AYOUB

Nomads
  • Content Count

    4,362
  • Joined

  • Last visited

Everything posted by AYOUB

  1. Wasiirka maaliyada ee Puntland mudane Gaagaab oo wafti uu hogaaminayaa beryahaanba ku sugnayd magaalada Laascaanood, ayaa waxa uu halkaa ka wadaa hawlo muhiim ah oo u taageero ugu raadinayo maamulkiisa, iyadoo ciidamada labada maamul ee puntland iyo Somaliland isku horfadhiyaan magaalada duleedkeeda. Balse sida aan wararka ku helayno,wasiirka maaliyada Punland oo xarun ka dhigtay Hotel Hamdi oo ah koonaha magaalada looga baxo dhinaca Garoowe, waxa u baarkin garaysan gawaadhi lacag cusub ah oodhowaan la soo daabacay ,lacagtaas oo loo keenay Laascaanood in lagu kasbado taageerada odayaasha iyo shacabka deegaankaas. Hotel Hamdi ayaa wuxuu noqday suuqa lagu kala bedesho lacagta,iyadoo doolarkii laga waayey magaalada,taasoo lagu bedelanayo lacag dhowaan la soo daabacay. "Go'yaasha shaalka ah ee odayaashu wataan,waxaad ku arkaysaa guntimooyin ka lusha oo aadan garin karin waxa ku guntan" sidaa waxa noo sheegay nin oday ah oo naga codsaday in aan lamagacaabin. "ujeedada ugu weyni waa in uu kala daadiyo qolyaha ka soo horjeeda,wuxuuna u adeegsanayaa odaydhaqamedyada magaalada,isagoo balan qaadaya lacago badan" ayuu yidhi isagoo hadalkiisa swii wata odaygaasi. "lacag dhowaan la soo daabacay"
  2. 'Somali Week Festival' Xaddaarad La Soo Raray Ibraahim Hawd — Sweden — 12 October, 2007 Hargeysa oo ahayd hoyga fanka iyo ilbaxnimada casriga ah ee soomaalidu waxay noqotay god madow oo ay baranbaradu ka cawayso. Darammalkii farxadda iyo bani aadamnimada tusaalaha u ahaa, codkii baxsanaa ee ay hoobballada hibada u lihi xitaa dadka dhintay xabaalaha kaga soo toosin jireen, iyo maansooyinkii awooddoodu dhulka iyo cirka isku xidhi jirtay, intuba maanta waa xaalado dhintay oo xabaasha jiifa. Kol ay ku tahay gole lagu daawado fan masraxeed ma jirto meel keliya oo ilbaxnimo loogu irkadaa. Waxa keliya ee maanta fekerka iyo dareenka dadka saameeyaa waa muranka siyaasad/qabyaaladeed. Waxa weheliya waa dhawaaqyo ka soo baxa marfeshka qayilaadda iyo masjidka tukashada. Hargeysa oo qudha ma aha ee magaalooyinka soomaalida ee la dhex tuban yahay haba yaraatee nolol xaddaaradeed laguma hayo, kamana duwana xeryagaallo iyo xawaallo. Maya, xaddaarad ummadeed maanta Hargeysa ma taal, Xamar ma taal, Jabbuuti ma taal, degaan kale oo soomaaliyeedna ma taal. Dabadeed "Somali Week Festival" waxay noqotay dhacdo aan u qalmin in ay ka dhacdo dhulka soomaalida. Waa sidaas runtu. Haddii aanay ahayn, bulsho ka kooban dhawr iyo toban malyuun, oo leh ugu yaraan lix maamul-dawladeed, maxaa loo waayey meel keliya oo dhaqdhaqaaq noocan ah ama la mid ahi ka soo ifbaxo? Maxaa loo waayey meel qudha oo ay ka jirto firfircooni dhaqan oo aan ahayn qayilaad iyo muran qabyaaladeed? Sidaas darteed "Somali Week Festival" waa oog ka shidmi kari wayday dhulka soomaalida, waayo ma joogto cid shidi kartaa. Markaas waa in la raraa; waa in loo raraa dhul carrasan ah oo ay xaddaaradi ka jirto lagana rabo. Halkii ay dabci ahaan dhulalka soomaalidu ahaan lahaayeen hoyga iyo hooyada ilbaxnimada soomaalida, iyo meel taas asal u ah oo loogu noqdo, maanta arrintu waxay ku socotaa sidaas beddelkeeda. Dhaqanka intiisa ugu tayada iyo nolosha rooni waxay ka dhacaysaa qurbaha: haddii ay noqoto qoraal, muusig, masrax iwm. Waxaa muuqanaya oo codkiisa la maqlayaa qofka mugdiga ka soo baxsada ee iftiinka u soo baxa. Abwaanka dalkii ku hadha waxaa la isweydiinayaa in uu nool yahay iyo in uu dhintay, maalinta uu qurbaha isa soo taago ayuuna muuqanayaa. Maalintaas ayaa loo hambalyeynayaa. Tusaale ahaan sida aynu wada naqaan Xasan-Ganey waa abwaannada soomaalida ee safka hore, waana hormuudka fan-masraxeedka. Hal-abuurkiisu wuxuu caan ku yahay laguna jecel yahay sida uu u yahay dhalad aan dhaqammada kale ku milmin, iyo sida yaabka leh ee uu u sawiro degaanka iyo hiddaha soomaalida. Haddana dhawr iyo tobankii sannadood ee ina dhaafay marar badan baan maqlay dad iswaydiinaya "Xasan-Ganey ma nool yahay?", sababta oo ah wuxuu ku dhex lumay gudcurka dhulka soomaalida ku yuurura. Keligiina ma aha ee tobannaan iyo tobannaan qof oo umadda wax u ahaa ayaan maanta raq iyo ruux meel lagaga warramo la garanayn. Haddaba "Somali Week Festival" inta uu soomaalida faan u yahay in ka badan ayuu umadda ingiriiska faan iyo taariikh u yahay. Qabashada "Somali Week Festival" waa halyeynimo iyo dadnimo sarraysa. Hawl sidan u weyni dabcan waxay u baahan tahay tamar badan oo loo mideeyo, halkanna tamartaas ayaa ku midawday. Waxaase in gaar loo xuso oo wanaag loo hayo mudan marwo Ayaan Maxamuud Cashuur , taas oo sida muuqata ah gabadh karti lagu mannaystay. Erayga "karti" in lagu soo celceliyo aadna loo dhadhansado ayuu mudan yahay waayo, aniga ogaantay, waa sifo maanta badankeenna la inaga xayuubiyey. Waa la daallan yahay mar haddii tamartii oo dhan lagu bixinayo muran siyaasad/qabyaaladeed kaas oo aan daal maskaxeed mooyee midho kale laga guranayn. Arrintaas darteed run ahaantii dadka soomaalida badankoodu waa ay tabardhigeen, maskax ahaan iyo muruq ahaanna waa hawlgab. Malaha aafadaas ayey Ayaan iyo shakhsiyaadka la midka ahi ka badbaadeen marka ay waxqabadka noocan ah iyo hawlaha sidan u culus u badheedhayaan. Marka aynu isha marinno magacyada martida u ah bandhigga "Somali Week Festival" waxaynu la yaabaynaa sida intaas oo qof la isugu keenay. Waxaa shanta qaaradood laga soo ururiyey abwaanno, hooballo, qorayaal, jilayaal iyo suxufiyiin kala habqamay oo qofba meel u daadduumay. Bal arag magacyada martida u ah Oxford House culayskooda: Xasan-Ganey, Hadraawi, Gaarriye, Xasan Sh. Muumin, Maxamed D Afrax, Cabdi-Qays, Cabdillaahi Diiriye Guuleed, Aweys Khamiis, Maryan Mursal, Cali-Seenyo, Martin Orwin, Saynab Cige, Raage Oomaar, Yuusuf-Garaad, Dararamle, Faadumo Qaasim, Xudaydi, Nimco Yaasiin... "Somali Week Festival" oo furmaya 20-ka bishan waa diirrimaad iyo ilays lagu yara illaawi karo mugdiga iyo dhaxanta culus ee dhaqanka soomaalida maanta saaran. Waana fursad gaar ah oo ay reer Biriteyn iyo inta ka qayb gelaysaa nasiib u yeesheen. (halkan ka arag: http://www.oxfordhouse.org.uk/template.php?ID=152) Ibraahinhawd@hotmail.com somaliland.org/opinions.
  3. Allahu Akbar Allahu Akbar Allahu Akbar La ilaha illa Allah Allahu Akbar Allahu Akbar Wa lil laahil xamd Allahu akbar kabiira Wal xamdulillahi kathiira Wa subxaana llahi bukratan wa asiila.. Have a good one and make sure it's memorable for the youngsters, inshallah. CIID WANAAGSAN!
  4. ^ Back to square zero. Another reconciliation conference?
  5. Originally posted by HornAfrique: Maxuu ka dooni hadaan ku su'aalo? If he wants to be a political pawn for a foreign dictatorship, why not head to Mogadishu then and drink grape-fruit in a nicely protected villa? [/QB] Eerm.. because he has finally realised (with scars as a reminder) the "vi lla" awaiting in Mogadishu is six feet under?
  6. Originally posted by Paragon: ^^Younis, my comment might have been slightly 'harsh'. But the reality is, every social event one goes to, you get the haggard old timers 'wailing' their lungs to death. Tis time they rested, I hold. Its time for new faces... Younis? The poets are no spring chickens either but they seem to have grown "more gracefully". Who are the new poets to replace the above names? I can bet my afur some of the poets will announce their retirement at this event and call for new blood to step forward. The question is will the "wailers"?
  7. HornAfrique What will you say if/when Col. Hiiraale goes to Asmara? ^^ Easiest question ever asked in SOL
  8. War deg deg ah Ciidamo ka soo hor jeeda Mamulka Cade Muuse oo soo galay Qaybo ka mid ah laascaanod Warkii 29-Sep-2007 iyo Qormadii: Adan Yaasin Ciidamo aad u farabadan oo ku gaashaaman gawaadhida tiknikada ah oo ka soo hor jeeda Xukunka Garowe aaya la gacanta ku dhigay Qaybo ka mid ah magaalada laascaanood, full article
  9. AYOUB

    suugaanta diinta

    ADDUUN WA BIL AAKHIRA Ba`da gabay baashaa murtida billicda suugaanta Ma bilaabin waayahan tixii baydadka lahaaye Arartii billayd iyo mamarin midhii baaxada lahaaye Isbarbarinta iyo aamuskaan bidayay khayraade Annaan baahidii qabin hadii la igu booleeyay Iminkaan binaynayaa naxwii ugu balaadhnaaye Bal abshira caawoo kalaan bixitimaa luuqe Waa beryaaba kii tegey waxbay badh isku doorshaane Beddel waliba kii shalay inuu burriyo loo keenye Ayaamahan barooga ah markii loo bun tirin waayay Badhtamaa habeenkaa inbadan ladh igu beerraaye Hurdadaydii maan bogan ee waa bebbayay khayroowe Bureeqada sideedii tixdan oo baallalay timiye Hadaan baqasho oognayn naflaha uguma baaqeene Iyadoo bayaanaan hordhaca soo ban dhigayaaye Bal abshira caawoo kalaan bixitimaa luuqee Hadii waano lays baro wuxuun lagaga baydhaayo Boqolaal abwaanbaa hortay qoray bayaan dheere Barbarka jalleecaan daliil badani waa yaale Iyagaan billiifine cilmigu buuxi dhegihiiye Nin samaan biciidsadoo tolkii baacin kari waayay Halkuu beel rumaysiyo daryeel badan ka eegaayay Dacaayado u baahiyo naanays waa u bixiyaane Bassar rogan nin waanshaba layaab badani soogaadhye Biyuhuba taraagay makhluuq badan ku gaadhaane Baaqa iyo waanada inaan baahiyaa wacane Bal ab shira caawoo kalaan bixi timaa luuqee Biyo dhaca war kiisiyo hadaan ararta soo baacsho Marbuu beledka haystoo siyaad baawarna lahaaye Waakii bakool iyo xukumay booramiyo luuqe Markii uu bukaasaha dhigee xaqa ka boodbooday Barreba qaxoontuu ahaa boqol jirkiisiiye Waakii habeen qudha ka baxay barasan kiisiiye Badhaadhaha inaan laysugu wadayn baray tusaaliiye Bidhiq iyo isheed ka fudud nabsigu baalasha indhaaye Bal eeg inan rag bariisaba midbaa qaawan bawdyaha e Bulsho murugtay waa halis inay dib u baqooshaaye Nin xaqiiqda baalmaray inuu baadi yahay mooge Sidii bacad iyo hoosiis waqtigu ways bedelayaaye Baxnaanada allaa lagu sugaa bixiya liibaane Maantay ballan tu inoo eg tahay berrise waa qaybe Waar hooy baraarruga adduun waa bil aakhira e Inkastuu baliiq yahay nin ragi bayd xigmadi taalo Ama baawar leeyahay lamuun boqolle looddaayay Bulshadayda wawliid nimaan tooda buuxiniye Hanti nimaan ku baashirin aqoon kuma billiifaane Waa duni bassaastayoo wax garad badi ka jiiteene Waa duni la baal maray aqoon samma ku beegeede Waa duni la baasoo yiqiin burayo iimaane Waa duni la baaqdoo qaneec saabur baabburaye Waa duni la boob yahay anfaca lagana baydhayne Waa duni la biishado dalaal baadil taliyaaye Waa duni islaamkii bikhyoo kufrina baawar leeyahaye Waa duni badbadana lanacay sharkana laysu soo baxo e Waa duni nin beer nugul qofyahay dhibtana beelo loyhayae Waa duni la beertoo xumaa la isku baantaaye Waa duni billawiyo hunguri bah u midoobeene Waa duni bukaanoo raxmadi raacday bilicdiiye Waa duni xaquna banyaal sharkana baadi loo yahaye Waa duni bil aakhira sabaan bixiso iidaaye Wax kalaa bax naanale mar uun la iska baan taaye Dhaqan bururay waayaab wixii lagu bogsiinlaaye Burburkii sokeeyuhu wuxuu baray dadkii eedye Bakooliyo bu`aaliyo illa koon fur badhaheeda Baraawiyo bakaaraha illaa beesha xamartaala Balcad iyo bannaadiri illaa oosha beled wayne Beelaa mudug hakaa dhexe illaa shicibka boossaso Bari ceerigaabiyo illaa badhan dadkiiyiilay Buurta laaska boholaa xargagga amase buuhoodle Burcowayn sheekh iyo berbera beeratiyo saaxil Badhtamaa hargaysiyo awdal booramiyo saylac Meel bendera beeriyo dhildaaq ama bannaan hawda Bulsho nabad kuwadataal markay belo u caalwayday Maantana dhul boobaa sidii baahay duumada e Waa baadidii jemel oo ninkaan biqini faaleeye Idinkoo baloodh raba cadaab haw badheedhina e Waar hooy baraaruga adduun waa bil aakhira`e Baylah iyo xisaab maleh aduun baytimaal ihiye Baadida dibootana cidlaa bahal ku laayaaye Bulshadaan xaqsoorkiyo sharciga buuxin dhaqan keedu Ee baqsho diidiyo dariiq lagu badbaadaayo Sidii bini israa`iil hadii baarig laga waayo Marba boqor halaagiyo ciqaab wuu burburiyaaye Abwaankii burhaanlihi murtida beenku dari waaye Munkar lama basiidsado haduu baal lasoo kaco e Balaayadu dabiib maleh hadaan layska buuxsimine Hadday bilato waa halis inay barrar abuurtaaye Bartii ayku koobnayd inay baasto waa halise Baalsaar mafeejiga dadkaan loo ilbixinayne Badbaadiyo nasiib maleh wixii qalin ku beegmaaye Hadaynaan baraarrugin xumaan baahda baadhiciye Wixii nolosha baaqiya jiraa beri kasheekayne Tariikhda baadiyo xussuus buug leh bay noqone Waar hooy baraarruga aduun waa bil aakhira e Aduunyadan bidhiiqa ah ee laga baqoolaayo Bara lagu negaadiyo darbaa uqaba beertii raaxada e Baaqan mayso geeridu hadaan been la taabicine Naftii ay ka buuxdaba wedbaa loo bandhigayaaye Waa baro abaal yaal qabrigu niniyo booskiiye Luxuskaad ku baridiyo godkoon cidi kusoo booqan Waqti aan banaanayn qudhii booyda baw darane Berrise waxay la iill tegi allaha baaqiyaa garane Qofkaan daaqad boos le`eg janada uga banaanaanin Waxa ba`ay nin baynoow cadaab lagu bisleeyaaye Waar hooy baraarruga adduun waa bil aakhirae Bacadkiyo xisaabaadka dadkoo balag leh oo qaawan Oon beerna beer dayin dhibkuna baraq nugayl diiday Buugtaada khayrkiyo sharka markuu boqorku miisaamo Barbarkay u dheelido ee culays badani soo fuulo Baynoow waa nasiibkaa wixii kaaga soo baxa e Berrise waxay la iill tegi allaha baaqiyaa garane Qofkaan daaqad boos le`eg janada uga banaanaanin Waxa ba`ay nin baynoow cadaab lagu bisleeyaaye Waar hooy baraarruga adduun waa bil aakhira e! Adduun waa bil aakhira - Maxamed Cali Cartan "Haldeeq" -------------- Raali ka noqda inta yar ee siyaasada
  10. Dukow Is Geedi traveling on TFG donkey or what?
  11. Burma and Somalia have been jointly ranked by Transparency International as the world's most corrupt countries. The index is based on perceptions of public sector corruption in 180 countries and territories. There is strong correlation between poverty and corruption, said Huguette Labelle, chair of the watchdog. At the bottom of the table, ahead of Somalia and Burma, were Iraq, Haiti, Uzbekistan and Tonga. Denmark joined Finland and New Zealand at the head of the table, which was compiled by the Berlin-based watchdog. Forty per cent of the countries where corruption is perceived as rampant were classified by the World Bank as low income countries, Transparency International said. "Despite some gains, corruption remains an enormous drain on resources sorely needed for education, health and infrastructure," Ms Labelle said. TEN MOST CORRUPT STATES Somalia Burma Iraq Haiti Uzbekistan Tonga Sudan Chad Afghanistan Laos Last year, Haiti headed the rankings. full article
  12. Originally posted by Paragon: Wouldn't mind going there for the poetry side of it. Don't want to listen to habraha buurbuuran. Big disapointment - they should frankly retire all. Wouldn't put it that way but I generally agree with you. I hope the "wailers" won't dominate the show as usual. We've seen enough embarrassing jiggles on stages down the years. They can have their own day if they really must, but I hope this even will highlighted by the poets and other rarely seen artists like Xudaydi.
  13. Island nation Mauritius topped the index (86.2), followed by Seychelles (83.1), Botswana (73.0), Cape Verde (72.9) and South Africa (71.1). Ironic that Mauritius is not only an island but also mostly populated by people originally from India. Seychelles and Cape Verde are also islands naturally isolated from the troubled mainland. Botswana has been 'ok' for last few decades, but, according to some reports, the country's small population is being decimated by HIV/AIDS. It's somehow good to see South Africa up there but, the feeling is they're the 4th losers. Maybe it's just me seeing the glass as half empty... Here's another interesting list .. Can't beat quality of life in Scandinavia, says world ranking Thu Sep 20, 11:18 AM ET PARIS (AFP) - Nordic countries take the greatest care of their environment and their people, according to a ranking published on Thursday by the publication Reader's Digest. Finland comes top of the 141-nation list, followed by Iceland, Norway and Sweden, and then Austria, Switzerland, Ireland and Australia. At the bottom of the list is Ethiopia, preceded by Niger, Sierra Leone, Burkina Faso and Chad. The United States comes in 23rd, China 84th and India 104th. The ranking combines environmental factors, such as air and water quality, respect for biodiversity and greenhouse-gas emissions, as well as social factors, such as gross domestic product, access to education, unemployment rate and life expectancy. The statistical basis is the UN's Human Development Index and the Environmental Sustainability Index drawn up by Yale and Columbia universities and the World Economic Forum. European countries -- again, led by Scandinavia -- also top the Reader's Digest assessment of 72 cities for their quality of life. The criteria for this include public transport, parks, air quality, rubbish recycling and the price of electricity. The winner is Stockholm, followed by Oslo, Munich and Paris. Asia's mega-cities fare the worst. At the bottom is Beijing, preceded by Shanghai, Mumbai, Guangzhou and Bangkok. full list
  14. ^^ Time for the world to sponsor a "Somali Stooges Peace Conference". Karzai's Kabul would be the perfect setting. Just a thought...
  15. ^^ I hope he won't have an "accident" like Suldaan Hurre among others.
  16. The bottom five were Guinea-Bissau (42.7), Sudan (40.0), Chad (38.8), the Democratic Republic of Congo (38.6) and Somalia (28.1). 28.1 X 4.5 = 126.45 That's better.
  17. The bottom five were Guinea-Bissau (42.7), Sudan (40.0), Chad (38.8), the Democratic Republic of Congo (38.6) and Somalia (28.1). 28.1 X 4.5 = 126.45 That's better.
  18. Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar: Runtii adduunkii gaba gaba kusoo socoto haddee Soomaali masuulnimo sheeganaayo saan u hadlaayo. Alqaacida kulahaa. Wax dhib ah kumaba heyso Xabasho kasoo tilaabsanaayo xuduud beenaadka, oo wuxuuba kasii jeclaan lahaa in uu usoo qabto. Have to agree with you on thi. I don't care how immoral or scared even the people handed them over were, the way these 6 men have been treated is wrong and inexcusable. They haven't don't done anything wrong - and that's accordingly to the people who detained them. Not even charged with anything before being handed over to Ethios! For the SL official to support this action is absolutely deplorable. Seems some people are prepared to go to hell rather than oppose Meles.
  19. FAALO=Madaxweyne-Ku-Xigeenka PL iyo La Tashiga Gudiga Burburka SSC; Warkii 23-Sep-2007 iyo Qormadii: Cismaan Guddiga isku magacaaba Badbaadada SSC laakiin ku caan baxay burburinta iyo kala qaybinta beesha degta SSC ayaa la soo baxay dardar cusub iyagoo kaashanaya Madaxweyne-Ku-Xigeenka Puntland. Shir Teleconference ah oo ay guddigani qabatey 09/22/07 ayaa waxaa kasoo qayb galey Xasan Daahir Afqudhac, iyadoo laga wada hadley xaaladda ka aloosan agagaarka Laas-caanood. Haddaba Mr.Xasan ayaa si gaar ah ugu eedeeyey dhibaatadan beel gaar ah. Beeshan oo ka mid ah, beelaha asaaska u ah degmada Laas-caanod hadday tahay xag taariikheed iyo hadday tahay xag degaanba, ayuu Masuulku soo jeediyey in lagu jahaado lana baabi'iyo isagoo ku sheegey in ay xidhiidh la leeyihiin Somaliland, Muqdisho, Asmara iyo Jabuuti, ayna doonayaan in ay baabi'iyaan Puntland iyo dowladda federaalkaba. Su'aasha meeshataala waxay noqoneysaa horta Somaliland, Asmara, Jabuuti iyo Muqdisho isku siyaasad ma yihiin? Jawaabtu waa maya (BEENI RAAD MA LEH, BAROOTUNA ORGIGA KA WEYN). Masuulkan ayaa waxaa caado u noqotey in uu soo saaro go'aano ka dhan ah beeshaas markasta oo Madaxweynenimada Puntland uu ku sime ka noqdo. Waxaa kale oo caado u noqotey in uu kala saasaaro beelaha SSC isagoo waxii dhaqaale iyo maamul ahba gacanta u geliya jifadiisa oo keliya. Tan kale, guddiga uu la tashado ee isugu yeedha badbaadada, dadka SSCna ugu yeedhaan BURBURINTA ayaa waxey yihiin kuwa ah hadhaadigii Maxamed Siyaad Barre sida guddoomiyahooda Shagaxle Xaaji Nuur. Waxayna ku kala nool yihiin iyaga iyo caruurahoodiiba Virginia, St.Jose, Toronto, iyo Columbus. Waxayna ku caan baxeen in ay dabagalaan nin kasoo jeeda gobolo kale oo xukun haysta ama xukun doon ah, godobna geliyaan shacabka SSC oo marba qabiil madaxa u geliyaan. Dhacdadii ugu danbeysey ee Buuhoodle Etoobiyaanka loogu dhiibey ganacsata Soomaaliyeed ayaa noqotey mid Soomaali badani ka xanaaqdey, waxaana la xaqiijiyey in amarka lagu dhiibey uu Xasan Dahir Afqudhac ka dambeeyey howshii poliiskana uu faragelin ku sameeyey mustaqbalkana isaga lagala xisaabtami doono hadday tahay qoysaska raggani ka dhasheen iyo haddey tahay shacabka soomaaliyeedba. Dadweynaha reer Buuhoodle ayaan iyagu wax masuuliyad ah ku lahayn dhibaatdan, waayo waxay arkeen ciidamo Etoobiyaan ah oo magaaldii qabsadey. Waxan faaladan ku soo gebagebeynayaa: Booraan hadimo ha qodin, haddaad qoddana ha dheerayn, ku dhici doontaana ma ogide. Xaaaladdan colaadeed ee ay abaabulayaa Xasan Daahir Afqudhac iyo raggiisa ayaa noqon doonta mid saameyn xun ku yeelan doonta dadka degaanka oo ka badbaadey dagaaladii sokeeye ee Soomaliya aafeeyey. Waxan soo bandhigaya Cod saafi ah oo Shir Teleconference ahaa ee shalay hadii aaysan raaligalin ka bixin gudida burburinto iyo inaa afqudhac afeef Qoralkani afnugaal kama jurtumayo eewuxuu gaar u yahay Qoraga ku saxeexan adan yaasin Takar02@hotmail.com http://www.afnugaal.com/warka.php?num=3764
  20. Madaxweyne-Ku-xigeenka Puntland oo ku dhawaaqay in beel ka mid ah kuwa dega SSC lagu Jahaado Warkii 22-Sep-2007 iyo Qormadii: adan yasiin Shir Teleconference ah oo ay maanta yeelatey guddiga isku magacawdey Badbaadada SSC, ayaa go'aamiyey indagaal lagu qaado beel ka mid ah beelaha dega goboladaSSC. Arrintan naxdinta leh ayaa waxa soo jeediyey madaxweyne-ku-xigeenka Puntland Xasan Daahir Afqudhacoo ku eedeeyey Beeshaas in ay xidhiidh la leeyihiin Asmara, Soomaaliland Muqdisho iyo Jabuuti,oo doonayaana in ay Puntland iyo dowladda federaalkaba dumiyaan. waasid a u hadalka udhigaye, Haddaba, eedaymaha masuulka oo aan waxba ka jirin,ayaa waxaa la yaab leh in xubnaha guddigu isku magacaabay golah badbaadada SSC in aay arrintan uriyaaqeen iskuna raaceen. shirkiina u sacab iyo rayraayn ku dhamaado Go,aanka qabyada ah ee aan waxba ka jirin aaya shacabka SSC ku keeni kara cawaaqib xumo horleh iyo Xiisad Colaadeed oo cirka isku shareerta , takar02@hotmail.com adan yasiin http://www.afnugaal.com/warka.php?num=3759
  21. waa inaynu Reer Sool amaba Reer Buuhoodle ku amaannaa inay ku guulaysteen inay ka mid noqdeen raacyaddii ugu danbeeyey ee wadaninimadda cagta hoosteeda geliya, Oki then ...bravo to youu!
  22. isla markaana lagu soo oogayo dhowr dembi oo ay ka mid yihiin:- Ku-xadgudub Awood Xafiiseed, Maamul-xumo, Lunsasho Hanti Qaran, mushaar iyo gunno ay shaqaalaha .. Don't know about that, but the old man is definitely guilty of serious crime against fashion.
  23. Ciidamadda Ethiopia Oo Gudaha Usoo Galay Degmadda Buuhoodle Ilaa Haatana Ku Sugan Lana Wareegay Maamulka Saldhigii Booliska Somaliland.Org — London, UK — 21 September, 2007 London (Somaliland.Org) Afar baabuur oo nooca loo yaqaan Landover ah oo ay saaran yihiin rag dhalinyaro ah ayaa habeenimadii xaley waxaa lagu qabtey degmada Buuhoodle ee Togdheer. Gawaadhidan oo aan la aqoon halka ay si rasmi ah uga yimaadeen ayaa waxaa lagu qabtey laba ka mid ah gudaha magaalada Buuhoodle halka labada kalena laga soo qabtey banaanka magaalada, waxaana gacanta ku haya ciidamada Booliiska ee degmada. Warar ka imanaya degaanka Buuhoodle aya waxay sheegayan in ciidamadda Ethiopia ay soo dalbadeen in gacanta loosoo geliyo afartaas baabuur iyo raga la socdaba. Hase yeeshe in ciidamadda Ethiopia markii danbe ay gudaha usoo galeen degmadda Buuhoodle, halkaasna raggii ka kaxaysteen. Wararku waxay intaas ku darayaan in ciidamadda Ethiopia ilaa haatan ay ku sugan yihiin gudaha magaaladda Buuhoodle. Degmadda Buuhoodle ayaa waxay hoos timaadaa gobolka Togdheeer. Ilaa haatan ma jiro war cad oo xukuumadda Somaliland kazoo saartay arrintan. War waxii kazoo kordha arrintaasay gudaha usoo galeen tuuladda Buuhoodle iyaga oo dalbanaya in nimankaas iyo gawaadhidodaba gacanta loo geliyo. © Somaliliand News Desk 2007 ........... First read it at waagacusub but thought nothing of it since no-one else was reporting it. Might turn out to be Daahir & co scoop of the year.... -------------- CADDE MUUSE:: ((HADII AYDAAN REER BUUHOODLOOW NIMANKAAS & WAXAY WATAANBA KU WAREEJIN ITOOBIYAANKA IDINLA JOOGA WAXAA DHACAYSA IN IDINKA LA IDIN WEERARO OO BUUHOODLE GUBTO)) http://jidbaale.com/fullpage