Carfaat
Layskuma hayo in afrikaan iyo amxaaro maamulaan koonfurta, xoogna ku joogaan markaan dhexdeenii is dilnay oo daciifnay.
Gaalo kale oo walaalahood ah yaa koofiyad cagaaran u xidhay nimankaasu waa sharciyaysan yihiin.
Meesha kaliya oo aan islahaa waa lagu faani karaa waxay ahayd waqooyiga oo aan askari ajnabi ah joogin marnabana aan lagu arag.
Laakiin snm waxay noqotay ninkii boqolka soomay oo bakhtiga ku afuray
Baqdinta aan iminka qabaa waxay tahay in la arkay meesha aad ka jilicsan tahay oo ah "tol" la'aanta.
Taasina waxay keenaysaa in amxaar kuul leh lagula walaaleeyo, dadkaagii soomaaliyeedna cadaw kuu noqdaan.
Ugu dambayn
Adeer hashaasu waa jabtay, waliba si sahlan geelu haduu jabo ma kabmo waa la qashaa,
Hashaas jabtay cuna oo karsada intuu amxaar ceeriin ku cuni lahaa.
Afeef
Hadaad luuqadayda garan waydo raali ahaw, jiilkii hore yaan kasoo jeedaa.
Ogowna aduunka waxaan ugu necbahay caadifadda ka sakow, inaan arko soomaali, soomaali kale maydkiisa kor taagan xataa haduu shbaab yahay.