Leaderboard


Popular Content

Showing content with the highest reputation on 12/03/2023 in all areas

  1. 2 points
    Carfaat Layskuma hayo in afrikaan iyo amxaaro maamulaan koonfurta, xoogna ku joogaan markaan dhexdeenii is dilnay oo daciifnay. Gaalo kale oo walaalahood ah yaa koofiyad cagaaran u xidhay nimankaasu waa sharciyaysan yihiin. Meesha kaliya oo aan islahaa waa lagu faani karaa waxay ahayd waqooyiga oo aan askari ajnabi ah joogin marnabana aan lagu arag. Laakiin snm waxay noqotay ninkii boqolka soomay oo bakhtiga ku afuray Baqdinta aan iminka qabaa waxay tahay in la arkay meesha aad ka jilicsan tahay oo ah "tol" la'aanta. Taasina waxay keenaysaa in amxaar kuul leh lagula walaaleeyo, dadkaagii soomaaliyeedna cadaw kuu noqdaan. Ugu dambayn Adeer hashaasu waa jabtay, waliba si sahlan geelu haduu jabo ma kabmo waa la qashaa, Hashaas jabtay cuna oo karsada intuu amxaar ceeriin ku cuni lahaa. Afeef Hadaad luuqadayda garan waydo raali ahaw, jiilkii hore yaan kasoo jeedaa. Ogowna aduunka waxaan ugu necbahay caadifadda ka sakow, inaan arko soomaali, soomaali kale maydkiisa kor taagan xataa haduu shbaab yahay.
  2. 1 point
    Ka daroo dooli dhal. Ma baadariyaa kuwaan? Acuudi bilaahi mina shaydaani rahiim.
  • Newsletter

    Want to keep up to date with all our latest news and information?

    Sign Up