada oo dhan laga dhageysan jiray si toos ahna u bixi jiray oo lagu casuumay waxaana hadadaladiisii ka mid ahaa “gobolada woqooyi dalka intiisa kale waxay ka horeeyaan 10 gu’ oo waxbarasho ah ee waa in muddo laba gu’ah gudahood lagu soo gaadhaa”. Faraska aan hakiyoon xakamaha ku giijiyo si aan ugu noqono ka warankii Maxamad Muxumed Liibaan. Waxaa halkaa Maxamad Muxumed Liibaan xilligaa Bootiko Kula jiray oo lagu barayey sidii loola jaanqaadi lahaa hatiwadaaga “cilmiga” ku dhisan barayaasha ay ka mid ahaayeen: -Cabdi Askar -Axmed Cabdilaahi Jeex -Colaad Geele Colaad -Ibraahin Cabdilaahi Saban -Cali Jaamac Qalinle -Maxamed Mooge Liibaan (Halgamaagii, hobolkii , halyeygii Ilaahay ha u naxariisto) Waxaa waqtigaa oo barayaasha niyad jab wayni ku dhacay, ka duwanaa barre Cali Daruur oo isagu tiriyey maanso af carbeed aheyd oo uu ku amaanayo edeggan barayaasha lagu ooday aanay ku jirtay : Bootiko yaa inbu xanuun (Bootiko xaruntii daryeelka) Xilligan si ay barayaashaashu u muujiyaan dareenkooga waxaa si kadis ah ku bilaabantay maanso tuducyadeeda barayaashii halkaa ku xeraysnaa iyo dadkii magaalada Xamar deganaaba ka qayb qaateen oo lagu tilmaamo inay kor u dhaaftey sagaashan tuduc.Waxaase Inta badan tuducyadaa ku luuqeeyey aqoonyahankii, halgamaagii iyo hobolkii Maxamed Mooge Liibaan (IHUN).Waxaana erayadeeda ka mid ahaa: -Amar dhacay haddaad Aaminaay igala ooyayso -Ma ogtahay abkay macalin bay eddeg ku oodeene -Ma ogtahay arooryada hore Ayaan orad bilaabaayee -Ma ogtahay anfacada aan cuno Ma laha iidaanee -Ma ogtahay indiyaan awshankaan ayaan ku wareegaaye -Ma ogtahay ardey oo idil oodaa lo rogayee -Ma ogtahay askari jaahilaan Amar ka qaataaye -Ma ogtahay waxaan eersadaa odayga weeyaanee.. Waxaa si marag ma doon ah ay barayaashaasi iskugu raacsanaayeen in ay xaruntaa bootikoXalane CPR- dhagahii ,maskaxdii iyo qalbgiiba aqoonyahankaa ka madoobaysay . Lacagtii oo ururtay ayaa la gudoonsiiyey barayaashiii,maalmihii fasax(weekend) ayey fursad u heleen ay suuqa ku tagaan .Iyadoo dhalinyaro loo badnaa ayaan fasaxaa wanaag lagala kulmin ee dhibi ka soo gaadhay magaaladii lana wargaliyey wasiirkii waxbarashada Cabdirisaaq oo isna amar ku siiyey General Madoobe oo xerada hormood ka ahaa inaan mar danbe loo ogolaan ardeyda inay magaalada u baxaan helaana fasaxaa .. Erayada maalintaa la hadal dheegay waxaa ka mid ahaa : Garab saar oo mid mid ah mida hore saar Laguna badalay gaaweeto gaaweeto saar oo mid mid ah mida hore saar..
  6. April 2, 2010 Mareegta Farshaxan Taariikhdu waa ma guuraan u baahan hiil joogto ah ,mana waydo cid u heelan.Dalkii la odhan jiray Soomaaliya waxaa ku habsadey dhibaatooyin farabadan.Waxaase tilmaan mudan in dhibtu si gaar ahaaneed u saamaynaysay goboladii woqooyi (iminkana ah wadanka Somaliland).Dhibtaa waxaa ka dhiidhiyey dad badan ooy ka mid ahaayeen dhalintii UFFO.Markii la rabay in qoorta loo dheereeyana waxaa hiil hagar la’aaneed loogu gargaaray kacdoon ay hogaaminayeen ardeyda oo kaalmo ka helay haweenka. Maxamed Baaruud Cali oo ka hadlayey ardeydaa ayaa tilmaamey in Ilaahay ka sokow hadaanu dhicin kacdoonkaasi ay arintoodu si aan wanaagsaneyn ku dhamaan laheyd,waanu u mahadnaqey halgamaagu ardeydaa hageysay kacdoonkaa. Bahda mareegta Farshaxan oo ka mid ah kuwa u heelan dayactirka iyo kaydinta sooyaalkii bulshada Somaliland ayaa hore u soo gudbisay mid ka mid ah labadii maamule ee markaa dhagaxtuurka, arinta UFFO, iyo bilawgii SNM-taba dhaceen .Wuxuu ahaa Maamule Ibraahin Cabdilaahi Saban ahaana markaa maamulihii dugsiga 26ka juun. Sidaa darteed ayey mareegta Farshaxan markana xidhiidh la samaysay Maamule Maxamed Muxumed Liibaan oo ahaa maamulaha dugsiga Faarah Oomaar. Maxamed Muxumed Liibaan wuxuu aad uga sheekeeyey dhibaatooyinkii ku habsadey dalka ee ay keeneen maamuladii rayidka ahaa.Waxaanu sheegay inay ummadu sugaysay isbadal yimaada aadna loo soo dhaweeyey maamulkii askariga ahaa.Hase yeeshee waxaa markiiba uu maamulkaasi la soo baxey qalfsanaan,dhaqan xumo, diin la’aan iyo shuuciyad indho la’a .Tani waxay ku keensatey bulshadii dhibaato weyn oo dhinac walba ah. Halkii dhibta taala wax laga qaban lahaa waxaa lagu meeraystay in laga waramo guulihii kacaanka oon dadkaba saameyn ku laheyn. Waxaa kacaankaasi si talo la’aaneed uu ummada ugu hagey ka qaybqaadashada dagaalkii 1977. Waxaa mudan in la sheego in ciidankaasi muujiyey ka hortaga mid ka mid ahaa ciidamada ugu quwada weynaa ee ka jiray Afrika. Si kastaba ha noqotee ciidankii way soo jabeen , lana kulmeen guuldaro aan yareyn.Waxaa dalkii soo galay qaxooti tiro badan oo la marin habaabiyey loona akhriyey khudbadihii kacaanka ee u heelana xusida guulaha kacaanka. Dadkii deganaa dhulalkaa siiba woqooyiga (iminkan ah wadanka Somaliland) waxaa ku dhacey laba dhibaato kaalmeynta qaxooti war aan sugnayn gosha loo galiyey iyo ciidankii soo jabey.Horaa loo yidhi “ciidan jabani wuu wayracaa”. Labadaa culays ee fuulay dadweynihii ayaa keensadey dhaqaale burbur, nabadgalyo la’aan,iwm.Bulshadii degaankaasi way xamili wayday culayskan dusha laga saarey.Waxaa markaa dadweynihii la soo gudboonaatey inay isdifaacaan oo ay damqadaan. Dhinaca xukuumadii habaarqabto waxay u fasiratey oo u sawiratey in woqooyigu doonayo dawladnimo. Waxaa markaa falcelintii dawladaasi noqotey Berbera daad ha qaado,haddii wax ka soo degaana ha lala wareego, toogasho shakhsiyeed iyo waxgaradka bulshada. Dhibaatadaasi waxay saameysay guri walba. Dantii guud ayaa cid u heelan la waayey oo burburtay.Dhakhtaradii iyo dugsiyadii ayaa dayacnaantu dul hoganaysay,mushaharka macalimiinta ayaa goyn waayey baakidh sigaar ah. Maxamed Muxumed Liibaan markuu sidaa uga soo sheekeeyey dhibtii ku habsatey bulshada ayuu raaciyey : “Aqoonyahanadii u dhashay goboladu waxay arkeen dantii guud oo burburtay, mushaharka la siiyo macalinka oo hal baakidhoo sigaar aan goynayn. Xiisadii jalas la garaacaba shan ardey baa maqnaa.Xukuumadii jirtayna cadaadiska kordhi mooyee talo kale way wayday. Tani waxay sababtay inay dadku baraarugaan kol haddii dhibtii saamaysay guri kasta si toos ah ama si dadban ”. Isagoo Maxamed Muxumed Liibaan ka hadlaya ardeydii dugsigaa dhigan jirtay ayuu xusay in dugsiga markaa ay ku jireen ardey gaadheysa 10 fasal oo mibkiiba ay ku jireen ilaa 70(todobaatan) ardey,Tirobadnidani ardeydu ayaa ku khasabtey macalimiintii iyo maamuluhuba inay shaqeeyaan labada galin, waxaa kaloo joogay markaa tiro dhan ilaa 40 barayaal ah. Waydiinta u baahan warcelinta ee ay bahda mareegta Farshaxan u holatey markan waa ka waranka taariikh nololeedka aqoonyahankan inooga waramayey xaalada dalka. Maxamed Muxumed Liibaan wuxuu ku dhashay Gabiley 1945kii, kuna barbaaray aagaa. Waxaa magaalada Gabiley laga furay dugsigii ugu horeeyey ee hoose/dhexe gu’gu markuu ahaa 1951kii. Hase yeeshee Maxamed Muxumed Liibaan wuxuu ka mid noqday ardeydii fasalka koowaad 1957kii, waxaa la gali jiray imtixaan ah “entrance”. Waxaa barigaa oo uu tartan wayni ka dhexeeyey dugsiyadii Dayaxa ,Sheekh , iyo Camuud.Waxaase tilmaan dheeraad ah laheyd in ardeyga ka mid noqdo kuwa meelaha sare heli jiray la siin jiray gunno dhimid ama bilaashba inuu ku dhigto.Lacag gunno ah (school fee including boarding fee) ayaa laga qaadi jiray ardeyda dhigata dugsiyada xilligaa una sii dheerayd ta cuntada iyo hoygu. Maxamed Muxumed Liibaan wuxuu ka qalin jabiyey dugsigaa hoose gu’gii1960kii . Ka dibna wuxuu u wareegay dugsigii dhexe ee isla magaaladaa ku yaalay, kana qalin jabiyey gu’gii 1964kii. Xilliyadaa dugsiga hoose wuxuu ahaa saddex gu’ ,halka uu dugsiga dhexena ahaa afar gu’. Marka la dhamaysto todobadaa sanno waxaa banaaneyd in la shaqo tago, in la galo dugsigaa tababarka, iyo haddii aad heshay dhibco sare imtixaanka in aad ka mid noqoto ardeyda dugsida sare. Inkastoo ay jiraan dad badan oo xiligaa helay darajadii lagu galayey dugsiga sare hase yeeshee iska shaqo tagey oo baananka u shaqo tagey,haddana ardeyda xilligan gashay dugsiga sare waxaa ka mid ahaa Cismaan Xasan Mire. Maxamed Muxumed Liibaan wuxuu ku guulaystay inuu helo dhibcihii lagu galayey dugsiga sare. Hase yeeshee isagoo Maxamad Muxumed Liibaan ka dhashay reer balaadhan iyo taladii abtigii ayaa sababtay inaanu galin dugsiga sare ee uu galo dugsigaa tababarka macaliminiinta oo markii hore ahaan jiray hal gu’ ,hase yeeshee xiligaa laga dhigay inuu noqdo saddex gu’ ka dib markii barayaashii ka soo baxay iyo ardeyday wax u dhigayeen aqoon ahaan iyo da’ ahaanba aad iskugu dhawaadeen, arintiina ay noqotay ardey ardey u dhigaya. Waxaa barigaa hore la odhan jiray VTC (Vocational Training Center) Camuud, hase yeeshee markan la kordhiyey gu’yaashii waxbarashada waxaa isbadalay magacii madasha waxbarasho oo noqday NTEC (National Training Education Center),waxaana loo qaybkiyey saddexdan qaybood: -TTC (Teacher’s training center) oo lagu tababari bari jiray macalimiinta. -Institute : oo aheyd qaybta farsamada gacanta. -CTC (Clerical training center) oo lagu tababari jiray xog-hayayaasha ,karaanida,iwm. Waxay xidhiidh la laheyd jaamicada Michigan (affiliated with Michigan University) ee ku taala cariga Maraykanka, siiba gobolka Mishigan.Xiligan waxaa la sameeyey tababar casri ah oo aad loo saaray xilka, sida inaan ardeyga niyad ahaan iyo jidh ahaanba wax loo gaadhsiin, waxaana si heer sare ah loo qalabeeyey loona hawlgaliyey qaybta sayniska . Wuxuu Maxamuud ku sugnaa halkaa muddada u dhaxeysay 1964 kii – 1967kii. Maxamuud Maxamed Liibaan markuu dhameeyey NTEC, waxaa lagu qoray inuu macalin ka ahaado dugsiga hablaha ee shacabka (sha’ab girls schools). Ardeyda halkaa wax ku baraneysayna waxaa ka mid ahaa Amran , xaaska Axmed Yoonis Habane ,Sahra Kiin ,Nuural Huda,iwm. Dabayaaqadii 1968kii wuxuu codsadey in loo badalo dugsiga Qalax ee ku yaala Gabiley.Xiligan waxaa la badalay dugsigii hoos/dhexe ee lagaga bixi jiray 7 sanno laguna daray hal sanno oo kale,isagoo markaa noqday isku dar ahaan sideed sanno . Ardeydii ugu horaysay ee uu Maxamed Muxumed Liibaan uu kaga saaray sideeda gu’ waxaa ugu horeeyey Enjineer Xasan Jaamac Diiriye oo iminka ka shaqeeya gobolada Gabiley iyo Awdal iyo Dr.Maxamed Yuusuf oo ku sugan dhakhtarka gobolka Gabiley. Dr.Muuse Qaasim , Subagle, Axmed Casoowe. 1970kii waxaa kacaankii dalka afganbiyey ee ina Siyaad furay xaruntii Xalane oo barigaa la odhan jiray Bootiko si loo kacaameeyo aqoonyahanka ummada laguna bilaabay barayaashii xiligaa oo dhanaa ilaa 830 bare .Maxamed Muxumed Liibaan wuxuu ka mid noqday barayaashaa loo xareeyey si loo sugo inay la jaanqaadi karaan tilmaamaha hantiwadaaga dalka dhex mushaaxayey barigaa . Xilligan waxaa xilka haysay dawladii habaarqabto oo dadku ka filayeen isbadal hase yeeshee bilawday dagaal bulsheed .Hormoodkii ummada waa la xidhxidhay, dasturkiina waa la laalay axsaabti siyaasadana waa la baa’biyay, barlamaankiina waa lakala diray, halka koox ka mid ah kuwii afganbiga la sameeyey dawladan askariga ah qoorta loo dheereeyey oo dil toogasho ah lagu hubsadey, qaarna jeelasha dalka lagu guray sidaana waxaa 6diiMay 1971kii Radio Muqdsiho si lama filaana uga hadlay Xogahaya Wasaaradda Warfaafinta & Hanuuninta Dadweynaha: Gaashaanle Dhexe : Ismaaciil Cali Obokor1 Wuxuuna shaaca ka qaaday in la qabtay oo xabsiga loo taxaabay sarakiishan kala ah: 1. S/Guuto. Salaad Gabeyre Kediye 2. S/Guuto. Maxamed Caynaanshe Guuleed 3. G/Sare. Cabdulqaadir Maxamed Guuleed ( dheel-dheel ) Iyadoo saddexdan sarkaal lagu xukumay diltoogasho ah dii July 1970kii,waxaana lagu toogtay fagaaraha Dugsiga sare ee Booliska Xamar jajab Muqdsiho. -------------------------------------- 1 Muddo yar dabadeed Xoghayaashii hore ee la magacaabay ayaa qaarkoodna xilka laga qaadey qaarkoodna jagooyin cusub loo magacaabay, jagadan waxaa laga qaadey Maxamed Jaamac Axmed
  7. LayZie G.;694479 wrote: what comes next is whether or not the pew research will materialize in EGYPT... fact: 82% of Egyptians support stoning as a punishment for adultery, 84% favor the death penalty for Muslims who leave the religion, and in the struggle between "modernizers" and "fundamentalists," 59% identify with fundamentalists. (the last one is troubling) what is the military's role? Will they jump in bed with their brotherhood crowd or maintain order long after the transitional period? There are many unanswered questions ya Nuune.....but one thing is certain, goldie's goons will finally take a shower and sleep in a real bed tonight while al-kingpin boards his yacht and works on his tan.... Would you (and Prometheus + Johnny B) be happy if the Egyptians compromised and legalised supposed "humane and liberal" things like abortion and sodomy?
  8. Valenteenah.;694563 wrote: Flip-flopping for is an actual political strategy for most Somali politicians. I'm with Malika here. NG, you don't know what you're talking about. SL had plenty of chances to woo the SSC people into investing in the future of SL but they wasted those chances. As it stands, SSC is truly not interested in joining or seceding with SL. I don't think supporting a greater Somalia is less of a political ideology than supporting the independence of SL. They have the right to support whichever entity they believe in. That's not to say the people are not neighbours and hadhow lama heshiin karo. I agree with almost everything you said, but some of the blame lies with some Sool folks indecision and double-dealing. Wax badso, wax beel bay leedahay baa layidhi. Secondly, it's time all clans did some looking in the mirror because maybe we've reached the stage where actual the marginalised and down-trodden clans that should be "wooed". I'm sure Silanyo has plans of his own, but if he only pleases his rowdy (for the lack of better term:)) cousins from Sool and ignores the voiceless then his project is doomed. Dhulgaariirki Hadraawi baa ku xiga, wanacuudubillah.
  9. ^Xanaaqday! way xanaaqday! NGONGE, I think you've been unfair to old Xaabsade with the title you've bestowed on him. There are many more unscrupulous and opportunistic Somalis in the political scene. Of all them, I don't think any one can challenge Sheekh Indhacadde to that title. I don't think Col. Cadbullahi Yusuf was much of an opportunist either. The likes of him and Max'ed Dheere could be called secular warlords but it's unfair to called them opportunistic because I think they actually believed in what they fought for. These men have some principal they adhere to, however ungodly these principals are. As for old Xaabsade, I think you've given too much credence to Piratelanders' bitter propaganda against the man. He had disagreement with Cigaal and was replaced by him even before the creation of Puntland as a supposed H'ism unit. Second, Puntland invasion of Lascanood was mainly instigated by mainly Max'd Xashi who was care-taker ruler of of Garowe about 7 years after Xaabsade and Co were sacked by Cigaal. It's true that he was one of the crucial parts of the SL liberation of the town back in 2007 but the events should be viewed in that context. All in all, seizing the moment kind of opportunism is part and parcel of politics. From as simple thing as Blairs crocodile tears for Di, to the admission by the TFG foreign minister that he took that job because he stood no chance in SL politics. Could it be Xaabsade has seen how impracticable H'ism is for region where other clans live and that's why he came back to SL anyway? Time will tell, as thing stand, I totally disagree with your characterisation of the big man.
  10. ^ Waaryee Joon Gaal, all births are miracles of The Almighty. The funny thing is the likes of you believe in fake miracles like evolution.
  11. Not impressed but this sort of "miracles" or the ones about vegetables supposedly with The Almighty's name.
  12. Somalina;694254 wrote: by Omar Moalim Somalia’s case is obviously more complicated than Egypt. To prevent the United States from tearing her into pieces, Somalia needs to appoint three presidents that can be counted as one: Current president and the Presidents of Somaliland and Puntland. That is 1+1+1 =1. This will be easy for the western world to understand because the first pillar of their Christian faith is “TRINITY” which says that there are three GODS but these three are one. Or simply: 1+1+1=1. :D:D
  13. ^Waar kaddaa! Oh Maaddeey we do Oh Maaddeey we do Oh Maaddeey we do Oh Maaddeey we love you...
  14. Far more frequently you're wearing perfume With you say no special place to go But when I ask will you be coming back soon You don't know, never know.. Lately ~ S Wonder
  15. Malika;694144 wrote: ^Lol - changing the topic hayee, maxaa Abwaan uu soo gelisee halkaan - pleanty is riding on Abwaan - indeed Viva Somaliweyne! Maybe you haven't read this thread from page 1.
  16. NGONGE;694175 wrote: ^^ You mean you understood what was written in that article? Here is a vid..
  17. ^ Because it is a day of calamity, and that's something.
  18. Malika;694020 wrote: Lool - waryareen anigu iyo inabtigaay hoos hoos baa runtaa iisuu diibeynee - naga deex baxa..Lol Inaabti, runta yaree bay sheekadu maraysaa! Apparently, Abwaan does not have to know what's going on, and we should just let him be confused!
  19. The Zack Waar waxaan la yaabe waa qaafka aad Abwaan udhiibtay ee wax kale mahaa:D:D I couldn't contain myself when it got to page 2. He only asked "why only Caabudwaaq this time?" and you gave him...wait for it...."If I had to guess, I would say Somalinimaa qaadday nimankaas but again I could be wrong.":D Could be wrong? lol You expect me watch go by? Get the hell outa here! The Zack;693890 wrote: If there is any thing else that brings all these folks (who are from diff habar's by the way) together, it must be the mother of all coincidences. Anagana wuu nala yaaban yahay ka waran. War Cabudwaaq ma ahee xitaa Garissa baa mudahaaraadi Lol. You and I know what time it is yaa sahbi? :cool:Ma inankaan misiinka ee Abwaan la yidhah baad ka xishootay? Sorry maayn, I should've known. VIVA SOMALIWEYN!!!!
  20. Somalina I'm disappointed in you. First of all; Faisal is leader of SL's Shah Party and I wouldn't be surprised if he claimed President Mj. Xaaji Axmed was born in Kenya. :DI know you chaps from across the pond are easily gullible, but I thought you were smarter. Midda kale, for twenty years we've waited for Somalia to be ready for dialogue. The whole world has been asking SL to help our brothers. The new SL admin IS doing just that; helping our Somalians and Somalinas get back on their feet again. Nothing more nothing less. Taleexi knows it, otherwise he wouldn't be up in arms would he?