AYOUB

Nomads
  • Content Count

    4,362
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by AYOUB

  1. Nice selection Gediid, here one I would add to that: M Mooge-Dadka ha iska weyneyn I also tried but failed to get the original version of gabbal daye
  2. Crimea nurse voted greatest black Briton By Robin Young WHAT do Olaudah Equiano, Bishop Wilfred Wood, Dr O.A. Lyseight and Queen Philippa of Hainault have in common with the jazz saxophonist Courtney Pine? Not the sort of question contestants on The Weakest Link or Who Wants to be a Millionaire? would care to confront, perhaps. The answer is that they rank among the ten greatest black Britons. Mary Seacole, the Jamaican nurse known as the other Florence Nightingale, topped the list, as decided in an online poll initiated by Ken Livingstone, the Mayor of London. Admittedly some of those in the official top ten (there are 12 of them in all, as two people share the No 2 spot and another two No 7) are more familiar. Most people will certainly have heard of Sir Bill Morris, the recently retired but still active trade union leader, Sir Trevor McDonald, ITN’s perennial newscaster, Dame Shirley Bassey, and Bernie Grant, erstwhile Labour leader of Haringey council and maverick Labour MP. Stuart Hall, the Open University’s Emeritus Professor of Sociology, may ring a few bells, but hands up those who can put a face to Mary Prince (No 3) or, indeed, Mary Seacole? The search for Britain’s top people of colour was inspired by the BBC’s Great Britons debate last year, which did not feature a single black person in the top 100. The website on which the black Britons’ claims for honour were set out received a million hits, and attracted 100,000 votes for an eclectic list of 100 nominations, which included characters as diverse as Emperor Septimus Severus, St George of Lydda, Naomi Campbell and Cleo Laine. Those who interest themselves in the more colourful characters in British history are evidently an erudite bunch. Black people who emerged as popular category winners (Lenny Henry in entertainment, Daley Thompson, Lennox Lewis and Linford Christie in sport), were overtaken by those whose achievements and distinctions had hardly made their names household words. So, for the benefit of those less well versed in the careers of the nation’s black great and good, here is a Who’s Who of the top ten African Britons. Olaudah Equiano is credited as “the first political leader of Britain’s black community”. An activist in the Society for the Abolition of the Slave Trade, his Life of Olaudah Equiano, the African, went through 14 editions. Bishop Wilfred Wood was Area Bishop of Croydon until 2002, and Dr Lyseight was founder of the New Testament Church of God. Queen Philippa, consort of Edward III, mothered the Black Prince (who took his popular title not from his skin but his armour) and famously interceded for the six burghers of Calais. But the claim that she was black seems as thinly founded as the inclusion in the original list of 100 nominees of Queen Charlotte, the German princess who wed George III. Mary Prince, an escaped slave, was the first black writer published in Britain. Mary Seacole, who astonishingly carried off the vote as greatest black Briton of all time, was the Jamaican nurse whose voluntary efforts in the Crimea were overshadowed hitherto only by the achievements of Florence Nightingale. Sylvia Denton, president of the Royal college of Nursing, commented on Seacole’s triumph: “This is wonderful news. As a black Jamaican woman in the 19th century Mary Seacole stood up against the discrimination and prejudices she encountered. The RCN and I believe that Mary Seacole deserves a statue in London to commemorate her important place in Britain’s nursing history.” Among those who emerged as category winners, George Bridgetower, violinist and friend of Beethoven, was preferred to latter day musicians such as Sade and Ms Dynamite, while Dub poet Linton Kwesi Johnson got the nod in arts and culture over the artist Chris Offili, the writer Ben Okri and the poet Benjamin Zephaniah. 5 Queen Philippa of Hainault, wife of Edward III (She had black pupils) 8 Shirley Bassey, singer (never mind being great, is she black? :confused: ) 13 Stephen Lawrence, murdered teenager (how is that great? :confused: ) 15 Queen Charlotte, consort of George Ill and Queen Victoria's grandmother (even if that is true, why is she great?) 25 Septimus Severus, Roman emperor (ok he might have been 'great', but was he black Briton? :confused: ) *Nearly half are sport and music personalities stereotype shpereotype. *Just to please everybody, this top 100 poll has more than 100 people with two rival boxers ( Ben and Eubank) at joint 96th. the full list
  3. AYOUB

    Only In Africa!

    ^^^ Funny you should say that, I thought the Daayeero heard of the yeey incursion to Las Caanod and thought they might try their luck in Caynaba Anyways, I can't keep out of my mind this image of some Caynaba nomad giving a sabbaaxad to a dayeer.
  4. Daayeero Dhintay Iyo Rag Dhaawacmay Markii Dagaal Dhex-maray Reer Caynaba Iyo Raxan Daayeero Ah Caynaba, Feb 8, 2004 (Haatuf) – ilaa 9 Daayeer ayaa dhintay, ilaa 6 nin-na waxa soo gaadhay dhaawacyo kala duwan, ka dib markii uu 25-kii bishii ina dhaaftay ee Jananweri magaalada Caynaba dagaal ku dhexmaray raxan Daayeero ah iyo koox niman ah oo reer Caynaba ah, wuxuuna dagaalkaasi ka dambeeyey markii ay raxan daayeerro ahi soo weerareen qoys reer Caynaba ah, halkaas ay khatar ku geliyeen caruurtii iyo dumarkii, isla markaana ay qabsadeen gurigii uu qoysku deganaa, debeddana uga saareen dadkii, taasina waxay keentay raggu u soo gurmadaan qoyskaa, halkaasna uu dagaal ku dhexmaro raggii iyo Daayeeradii. Sida uu ku soo waramay Xadiis Maxamed Xadiis oo hadda booqasho ku jooga degmada Caynaba Daayeerada iyo ragga reer Caynaba waxa maalintaa dhexmaray dagaal culus, wuxuun dagaalkaasi sababay in daayeeradii oo ay tiradoodu ahayd ilaa 19 daayeer laga dilo ilaa 9 xabbo, isla markaana ay dhaawacyo kala duwani soo gaadheen ilaa 6 nin oo ka mid ah raggii dagaalku dhexmaray daayeerada, kuwaas oo ay ilaa hadda qaar ka mid ahi u jiifaan dhaawacyadii ay daayeeradu soo gaadhsiiyeen, waxaana raggaa inta badan dhaawacu ka soo gaadhay madaxa, lugaha iyo gacmaha. Ragga dhaawaca ah ee ay daayeeradaasi dhaawacyada soo gaadhsiiyeen ilaa hadana u jiifa waxa ka mid ah Daroor Ducaale Xidig iyo Xasan Caabbi Kadiir. Cumar Xirsi oo ah ninka qoyskiisa ay daayeeradu soo weerareen ayaa weriye Xadiis uga sheekeeyey sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay Cumar inay daayeeradaasi khatar weyn geliyeen qoyskiisa, ka dibna uu qaylo-dhaan soo dirsaday, halkaasna ay rag badani u soo gurmadeen, taasina ay keentay inuu dagaal dhexmaro daayeeradii soo weeraray iyo raggii. Laakiin waxa la sheegay inay daayeeradaasi weerarka soo qaadeen markii ay aad u harraadeen, iyadoo ay degaamadaa abaarta iyo biyo la’aantu aad u saamaysay, waxaana la sheegay inuu qoyska ay daayeeradu soo weerareen dul-deganaa Laas yar oo biyaha laga cabbo.
  5. ^^^^^Here is few doses of reality for you minister: Puntland is under a state of emergency, again. Elections cancelled by the Colonel, again. Bossaso under curfew, again. Suldan Hurre's murderer is still on the prowl. BTW, is your deputy minister of sport still in the slammer? If removing the blindfolds is too scary I suggest you unblock the nose and smell the shite around you.
  6. Originally posted by Gediid: Bari I like what ever you're on ,any chance you can hook up a brother ....... The chap is ''stuck in a loop'' and that can't be chemically induced. If you want a second opinion see the doc with no tools.
  7. sxb talking about early mistakes do you think only pres Adde made mistake or only southerns made mistakes. What about the somaliland parliment or the their excutives or polical parties and so forth? what happen to the great sland politicians like pres Egal and others. surely they had very big responsiblity for their people if southerns showed tendency of forcing their will to the somalilanders? i think as southern person we took too much blame and scapegoats of every mistake ever done by any somali politician. be fair to the Man and give credit where its due. Somaliland politicians are exactly that:-Politicians. Cigaal and co had some weaknesses and faults and so did Aaden Cadde. People like Cigaal were pro-unity,but with a better deal for Somalilanders. Aaden Cadde and the other southern offered a take it or leave it deal to Somalilanders and the voters rejected it and he chose to ignore them. Not all Somalilanders accepted this and Xassan Kayd's coup attempted coup on Aaded Osman government in 1961 is classic example. I'm I allowed to examine his achievements, was he as great President as people above claim? I'm not questining his morals or ethics but leadership qualities decisions he made and their outcome.
  8. Northerner dont know what u guys and the media were actually expecting, no surprises to say the least the findings of the Hutton report. I was expecting a lot actually. Why was that old fart asking all those questions if was going to publish a completely biased report? I don't think we've seen the end of this. Libaax-Sankataabte fraud. There should be an independent jury investigating this hutton report itself. Judges with funny handshakes will always clear Blair and co.
  9. We know how far we have come, and the biggest challenge now (other than secure borders) is to not get comfortable with our current situation. There is still alot to be improved and we have to focus on that. The question is how??? How do you end or ease the suffering caused by poverty? Is there anyone even addressing the issue? Some people have recovered and made something of themselves from the rubble and minefields, but the are lots of people who are still struggling to make ends meet.
  10. Difaaca Boqor Cismaan Dawlad “Buur Madow” Faarax Aw Maxamuud Maxamed — OHIO,USA — 28 January, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Waxaa laga yaabaa in Soomaalida badankoodu barteen Boqor Cismaan Aw Maxamuud Maxamed ‘Buur Madow’, labadii sano ee ugu dambeeyey. Anigu waxa aan ahay ninka ugu aqoonta badan ee weligii yiqiinay, waayo waa walaalkay, oo weliba iga yar. Waxa aan hadda ku noolahay qurbaha (Maraykanka), laakiin intii aanan waddanka ka tegin walaalkay waxa aan u aqaaney Cismaan Dawlad. Markii aan maqlay magaca “Buur Madow,” waxa uu igu noqday wax igu cusub iyo filan waa. Sida Soomaalida dhaqankeedu yahay, hooyadu caruurteeda magaca rasmiga ah, mid naanays ah ayey ugu ladhaa (dartaa), kaas oo ay ka qiyaas qaadatay, garaadka, caqliga, kartida iyo firfircoonaanta ay ka dareentay ilamaha. Hooyaday Ilaahay ha u naxariistee, waxa ay u bixisay Cismaan Dawlad. Inkasta oo hooyadayo Alla naxariistee yaraantayadii dhimatay, haddana raganimada iyo kartida ku jirtay Cismaan Dawlad, ma ahayn mid marnaba dhinac martay. Waxa aan dhihi karaa si fiican ayey u asiibtay. Arrintanina waxa ay dib ii xasuusisay heestii Hooyo ee Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame ‘Hadraawi’ tiriyey: Marka aad nin hooggiyo ka hor taga dagaalkoo Garta hubin yaqaanoo xaqa hoos u eegoo Halistiyo colaadaha dabka hura bakhtiiyoo Ku hagoogta dhiiggoo dadka kala hagaajoo Kala haga dhashaa baa hooyo lagu xasuustaa. Ujeeadayda ugu weyni ma aha in aan ka sheekeeyo taariikhda reerkayaga ama midda Boqor Cismaan, laakiin waxaa qoraalkan igu kalifay xiisadda ka dhex aloosan Somaliland iyo Puntland, gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag; iyo weliba xiisadda cusub ee ka dhalatay waraysigii Jamhuuriya qortay 26/1/2004 ee Boqorka ku saabsanaa; iyo xidhitaankiisii. Boqor Cismaan Dawlad waxa la caleemo saaray (Boqray) bishii Oktoobar 15keedii 2002. Xafladda caleema saarka oo lagu qabtay duleedka magaalada Ceel Afweyn, waxaa ka soo qayb galay Salaadiin, Cuqaal iyo dadweyne aad u tiro badan, aadna ugu faraxsanaa doorashada Boqorka cusub. Cajilad laga duubay xafladdaas caleemo saarka oo aan daawaday, waxa ay ka turjimaysey amaba ka muuqday kalsoonida weyn ee dadku u qabey Boqor Cismaan. Run ahaantiina aad ayaan ugu farxay kalsoonida Cismaan tolkiis hoggaanka beesha ugu dhiibeen, waxana ay ii ahayd dharaar cad, in Boqor Cismaan xilkaas la saaray si weyn u gudanayo. Waayo, intii aan la dooranba waxa uu ka mid ahaa odayaasha xilka ugu weyn dadkooda u haya, nabaddana ka shaqeeya. Waxa aan sidoo kale fursad u helay in aan daawado cajilad laga duubay qaban qaabadii, iyo xafladihii lagu sheshiisiinayey Col. Cabdillaahi Yuusuf Axmed iyo Janaraal Cadde Muuse Boqor. Farxaddii, rayn rayntii iyo rajadii ka muuqatay haweenka, caruurta, culumada iyo qofkasta oo madashaas joogay, waxa ay hayd mid ka weyn cabiraadda caqliga aadanaha. Waxaa dadka wejiyadooda ka muuqatey in waa cusubi dadka reer Puntland u baryey, nabadina u curatay. Waxaa iyaduna yididiilo iyo rajo weyn igu abuuray dedaalka, samirka, iyo kalsoonida ka muuqatey Boqorka iyo Suldaanka. Haddii aynu dib u milicsano Khilaafkii u dhexeeyey Col. Cabdillaahi Yuusuf iyo Janaraal Cadde Muuse, waxa uu bilowday badhtamihii sannadkii 2002, waqtigaas oo sida la weriyey Col. Cabdillaahi Yuusuf dib ugu qabsaday magaalada xeebta ah ee Boosaaso, ka dib markii hore looga saaray. Dagaalka Col. Cabdullaahi Yuusuf dib ugu qabsaday Puntland, ciidamadii Janaraal Cadde Muuse watey waxa ay u gudbeen Somaliland, ugu dambayntiina waxa ay gaadheen magaalada Ceel-Afweyn. Markii ciidamada Janaraal Cadde Muuse iyo ciidankiisii ceel-Afweyn yimaadeen, odayaashii magaalada ee Boqor Cismaan ka mid ahaa waxaa cadaadis weyn lagu saaray in ay ciidamadaas magaalada ka saaraan—taas oo macnaheedu ahaa in cadowgii ay ka soo carareen gacanta loo geliyo—Arrintaas oo keeni lahayd nafwaa iyo godob waarta. Haddii ficilkaasi dhici lahaana, waxa ay ahaan lahayd ceeb,sharaf dhac, magac xumo iyo iyo bar madow oo aan ka go’in dadka reer Somaliland, gaar ahaan dadka reer Ceel-Afweyn. Dhaqan ahaan, dadka dhulkaas deggan maganta iyo badbaadinteedu ma aha wax cusub ee waa dhaqan soo jireen ah oo dadka reer Ceel-Afweyn caan ku yihiin. Sidaas darteed, waxa aan aaminsanahay in Boqor cismaan iyo hoggaamiyayaasha reer Ceel-Afweyn fuliyeen xilkii saaraa ee magan gelinta iyo xal u raadiska khilaafka labada dhinac. Magan gelinta ka sokoow, walaalkay waxa uu xil adag iska saaray sidii uu khilaafka u furdaamin lahaa, isaga oo la kaashanaya madax-dhaqameed kale oo uu ka mid ahaa Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan. Boqor Cismaan iyo Suldaan Siciid, waxa ay isa saareen xil adag oo ay colaaddaas ku furdaaminayeen. Nabad raadintaas qaban qaabinteeda oo socotayy muddo afar bilood ka badan, waxa ay ahayd guushii ugu weynayd ee laba qof oo Soomaali ahi soo hooyaan. Heshiiskaasi waxa uu ahaa mid qof kasta oo wax-garad ah, nabadana jecel u riyaaqay taageerayna. Waxa uu ahaa heshiis adduunka looga riyaaqay, waxa uu ahaa heshiish yididiilo iyo rajo geliyey dadyowga Soomaaliyeed ee xabbadu ka dheregtay. Shahaado sharaftii ugu horeysay ee nabadda waxaa Boqor Cismaan iyo Suldaan Siciid la guddoonsiiyey gebogebaddii heshiiska Puntland oo la saxeexay 17kii May 2003; shahaadooyinkaas oo ay salaaddiinta guddoonsiisay hay’ad Swedish ah oo la yidhaahdo SOFIHA, waxa ay ahayd garasho caalami ah oo loogu aqoonsaday guusha ay salaadiintu gaadheen; waxa ay noqotay arrin caalamka tustay in Afrikaanku xallin karaan dhibaatooyinkooda iyaga oo aan shisheeya majaraha u hayn. Salaaddiintaasi waxa ay baajiyeen dhiig islaam oo daata, waxa ay baajiyeen abaar waarta iyo colaad aan dhammaan. Dadka reer Puntland-na waxa ay muujiyeen mahadnaq iyo abaal-u-hayn salaaddiinta iyo dadka reer Somaliland. Waxaa maanta siyaasiyiin reer Somaliland ahi Boqorka ku eedeeyaan heshiiskii Puntland ee uu hoggaamiyaha ka ahaa, iyaga oo ku andacoonaya in haddii ‘********** ; isku dhammaan lahaayeen aan maanta gardarada Cabdullaahi Yuusuf joogteen. Waxa aan leeyahay hadalka noocaas ahi waa qayru-masuulnimo, in reer Puntland isku dhammaan lahaayeen iyo in kale Ilaahay uun baa og! Hase ahaatee, dagaalka Puntland ka dhex dhacaa marna dani uguma jirteen dadka reer Somaliland, gaar ahaan gobolada Sool iyo Sanaag. Waxaa kale oo waraysiga Boqor Cismaan Jamhuuriya la yeelatay ka muuqda in iyada oo maamulka Somaliland la ogaa/xilsaaray heshiisiintii Col. Cabdullaahi Yuusuf iyo Janaraal Cadde Muuse lagu dhex dhexaadinayey. Aniga oo ku kalsoon in arrintaas xaqiiqadeedu soo bixi doonto, waxaan haddana ka warqabey in walaalkay cadaadis weyn oo ‘Borobagaandha’ ah maamulka iyo qaar ka mid ah saxaafadda Somaliland-ba ku wadeen. Waxaa qawlaysatada isu kaashatay walaalkay ay wax badan ka shaqaynayeen sidii ay sumcaddiisa u baabiin lahaayeen, umadda reer Somaliland iyo dadkii doortayna uga horkeeni lahaayeen. Waxaa rag badan hinaase ka galay martabada sare ee walaalkay gaadhay. Markii lagu kashifmay, una suurtoobi wayday cadowgiisa in ay magaciisa kharibaan ayey bilaabeen xeelad cusub oo Somaliland u hoggaamin karta marxalad cusub oo dagaal iyo kala qaybsanaan. Walaalkay waa nin magac iyo maamuus leh, dadka uu Boqorka u yahayna uma dul qaadan karo in sharaftiisa meel looga dhaco. Xidhitaanka walaalkay, waxa ay ka hor imaanaysaa jidka dimoqraayadda cusub ee shacbiga Somaliland doortay. Waxa ay ka hor imaanaysaa xasiloonida iyo deganaashaha waddaanka; waxa ayna Somaliland u celin doontaa ayaan darooyinkii la soo dhaafay. Boqor Cismaan waxa uu mudan yahay sharaf, qaderin, maamuus iyo in loo aqoonsado halyey nabadeed oo magaca Soomaalida kor u qaaday. Waxa aan aaminsanahay in Boqor Cismaan, salaaddiinta iyo dhammaan odayaasha nabadda jecel in aanay jirin cid uga habboon in ay xaliyaan dhibaatada ka aloosan gobolada Sanaag iyo Sool. Waayo, nabadi kuma timaado dareen ku dhisan caadifad, qallafsanaan, qabyaalad iyo qabweynaan. Waxaa loo baahan yahay qof intaas oo calaamoba ka fiyow, dhibaatadana ku xallin kara wixii Alle yidhi, taas oo aan marnaba ahayn ‘Muslimoow dagaalama.’ Soomaalidu waxa ay ku maahmaahdaa dagaal wiil laguma dhalo ee wiil baa lagu waayaa. Nabaddu waxa ay keentaa horumar, barwaaqo iyo bashbash; dagaalkuna waxa uu keenaa aano, aafo, iyo dib u dhac nolosha aadanaha ku yimaadda. Nabaddu waa qaali, laakiin waxa ka sii qaalisan dagaalka iyo colaadda oo aan maanta cidna dani ugu jirin. Haddaba, waxa aan qof kasta oo wax garad ah ama nabadda jecel kula talin lahaa in uu jidka nabadda ee walaalkay doortay lagu taageero, maamulayaasha Somaliland-na khaladkooda la tuso inta aanay waddanka meel baas u hoggaamin. Haddii walaalkay khaldanaan lahaa uma hiiliyeen, waxase aan ku kalsoonahay in uu jidka nabad raadiska ee uu qaatay ku saxsan yahay. Waxa aan aaminsanahay in uu waddanka hore iyo dibba wax weyn u qabtay, kana mid yahay dadka nabaddiisu ku dhisan tahay. Waxa kale oo aan aaminsanahay in xidhitaanka Boqor Cismaan ay bilow u tahay waji cusub oo siyaasadeed—oo hadda uun bilowday; kaas oo ay asal u yihiin, cadaadis, cabudhin iyo cawaaqib xumo. Faarax Aw Maxamuud Maxamed USA. farahm@somalimedia.com
  11. AYOUB

    SOMALI NUMBERS

    ^^Rudeness! lordy lordy!. I hope this helps your research>>>>>>>>>>> http://www.somaliaonline.com/cgi-bin/ubb/ultimatebb.cgi?ubb=get_topic;f=8;t=000402;p=1 I hope this helps too. Everything about Qat/khat/kat
  12. Its Hajj time and I had to bring this thread back.May Allah accept all our du'caas and make the people making the pilgrimage successful. Aamiin.
  13. ^^^^Very good question Sooyaal, the 'union' was conditional to Somalilanders endorsing the constitution with a 'YES' majority vote. there was a significant minority of voters in Hargeisa-Berbera-Burao coordinates that cast an affirmative endorsement. A significant minority is still a MINORITY. If Somalilanders' vote against the constitution does not matter, what is the point of them voting anyway?
  14. Xisbiga KULMIYE Oo Dhaleeceeyey Qaabkii Loo Xidhay Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 January, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa - Xisbiga Mucaaridka ah ee KULMIYE ayaa warsaxaafadeed uu xalay soo saaray waxa uu ku tilmaamay qaabkii loo maray xadhigga Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow mid baalmarsan sharciga iyo dastuurka dalka Somaliland. Warsaxaafadeedkaas oo uu baahiyey Xoghayaha Guud ee KULMIYE, Daa'uud Maxamed Geelle, isaga oo faahfaahsan, wuxuu u qoran yahay sidan: “Iyada oo sida dastuurkeena ku cad sharciga iyo xeerarka wadanka loo siman yahay oo ay tahay in cid alaale cidii umada dambi ka gasha loo maro si waafaqsan Dastuurka Dalka u yaala,darajo kasta oo uu doono ha lahaadee, qodobka 250aad ee Dastuurka faqradiisa 2aad waxaa ay qoraysaa "Ma banaana in qofna la qabto, la baadho ama la xayiro, haddii uu san markaa dambi faraha kula jirin ama uusan amar qabasho ah oo sababaysan ku soo saarin Garsoore awood u lihi." Kama hadlaayo in Boqorku dambi galay iyo in kale Maxkamad ayaa taas cadayn doonta hadii dariiq sax ah loo maro laakiin waxaanu ka hadlaynaa in qaabka loo qabtay uu yahay qaab baal marsan ka horimanaya amase uu diidayo Dastuurka qaranka u yaalaa. Dhacdadan qaabka daran oo aan ahayn markii koowaad ee ay dhacdo waxaa ay dad badan oo maanta nool xasuusinaysaa murugna ku reebaysaa qaabkii uu u dhaqmi jiray Taliskii dhagarqabaha ahaa ee Siyaad Bare kaas oo ay caado u ahaan jirtay inuu saqda dhexe guryaha ugu dhaco dadka iyadoo aanay jirin dariiq sharci ah oo loo maray,waxaanu leenahay Hoombaro Libaax bay soo wadaa,waxaanu leenahay Xukuumadan ay caadada u noqotay sharci baal marista iyo is indha tirku shaqadeeda ha u marto hab waafaqsan dastuurka dalka u yaala hadii kale dhibteedu ma yaraan doonto” Dhinaca kale, Suldaan Maxamuud Guuleed Mire iyo Suldaan Maxamed Carab Cabdi oo iyaga oo joogga Burco u warramay Wargeyska Haatuf ayaa xukuumadda ugu baaqay inay xorriyaddiisa u soo celiso Boqor Cismaan. Golaha Salaaddiinta Somaliland, xubnahooda jooga Hargeysa ayaa iyaguna shalay ka fadhiistay xadhigga Boqor Buurmadow. Hase yeeshee, wax war ahi kama soo bixin weli. Guddoomiyaha Golahaas, Suldaan Cabdillaahi Suldaan Cali oo aan shalay kula kulmay Hotelka Hargeysa Club, isla markaana aan wax ka weydiiyey xadhigga Boqor Cismaan, iyadoo ay markaa la fadhiyeen Salaaddiin kale, waxa uu ka gaabsaday inuu wax ka yidhaahdo, waxana uu sheegay in uu xog urursi ku jiro si ay salaaddiin ahaan wax uga ogaadaan arrinta lagu xidhay Boqorka. Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa. ------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------------ Boqor Cismaan Buurmadow Oo Saaka Maxkamadda La Geeyey, Kadibna Loo Gudbiyey Xabsiga Dhexe Ee Hargeysa Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 28 January, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa – Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo habeenkii Salaasadii boolisku ka qabtay hotelka Hargeisa Club oo uu degganaa ayaa maanta la horgeeyey Maxkamadda Gobolka Hargeysa, kadib markii muddo 30 saacadood ka badan oo uu ku xidhnaa Saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa lagu hayey baadhis adag. Maxkamadda oo ammaankeeda aad loo adkeeyey saaka markii la geeyey Boqor Cismaan, waxa ay ahayd mid aan loo ogolayn dadweynaha iyo Saxaafadda. Waxaana Boqor Buurmadow loo gudbiyey Xabsiga Dhexe ee Hargeysa oo uu hadda ku jiro, kadib markii Maxkamaddu u jartay Rummaan ama inuu garsuge ku ahaado Xabsiga. Lama oga muddada rummaanka, taas oo uu badiyaa ku salaysan eedda loo haysto garsugaha. Boqorka Cismaan muddadii uu ku xidhnaa saldhigga dhexe ee Hargeysa oo ay boolisku su’aalo weydiinayeen waxa loo diiddey in eheladiisu ay arkaan iyo dad doonayey inay booqdaan oo ay ku jireen masuuliyiin sarsare oo dowladda ka tirsan. Sida ay ii sheegeen dad eheladiisa ka tirsan Boqorka oo leh xannuuno ay ka mid yihiin Dhiigkar iyo Macaan waxa shalay goor dambe loo ogolaaday in dawooyin loo geeyo. Sida ay sheegeen dad goob joog ahi, Boqor Cismaan oo ay wadaan ciidan iyo saraakiil boolis ah ayaa xalay goor dambe la geeyey Hotelkii laga qabtay ee Hargeysa Club, halkaas oo ay boolisku ka bilaabeen baadhis rogaal celis ah oo ay ku fatasheen qolkii uu degganaa ee hotelka iyo gaadhigiisa oo isaguna ku xidhnaa, booliskuna ku ilaalinayey barxadda hotelka. Wararka ku saabsan hawlgalkaas qaarkood waxay sheegayaan in Boqor Buurmadow isla xalay la geeyey Madaxtooyada, laakiin ma jirto cid xaqiijisay taas. Waxaase si weyn loo rumaysan yahay in baadhistii lagu hayey Boqor Cismaan Soddonkii saacadood ee uu ku xidhnaa saldhigga dhexe ay tahay mid lagu baadi goobayey caddaymihii qoraalka ahaa ee uu sheegay inuu hayo. Xadhigga Boqor Cismaan waxa uu ka dambeeyey waraysiyo uu siiyey Wargeyska Jamhuuriya iyo Telefishanka Madaxa banana ee SLtv, kaas oo uu daboolka kaga qaaday sir uu sheegay in uu caddaymaheeda hayo oo ku saabsan waanwaantii uu ka dhex sameeyey labadii kooxood ee colaaddu ku dhexmartay Puntland ee ay kala hoggaaminayeen Cabdillaahi Yuusuf iyo Cadde Muuse, doorkii ay dowladda Jabuuti ku lahayd arrintaas iyo arrimo kale oo uu ka iftiimiyey colaadda gobolka Sool oo uu isagu sheegay in Madaxweyne Rayaale ku diidey hindise iyo dedaal nabadgelyo oo lagu gaadhi karo xuduudka Somaliland. Ilaa iyo hadda xukuumadda Somaliland war rasmi ah kama soo saarin xadhigga Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow). Hase yeeshee, wasiirka Arrimaha Gudaha, mudane Ismaaciil Aadan Cismaan ayaa u sheegay BBC-da in xadhigga Boqorka loo maray sifo sharci ah, isaga oo sheegay in loo haysto “dunuub liddi ku ah qaranimada”, taas oo uu sheegay in caddaymo ku filan loo hayo. Waxa kale oo uu sheegay wasiirku in Boqorka lagu soo oogi doono in uu been abuur uu ka sameeyey madaxda qaranka. Boqor Cismaan waxa uu ku sheegay waraysiyadii uu bixiyey xadhigiisa ka hor in uu ogaadey in Madaxweyne Rayaale iyo xubno miisaan leh oo UDUB ka tirsani ay fidinayaan eedaymo isaga ku lid ah oo la doonayo inay dadweynaha ku soo jeediyaan (isaga) oo ay ka dhigaan nin u shaqaynaya maamulka Puntland iyo Cabdillaahi Yuusuf iyaga oo ka duulaya nabadayntii Puntland ee hore taas oo uu sheegay in Madaxweyne Rayaale u diray, waxana uu sheegay in caddaynta arrintaas iyo siraha kale ee uu bixiyeyba caddaymahooda uu la hortegayo maxkamad. Isaga oo isla markaana ugu baaqay golayaasha qaranka inay baadhaan wixii tuhun ah ee isaga laga qabo iyo leex-leexa xukuumaddaba. Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.
  15. Wind talker, indeed this story has a two sides but infront of us are facts. If Adaan Cadde was as 'democratic' as is claimed, why did he impose a contitution on Somalilanders which they voted against? Why did he allow Somalilanders to be marginalised from all institutions. He might have been a gentleman but was he a good leader? (this question can be appllied to all Somalis leaders) Nations like China might not have 'gentlemen' and 'democratic' rulers, but they still governed by people with a lot of leadership skills. The seeds for the troubles we are in at the momemt were planted long time ago and people like Siad took advantage of mistakes done way back then. did NOTHING good ever come out of the Union of the Colonies (i.e. Italian Somaliland and British Protectorate)? It was nice to meet some of you chaps . Lets hope we've all learned from our mistakes and never again other countries decide our destiny.
  16. I think this will end end up being just a storm in a tea cup, lets wait and see.
  17. I thought the topic was interview with bin laden :confused: That was ok though.
  18. Boqor Cismaan Buurmadow Oo La Xidhay Somaliland.Org — Hargeisa, Somaliland — 27 January, 2004 -------------------------------------------------------------------------------- Hargeysa -- Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow ayaa xalay abaaro 10:30 laga qabtay hotelka uu degganaa ee Hargeisa Club, magaalada Hargeysa, xabsigana loo taxaabay. Xadhigga Boqor Cismaan waxa fuliyey ciidan uu horkacayey Taliyaha booliska Somaliland, Maxamed Cige, waxana uu ka dambeeyey waraysi uu bixiyey Boqorku oo shalay lagu daabacay Wargeyska Jamhuuriya iyo waraysi kaas la mid ah oo xalay laga sii daayey Telefishanka Somaliland. Boqorka oo intii aan la xidhin uu telefoon kula hadlay Tifatiraha Jamhuuriya waxa uu sheegay in waqtigaa qolkii uu degganaa ay boolisku baadhayeen, isagana loo sheegay in uu xidhan yahay. Looma sheegin Boqorka sababta xadhiggiisa iyo cidda uu ka soo fuley midna. Hase yeeshee, abbaaro 10:00 markii uu dhammaaday waraysiga laga siidaayey Telefishan oo aan Boqorka ugu tegey Hotelka waxa goobtaas yimi Wasiirka arrimaha Gudaha Somaliland mudane Ismaaciil Aadan Cismaan oo watey dhawr askari waxaana la dareemay inuu u socdey inuu xidho Boqorka, laakiin rag odayaal ah ayaa la hadlay wasiirka oo ku qanciyey in uu ka noqdo tallaabadaas uu damacsanaa. Waxa kale oo uu Boqorku iisheegay in taliyaha ciidanka Boolisku uu u soo diray Askari, balse uu u sheegay in aanu raacayn ee uu qoraal ka soo qaado. Boqorka waxa la filayaa in loo gudbiyey xabsiga, mana jiro war rasmi ah oo ku saabsan xadhigiisa oo ilaa iyo hadda so baxay. Cabdirisaaq M. Dubbad, Hargeysa.
  19. Response To:- Aden-Adde: A Gentleman of Somalia
  20. The law is above the person ! In Puntland, Col. Yusuf is both the person and the law. Annigu xor baan hayn cidna umma xiri "Xirsi Gaataa" Bosaaso, [MOL] 1 September 2003- Waraysi uu Maanta siiyay Taliyaha Ciidamada Booliiska Puntland Xirsi Gaataa idaacada Radio Midnimo ayuu ku sheegay inuusan waxba ka ogayn waxa lagu haysto jirina dambi uu galay, waxuu intaas ku daray Taliyahu in gudoomiyaha Maxkamada ciidamadu uusan marin sharciga ayna tahay sharci daro waxa isaga lagu haysto. Cid aan u xirahay ma jiraan annigu xor ayaan ahayn shaqadaydiina sideedii ayaan u wataa immana xiri karo gudoomiyaha maxkamada Ciidamadu ayuu ku jawaabay mar la weydiiyay Xirsi Gaataa inuu wali ku jiro xabsi guri. Qoraal 2 berri ka hor ka soo baxay xafiiska gudoomiyaha maxkamadda ciidamada Puntland Maxamed Jaamac Geyre ayuu lagu sheegay in taliyaha Booliiska shaqadii laga fariisayay laguna xukumay xabsi guri inta laga baarayo eedaymaha lagu haysto. kuwaas oo sida la sheegay la xiriiray musuqmaasuq. Maalin ka dib ayaa Madaxweyne ku xigeenka Puntland sheegay inuusan taliyaha ciidamada Booliiska shaqadiisa laga joojin taas oo dhalisay jaahwareer kale iyadoo aan la garanayn sababta keentay isqabqabsigaan waxuu ku salaysan yahay. Weriye c/risaaq Sheekhaduun Mudugonline.com
  21. Anon - "How did our oil get under their sand?" 'Quality of life lies not in the things we acquire but in the things we appreciate' (Anon) 'The West is a luxury we cannot afford' (Anon) 'To say that the purpose of business is to make a profit is like saying that the purpose of life is to eat' (Anon) 'Earn all you can, save all you can, give all you can' (John Wesley) 'It is not because things are difficult that we do not dare, it is because we do not dare that things seem difficult' (Anon) 'Most people see things the way they are and ask 'why?'. I dream things that never were and ask 'why not?'' (George Bernard Shaw) "If you do what you've always done, you'll get what you've always got" -- Anon "You should emulate your heroes, but don't carry it too far. Especially if they're dead." - Unknown "It has been determined that research causes cancer in rats." - Unknown "Biology is the only science in which multiplication means the same thing as division." - Unknown "The next time someone starts quoting statistics at you, just remind them that 78% of people who quote statistics make them up." - Anonymous Write a wise saying and your name will live forever - Anonymous "If 99% is good enough, then gravity will not work for 14 mins every day. " - Unknown "If you're going to do something tonight that you'll be sorry for tomorrow morning, sleep late." - Henny Youngman "Sometimes it is more important to discover what one cannot do, than what one can do." - Lin Yutang "I often quote myself. It adds spice to my conversation." - George Benard Shaw The golden rule is that there are no golden rules. - George Bernard Shaw Lady Astor to Churchill "Winston, if you were my husband I would flavour your coffee with poison" Churchill: "Madam, if I were your husband, I should drink it" If the word 'No' was removed from the English language, Ian Paisley would be speechless" John Hume. "The difference between a misfortune and a calamity is this: If Gladstone fell into the Thames, it would be a misfortune. But if someone dragged him out again, that would be a calamity." Benjamin Disraeli. "Democracy is being allowed to vote for the candidate you dislike least." Robert Byrne. "When you say you agree to a thing in principle you mean that you have not the slightest intention of carrying it out in practice." Otto Von Bismark. "It is true that liberty is precious; so precious that it must be carefully rationed." Lenin. "The draft is white people sending black people to fight yellow people to protect the country they stole from red people." James Rado. "Put three Zionists in a room and they will form four political parties." Levi Eshkol. "The main difference for the history of the world if I had been shot rather than Kennedy is that Onassis probably wouldn't have married Mrs Khrushchev." Nikita Khrushchev. "Never believe anything in politics until it has been officially denied." Otto Von Bismark. "Men marry women with the hope they will never change. "Women marry men with the hope they will change. "Invaribly they are both disappointed." -Albert Einstein I'm an excellent housekeeper. Every time I get a divorce, I keep the house. -Zsa Zsa Gabor A man's only as old as the woman he feels.-Groucho Marx "I don't care to belong to a club that accepts people like me as members." -Groucho Marx Behind every successful man is a woman, behind her is his wife. -Groucho Marx Military justice is to justice what military music is to music.-Groucho Marx One morning I shot an elephant in my pyjamas. How he got into my pyjamas I'll never know. .-Groucho Marx I never forget a face, but in your case I'll be glad to make an exception. -Groucho Marx Women should be obscene and not heard. -Groucho Marx A woman is an occasional pleasure but a cigar is always a smoke. -Groucho Marx Who are you going to believe, me or your own eyes? -Groucho Marx Quote me as saying I was misquoted-Groucho Marx. Those are my principles. If you don't like them I have others. -Groucho Marx
  22. MAXAA LAGU XIDHAY WASIIR KU-XIGEENKA WASAARADA CIYAARAHA EE MAAMUL GOBOLEEDKA PUNTLAND IYO AGAASIMAHA MAALLIYADA EE MAAMULKA CABDILAAHI YUUSUF.
  23. ''Anigu waxa aan xogogaal ka ahay xifaaltanka u dhaxeeya Maamulka Puntland iyo Dowladda Somaliland, dhibaataduna ma aha wax maanta la isku haysto waa wax Caalamku ogyahay, waa wax xuduud leh oo wado cad leh oomaanta aan u baahnayn muran iyo wax la isku qabsado. Sida awgeed, tallaabada Maamulka Cabdillaahi Yuusuf soo qaaday waxa aan u arkaa mid gardaro ah oo uu cid dhib ugu gaystay,markaa wadada ugu fiican ee uu inagaga baxaa, waxaan u arkaa in ay tahay iyaga oo raali gelin bixiya, xadkoodana ay si nabadgelyo ah ugu noqdaan inana (Somaliland) aynaan wax yeelin sharafin in ay inoogu jirtaa, khaladkooda in Caalamku arko in ay inaga gar daran yihiin. Cabdillaahi Yuusuf, waxa uu qirayaa inuu diblomaasiyad ogol yahay in Somaliland iyo Soomalaiuya laba kala yihiin, wuu ogyahay laakiin ta BBC-da laga weydiinayo iyo ta xaqiiqda ahi waa kala gaar anigu ta xaqiiqda ah ayaan ogahay oo reer Puntland iyo isaguba ee aaminsan yihiin taas oo ah in aynu si nabadgelyo ah ku heli karno dhulka dalkeena ah. '' -- Boqor Cismaan Buurmadoow There you have it Samurai, stop believing the Mudug Online rubish